Sucuudiga oo dil ku fuliyay dadkii ugu badnaa

Ku soo dhawaada tebinta tooska ah ee BBC Somali

Tebin toos ah

  1. Wasiirad la ganaaxay markii ay jebisay bandowga looga hortaggayo coronavirus

    Wasiiradda waxaa lagu sameeyay shaqo joojin laba bilood ah
    Qoraalka sawirka, Wasiiradda waxaa lagu sameeyay shaqo joojin laba bilood ah

    Wasiirka isgaarsiinta ee Koonfur Afrika waxay qiratay inay ku guuldareysatay inay u hoggaansanto bandowga lagu soo rogay dalkaas.

    Wasiiradda waxay bixisay 53 doolar kaddib markii maxkamad ku taalla dalkaas ay ku amartay inay bixiso lacagtaas ganaax ah.

    Madaxa qaran ee dacwad oogista Koonfur Afrika Phindi Mjonondwane ayaa sheegtay in dacwadda lagu soo oogay wasiiradda ay muujineyso sida shacabka dalkaas ay uga siman yihiin caddaalladda iyo in aanan lo ogolaaneyn in qof kasta uusan sharciga jebin.

    Waxay arrintani imaaneysaa xilli wasiiradda la arkay iyada iyo dad kale oo ku qadeynayo guri ku yaalla Koonfur Afrika xilli bandow lagu xakeymanayo cudurka coronavirus uu ka jiray halkaas.

    Wasiiradda waxaa markiiba u yeeray madaxweyne Cyril Ramaphosa, waxaa laga joojiyay shaqada muddo labo bilood ah.

    Waxay markii dambe raalli gelin ka bixisay inay baal martay xayiraadda ka hortagga Covid-19.

  2. Jabuuti: Roobab hakiyey dadaaladii looga hortagayay Corona

    Inta la ogyahay Shan Qof ayaa ku Geeriyooday Roobab waaweyn oo shalay ka da’ay Magaalada Jabuuti ee Caasimadda Dalka Jamhuuriyadda Jabuuti.

    Shanta qof ee geeriyooday ayaa saddex ka mid ah Meydkooda la helay oo la aasay, halka laba Dumar ahna uu daadku qaaday oo meydadkooda la waayay.

    Dhibaatadan ayaa ka dhacday Xaafadda Belbela ee duleedka Magaalada Jabuuti.

    Wasiirka Arrimaha gudaha ee Jabuuti, Muumin Axmed Sheekh oo booqday Xaafadda Masiibadani ka dhacday ayaa Shacabka u sheegay inay garab taagan yihiin, isagoo sidoo kalana uga tacsiyadeeyay ehellada Shanta qof ee ku dhintay.

    Daadadka ka dhashay Roobka ayaa sidoo kale burburiyey dhismayaal badan oo Xaafadda Belbela ka mid ah, halka Xaafado kale oo Jabuuti ahna ay khatar geliyeen.

    Sido kale waxa aay joojiyen baaritanaadi cudurkan Covid-19 ee ay waday dowlada Jabuuti iyo dadaaladii ka hortaga cudurkan.

    .
  3. Roobab xoogaan oo ka da’ay Boosaaso oo xayiran isu socodka gaadiidka

    Wararka ka imaanaya magaalada Boosaaso ee gobalka bari ayaa sheegay in uu xayiranyahay isu socodka gaadiidka ee magaaladaasi kadib roobab xoogaan oo halkaas ka da’ay ay sababeen in daadad soo rogmadaan isla markaana ay jareen buundo u dhow Boosaaso.

    Gaadiidka ka soo galayay magaalada labo dhinac ayaa la sheegayaa in ay go’doon ku jiraan iyadoo arrintaas saameynteeda laga dareemayo magaalada Boosaaso.

    Duqa magaalada Boosaaso Cabdisalaan Bashiir Cabdisalaan ayaa BBC-da u sheegay ay wadaan dadaalo ku saabsan sidii loo sameyn lahaa waddo gaadiidku isticmaalaan si ay u gaaraan magaalada .

    Mr Cabdisalaan ayaa intaas ku daray in hadda gaadiidka xaniban ay yihiin kuwa xamuulka ah ee wada alaabaha kala duwan .

  4. Maxaa la gudboon warbaahinta, sidee se la isaga ilaalin karaa wararka been abuurka ah ee ku saabsan Coronavirus ?

    Tan iyo markii uu dunida ku baahay feyraska Corona, waxaa sii badaneyey wararka ben abuurka ah ee ku gedaaman xanuunkan. Waxaana meelaha ugu badan ahaa baraha bulshada, iyadoo laga been abuurayey astaamaha xanuunkanan, warka la xiriira cidda uu ku dhaci karo iyo daaweyntiisa oo laga sameeyey xogo aan la caddayn.

    Haddaba xilliyadan oo kale maxaa la gudboon warbaahinta, sidee se la isaga ilaalin karaa wararka been abuurka ah? su'aashaas iyo kuwa kale ayaannu weydiinnay, khabiir saxaafadeed ahna tifatirihii hore eelaanta af-Soomaaliga ee BBC, Yuusuf Garaad Cumar, oo u warramay Cabdiraxmaan Cali Dhimbiil.

    Qoraalka Muuqaalka, Yuusuf Garaad tifatirihii hore ee laanta af-Soomaaliga ee BBC
  5. Sucuudiga oo dil ku fuliyay dadkii ugu badnaa

    .

    Sacuudiga ayaa fuliyay dilal gaaraya 184 qof sanadkii la soo dhaafay, waa tiradii ugu badanayd, iyada oo horayna looga digay, waxaa sidaas sheegay Hay'adda xuquuqda aadanaha u doodda ee Amnesty International.

    Sidoo kale Ciraaq tirada dadka dilka lagu fuliyey ayaa laba jibaarmatay sanadkii la soo dhaafay.

    Hase yeeshe, tirada guud ee dunida ayaa hoos u dhacday afartii sano ee la soo dhaafay.

  6. Gobol ka tirsan Maraykanka oo Shiinaha dacweynayo

    Gobolka Missouri ee dalka Maraykanka ayaa dowladda Shiinaha ku dacweynayso arrimo la xirriira cudurka saf-marka ee Coronavirus.

    "Dowladda Shiinaha waxay dunida uga been abuurtay khatarta uu leeyahay cudurkan, ma aysan samaynin dadaalo badan oo ay uga hortagayso faafidda cudurka Coronavirus,” Ayuu yiri Xeer Ilaaliyaha Guud ee Missouri, Eric Schmitt.

    “Waa in lagula xisaabtamo ficilladooda”.

    Dowladda Shiinaha ayaa diiday eedaymaha ah in ay samaysay marin habaabin.

    .
  7. Guddoomiyaha baarlamaanka federaalka oo ka hadlay suurtogalnimada in la kordhiyo muddo-xileedka dowladda

    Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee baarlamaanka federaalka ah Maxamed Mursal Sheekh ayaa ka hadlay dib-u-dhigista Kalfadhigii ugu dambeeyay ee baarlamaanka iyo suurtogalnimada in la kordhiyo muddo-xileedka dowladda. Wuxuu arrimahaas uga waramay madaxa laanta Afka Soomaaliga ee BBC Muxyadiin Axmed Rooble.

    Qoraalka Muuqaalka, Guddoomiyaha baarlamaanka federaalka