Madaxweynaha Tanzania oo jeediyay hadallo la yaab leh oo ku saabsan fayraska corona

Ku soo dhawaada tebinta tooska ah BBC Somali

Tebin toos ah

  1. Muuqaal kooban oo ka hadlaya Sidee ayuu cudurka Korona ugu faafaa bulshada

  2. Madaxweyne Afrikaan ah oo lagu dhaleeceeyey jabinta sharciga kala fogaanshaha bulshada

    Madaxweynaha Koonfur Afrika Cyril Ramaphosa

    Madaxweynaha dalka Koonfur Afrika Cyril Ramaphosa, ayaa lagu dhaleeceeyey jabinta sharciga kala fogaanshaha bulshada xilli uu dadka ka wacyigelinayay inay kala fogaadan si loo xakameeyo faafidda cudurka coronavirus.

    Muuqaal baraha bulshada lagu baahiyay ayaa lagu arkayay Mr Ramaphosa oo jabinaya sharciga kala fogaanshaha kaddib markii ay laba dumar ah ka dalbadeen inuu sawir la galo.

    Waxaa muuqaalka laga maqlayaa madaxweynaha oo dhahaya “kaalay".

    Maalintii Axadda ahayd dalka Koonfur Afrika waxa laga diwaangeliyay 1,160 kiis oo fayraska corona ah, waa tiradii ugu badnayd ee hal maalin laga diwaangeliyo dalkaas.

    Koonfur Afrika waxa muddo dheer saarnaa xayiraado adag, balse hadda waxaa la bilaabay in la qafiifiyo.

    Ka bood X boggan
    Oggolow X macluumaadka

    Macluumaadkan waxaa daabacay X. Waxaan dalbanayenaa fasaxaaga ka hor inta aan la furin, waxaa laga yaabaa inay isticmaalayaan cookies iyo farsamooyin kale. hadii aad u bahato akhri X xeerarka cokie iyo kan ku saabsan xogta gaarka ah ka hor inta aadan aqbalin. si aad u aragto xogta guji ‘aqbal oo soco’.

    Digniin: BBC macluumaadka ku qoran bog kale masuul kama ahan

    Dhammaadka X boggan

  3. Qaar ka mid warbixinnada kale ee ku jira website-ka BBC Somali

    • Dagaalka musuqa ee ka soo cusboonaaday Soomaaliya ma wuxuu salka ku hayaa siyaasad?
    • Cudurada faafa iyo cibaadada soonka: Taariikhda cudurradii safmarka ahaa ee saameeyay cibaadada bisha Ramadaan
    • Madaxweyne dafiray fayraska corona oo haatan dalkiisa laga la'yahay meel bukaanada la kala geeyo
  4. Somaliland oo markii u horraysay aanay ka dhicin isu soo bax lagu xusayo sanad-guuradii 29 ee gooni isu-taaggeeda

    Waa markii u horraysay ee aanay dhicin isu soo bax lagu xusayo maalinta madaxbanaanida ee Somaliland oo ku beegan maanta oo kale sanadkasta 18ka bisha May.

    Arrintan ayaa lagu sababeeyay cabsi laga qabo in fayraska Corona kusii baahi karo munaasibadaha caynkan oo kale ah.

    Fafaahinta warbixintan halkan ka dhagayso.

    Qoraalka Codka, .
  5. Madaxweynaha Tanzania oo jeediyay hadallo la yaab leh oo ku saabsan fayraska corona

    Madaxweynaha dalka Tanzania John Magufuli

    Madaxweyne John Magufuli , ayaa xilli uu khudbad ka jeedinayay kaniisad ku taala Chato, waqooyi galbeed Tanzania maalintii Axadda ahayd sheegay in wiilkiisa uu ka bogsooday Covid-19 kaddib markii uu isticmaalay liin, sinjibiil uuna sameeyey jimicsi badan.

    Balse ma jiraan cadaymo sheegaya in taasi ay tahay daawada coronavirus sida ay dhakhaatiirta sheegeen.

    Madaxweynaha dalka Tanzania John Magufuli, ayaa isla halkaas ka sheegay in tirada kiisaska cudurka corona ee dalkiisa ay hoos u dhaceen kaddib markii ay “Ilaahay baryeen.”

    Madaxweynaha ayaa sidoo kale shaaciyay in iskuulada iyo jaamacadaha dib loo furi doono isbuucan.

    Wuxuu sidoo kale ka hadlay qorshe ay dowladdiisa ku qafiifinaysa karantiilka la geliyo dadka dalkiisa soo galaya.

    Dalka Tanzania kama jiraan tallaabooyin adag mana saarna xayiraad sida dalalka kale.

    Tanzania waxa ay diwaangelisay 509 kiis halka ay cudurka corona u dhinteen dad gaaraya 29 qof.

  6. Aabo Soomaaliyeed oo 26 neef oo geel ah ay ka dishay Biriq ama Danab ka dhashay roob ka da'ay deegaanka Qorile

    Qoraalka Muuqaalka, .
  7. Wiil Soomaali ah oo sameeyay mishiin bukaanada ka caawiyo neefsashada

    Qoraalka Muuqaalka, Wiil Soomaali ah oo sameeyay mishiin bukaanada ka caawiyo neefsashada
  8. Maqaayad ra’iisal wasaare iyo seygeeda u diiday inay ka cunteeyan

    Ra’iisal wasaaraha New Zealand Jacinda Ardern iyo seygeeda Clarke Gayford, ayaa loo diiday inay ka cunteeyaan maqaayad ku taala Wellington maalintii Sabtida ahayd, arrintan ayaa imaanaysa laba maalin kaddib markii ay dowladda qafiifisay xayiraaddihii dalka saarnaa.

    Balse maqaayadda ayaa loo ogolaa tira dad cayiman oo kaliye, dhacdadaan ayaa waxa barta Twitter-ka ku shaaciyay qof ku soo qoray “ waa loo diiday.”

    Maqaayadaha New Zealand ayaa hadda waxa fadhiisan kara ku dhawaad 100 macaamiil ah, iyada oo weli lagu dhaqmayo sharciga kala fogaanshaha ee dalka ka jira.

    Ms Ardern iyo Mr Gayford ayaa muddo sugayay inay helaan meel ay fadhiistan, sida warbaahinta dalkaas ay sheegaysa.

    Mr Gayford ayaa bartiisa twitter-ka ku qoray, “waa inaan arrinkan masuuliyaddiisa qaataa, ma jirin meel aan qorshaystay. Aad ayey ugu saxsanaayeen inay maqaayadda naga cayriyaan.”

    Ra’iisal wasaaraha New Zealand Jacinda Ardern iyo seygeeda Clarke Gayford
  9. Diyaarad Ingiriiska laga leeyahay oo jabisay sharci u yaalay dal Afrikaan ah

    Dalka Nigeria ayaa lagu qabtay diyaarad rakaab siday oo laga leeyahay dalka Ingiriiska kaddib markii dalkaas horay looga mamnuucay diyaaradaha rakaabka si loo xakameeyo faafidda cudurka Coronavirus.

    Wasiirka duulista ee dalka Nigeria Hadi Sirika , ayaa sheegay in diyaaraddan oo horay loogu ogolaaday inay dalka ka fuliyaan arrima la xirriira gargaar bini'aadanimo, balse waxa ay khilaaftay sharciga dalka looga mamnuucay diyaaradaha rakaabka.

    Waxa uu sidoo kale sheegay in su’aallo la weydiinayo dhamaan howlwadeenna diyaaradda ayna taasi daba joogi doonta ciqaab.

    Shirkadda diyaaradan iska leh ayaanan weli ka hadlin arrinkan.

    Nigeria Hadi Sirika
  10. Kulan wacan saaxibbayaal kusoo dhawaada tebinta tooska ah oo aan idiin kuugu soo gudbinno wararkii ugu dambeeyay soomaalida iyo caalamka.

    .