Saraakiil sar sare oo ka tirsan Qaramada Midoobay, oo uu
horkacayo xog-hayaha guud Antonio Guterres ayaa gaaray bariga Liibiya, si ay
ula kulmaan Janaraalka ay ka amar qaataan ciidamada fallaagada ah ee weerarka
ku ah caasimadda Tripoli.
Gutteres ayaa isagoo ku sugan Tripoli shaaciyay inuu si fool-ka-fool ah ula kulmi
doono Janaraal Khaliifa Haftar, oo saacado ka hor ciidamadiisa amar buuxa ku
siiyay inay la wareegaan Tripoli, halkaasoo saldhig u ah dowladda ay beesha
caalamku taageerto.
"Waxaan ka duulayaa Tripoli waxaana tagayaa magaalooyinka Tobruk iyo Benghazi. ujeeddadeydu wali waa hal mid oo ah dagaal halaga fogaado. Tallaabo milatari xal uma aha xasaradda Liibiya, waxay
u baahan tahay xal siyaasadeed oo kaliya", ayuu yidhi xog-hayaha guud ee
Qaramada Midoobay, oo qoraal soo dhigay bartiisa twitter-ka.
Wararka ayaa sheegaya in Antonio Guterres uu la kulmay Janaraal Haftar, hase ahaatee aysan natiijo fiican kasoo bixin shirkooda.
Khaliifa Haftar ayaa ku adkeystay in ciidamadiisu ay la wareegi doonaan Tripoli, isaguna uu halkaas tagi doono.
General Haftar ayaa maamula qeybo ka mid ah dalka Liibiya, isagoo horay ugu dhawaaqay inuu madax u yahay ciidamada milatariga ee qaranka.
Liibiya ayaa qalalaase ku jirtay tan iyo sannadkii 2011-kii,
markaasoo la dilay hoggaamiyihii 42-ka sano maamulayay dalkaas, Mucamar Al-Qadaafi.
Macluumaadkan waxaa daabacay X. Waxaan dalbanayenaa fasaxaaga ka hor inta aan la furin, waxaa laga yaabaa inay isticmaalayaan cookies iyo farsamooyin kale. hadii aad u bahato akhri X xeerarka cokie iyo kan ku saabsan xogta gaarka ah ka hor inta aadan aqbalin. si aad u aragto xogta guji ‘aqbal oo soco’.
Digniin: BBC macluumaadka ku qoran bog kale masuul kama ahan
Dhammaadka X boggan
Boeing oo khaladkeeda qiratay ka dib diyaaraddiii burburtay ee Itoobiya
Dennis Muilenburg oo ah Madaxa shirkadda
diyaaradaha samaysa ee Boeing ayaa qiray in qaab ka mid ah hannaanka ay diyaaraddu u shaqayso ay gacan
ka gaysatay labadii diyaaradood ee burburay
shantii bilood ee la soo dhaafay, diyaaradahaas ayuu noocoodu ahaa 737 Max.
Balse wuxuu sheegay in diyaaradda
737 Max ay ka mid noqon doonto diyaaradaha ugu ammaan badan marka ay dib u
hawlgasho ee la cilad bixiyo habka ay ku shaqayso, dib u eegisna lagu sameeyo
hagaha duuliyeyaasha.
Wasiirka gaadiidka ee
Itoobiya ayaa sheegtay in hanaanka diyaaradda ee 737 Max uu horseeday in ay af
af u hoobato, shaqaalaha oo raacaya nidaamka xaaladda degdegga ah ee diyaaraddana
ay xakamayn waayeen, waxay sidaas ka sheegtay shir jaraa’id oo ay qabatay ka
dib markii ay soo baxday warbixintii hordhaca ahayd ee baaritaankii lagu hayay
burburka diyaaradda.
Duulaamaadka ET302 ayaa burburtay waxyar ka dib markii ay ka
duushay magaalada Addis Ababa, waxaana ku dhintay 157 ruux ee saarnaa.
Bishii Oktoobar ee
sannadkii horana diyaarad ay lahayd shirkadda Lion Air oo duulimaad lambarkeedu
ahaa JT 610 ayaa ku burburtay bad u dhaw Indonesia, waxaana ku dhintay dhammaan
189 ruux ee saarnaa.
Xigashada Sawirka, .
Nigeria oo diidday in ay xirayso 80 xarumo dublamaasiyadeed
Xigashada Sawirka, Getty Images
Wasaaradda arrimaha dibadda ee dalka Nigeria ayaa diiday wararka
sheegaya in ay xirmayaan 80 xarumo dublamaasiyadeed oo dunida ugu kala yaala.
Afhayeen u hadlay waasaradda ayaa BBC-da u sheegay in miisaaniyad yarida la
sheegay aysan waxba ka jirin.
Mar sii horraysayna, Seneterrada Nigeria ayaa dhaleecayn wayn
soo jeediyay iyaga oo sheegay in aan la maalgalin xarumaha dublamaasiyadda ee
dalku ku leeyahay dalalka caalamka.
Guddiga xildhibaannada u qaabilsan arrimaha dibadda ayaa sheegay
in wax laga xumaado ay tahay xaaladda ay ku sugan yihiin inta badan safaaradaha
dalka Nigeria, qaarkoodna aysan awoodin in ay xataa iska bixiyaan korontada iyo biyaha ay isticmaalaan.
Waxay sheegeen in ay cabashooyin soo gaarsiiyeen shaqaaalaha
safaaradaha, kuwaas oo sheegay in aysan xataa awoodin in ay carruurtooda ka bixiyaan lacagta
iskuulka.
Cameroon oo 2 iyo 1 kaga badisay Croatia
Dumarka Cameroon ayaa sii wada isu diyaarinta Koobka Adduunka ee
sannadkan qaybihiisa dambe la qaban doono.
Guushan ay Cameron ka gaartay ayaa ah tartan diyaargaraw ah oo afar dal ay
ka qayb galayaan, kaas oo lagu qabtay dalka Shiinaha.
Labada gool ee ay guushu ku raacday waxaa u kala dhaliyay
Madeleine Ngono Mani iyo Henriette Akaba.
Caameroon ayaa ciyaarta kama dambaysta ee tartankan diyaargarawga
ah la dheeli doonta Shiinaha oo 4 iyo 1 kaga soo badiyay Ruushka.
Tartan Orod ah oo Muqdisho ka dhacay
Boqollaal ruux oo reer Muqdisho ah ayaa maanta ku Orday
caasimadda iyaga oo ka qaybqaadanaya tartan orad ah.
Waa markii labaad ee Muqdisho lagu qabto tartanka maaratoonka ee
aan masaafadiisu dheerayn.
Qaar ka mid ah dadka Soomaalida ah ayaa baraha bulshada soo
dhigay sawirrada tartanka.
Macluumaadkan waxaa daabacay X. Waxaan dalbanayenaa fasaxaaga ka hor inta aan la furin, waxaa laga yaabaa inay isticmaalayaan cookies iyo farsamooyin kale. hadii aad u bahato akhri X xeerarka cokie iyo kan ku saabsan xogta gaarka ah ka hor inta aadan aqbalin. si aad u aragto xogta guji ‘aqbal oo soco’.
Digniin: BBC macluumaadka ku qoran bog kale masuul kama ahan
Macluumaadkan waxaa daabacay X. Waxaan dalbanayenaa fasaxaaga ka hor inta aan la furin, waxaa laga yaabaa inay isticmaalayaan cookies iyo farsamooyin kale. hadii aad u bahato akhri X xeerarka cokie iyo kan ku saabsan xogta gaarka ah ka hor inta aadan aqbalin. si aad u aragto xogta guji ‘aqbal oo soco’.
Digniin: BBC macluumaadka ku qoran bog kale masuul kama ahan
Macluumaadkan waxaa daabacay X. Waxaan dalbanayenaa fasaxaaga ka hor inta aan la furin, waxaa laga yaabaa inay isticmaalayaan cookies iyo farsamooyin kale. hadii aad u bahato akhri X xeerarka cokie iyo kan ku saabsan xogta gaarka ah ka hor inta aadan aqbalin. si aad u aragto xogta guji ‘aqbal oo soco’.
Digniin: BBC macluumaadka ku qoran bog kale masuul kama ahan
Dhammaadka X boggan, 3
Waa kuma Jeneraal Khalifa-ha adduunka oo dhan ka qaylisiiyay
Xigashada Sawirka, AFP
Qoraalka sawirka, Jeneraal Khalifa ayaa ciidammadiisa ku amray in ay Tripoli aadaan
Hoggaamiyaha
ciidammada ku sugan bariga Liibiya ayaa amray in ay qaabilaan dhanka magaalada caasimadda
ah ee Tripoli, halkaas oo fariisin u ah dawladda caalamku aqoonsan yahay.
Amarka uu Khalifa
Haftar siiyay ciidammada isugu yeera Milatariga Qaranka Liibiya ayaa imaanaysa
iyadoo Tripoli uu booqasho ku joogo Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Antonio
Guterres.
Kooxo dawladda
taageersan oo ku sugan magaalada Misrata ee galbeedka Liibiya ayaa wacad ku
maray in ay hor istaagi doonaan in ciidammada Haftar ay aadaan dhanka caasimadda.
Liibiya ayay colaado
ku habsadeen tan iyo markii xilka laga tuuray ee la dilay Mucamar Qaddaafi
sannadkii 2011.
Sidee looga falceliyay arrintan?
Xoghayaha guud ee
Qaramada Midoobay Antonio Guterres, Maraykanka iyo dalalka Yurub ayaa ku baaqay
in xaaladda la dajiyo.
Guterres oo
saxafiyiinta kula hadlay Tripoli ayaa sheegay “in uu dirayo baaq adag, si looga
baaqsado in xaaladdu ay cirka isku sii shareerto”.
Golaha Ammaanka ee
Qaramada Midoobay ayaa kulmaya Jimcaha si ay uga arrinsadaan
xaaladdan soo koradhay, waxaana kulankan codsatay Britain, sida ay wararku
sheegayaan.
Maraykanka, Britain,
Talyaaniga iyo isutagga Imaaraadka Carabta ayaa sidoo kale wada jir u soo
saaray war ay ku dalbanayaan in xaaladda la dajiyo.
“Waxaan si wayn u
rumaysannahay in tallaabo milatari aysan wax xal ah u keenayn colaadda Liibiya”
ayaa lagu yiri war qoraal ah oo ka soo baxay wasaaradda arrimaha dibadda ee
Maraykanka.
Qarammada Midoobay
ayaa qorshaynaysa in ay wadahadal ku qabato Liibiya qaybaha dambe ee bishan, si
la isugu dayo soo afjaridda colaadda dabada dheeraatay.
Maxaa dalka gudahiisa ka socda?
Ka dib markii
janaraalka Haftar uu amarka bixiyay, ciidammadiisa ayaa dhawr jiho ka soo
dhaqaaqay iyaga oo ku sii jeeda caasimadda, sida uu sheegay mid ka mid ah
afhayeennadiisa.
Waxaa jira warar is
khilaafsan oo sheegaya in ciidammada Haftar ay galeen magaalada Gharyan oo 100
dhanka Koonfureed ka xigta Tripoli.
Xigashada Sawirka, AFP
Qoraalka sawirka, Ciidammada Khalifa ayaa isku soo sawiray magalada Sebha
Ciidammada LNA ayaa sheegay in ay gacanta ku dhigeen magaalada Gharyan ayna sii socdaan.
Si kastaba ha ahaatee waxay sheegeen in labo ka mid ah ciidammadooda ay kaga dhaawacmeen deegaan aan magaalada ka fogayn.
Masuuliyiinta magaalada Gharyan ayaa wakaaladda wararka ee AFP u sheegay “in ay socdaan dadaallo lagu doonayo in lagaga baaqsado in kooxaha iska soo horjeeda ee magaalada ku wada sugan uu dagaal dhexmaro.
Dawladda ay Qaramada Midoobay taageerto ee fadhigeedu yahay Tripoli ayaa sheegtay in ay heegan sare galisay ciidammadeeda.
Dhanka kalana dadka dagan magaalada Misrata ayaa sheegay in kooxo hubaysan ay qaabileen dhanka caasimadda Liibiya, sida ay ku warrantay wakaaladda wararka ee Reuters.
Macluumaadkan waxaa daabacay X. Waxaan dalbanayenaa fasaxaaga ka hor inta aan la furin, waxaa laga yaabaa inay isticmaalayaan cookies iyo farsamooyin kale. hadii aad u bahato akhri X xeerarka cokie iyo kan ku saabsan xogta gaarka ah ka hor inta aadan aqbalin. si aad u aragto xogta guji ‘aqbal oo soco’.
Digniin: BBC macluumaadka ku qoran bog kale masuul kama ahan
Dhammaadka X boggan
Duulaanka ayaa billawday ka dib markii ciidammo taabacsan Khalifa ay qabsadeen qaybo ka mid ah koonfurta dalka horraantii sannadkan.
Waa kuma Jeneraal Khalifa
Ninkan xilkan ka soo qabtay ciidammada qalabka sida ayaa Qaddaafi gacan ka siiyay in uu awoodda la wareego 1969, ka dib ayayse is maandhaafeen qurba joog ayuuna ku noqday Maraykanka.
Sannadkii 2011 ayuu soo laabtay ka dib markii Liibiya ay ka billawdeen kacdoonkii lagu diidanaa Qaddaafi, wuxuuna noqday taliye jabhadeed.
Jeneraal Khalifa ayaa bishii Dimeembar la kulmay oo ay shir ka wada qayb galeen Ra’iisulwasaare Fayez al-Serraj oo ka socda dawladda ay Qaramada Midoobay aqoonsan tahay ee Liibiya, balse markii dambe ayuu diiday in ay wadahadal rasmi ah yeeshaan.
Jeneraal Khalifa ayaa taageero ka helay Masar iyo Imaaraadka.
Gabadh furitaan ku helaysa 35 bilyan oo doolar
Xigashada Sawirka, Reuters
Ninka dunida ugu taajirsan Jeff Bezos iyo xaaskiisa MacKenzie
ayaa ku heshiiyay in ay is furaan gabadhana la siiyo ugu yaraan 35 bilyan oo
doolar.
MacKenzie ayaa saami 4% ah ku sii
lahaan doonta shirkadda wayn ee dhanka online-ka ee Amazon, taas oo ninkeedu uu
aas aasay shan iyo labaatan sano ka hor.
Waxayse faraha ka
qaadi doontaa oo aysan saami ku yeelan doonin shirkadda Blue Origin iyo
wargeyska Washington Post oo ninkeedu leeyahay.
Dhaqaalaha ku baxaya
heshiiskan furitaanka ayaa ka saremaraya midkii ugu badnaa abid oo ahaa
$3.8 bilyan oo uu bixiyay Alec Wildenstein oo farshaxanka ka shaqaysta wuxuuna
siiyay xaaskiisii hore Jocelyn.
MacKenzie ayaa arrintan
ku shaacisay barteeda bulshada oo ay adeegsatay markii u horraysay iyadoo ku
soo biirtay bishan horraanteedii.
Waxay sheegtay "in ay
ku faraxsan tahay in ay dhamaystirantay qorshihii furitaankeeda arrintaasna ay iska kaashadeen iyada iyo Jeff ”.
Heshiiskan
furitaanka ka hor Bezos ayaa shirkadda Amazon ku lahaa saami dhan 16.3%. Wuxuuna
hadda sii lahaan doonaa 75% sheerkii uu
horay u lahaa, ka dib markii MacKenzie ay iyady sidaas raali ku noqotay.
Lamaanahan oo afar
carruur ah isu dhalay ayaa isla noolaa tan iyo intii ka horaysay markii
ninkeedu uu dhidibada u aasay shirkadda Amazon 1994-tii, taas oo lamaanaha u
horseeday in ay yeeshaan 131 bilyan oo doolar, sida ay ku warrantay jariidadda
dadka ladan ka faaloota ee Forbes.
Isu soo noqosho wanaagsan, kuna soo dhawaada tabinta tooska ah een ku samaynno wararka Soomaalida iyo kuwa caalamka.
Waa maalin Jimce ah oo ay taariikhdu tahay 05 bisha Abriil sannadka 2019.
Qarax gaari loo adeegsaday oo ka dhacay Muqdisho
Qarax gaari loo adeegsaday ayaa caawa fiidkii lagu
bartilmaameedsaday dugsiga tababarka booliska ee Janaraal kaahiye ee magaalada Muqdisho.
Wararka ayaa sheegaya in khasaare isugu jira dhimasho iyo
dhaawac uu ka dhashay qaraxaas oo dhacay abaare 7:00pm fiidnimo.
Qaraxan ayaa kusoo aaday 24 saacadood ka dib markii taliska
booliska Soomaaliya ay sheegeen in uu jiro gaari walxaha qarxa laga soo
buuxiyay oo ku dhex maqan magaalada Muqdisho.
Booliska ayaa shacabka ka codsaday inay feejignaadaan islamarkaana
la shaqeeyaan laamaha amaanka.
Xigashada Sawirka, .
Qoraalka sawirka, Qaraxan ayaa yimid 24 saacadood ka dib markii ay booliska digniin soo saareen
Nin Soomaali ah oo noqday guddoomiyaha bangiga dhexe ee Soomaaliya
Xigashada Sawirka, RADIO MUQDISHO
Qoraalka sawirka, Bangiga dhexe ee Soomaaliya ayaa yeeshay guddoomiye cusub
Golaha Wasiirada ee xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa
maanta Ansixiyay xulashada Guddoomiyaha Cusub ee Bangiga Dhexe ee Soomaaliya oo
loo magacaabay Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullaahi.
Guddoomiyaha cusub ayaa markii xilka loo magacaabayay ka
guuleystay ilaa 140 ruux oo jagadaas u taagneyd.
Bishii Janaayo ayay ahayd markii golaha baarlamaanka ay
ansixiyeen wax ka badelka qodob ku jiray xeerka Bangiga Dhexe , kaas oo
sheegayay in qof aan Soomaali ahayn loo magacaabi karin xilka guddoomiyaha
bangiga.
158 xildhibaan ayaa u codeysay wax ka badelka, halka 17
xildhibaan ay diideen.
Waxaa jiray buuq xooggan kadib markii ay soo baxeen warar
sheegaya in nin ajnabi ah oo caddaan ah lagu wado in loo magacaabo guddoomiyaha
bangiga dhexe.
Hase yeeshee saraakiil ka tirsan xafiiska Ra’isulwasaaraha
iyo Madaxweynaha ayaa noo sheegay in ujeedka uu yahay in la helo xeeldheerayaal
ka shaqeeya bangiga oo ay sheegeen in qodobada ku jira sharciga uu dabar ku
yahay.
Somaliland: Ganacsade Axmed Geelle waxaa raadinaya Booliska Aduunka
Dhawaan waxaa Soomaaliland ka socday ismariwaa xoogan oo ka
dhaxeeyay odayaal dhaqameed difaacayay ganacsade Axmed Geelle iyo
xukuumadda Soomaaliland, arrinkaas oo la xariira eedaymo lacago
dayn ah oo dhexmaray bangi Faransiis ah oo laan ku leh Jabuuti iyo
ganacsade Axmed Geelle.
Xukumadda Somaliland ayaa markii u horeysay shaacisay in
ganacsade Axmed Geelle ay raadinayaan Booliska aduunku, oo Soomaaliland aysan ahay meel lagula soo dhuunto lacagaha laga soo dhaco aduunka.
"Waxaa jirtay dayn lacageed oo shirkadda GSK ee uu
madaxda ka yahay ganacsade Axmed Geelle ay ka qaadatay bangiga
faransiisku u leeyahay lacag gaadhaysa 20 milyan, isaga oo ah muwaadin
Jabuutiyaan ah, lacagtan ayuu u qaatay in uu ku maalgashado dhismihii shirkadda Coca Cola ee magaalada Hargeysa, lacagtan ayaa ahayd
mid uu Axmed ku qaatay in uu si hafto ah isaga bixiyo taasina maysan dhicin, mudo
yar ka dib waxaa bilaabmay safarro ay Hargeysa ku yimaadeen wafti ka socday
bangiga Faransiiska iyo safriirka Faransiiska ee dalka Kenya, dhamaan waxay
wadeen dacwada la xariirta deynta ka maqan, ilaa markii danbe dacwadan la soo
marsiiyay wasaaradda arimaha dibadda Somaliland, waxaa loo xil saaray mas’uuliyiin
si dacwadan loogu qaado Somaliland, halka uu bangigan qabsaday looyar
Somaliland ah", sidaas waxaa warbaahinta u sheegay Af-hayeenka Soomaaliland Maxamuud Warsame Jaamac.
Dhanka kale wuxuu sheegay in ganacsadahan uu qirtay deynta lagu sheeganayo uuna ogyahay in booliska adduunku ay raadinayaan.
Afhayeenka ayaa sidoo kale ganacsade Axmed Geelle ku eedeeyay in uu isku dayay sidii uu khalkhal u galin lahaa amniga Soomaaliland isagoo hab beeleed u rogaya arrinta.
Dowladda Soomaaliya oo billowday adeeg casri ah
Qoraalka sawirka, Waa markii ugu horreysay ee adeeggan laga hirgaliyo Soomaaliya
Dawladda
Soomaaliya ayaa maanta soo bandhigtay hab cusub oo casri ah oo ay isku diiwaan
galin karaan ganacsatada doonaysa inay furtaan shirkadaha iyo meharado ganacsi, kaasoo looga guurayo habkii hore ee duuga ahaa.
Habkan cusub
oo ah qaab Online ah ayaa looga guurayaa hannaankii hore ee tobanaanka sano
lagu soo dhaqmayay ee ahaa in qofka doonaya inuu diiwaan gashi ku sameeyo
ganacsigiisa uu maro xafiisyo dhawr ah, arrintaasoo uu waqti badana uga limi jiray.
Wasiirka
Ganacsiga iyo Warshadaha ee Soomaaliya Maxamad Cabdi Xayir Maareeye oo daaha ka rogay habkan
cusub ayaa weriyaha BBC-da ee Muqdisho Ibraahim Maxamad Aadan uga waramay sida
hannaanka diiwan galinta cusub uu u shaqaynayo.
“Habkan waa
hab casri ah oo qof kasta oo ganacsade ah adduunka meel kasta oo uu ka joogo ,
Soomaali ha ahaado ama haddii uu yahay maalgashade ajnabi ah in uu ku
diiwaangashan karo ganacsigiisa wax ka yar saddex daqiiiqo”
Habkan cusub
ayaa waxa uu sidoo kale suurtogalinaya in uu qofka ogaado in magaca shirkadiisa
horey loo diiwaangashaday iyo in kale.
Balse lama
sheegin xalka loo hayo qofka magaca ganacsigiisa isticmaalayay muddo dheer, ee
aan diiwaangalin, kana warqabin habkan, balse qof cusub isla magacii uu doonayo
in uu diiwaangashado.
Qoraalka sawirka, Adeeggan ayaa sahlaya in uu qofku ganacsigiisa ku diiwaan galiyo muddo kooban
Gabadh Soomaali ah oo buugaag u qorta carruurta qurbaha ku kora
Maryan Cismaan Maxamed waa gabadh dhallinyaro ah oo macalimad ka ah iskuullada Minnesota, Maryan waxay dhawaan qortay buug carruureed ay ugu magac dartay Talada Dahabiga ah ee Ayeeyada.
Hoos ka daawo waxa ku dhaliyay arrintan.
Hoggaamiyeyaasha bulshada Muslimiinta ah ee dalka Maraykanka ayaa ku kulmay xarunta Congress-ka
Magaalada Washington ee xarunta Maraykanka waxa lagu soo gabogabeeyey shir sannadle ah oo markii shanaad ay hoggaamiyeyaasha bulshada Muslimiinta ahi ku kulmaan aqalka Capitol Hill ee xarunta u ah Congress-ka.
Shirkan maalinta la qabto ayaa loogu bixiyey maalinta u doodidda iyo difaaca xuquuqda Muslimiinta.
Waxa dadkii ka qayb galay ka mid ahaa Imaamka masaajidka Daarul Faaruuq ee Minnesota, Maxamed Cumar oo ku magac dheer Maxamed Carab oo u warramay weriye Siyaad Siciid Saalax, waa kan isagoo marka hore ka jawaabay qodobadii shirka lagu faaqiday.
Diyaaraddaha Boeing 737 Max 8 waa in hawl ka fariisinta ku sii jiraan
Ka dib markii warbixin hordhaca ah laga soo saaray diyaaraddii burburtay ee ay lahayd shirkadda Ethiopian Airlines, dawlladda Itoobiya ayaa gaartay labo go’aan.
Arrinta koobaad waa in dib u eegis lagu sameeyo waaxda maamusha
duulimaadyada.
Arrinta labaadna waa in aan diyaaradaha noocoodu yahay Boeing 737
Max 8 loo ogolaan hawada “tan iyo inta si rasmi ah wax looga qabanayo, qalabka
lagu xakameeyo diyaaradda”.
Shirkadda diyaaraha Itoobiya oo ku faraxsan sida shaqaalaheedu u dhaqmeen
Shirkadda oo ka fal celinaysa
warbixinta hordhaca ah ee laga soo saaray diyaaraddii burburtay bishii hore
ayaa sheegtay in duuliyeyaasha diyaaraddu ay mareen dhammaan hannaankii loogu
talagalay marka ay xaalad degdeg ah dhacdo, ayna arrintaas sameeyeen "iyaga
oo xaalad adag ku jira".
Warbixinta ayaa sheegtay in duuliyeyaashu ay raaceen nidaamkii
ay dajisay shirkadda samaysay diyaaradda, balse ay duuliyeyaashu xakamayn
waayeen diyaaradda oo dhacday lix daqiiqo ka dib markii ay kacday.
War qoraal ah oo shirkadda Ethiopian
Airlines ka soo baxay ayaa lagu sheegay “in ay nasiib xumo tahay” in
duuliyeyaasha ay xakamayn waayeen diyaaradda oo sii hoobanaysa.”
Macluumaadkan waxaa daabacay X. Waxaan dalbanayenaa fasaxaaga ka hor inta aan la furin, waxaa laga yaabaa inay isticmaalayaan cookies iyo farsamooyin kale. hadii aad u bahato akhri X xeerarka cokie iyo kan ku saabsan xogta gaarka ah ka hor inta aadan aqbalin. si aad u aragto xogta guji ‘aqbal oo soco’.
Digniin: BBC macluumaadka ku qoran bog kale masuul kama ahan
Dhammaadka X boggan
Dab horseeday in la xiro qayb ka mid ah garoonka diyaaradaha Nairobi
Macluumaadkan waxaa daabacay X. Waxaan dalbanayenaa fasaxaaga ka hor inta aan la furin, waxaa laga yaabaa inay isticmaalayaan cookies iyo farsamooyin kale. hadii aad u bahato akhri X xeerarka cokie iyo kan ku saabsan xogta gaarka ah ka hor inta aadan aqbalin. si aad u aragto xogta guji ‘aqbal oo soco’.
Digniin: BBC macluumaadka ku qoran bog kale masuul kama ahan
Dhammaadka X boggan, 1
Qayb ka mid ah garoonka diyaaradaha ee ugu wayn magaalada Nairobi ayaa albaabada loo laabay ka dib markii uu dab ka kacay habeenkii Arbacada.
Hay’adda maamusha garoomada diyaaradaha ee Kenya ee magaceeda loo soo gaabiyo KAA ayaa sheegtay in dabka ka kacay qaybta Terminal 1C ee madaarka Jomo Kenyatta International Airport uu ka billawday meesha ay boorsooyinku ku wareegaan. Arrintaasna ay horseedday in la xiro labo goobood oo adeegsiinayay dadka duulaya.
Hay’addaasi waxay sheegtay in ay caafimaad qabaan dhammaan rakaabkii iyo shaqaalihii ka dib markii la daad gureeyay, waxayna intaas ku dartay in dabkii la xakameeyay.
Macluumaadkan waxaa daabacay X. Waxaan dalbanayenaa fasaxaaga ka hor inta aan la furin, waxaa laga yaabaa inay isticmaalayaan cookies iyo farsamooyin kale. hadii aad u bahato akhri X xeerarka cokie iyo kan ku saabsan xogta gaarka ah ka hor inta aadan aqbalin. si aad u aragto xogta guji ‘aqbal oo soco’.
Digniin: BBC macluumaadka ku qoran bog kale masuul kama ahan
Dhammaadka X boggan, 2
War deg deg ah, Shaqaaluhu diyaaradda way xakamayn waayeen
Wasiirka
gaadiidka ee dalka Itoobiya Dagmawit Moges ayaa bixisay macluumaadkan hoos ku
xusan, iyada oo ka hadlaysa diyaaraddii Itoobiya ee burburtay bishii hore.
Diyaaraddu
shahaaddo sharci ah ayay u haysatay in ay hawada gasho
Shaqaaluhu
ruqsad sax ah ayay haysteen si ay duulimaadka u u hirgaliyaan.
Kicitaanku
wuxuu u muuqday in uu si caadi ah u qabsoomay
Shaqaaluhu
waxay qaadeen nidaamkii ay dajisay shirkadda diyaaradda samaysay marka ay
timaaddo xaalad degdeg ah, balse way xakamayn waayeen.
Hoos ka daawo warsaxaafadeedka
Warsaxaafadeedka diyaaraddii burburtay ee Itoobiya
Wasiirka gaadiidka ee
dalka Itoobiya Dagmawit Moges ayaa magaalada Addis ababa ku qabatay shir jaraa’id
oo ay uga hadlayso warbixinta hordhacaha ah ee ka soo baxday baaritaankii lagu
hayay diyaaraddii burburtay ee Itoobiya .
Ilaa iyo haddana waxay sheegtay in xaaladda diyaaraddu ay wanaagsanayd marka ay duulaysay.
Xogta diyaaraddii ku burburtay Itoobiya oo la baahinayo
Saxafiyiinta ayaa isugu tagay
magaalada Addis Ababa ee xarunta u ah dawladda Itoobiya iyaga oo ka warsugaya
shaacinta warbixinta hordhaca ah ee diyaaraddii burburtay ee Boeing 737 MAX oo
Itoobiya laga lahaa.
Dhammaan 157 ruux ee saarnaa ayaa
geeriyooday.
Diyaaradda ayaa burburtay lix daqiiqo
ka dib markii ay duushay.
Xog saxaafadda loo dusiyay ayaa
tilmaantay in ay wax ka khaldanaayeen diyaaradda.
Wargayska Wall Street Journal ayaa ku
warramay in duuliyuhu uu raacay nidaamkii ay diyaaraddu u dajisay marka ay xaalad
degdeg ah dhacdo, balse uu haddana awoodi waayay in uu diyaaradda xakameeyo.
Shirkadda diyaaraddan samaysay ee Boeing ayaa
sheegtay in ay haggaajisay arrintaas.