Xaaji Cabdi Waraabe oo geeriyooday

Kulanti wacan akhyaarta halkan nagala socotaay, kusoo dhawaada tebinta tooska ah

Tebin toos ah

  1. Qeylo dhaan laga muujiyay dhalinyarada Soomaaliyeed ee Canada lagu dilo

    Edmenton waxay ka mid tahay magaalooyinka Canada ee dhalinyarada Soomaaliyeed lagu dilo
    Qoraalka sawirka, Edmenton waxay ka mid tahay magaalooyinka Canada ee dhalinyarada Soomaaliyeed lagu dilo

    Dalka Canada waxa uu marti galiyay dad badan oo Soomaalii ah, dhamaan dadkan ayaa ka cararay dagaalladii sokeeye ee dalka ka dhacay laga soo bilaabo 1988-kii.

    Dadka Soomaalida waxa ay wajaheen xaalado adag oo ay kala kulmeen deegaannada cusub oo ay barbar socdaan dhaqamada iyo diimaha dadka ay u martiyeen oo ka duwan intii ay wateen.

    Dadka waawayn inta badan way ku guulaysteen in ay ka sii muuqato luuqadii, dhaqankii iyo hab labiseedkii ay wateen, marnaba kama aysan fakarin jiilasha ay ku dhaleen dalalkaasi sida ay noqonayaan ama cida ay raacayaan.

    Canada waxay kamid tahay goobaha ugu badan ee ay ka dhacaan dilalka iyo xadhiga ay la kulmaan dhalinyaradii Soomaaliyeed ee ku dhashay Canada.

    "Laga soo bilaabo sanadkii 2008-dii ilaa waqtigan 62 dhaliyaro ah ayaa ku dhintay magaalada Edmoton ee dalka Canada. Dhammaan dhalinyaradaas waxay da’dooda ka yareyd 30 jir. Agagaarka gobolka Alberta waxaa ku xidhan 54 wiil oo Soomaali ah iyo Labo gabdhood, dhibatooyinka dhalinyarada Soomaalida haysata waa iyaga oo si fudud xabsi ku gala, danbiyada ay galeenna ay yihiin kuw fudud oo haddii ay dadka waddanka u dhashay gali lahaayeen la siin lahaa fursad", sidaas waxaa BBC-da u sheegtay Xabiibo Maxamed Cabdulle oo ah guddoomiyaha ururka Somali Alberto Community.

    Jaaliyada Soomaalida ayaa ku guul daraystay in ay xakameeyaan dhalinyarada ku biiraysa kooxaha dambiilayaasha,sababo dhowr ah ayaa lagu sababa.

    "waxaan isku dayay in aan ogaado sababaha keenaya dilalkan, waxaan la xiriiray 17 kamid ah waalidiinta dhalinyarada dhimatay, dhammaan isku meel ayay mareen, waxba kuuma sheegayaan way adagtahay, laakiin si guud sababaha rasmiga ah ee la ogyahay ilaa hadda oo arintaas sababay waxaa koow ka ah in Soomaalidu markii ay halkan yimaadeen dhammaan qoysaskii ay burbureen, ilmuhu marka Aabihii iyo Hooyadii kala tagaan,marnaba noqon maayo sida wiil ay Aabihii iyo Hooydii geesaha ka taagan yihiin, qodobka labaadna waa Soomaalida oo dhaqaalahoodu uu hooseeyo", sidaas waxaa BBC-da u sheegay Cabdirisaaq Ismaaciil Xaashi oo ah cilmi baadhe.

    Dhibaatooyinka laga dhaxlay burburkii dawladdii dhexe ee Soomaaliya ayaa saamayn wayn ku yeeshay dadka Soomaalida oo u kala firxaday daafaha caalamka.

  2. Boqollaal carruur la askareeyay ah oo la soo furtay

    Boko Haram, Carruur

    Ku dhawaad 900 oo carruur ah oo kooxda Boko Haram ay askaraysay ayaa la soo furtay, sida ay ku warrantay wakaaladda wararka ee AFP oo soo xiganaysa Qaramada Midoobay.

    Waxay sheegtay in carruurtan oo garaysa 894 ay ku jireen 106 gabdhood, waxaana soo daayay shacabka is abaabulay ee magacooda loo soo gaabiyo CJTF.

    CJTF ayaa milatariga ka caawiya dagaalka ay kula jiraan kooxda Boko Haram.

  3. Cabdi Waraabe oo geeriyooday

    Cabdi Waraabe

    Xaaji Cabdikariim Xuseen (Cabdi Waraabe) ayaa ku geeriyooday magaalada Hargeysa.

    Xaajiga ayaa caan ka ah dhulka Soomaalida, isaga oo lagu yaqaannay ka shaqaynta nabadda iyo dib u heshiisiinta.

    Wuxuu hadda ka tirsanaa Golaha Guurtida ee Jamhuuriyadda Iskeed ugu Dhawaaqday Madaxbannaanida ee Somaliland, wuxuuna ahaa qofkii ugu da’waynaa.

    Wuxuu horay ula soo shaqeeyay dhammaan dawladihii isaga dambeeyay Soomaaliya ka hor burburkii.

    Burburkii wixii ka dambeeyayna wuxuu la sheegayay maamulladii isaga kala dambeeyay Somaliland.

    Cabdi Waraabe ayaa lagu xasuustaa in uusan waligii dawlad mucaaradin.

  4. Rasaas lagu furay masaajid ku yaalla London

    London

    Qof hubaysan ayaa rasaas furay isaga oo ku sugan bannaanka masaajid ku yaalla London, iyadoo ay dadku tukanayaan taraawiix.

    Booliiska ayaa la wacay oo loo sheegay nin hubaysan oo galaya masaajidka ku yaalla Seven Kings.

    Dadkii cibaadaysanayay qaar ka mid ah ayaa masaajidka ka hor istaagay qofkii, intaas ka dibna rasaas ayaa la maqlay.

    Dhaawac ama hanti burburtay midna lama soo sheegin, sida uu sheegay booliiska, waxayna intaas ku dareen in ay rumaysan yihiin in dhacdadaasi aysan shuqul ku lahayn argagixisanimo.

    Taraawiixda ayaa lagu tukanayay masaajidka waddada High Road marka arrintaasi ay dhacaysay.

    Weerar laga cabsi qabo

    Booliiska ayaa sheegay “in askar ay ka mid yihiin kuwo hubaysan ay tageen masaajidka, isla markaasna aan la soo sheegin wax dhaawac ah ama burbur soo gaaray masaajidka"

    “Arrinti wakhti aan fogayn ayay dhacday, baaritaanna waxaa lagu hayaa caddaymihii meesha laga helay nooca hubka ee la adeegsaday ayaana laga garan karaa”.

    Askarta ayaa sii joogtay masaajidka habeenkii, ayay booliisku intaas ku sii dareen.

    War saxaafadeed uu soo saaray Guddiga Muslimiinta oo Twitterka lagu baahiyay ayuu imaamka masaajidka Mufti Suhail ku sheegay in aysan wali caddayn ujeedadda uu lahaa qofka laga shakisan yahay.

    Wuxuu dadka ugu baaqay "in ay ka baaqsadaan faafinta wararka la isla dhexmarayo een wali la xaqiijin.”

    Waxaa sare u kacay walaaca laga qabo ammaanka goobaha cibaadada ee dunida oo dhan ka dib weerarradii dhawaan dhacay.

    Bishii Maarso ayaa weerar lagu qaaday dad badan oo ku jiray masaajid ku yaalla magaalada Christchurch ee dalka New Zealand, 50 ayaana halkaas ku geeriyooday.

    Bishii Abriilna dalka Sri Lanka ayaa lagu weeraray kiniisado iyadoo dadku ay u dabaaldagayeen ciidda Kiristaanka ee Easter, weerarkaas ayaana lagu dilay 253 ruux.

    Hal toddobaad ka dibna haweenay ayaa dhimatay ka dib markii nin hubaysan uu rasaas ku furay macbad yahuudeed oo ku yaalla California.

  5. Cagacagafyo iyo gawaari uu Mugabe leeyahay oo la xaraashayo

    Robert Mugabe

    Gawaari iyo qalab beero oo uu leeyahay madaxweynihii hore ee Zimbabwe Robert Mugabe oo 95 jir ah ayaa lagu wadaa in la xaraasho Sabtida, waana astaan muujinaysa macquulnimada in mashaakil dhaqaale uu soo foodsaaray ganacsigii qoyskiisa, sida uu ku warramayo wargayska ay dawladdu leedahay ee Herald.

    Wargayksa ayaa soo xigtay xayaysiin ay Khamiistii baahisay shirkad wax xaraashta, taas oo sheegtay in ay qorshaynayso in ay iibiso qiyaastii soddon gaari, oo ay ka mid yihiin Mercedes Benz C-class limousine iyo faduurado noocoodu yahay Ford Rangers.

    Wargayska Herald ayaa ku warramay in aysan durba caddayn sababta ay qoysku u xaraashayaan gawaarida iyo qalabkan, balse ganacsigan oo soo jiray 37 sano ee uu xukunka soo hayay Mugabe ayaa laga soo gudbiyay dacwado la xiriira daymo la bixin waayay.

    Mugabe ayaa xilka laga xayuubiyay 2017, ka dib markii milatarigu xukunka maroorsaday, waxaana xilkii kala wareegay ku xigeenkiisii hore Emmerson Mnangagwa.

    Toddobaadkii hore ayuu Mnangagwa sheegay in Mugabe uu dawayn u jiro dalka Singapore.

  6. Kenya oo waxyaabo bam laga sameeyo ku heshay nin reer Britain ah

    Jermaine Grant
    Qoraalka sawirka, Jermaine Grant

    Maxkamad ku taalla dalka Kenya ayaa nin Britain u dhashay ku xukuntay afar sano oo xabsi ah, ka dib markii lagu helay in uu haystay waxayaabaha bamka laga sameeyo.

    Jermaine Grant ayaa la xiray sannadkii 2011, ka dib markii ay booliisku ku qabteen kiimikooyin iyo waxyaabo kale oo bam laga sameeyo kuwaas oo yaallay gurigii uu ka daganaa magaalada Mombasa.

    Grant oo reer London ah ayaa qaadanaya xabsi sagaal sano ah ka dib markii uu samaystay dokumentiyo been abuur ah si uu u helo jinsiyadda dalka Kenya.

    Afartan sano ayaana loogu sii dari doonaa xabsigii uu horay ugu sii jiray. Eedaymahan cusub ayuu diiday wuxuuna qaadanayaa racfaan.

    Grant marka la xiray booliiska Kenya ayaa ku eedeeyay in uu ku lug lahaa qorshe la doonayay in lagu weeraro hoteello ay dalxiiseyaasha ajaaniibtu booqdaan.

    Bishii hore ayaa lagu helay in uu haystay waxyaabo bam laga sameeyo, balse maxkamadda ayaa meesha ka saartay dacwaddii kale ee ku saabsanayd in uu qayb ka ahaa shirqoolkii la waday.

    Samantha Lewthwaite oo ah haweenay reer Britain oo caan ku ah “Carmasha Caddaanka ah” oo loo baadigoobayo weerarradii bambooyinka ee London lagu qaaday 2005 ayaa la rumaysan yahay in ay iyaduna ku sugnayd guriga laga helay waxyaabaha bamka laga sameeyo. Gabadhaas lama arag meel ay jaan iyo cirib dhigtay tan iyo sannadkii 2011.

  7. Maraykanka oo Soomaaliya ku laayay IS

    Millatariga maraykanka ayaa dilay ugu yaraan 13 dagaalame oo ka tirsan kooxda isku magacawda Dawladda Islaamka ka dib markii ay Arbacadii weerareen saldhig ay kooxdu ku lahayd buuraha Golis ee waqooyiga Soomaaliya, sida uu Twitterka ku shaaciyay xafiiska ciidammada Maraykanka ee Afrika ka hawlgala.

    Ciidammada Maraykanka ayaa sheegay in ay weerarkan la kaashadeen ciidammada xoogga dalka Soomaaliya.

    Ka bood X boggan
    Oggolow X macluumaadka

    Macluumaadkan waxaa daabacay X. Waxaan dalbanayenaa fasaxaaga ka hor inta aan la furin, waxaa laga yaabaa inay isticmaalayaan cookies iyo farsamooyin kale. hadii aad u bahato akhri X xeerarka cokie iyo kan ku saabsan xogta gaarka ah ka hor inta aadan aqbalin. si aad u aragto xogta guji ‘aqbal oo soco’.

    Digniin: BBC macluumaadka ku qoran bog kale masuul kama ahan

    Dhammaadka X boggan

  8. Kulanti wanaagsan dhammaantiin, kuna soo dhawaada tabinta tooska ah een ku samaynayno wararka Soomaalida iyo kuwa caalamka.

    Waa maalin Jimce ah oo taariikhdu tahay 10 bisha May sannadka 2019.

  9. Waxyaabaha la isku mari la’ yahay ee Shirka Garoowe

    Shirka ayaa galay maalintii 4-aad
    Qoraalka sawirka, Shirka ayaa galay maalintii 4-aad

    Waxaa maalinkii afaraad galay shirka madaxda dowladda federaalka iyo maamul goboleedyada uga socda magaalada Garowe ee xarunta Puntland.

    Shirkan oo uu horay ugu baaqay madaxweynaha Puntland, Saciid Cabdullaahi Dani ayaa u muuqda mid la isku mari la’ yahay arrimo dhowr ah oo maamullada Soomaaliya ay tabasho ka muujiyeen.

    Muddo xileedka madaxweyne Xaaf

    Warar hoose oo ay heshay BBC-da ayaa sheegaya in ajendayaasha kale ee shirka aanan wali la guda gelin, kadib markii madaxweynaha Galmudug, Axmed Ducaale Xaaf uu dalbaday in xal laga gaaro arrimaha Galmudug.

    Waxyaabaha ugu badan ee la isku mari la’ yahay ayaa ah muddo xileedka madaxweyne Xaaf oo ku doodaya in dowladda ay dhaqan geliso heshiiskii iyaga iyo Ahlu Sunnah ku dhex maray dalka Jabuuti, kaas oo ay shegeen in uu ahaa muddo xileed horleh, halka dowladda federaalkana ay ku adkesaneyso in waqtiga xukuumadda Xaaf ay ku egtahay bisha 7aad ee sannadkan.

    Arrinta doorashooyinka iyo qaabka ay noqonayaan ayaa ah mid qaar kamid ah madaxda maamul goboleedyada aysan ku qnacsanayn, inkastoo aanan wali la isku soo hadal qaadin.

  10. Roobab lagu diirsaday oo ka da'ay dhul badan oo Soomaaliyeed

    Sawir hore
    Qoraalka sawirka, Sawir hore

    Iyadoo jiilaal darran iyo roobka oo soo daahay laga soo sheegayay Soomaaliya ayaa labadii maalmood ee ugu dambeeyay waxaa gobollada qaar ka curtay roobkii gu’ga isagoo meelaha qaar biyo dhigay.

    Sidoo kale waxaa biyo keenay wabiyada Shabeelle iyo Juba oo dhawrkii bilood ee ugu dambeeyay biyo yareeyay.

    Kooxaha saadaasha cimilada ayaa ka dayrinaya in aan si wanaagsan sanadkan loo heli doonin roobabka Gu’ga iyadoo sannadkii hore Dayrtu aanay si wanaagsan u di’in.

    Qaar ka mid ah goobaha la xaqiijiyay in ay roobabku ka curteen

    Gobolka Banaadir, deegaanno kamid ah gobolada shabeelooyinka, Hiiraan, Galgaduud, Bay, Bakool iyo Gedo waxaa labadii maalmood ee ugu dambeeyay ka billowday roobabka Gu’ga inkastoo ay ku kala duwanaayeen hadba sida meelaha qaar uu u biyo dhigay.

    Roobab lagu diirsaday ayaa xalay ka da’ay magaalada Baydhabo iyo deeganada ku xeeran kuuwaas oo soo maray jiilaal kulul.

    Ku dhawaad saddex saacadood ayuu roobku da’ayay iyadoo beerlayda deegaanku ay aad ugu faraxday. Sidoo kale Xalay waxay roobabka Gu’gu ka bilowdeen Beledweyne iyo hareeraheeda wallow aanay biyihiisu badnayn.

    Magaalada Dhuusamareeb iyo deegaano kale oo ka tirsan gobolka Galgaduud ayaa iyana laga helay roobab ay ku diirsadeen dadka iyo duunyaduba kuwaas oo uu jiilaalku ku dheeraaday.

    Wabiyada Juba iyo Shabeelle oo indhawaalaba biyo yareynayay ayaa labadii maalmood ee la soo dhaafay xoogaa biyo keenay.

    Kooxda maaraynta xogaha biyaha iyo dhulka ee Qaramada Midoobay ayaa sheegaysa in dhawrkii maalmood ee ugu dambeeyay ay xaaladdu ka soo raynaysay iyadoo meelaha qaar uu ka curtay roobka gu’ga oo waqtigiisii ka soo daahay gaar ahaan gobolada koonfurta.

    Dhulka sare ee Itoobiya oo roobab waaweyn helay labadii todobaad ee ugu dambeeyay ayaa keenay in xoogaa ay kor u soo kacaan heerka biyaha ee webiyada Juba iyo Shabeelle oo mara gobollo ku yaala Soomaaliya, waxayna kooxda maaraynta xogaha biyaha iyo dhulka ee qaramada midoobay rumeysantahay in toddobaad gudihii ay caadi ku soo noqon doonaan heerka biyaha ee labadaasi webi.

    Sida saadaashu sheegayso roobab waaweyn ayaa la filayaa inay ka da’aan gobollada Soomaaliya marka laga reebo gobolka Bari illaa 13 ka bishan May.

    Roobab kale oo xoog leh ayaa la filayaa inay todobaadkan ka da’aan dhulka sare ee Itoobiya kuwaas oo la filayo inay kor u soo qaadaan heerka biyaha ee webiyada Juba iyo Shabeelle.

    Dayrta oo aan si wanaagasan u di’in sannadkii hore iyo jiilaalka oo dheeraa ayaa deegaannada qaar khatar ku keenay iyadoo meelaha qaar looga dhawaaqay xaalad abaareed inay qarka u saran yihiin.

  11. Mataanaynta Muqdisho iyo St Paul

    Waxaa shalay la saxiixay mataanaynta magaalada Muqdisho iyo caasimadda gobolka Minnesota ee St Paul, waxaa kulankaa ka qaybgalay oo warbixintan inooga soo diray Siyaad Saciid Saalax.

  12. Masuul sare oo loo xiray inqilaab milatari oo dhicisoobay

    Gaariga Zambrano ayaa la jiitay
    Qoraalka sawirka, Gaariga Zambrano ayaa la jiitay

    Laanta Sirdoonka dalka Venezuela ayaa xirtay guddoomiye ku xigeenka baarlamaanka dalkaasi Edgar Zambrano.

    Waa sargaalkii ugu sareeyay oo ka tirsan mucaradka oo xabsi la dhigo tan iyo markii uu guul daraystay kacdoonkii miltariga ee toddobaadakii la soo dhaafay dhacay, kaas oo la doonayay in xilka looga tuuro madaxweyne Nicolas Maduro.

    Edgar Zambrano ayaa si toos ah Twitterka uga baahiyay xarigiisa, wuxuu sheegay in gawaarida sirdoonku ay ku gadaaman yihiin.

    Ka bood X boggan
    Oggolow X macluumaadka

    Macluumaadkan waxaa daabacay X. Waxaan dalbanayenaa fasaxaaga ka hor inta aan la furin, waxaa laga yaabaa inay isticmaalayaan cookies iyo farsamooyin kale. hadii aad u bahato akhri X xeerarka cokie iyo kan ku saabsan xogta gaarka ah ka hor inta aadan aqbalin. si aad u aragto xogta guji ‘aqbal oo soco’.

    Digniin: BBC macluumaadka ku qoran bog kale masuul kama ahan

    Dhammaadka X boggan

    Markii uu diiday in uu ka soo dago gaadhigii uu ku jiray ayay askartii u jiiteen dhanka xaruntooda dhexe, halkaas oo loo adeegsado in lagu xiro dadka siyaasadda u xidhan iyo maxaabiista kalaba.

    Tallaabbadan ayaa imaanaysa ka dib markii maxkamadda ugu sarraysa dalkaas ayaa lix xildhibaan ku eedaysay khiyaano qaran iyo in ay kaalin ku lahaayeen inqilaabkii milatari ee dhicisoobay, waxayna ka xayuubisay xasaannaddii. Intaas ka dibna maxkamaddu waxay xubnahaas ku soo kordhisay saddex ruux oo horleh.

    Hoggaamiyaha mucaaradka oo isku dayay in uu sii xoojiyo kacdoonka ayaa ka soo horjeedsaday xidhitaanka loo gaystay ku xigeenkiisa.

  13. Sheeko cajiib ah oo ku saabsan nin ugaarsade ahaan jiray

    Daawo sheekada cajiibka ah ee ninkan ugaarsadaha ahaan jiray balse mar qura is badalay.

  14. Baaq ku saabsan in saxaafadda laga mamnuuco doorashada Burundi

    BURUNDI

    Xubin sare oo ka tirsan guddiga doorashada ee dalka Burundi ayaa ku baaqay in warbaahinta madax bannaan laga hor istaago in ay tabiso wararka doorashada madaxweynenimada ee dalkaas oo dhacaysa sannadka soo socda.

    Jean Anastase Hicuburundi ayaa sheegay in warbaahinta madax bannaan ay isku dayday in ay jilbaha dhulka ugu dhufato dalka, haddana ay qorshaynayso in dalku qasmo.

    Wuxuu sheegay in warbaahinta ay masuul ka ahayd rabshadihii ka dhacay Burundi ka dib doorashadii 2015, markaas oo madaxweyne Pierre Nkurunziza uu go’aansaday in uu tartamo markii saddexaad.

    Dawladda Burundi ayaa dhawaan dalkeeda ka mamnuucday saxafiyiinta BBC iyo VOA.

  15. Tanzanian afduub loo haystay oo duur laga helay

    Mdude Nyagali

    Mdude Nyagali oo ka mid dadka u dhaqdhaqaaqa mucaaradka ayay Sabtidii afduubteen rag hubaysan, waxaana la helay isaga oo lagu tuuray meel duur ah oo ku taalla gobolka Mbeya. Sida ay ku warramayaan warbaahinta gudaha.

    Wuxuu u muuqday in la jir dilay, wuxuu u muuqday mid jilicsan, hadalka ayaa ku adkaa, sida laga soo xigtay qof ka mid ah dadka degan tuulada Makwenje.

    Isbitaal ayaa loo sii qaaday si loo soo daweeyo.

    Nyagali ayaa xubin ka ah xisbiga mucaaradka ah ee Chadema, wuxuuna aad u dhaliilaa madaxweyne John Magufuli isaga oo baraha bulshada adeegsada.

    Booliiska ayaa lagu eedeeyay in ay xafiiskiisa ka afduubteen balse way diideen eedaymaha loo soo jeediyay.

  16. Shirkad caan oo ka jawaabtay eedaymo kaga yimid shaqaale Itoobiyaan ah

    H&M

    Shirkadda H&M ee dalka Sweden laga leeyahay ee dharka iyo alaabada xaragada ah iibisa ayaa sheegtay in ay ka go’an tahay in ay dhaqaale macquul ah siiso shaqaalaha Itoobiyaanka ah ee soo saara qaar ka mid ah alaabaha ay samayso.

    Arrintan ayaa dabo socota ka dib markii ay soo baxday warbixin sheegaysa in shaqaalaha dharka tola ee Itoobiyaanka ah ay yihiin kuwa lacagta ugu yar la siiyo adduunka oo dhan.

    H&M ayaa ka mid ah shirkadda iibiya alaabo lagu soo sameeyo dalka Itoobiya, shirkadaha kalana waxaa ka mid ah Calvin Klein iyo Tommy Hilfiger.

    Warbixintaas oo ay sameeyeen cilmibaareyaal ka tirsan jaamacadda New York University Stern Center for Business and Human Rights ayaa lagu ogaaday in celcelis ahaan shaqaalaha la siiyo 26 doolar bishii, arrintaasina ay u horseeday in ay noloshu ku adkaato ayna awoodo waayeen in ay heleen hoy wanaagsan, cunto iyo nool.

    dhar tolid

    H&M oo warsaxaafadeed u soo dirtay BBC ayaa sheegtay in ay waddo tallaabooyin lagu xaqiijinayo in qiimo macquul ah lagu siinayo dadka sameeya dharkooda.

    “Tan iyo markii aan hawsha ka billawnay Itooobiya sannadkii 2013kii ku dhawaad 18,000 oo shaqo ah ayaan abuurnay. Si kastaba ha ahaatee shirkaddu waxay u baahan tahay in ay xaqiijiso in kobaca ay samaysay uu noqdo mid la joogteeyo horumarkana kaalin wanaagsan ka gaysanaya”, ayay tiri Ulrika Isaksson oo ah afhayeenka H&M.

  17. Ku soo dhawaada tabinta tooska ah een ku samaynayno wararka Soomaalida iyo kuwa caalamka, waa maalin Khamiis ah oo taariikhdu tahay 09 bisha May sannadka 2019.

  18. Qarax ka dhacay afaafka hore ee macbad ay leeyihiin muslimiinta Suufiyada

    Qaraxa ayaa ka dhacay afaafka hore ee Macbadka
    Qoraalka sawirka, Qaraxa ayaa ka dhacay afaafka hore ee Macbadka

    Ugu yaraan 8 ruux ayaa ku dhintay qarax xooggan oo ka dhacay bannaanka hore ee macbad ay Muslimiinta dariiqada Suufiyada ku leeyihiin magaalada Lahore ee dalka Pakistan, sida ay mas’uuliyiinta sheegeen.

    5 askari oo ka tirsan booliska ayaa lagu soo warramay inay ku jiraan dadka dhintay.

    Mas’uuliyiinta ayaa sheegay in bartilmaameedka qaraxa uu ahaa gaari ay leeyihiin ciidanka amaanka oo goobtaas marayay.

    Booliska ayaa weerarkan ku tilmaamay mid ismiidaamin ah oo uu fuliyay qof naftii hure ah.

    Waxaa mas’uuliyadda sheegtay ururka Hizbul Ahrar oo ah farac ka tirsan Taalibaanka Pakistan.

    Qaraxa ayaa abaare 08:44 am ee subaxnimo, waqtiga maxalliga ah ka dhacay meel u dhow macbadka suufiyada oo ah mid ka mid ah kuwa ugu waaweyn ee ku yaalla koonfurta qaaradda Aasiya.

    Howlgal amni oo weerarkan daba socday ayaa wali laga wadaa aaggaas, iyadoo halkaasna ay joogaan ciidamo aad u faro badan.

    Ra’iisul wasaaraha Pakistan Cimraan Khan ayaa cambaareeyay weerarkan.

    Qaraxan dhimashada sababay ayaa kusoo aaday xilli muslimiinta ay ku guda jiraan bisha barakeysan ee Ramadaan.

  19. Warbixin: Khasaare baaxad leh ayaa gaaray hantida Donald Trump

    $1.17 bilyan oo doolar ayuu lumiyay Trump
    Qoraalka sawirka, $1.17 bilyan oo doolar ayaa la sheegay inuu lumiyay Trump

    Xogta ku saabsan canshuurta madaxweyne Donald Trump ayaa muujisay inuu muddo 10 sano gudahood ah ku lumiyay lacag dhan $1.17 bilyan oo doolar, sida lagu xusay warbixin ay wakaaladda wararka ee AFP kasoo xigatay wargeyska New York Times.

    Khasaaraha la qeexay inuu ku yimid hantida Trump oo billowday 1980-meeyadii ayaa ka weyn mid walba oo soo maray guud ahaan shakhsiyaadka canshuurta bixiya ee dalka Mareykanka.

    Warbixinta ayaa sidoo kale muujisay in Trump uusan canshuurta dakhliga usoo xarooday bixinin 8 sano oo ka mid ah 10-ka sano ee khasaarahaas uu ku yimid.

    Warqadihii canshuur celinta ee uu Trump u gudbiyay waaxda federaalka sannadkii 1985-kii ayaa muujiyay inuu ku xusay khasaare dhan $46.1 milyan oo doolar, kuwaasoo ka soo gaaray ganacsiyadiisa kala duwan ee isugu jira hoteellada iyo dhismeyaasha.

    10-kii sano ee xigtay ayuu khasaaraha sii socday wuxuuna sannadkii 1994-kii gaaray isku darka $1.17 bilyan oo doolar.

    Warbixintan ayaa timid hal maalin kadib markii xoghayaha maaliyadda ee Mareykanka Steven Mnuchin uu ku gacan seyray dalab ay xildhibaannada xisbiga Dimuqraaddiga ku doonayeen in lagu soo wareejiyo warqadaha canshuur celinta ee Donald Trump.

  20. Iiraan oo ku dhawaaqday inay hakisay heshiiska Nuclear-ka

    Madaxweynaha Iiraan ayaa ku hanjabay inuu gabi ahaanba ka baxayo heshiiska
    Qoraalka sawirka, Madaxweynaha Iiraan ayaa ku hanjabay inuu gabi ahaanba ka baxayo heshiiska

    Dowladda Iiraan ayaa ku dhawaaqday inay hakad galineyso heshiiskii farsamada Nuclear-ka, kadib markii uu sii xumaaday xiriirka u dhaxeeya Tehran iyo Mareykanka.

    Madaxweyne Xasan Rowxaani ayaa sheegay inuu gudaha dalkiisa ku hayn doono uranium-ka la tayeeyay, halkii uu dibedda u iib geyn lahaa, sida ku xusan heshiiska.

    "Maanta dowladda Islaamiga ah ee Iiraan waxay hakineysaa labo arrimood; haddaan si kale u dhigo, waxaan joojin doonnaa iibinta labo shey. Laga billaabo maanta, lama iibin doono macdanta uranium-ta ama biyaha culus toona. Go’aanka aan ku dhawaaqnay wuxuu socon doonaa muddo 60 maalmood ah", ayuu yidhi Rowxaani.

    Waxa uu sidoo kale ku gooddiyay in laba bilood gudahood uu dib ugu billaabi doono barnaamijka sare u qaadidda tayada uranium-ka.

    Heshkii 2015-kii ayaa looga gol lahaa in lagu dhimo hamiga Nuclear-ka ee Iran, taas bedelkeedana dalkaasi laga khafiifiyo cunaqabateynta saaran.

    Balse xukuumadda Tehran ayaa culays badan kala kulmaysa cunaqabateynta uu dhawaan kusoo rogay Maraykanka. Waxa ay doonaysaa in dalalka Yurub ay tallaabo degdeg ah qaadaan oo ay wax ka qabtaan xaaladda haysata Iran.

    Haddii ay taas dhici weydana, Iran waxa ay tilmaamaysaa inay ka fiirsan doonto gebi ahaanba heshiiska.

    Taasi ayaa caqabad weyn ku ah dalalka Yurub, oo ku dhex wareeray Iraaniyiinta iyo maamulka Trump.

    Faransiiska ayaa sheegay inay ka go’an tahay sii joogteynta heshiiska, isla markaana uu ka fekerayo qaab ay dalalka Yurub ku caawin karaan dhaqaalaha Iran ee ay saamaysay cunaqabateynta Maraykanka.

    Haseyeeshee, wasiirka gaashaandhigga Faransiiska, Florence Parly, ayaa Iran uga digtay ka bixitaanka heshiiska.

    Muddo sanad ah oo uu Maraykanka bannaanka ka ahaa heshiiska ayaa Iran waxay ilaalinaysay qodobada lagu heshiiyay, balse hadda waxa ay u muuqataa in dulqaadka uu ka sii dhammaanayo xukuumadda Tehran.