Dhakhtar safka hore ugu jirtay la dagaalanka Coronavirus oo isdishay

Ku soo dhawaw tebinta tooska ah ee BBC Somali

Tebin toos ah

  1. Daadad khasaare lixaad leh gaarsiiyay magaalada Qardho

    .

    Ugu yaraan 6 qof oo saddex ay carruur yihiin ayaa waxa ay ku dhinteen magaalada Qardho ee Bariga Soomaaliya kaddib markii ay magaalada ku rogmadeen daadad xooggan oo ka dhashay roob mahiigaan ah oo xalay halkaasi ka da'ay.

    Waxaa ilaa iyo haatan la baadigoobayaa 10 qof oo ay daadadku latageen.

    Inta badan waxa ay daadadku saameyeen ganacsiyadii magaalada iyadoo 150 gurin ay magaalada ku dumeen.

    Dhanka kale daadadku waxa ay barakiciyeen boqollaal qoys oo ku soo dhacay hoy la'aan.

    Duqa magaalada Qardho Cabdi Saciid Cismaan oo khadka taleefanka ugu warramay weriye Axmed Cawil Jaaamac oo Garowe jooga ayaa sheegay in qasaaro badan uu ka dhashay roob mahiigaan ah oo xalay halkaasi ka da'ay.

    “Ugu yaraan 6 qof oo saddex ay carruur yihiin waa ay dhinteen, toban qof ku dhawaadna waa la layahay, ganacsigii magaaladana boqolkiiba sagaashan biyo ayaa la tagay. ”Ayuu yiri Duqa magaalada Qardho Cabdi Saciid Cismaan.

    .
    .
  2. Geedka Dhaga yaraha malagu daweyn karaa Covid 19? muuqaalkan kaga bogo.

  3. Wasiir ka tirsan dowladda Jabuuti oo geeriyooday

    Waxaa dalka Jabuuti ku dhintay wasiirkii madaxtooyada u qaabilsanaa dhanka maalgashiga, Ali Geulleh Aboubaker, Sida uu soo xaqiijiyey waryaha BBC-da ee dalka Jabuuti Maxamuud Cismaan Bulxan.

    Taariikhda marxuun Ali Geulleh Aboubaker

    Wuxuu ka mid ahaa oo lagu xasuusta asaasayaashii jabhaaddi la dagaalantay 1991-kii dowladdii Waqtigaas uu hogaaminayay madaxweyne Hassan Guuled Abtidoon, ujeedkii ugu Weynaa ee dagaalkan ayaa waxa uu ahaa sidii aay Canfarta saami culus uga heli lahayd dowladda.

    Masuuliyiinta jabhaadii Canfarta Frud oo uu ka mid ahaa marxuunku ayaa waxa aay aqbaaleen inay wadahadal la furaan dowladda ugu dambeynna waxa ay aqbaaleen inay qaatan heshiiskii lagu magaacabay Ambaaca 26 Desembar 1994-kii .

    Heshiiskii kadib waxaa loo magaacabay marxuunka madaxa xafiiska madaxweyne Jabuuti oo uu 17 mamuulayay sidoo kale sanadkii 2016-kii waxaa uu noqday madaxii ololaaha doorashadii madaxweyne Geulleh . MarkiI uu ku guulestay madaxweyne Ismaacill Cumar Geulleh xilka 12 may 2016-kii ayuu u magaacabay wasirka malgashiga madaxtooyada Jabuuti .

    Madaxweynaha dalka Jabuuti ayaa tacsi u diray qoyskii u ka baxay marxuunka iyo dadki uu u dhaawa intaba isaga oo ku amaanay doorkii uu ku laaha nabadda iyo horomarka dalka Jabuuti.

    Ali Geulleh Aboubaker
  4. Coronavirus: "Carruurta way nagu badan yihiin, wax ma bari karno, mana xakameyn karno"

    Qoraalka Muuqaalka, Coronavirus: "Carruurtii wax ma bari karno, ma xakameyn karno wayna nagu badan yihiin"
  5. Dhakhtar safka hore ugu jirtay la dagaalanka Coronavirus oo isdishay

    Dhakhtar ka howlgalaysay magaalada New York, oo ka mid ahayd dadkii safka hore ugu jiray la dagaalanka coronavirus ayaa isdishay.

    Dr Lorna Breen, oo ahayd madaxa qaybta daryeelka degdega ee isbitaalka Allen ee magaalada New York ayaa u dhimatay dhaawacyo ay isgaarsiisay maalintii Axadda ahayd, sida ay booliska sheegeen.

    Aabaha haweenaydan 49 sano jirka ah, Dr Philip Breen, ayaa yiri, “Dadaalkii ay shaqadeeda ugu jirtay ayaa dilay.”

    Tirada kiisaska dhimashada ee magaalada New York ayaa gaarty 17,500.

    Dr Lorna Breen,
  6. Wiil Facebook madaxweyne ka aflagaadeeyey oo la xiray

    Booliska dalka Zambia ayaa xiray wiil dhalinyaro ah oo barta Facebook ku aflagaadeeyey madaxweyne Edgar Lungu.

    Wiilkan oo 15 sano jir ah ayaa lagu eedeeyey gaf uu u gaystay madaxweynaha, taasi oo xukunkeeda noqonaysa saddex sano oo xarig ah.

    Afhayeen u hadlay booliska oo lagu magacaabo Esther Katongo, ayaa sheegay in eedaysanaha uu bartiisa Facebook ku qoray erayo aflagaado ah kuwaas oo ka dhan ahaa madaxweynaha.

    Wiilkan ayaa ka soo jeeda gobolka Kapiri Mposhi, wuxuuna ka soo hor muuqan doonaa maxkamadda maalmaha soo socda.

    Madaxweyne Edgar Lungu
  7. Madaxweyne Trump “kuma faraxsana Shiinaha”

    Madaxweynaha dalka Maraykanka Donald Trump, ayaa saxafiyiin u sheegay inuusan ku faraxsanayn sida uu Shiinaha u wajahay Coronavirus, isaga oo sheegay inuu u malaynayo in cudurka coronavirus faafiddiisa lagu joojin lahaa dalka Shiinaha.

    “Kaliye hal dal ayaa masuuliyad ka saarantahay wixii dhacay,” Ayuu yiri madaxweyne Trump.

    Dowladda Shiinaha ayaa dafirtay eedaymahaas.

    Madaxweyne Trump