Ma inaan ka walwalaa xayawaanka faafinaya fayraska corona?

Ku soo dhawaada tebinta tooska ee BBC Somali

Tebin toos ah

  1. Lammaanayaal arooskooda ku qabsaday hab muuqaal ah

    Qoraalka Muuqaalka, Lammaanayaal arooskooda ku qabsaday hab muuqaal ah
  2. Coronavirus: Liin dhanaan daawo ma u tahay Covid-19?

    Liin dhannaanta iyo dawo dhireedka qaarkeed ayaa meelaha qaar laga soo tabiyay inay wax badan u tareen dadka uu ku dhacay xanuunka coronavirus, inkastoo wali aan caddeyn dhinaca seyniska ah loo heynin inay daawo u yihiin cudurka safmarka ah ee dunida ku faafay.

    Waxa ugu weyn ee ilaa hadda la hubo waxtarkiisa si cudurkan loola dagaallamo waxay dhakhaatiirta ku sheegeen ka hortagga iyo dadaalka ku aaddan sidii loo yareyn lahaa faafitaanka cudurka.

    Sidaasoo ay tahay waxaa soo baxaya talooyin badan oo la xiriira sida ay dadka u wajihi karaan cudurkan aan wali daawadiisa la helin.

    Dr Maxamed Maxamuud Cali Fuje, oo maanta toos uga qeyb qaatay barnaamijkii ku baxay idaacadda duhurnimo ee BBC Somali ayaa dhageyste uga jawaabay su'aal ku saabsaneyd in liin dhanaanta ay dawo u tahay coronavirus iyo in kale.

    "Liin dhanaantu sida guud waa daawo waana Vitamin C, laakiin ma aha dawo cilmi baaris lagu sameeyay oo dileysa cudurkan. Balse way caawin kartaa oo waxay qeyb ka tahay waxyaabaha dhisa difaaca jirka", ayuu yiri Dhakhtarka.

  3. Nin shahaadada Phd-da haysta oo Hindiya Bajaaj ku wada.

  4. Ma inaan ka walwalaa xayawaanka faafinaya fayraska corona?

    Dowladda Netherlands ayaa sheegtay in fayraska corona oo laga helay mid ka ah beeralayda dalkaas uu u gudbiyey ama ka qaaday xayawaan.

    Balse waxaa weli jira su’aallo badan oo jawaabo u baahan. Siduu xayawaankan ugu dhacay fayraska corona? Miyey jiraan qaar kale oo shaqaalaha ka tirsan oo uu ku dhacay xanuunkan? Ma jirtaa khatar ama halis wajihi karta qof walba oo xayawaankan ka agdhawaada?

    Saynisyahannada ayaa aaminsan in fayraskan cusub ee corona uu markii ugu horreysayba uu ka yimid xayawaanka, balse tan iyo markii uu Wuhan ka bilawday wuxuu ku faafay dhamaan qaaradaha adduunka waxaana isu gudbinayay ama isu faafinayay bini’aadamka.

    Waxaa sidoo kale jira su’aallo ku saabsan sida uu fayraska ugu dhacay xayawaankan. Balse waxaa cad in faafidda iyo khatarta ama halista fayraska uu ku badanyahay dadka.

    .
  5. Halyeeyada safka hore uga jira dagaalka fayraska ee Soomaaliya

  6. PhD baan ka haystaa xisaabta hadana tiro afar ah iskuma qaybin karo!

    .

    Clara Grima waxay xasuusataa daqiiqadii ay goosatay in aanay bare jaamacadeed oo xisaabta keli ah dhiga aanay noqon ee, in ay xataa dadka jeclaysiiso.

    Waxay ahayd 2011-kii markii inankeeda ugu yar, Ventura, oo markaa lix jir ahaa weydiiyey calaamad ku taalay funaanad ay xidhnayd, waxay tahay.

    "Ma miis baa mise waa gool kubadeed?"

    Midna ma ahayn. Waxay ahayd calaamada pi.

    Wada hadalkoodkii wuxu ku dhamaaday in Ventura go'aansaday in "waxa aan dhamaadka lahayni yahay wax ay xisaabyahannadu ikhtiraaceen markii ay ka daaleen tirada".

    Maalin kasta xisaab ilaa tallaalka Facebook

    "Waxay xisaabtu ku wanaagsan tahay waa fikirka, inaad wax u qabato si aan mishiinadu u shaqayn karin," ayay Grima BBC u sheegtay.

    Tan iyo waagaa, barahan Spanish-ka ahi cilmi baadhis uun may qorayne laakiin waxa kale oo ay wakhtigeeda u hurtay in ay buugaagta jeclaysiiso carruurta iyo dadka waaweyn ba.

    Buugeedii ugu dambeeyey oo la yidhaa "May mathematics be with you!" oo soo baxay 2018-kii wuxuu muujinayaa marxalado kala duwan oo ay suurto gal tahay in lagu helo xisaabta - tallaalka illaa Facebook.

    Warbixintn oo dhamaystiran halkan ka kahriso Link

  7. Xassan Sheikh: Qadiyadda badda waxay weli taagantahay meeshii aan afar sano ka hor uga tagnay

    Madaxweynihii hore dalka Soomaaliya Xassan Sheikh Maxamuud, oo maanta shir jaraa'id ku qabtay caasimadda Muqdisho ayaa ka hadlay arrinta dacwadda kiiska badda ee Soomaaliya iyo Kenya.

    Madaxweynaha ayaa ugu horreyn ka hadlay taariikh la xirriirta sida ay dacwadda badda ku bilaabatay iyo sababta ay maxkamadda caddaaladda caalamiga ah ee ICJ ay u geeyeen.

    “Bishii Agoosto 2014-kii ayaan gaynay dacwadda maxkamadda caddaaladda caalamiga ah ee ICJ, sababta aan u gaynayna waa laba jeer ayaa waxaan isku daynay inaan barigaas ka wada hadalno inta aanay dacwad gaarin, labdii marba waa la isla keeni waayay, haddii marka la isla keeni waayay waxaa Soomaaliya u furnayd in dacwad la geeyo maxkamadda ICJ.” Ayuu yiri madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xassan Sheikh Maxamuud.

    Wuxuu sidoo kale sheegay in intii uu kiiska maxkamadda taagnaa aysan Kenya iyo Soomaaliya aysan dhexmarin wax cilaaqad ah.

    “Intii uu kiiska badda socday wax cilaaqad ama war xuma ah oo na dhexmaray ma jirin.”

    “Waxaan rabaa inaan umadda Soomaaliyeed u sheego in qadiyadda badda ay weli taagantahay meeshii aan afar sano ka hor uga tagnay, saddex jeer ayaana dib loo dhigay, wax cadayn ahna kama hayna in dowladdeena ay diidanayd dib u dhigista dacwadda badda.”

    Garsoorka maxkamadda caddaaladda caalamiga ah ee ICJ ayaa ku dhawaaqay in mar kale dib loo dhigay waqtiga dhageysiga dacwadda muranka badda ee u dhaxeeya Soomaaliya iyo Kenya.

    War kasoo baxay maxkamadda uu fadhigeedu yahay magaalada Hague ee dalka Netherlands ayaa lagu sharraxay sababta dib u dhigista iyo waliba jadwalka dhageysiga kiiskaas.

    Warqad loo diray dowladaha Soomaaliya iyo Kenya ayey garsoorka maxkamaddu ku sheegeen in markii ay dhageysteen codsiga dib u dhigista ee ay gudbisay Kenya, sidoo kalena eegeen xaaladda qeyrul-caadiga ah ee uu sababay xanuunka coronavirus ay go'aansadeen in waqtiga furitaanka dhageysiga kiiska laga dhigo sanadka soo socda ee 2021-ka.

    Madaxweynihii hore dalka Soomaaliya Xassan Sheikh Maxamuud
  8. Burundi oo maanta loo dareeray doorashada madaxweynaha

    .

    Xarumaha codbixinta ee dalka Burundi ayaa saaka aroornimadii la furay, ku dhawaad shan milyan oo qof ayaa maanta la rajaynayaa inay codkooda halkaas ka dhiibtaan.

    Codbixiyayaasha ayaa dooranaya madaxweynaha, xubnaha baarlamaanka iyo golaha deegaanka.

    Todobo musharax ayaa u taagan inay badelaan madaxweyne Pierre Nkurunzinza, oo muddo dheer hayay xilka madaxweynaha ee dalkaas.

    Muwaadiniinta jooga dalka dibaddiisa ayaanan ka qayb qaadan doonin doorashada maanta dhacaysa, taasi oo la sheegay in sababta ay tahay xanuunka corona ee hadda dunida faraha ba’an ku haya.

    Xarumaha codbixinta ayaa la xiri doona galabta iyada oo la rajaynay in natiijooyinka la shaaciyo 25 bisha May.

    Guddiga doorashada ayaa mamnuucay isticmaalka teleefonnada iyo kaamirada, waxaa sidoo kale la xiray isticmaalka baraha bulshada ku xirriirta.

  9. Canug saacado dhalanaa oo laba xabadood lagu dhuftay kana badbaaday

    Amina waa ilmihii ugu yaraa ee ka badbaaday weerarkii lagu qaaday isbitaal ku yaala dalka Afghanistan.

    Laba mar ayaa Amina lugta laga dhawaacay, dhakhaatiirtana waxay sheegeen inay nasiib badantahay maadama uu dhaawac culus soo gaaray.

    Aabaha dhalay ilmahan ayaa sheegay inuu goobjoog ahaa xilligii uu weerarkan dhacayay.

    “Markaan galay gudaha isbitaalka waxaan arkay dad badan oo dhulka jiifa oo ay ka mid tahay haweenay weyn oo la dhaawacay.” Ayuu yiri aabaha dhalay Amina.

    Amina hooyadeed ayaa waxay ku geeriyootay isla weerarkaas.

    “Waxaan arkay xaaskayga oo gacmaheeda u taaganyihiin sida ayada oo ilmaheeda gacanta ku hayso.” Ayuu ku daray.

    “Aniga oo xaaskayga duugaya ayaa la igu yiri ilmahaada lugaha ayaa laga goynayaa ayey dhakhaatiirta igu dhaheen."

    Talaadadii lasoo dhaafay, ugu yaraan 24 qof, oo ay ku jiraan carruur markaas dhalatay, hooyooyin iyo kalkaaliyaal, ayaa si arxan darro ah loogu laayay weerar ay koox mintidiin ah ka fuliyeen isbitaalka hooyada iyo dhallaanka ee ku yaalla magaalada Kabul ee caasimadda u ah dalka Afghanistan.

    Magaalada Kabul waxaa 40-kii sano ee lasoo dhaafay ka dhacay dagaallo badan iyo qalalaase.

    Sidaa oo ay tahayna, dilkii loo geystay hooyooyinka iyo carruurta waxaa lagu tilmaamay qalalaasihii ugu xumaa ee la xasuusto.

    .
  10. Kulan wacan saaxibbayaal kusoo dhawaada tebinta tooska ah oo aan idiin kuugu soo gudbinno wararkii ugu dambeeyay soomaalida iyo caalamka.

    .