Tabinteennii tooska ahayd ee maanta waa naga intaas, tan iyo barri nabadgalyo.
Trump oo ka hadlay dhacdadii lagu dilay ninkii madowga ahaa gudaha Minneopolis
Ku soo dhawaada tebinta tooska ah
Tebin toos ah
Sucuudiga oo dabcinayo xayiraadaha ka hortagga feyraska Korona

Xigashada Sawirka, AFP
Qoraalka sawirka, Sucuudiga waa dalka uu sida ba'an u saameeyay feyraska Korona marka la eego dalalka carabta Dowladda Sucuudiga ayaa bilowday in muddo shan maalmood ah ay dabciso bandowga lagu soo rogay dalkaas xilliggan bishan Shawaal.
Bandowga waxaa laga qafiifinayaa dhammaan dalka Sucuudiga marka laga reebo magalaada barakeysan ee Maka halkaas oo laga soo tebiyay kiisaska ugu badan ee feyraska Korona.
Qof kasta oo doonaya in uu gurigiisa uu kasoo baxo waa in fasax uu ka helaa dowladda.
Waxaa lagu wadaa in Sucuudiga toddobaadayada nagu soo aadan in uu ku dhawaaqo tallaabooyin kale oo lagu dabcinayo xayiraadda ka hortagga fiditaanka feyraska Korona.
Ma kala cadda in Sucuudiga uu fasaxi doono inta badan howlaha xajka iyo in kale, gudashada acmaasha xajka ayaa lagu wadaa inay bilaabato dabayaaqada bisha July.
Sucuudiga wuxuu xaqiijiyay ilaa 75,000 qof oo uu ku dhacay feyraska Korona, waxaana u dhimatay ilaa 400 qof.
Qaar kamid ah qodobada ugu waaweyn wararka maanta ee website-ka BBC Somali
Haweeney 111 jir ah oo ka bogsatay feyraska Korona

Xigashada Sawirka, Senama
Qoraalka sawirka, Juana Zúñiga waxaa dhawaan lagu wadaa inay u dabaal degto 112 sanad guuradii kasoo wareegtay dhalashadeeda Haweeney 111 jir ah oo ah qofka ugu da'da weyn dalka Chile ayaa ka bogsatay cudurka Covid-19.
Haweeneydan oo lagu magacaabo Juana Zúñiga, wuxuu cudurka ku dhacay markii uu ka dilaacay xarun dadka waayeelka ah lagu xanaaneeyo oo ku taalla agagaarka magaalada Santiago.
Juana Zúñiga waxay markii hore qabtay xannuun dhanka neef mareenka ah balse si daran uma uusan saameyn feyraska Korona, sida ay sheegtay agaasimaha xarunta,María Paz Sordo.
María Paz Sordo waxay intaas ku dartay in haweeneydan ay haatan geeyeen xarun kale oo lagu karantiilayo.
Juanita ayaa la geeyay xarunta lagu xannaaneeyo dadka waayeelka ee Chile kaddib markii lix sanno ka hor ay geeriyootay walaasheed oo iyadu daryeeli jirtay.
Juanita weligood mala guursan wax ilmo ahna ma dhalin, bisha July waxay galeysa da'da 112.
Tanzania: Iskuul beeniyay in ardeyda uu ka codsaday inay bixiyaan lacag lagu soo iibinayo Sanjabiil iyo liin dhanaan

Xigashada Sawirka, AFP
Qoraalka sawirka, Madaxweynaha Tanzania wuxuu sheegay in wiilkiisa uu ka bogsaday feyraska Korona markii uu isticmaalay Sanjabiil iyo liin dhannaan Maamulka Iskuul ku yaalla dalka Tanzania ayaa beeniyay warar sheegayo in ardeyda ay fareen inay bixiyaan kharashaad lagu talagalay in lagu soo iibiyo Sanjabiil iyo liin dhanaan si looga hortaggo cudurka Covid-19.
Iskuulkan oo ku yaalla degmada Tanga ayaa lagu eedeeyay in waaliddiinta ardeyda uu ka codsaday inay bixiyaan lacag gaareyso 324 oo doolar si loogu iibiyo ardeyda Sanjabiisha iyo liin dhanaanta.
Sarkaal ka tirsan dowladda Tanzania ayaa toddobaadkii lasoo dhaafay ka codsaday ardeyda dalkaas in Sanjabiisha iyo liinta dhanaanta ay u qaataan Iskuulada si ay uga gaashaantaan xannuunka Covid-19.
Horraantii bishan ayay aheyd markii madaxweynaha Tanzania John Magufuli uu sheegay in wiil uu dhalay uu ka bogsaday feyraska Korona kaddib markii uu isticmaalay Sanjabiil iyo liin dhannaan.
Iskuulada Tanzania waxaa dib loo furaya 1-da bisha June, waxay dowladda soo saartay talooyin caafimaad sida gacmo dhaqashada iyo in ardeyda ay kala fogaadaan.
Galmudug oo sheegtay inay dhisi doonto ciidammo gaar ah
Wasiirka Amniga ee cusub ee dawlad goboleedka Galmudug ayaa sheegay inay dhisi doonaan ciidammo cusub oo u gaar ah maamulkaas, sida oo kalena ay cashuurta ka qaadi doonaan dadka deegaankaas, ee hore hantidaas u siin jirey Alshabaab, isaga oo dhanka kalena ku gooddiyey cidda lagusoo sheego bixinta sakada ay qaadaan Alshabaab ay ciqaab la kulmi doonaan.
Galmudug, waa mid ka mid ah maamullada ay degaammadeeda qayb ka mid ahi ay maamulaan ururka Alshabaab, balse wasiirka ayaa sheegay in degaammadaas laga saari doono.
Haddaba wasiirka cusub, Axmed Cali Fiqi waxaa ka waraystay sida ballamahani u hirgeli karaan Madaxa Laanta Afsoomaaliga ee Muxiyadiin Rooble.
Qoraalka Codka, Galmudug oo dhisaneysa ciidammo gaar ah Madaxweynaha Kenya oo canaantay wiilkiisa oo jebiyay bandowga ka hortagga feyraska Korona

Xigashada Sawirka, Getty Images
Qoraalka sawirka, Qoyska madaxweynaha waxay ku sugnaayeen magaalada Mombasa halkaas oo xayiraad dhanka safarka ah looga dhawaaqay Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta ayaa shacaa ka qaaday in wiil uu isagu dhalay uu jebiyay bandowga lagu soo rogay dalkaas ee looga hortaggayo fiditaanka feyraska Korona.
Wuxuu sheegay in wiilkiisa uu dhawaan xilli habeen ka qeyb galay xaflad ka dhaceysay magaalada xeebta ku taalla ee Mombasa, halkaas oo si weyn ugu baahay cudurka.
Kenya waxaa shacabka laga mamnuucay inay tegaan goobaha isu imaatinka.
Kenya waxay xayiraad dhanka safarka ah kusoo rogtay magaalada Nairobi iyo saddex magaalo oo ku yaalla gobolka xeebta, waxaana kamid ah magaalada Mombasa oo ay ku nool yihiin qaar kamid ah qoyska madaxweynaha iyo hooyadiis.
Madaxweyne Kenyatta wuxuu sheegay in uu canaantay wiilkiisa isla markaana uu halis u horseedayo ayeydiis Ngina Kenyatta.
Waxaana lagu dhaleeceeyay madaxweynaha in wiilkiisa uusan geyn xarun karantiil si lamid ah shacabka dallkaas ee lagu helo inay jebiyeen xayiraadda ka hortagga cudurka Covid-19.
Abiy Axmed: Afgembigii dowladdii (Derg) ee uu hogaaminayay Mengistu waxaa ka dhalatay Itoobiyadan cusub

Xigashada Sawirka, Getty Images
Qoraalka sawirka, Ra'iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed Ra'iisul wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed ayaa hambalyo u diray shacabka xilli maanta dalkaas laga maamusayo xuska 29 guuradii kasoo wareegtay markii xilka laga tuuray dowladdii Derg ee uu hogaaminayay Mengistu Haile Mariam, sida laga soo xigtay wakaaladda wararka ee Fana.
Abiy Axmed wuxuu sheegay 'in xuska maalinta Ginbot 20 ay kamid tahay maalmihi wax ka baddalay taariikhada Itoobiyada cusub"
"Dagaalyahano dhowr ah ayaa naftooda u huray sidii Itoobiya ay ku noqon laheyd goob dimuqraadi ah, caddaalada ah iyo nabadda si loo joojiyo caddaalad darrada isla markaana loo ambaqaado dhabaha sinnaanta, qaranimo laga mideysan yahay iyo barwaaqo" ayuu yri Ra'iisul wasaare Abiy Axmed.
"Waa in aan xusnaa maalintan si aan horey ugu soconno aan u qiimeyno wixii horraan dhacay balse ma ahan in lagu dhaganaado guulihii la gaaray maalinkii Ginbot 20"
Dagaalkii Jabahadeysnaa ee xilka looga tuuray Mengistu waxaa hoggaaminayey Melse Zenaawi.
Jabhadaha dowladdi militariga uu Mengistu hoggaaminayey waxaa qayb ka ahaa jabhada ay leeyihiin Soomaalida dalkaasi Itoobiya.
Mengistana waxaa si weyn looga xusuustaa dagaalkii 1977 uu la galay dowladdi Soomaaliya uu hoggaaminayey Maxamed Siyaad Barre.
Sida uu geel xanuunsan uga caawiyay Kuuriyada Koonfureed la dagaalanka cudurka corona?
Qoraalka Muuqaalka, Geela Kuuriyada Koonfureed iyo la dagaalanka feyraska Korona Trump oo ka hadlay dhacdadii lagu dilay ninkii madowga gudaha Minneopolis
Madaxweyanaha Mareykanka Donald Trump ayaa naxdin iyo masiibo ku tilmaamay dilkii magaalada Minneopolis loogu geystay ninkii madowga ahaa George Floyd.
Trump wuxuu ka codsaday FBI-da iyo waaxda caddaallada dalkaas in tallaabo ay qaadaan marka ay soo afjaraan baaritaannada ku saabsan dhacdadaas.
Wuxuu sidoo kale u tacsiyeeyay qoyska iyo eheleada George Floyd.
"Sida aan ka codsaday, FBI-da iyo waaxda caddaallada waxay si wanaagsan u wadaan baaritaannada dhacdadan naxddinta badan ee masiibada ah ee dilkii Minnesota loogu geystay George Floyd. waxaan ka codsaday baaritaanada kaddib in tallaabo la qaado, waxaan si aad ugu mahadcelinaya ha'yadaha sharciga ee maxalliga ah shaqada ay qabteen...caddaallada waa inay dhaqan gashaa"
Majaajiliste madaxweyne ku qoslay oo maxkamad la soo taagay

Xigashada Sawirka, IDRIS/INSTAGRAM
Majaajiliste u dhashay dalka dalka Tanzania oo lagu magacaabo Idris Sultan, ayaa maanta la soo taagay maxkamad ku taala caasimadda Dar es Salaam, kaddib markii lagu eedeeyey inuu aflagaadeeyey madaxweynaha dalkaas.
Idris ayaa muddo 8 maalmood ah ku xirnaa xabsi ku yaala magaaada Dar es Salaam.
Sultan ayaa la xiray Talaadadii la soo dhaafay, kaddib markii uu baraha bulshada qabsaday muuqaal uu ku qoslayo sawir hore ee madaxweynaha dalkaas John Magufuli uu xirnaa suut ka weyn.
Booliska ayaa ku eedeeyey inuu aflagaadeeyey uuna u gafay madaxweynaha, sida uu sheegay garyaqaan u doodayay eedaysanaha.
Waxaa baraha ay bulshada ku xirriirta lagu faafiyay muuqaalo iyo sawiro hal ku dhig looga dhigay #FreeIdrisSultan
"Waa beentiyoo been lagu sii daray", ayuu yiri Abwaan Dacar oo BBC uga sheekeeyay saameynta ay baraha bulshada ku leeyihiin bulashada.
Weriyaha BBC Cabdiraxmaan Bidhan ayaa hargeysa kula kulmay abwaannada Dacar iyo Qays, wuxuuna weydiiyay aragtidooda barasha bulshada.
Abwaan Dacar: 'Waa kudkiyoo kaba loo tolay!'
Xadgudubayada ka dhex dhaca qoysaska oo kordhay tan iyo markii la soo rogay xayiraadaha uu sababay fayraska karona
Tan iyo markii uu dilaacay cudurka safmarka ah ee fayriska karona isla markaana la qaaday talaabooyinka lagu xakameeynayo ee ay ka mid yihiin xayiradaha dadka, waxaa sare u kacay gaboodflada ka dhex dhaca qoysaska, iyadoo dawlada UK ay sheegtay in waxkaqabashada arimahaasi ay ku bixisay malaayiin doolar isla markaana ay sharciyada la tiigsadatay dadka ku kaca xadgudubyada .
Qaar ka mid ah madaxda Jaaliyadaha dalkaasi Brtian oo ay Soomaalidu ka mid tahay ayaa walaac ka muujiyey kororkaasi iyo saameynta uu ku yeelan karo bulshada- Mowliid Xaaji Cabdi ayaa warbixintan inoo diyaariyey
Qoraalka Codka, Xadgudubayada ka dhex dhaca qoysaska oo kordhay tan iyo markii la soo rogay xayiraadaha Sida dadka hodanka ah uga dhuuntaan fayraska iyagoo degaya dhismeyaal dhulka hoose ah oo xabadaha aysan karin.
Bannaanbaxyo ka dhashay ninkii madowga ahaa ee lagu dilay Minneapolis

Xigashada Sawirka, Getty Images
Waxaa magaalada Minneapolis ee dalka Maraykanka ka socda banaanbax looga soo horjeedo dil loo gaystay nin madow ah oo aan hubaynayn.
Booliska ayaa sunta indhaha ka ilmaysa u adeegsaday dibadbaxayaasha.
Qabanqaabayaasha ayaa sheegay in qorshahooda uu ahaa inuu dibadbaxa u dhaco si nabad, iyaga oo raacaya tallooyinka kala fogaanshaha bulshda ee lagula tacaalayo faafidda cudurka corona.
Dibad baxaaysha ayaa ku dhawaaqayay erayada “Ma neefsan karo.”
Afar askari oo ka tirsan booliska magaalada Minneapolis ee dalka Mareykanka ayaa shaqada laga eryey kaddib marki lagu arkay muuqaal laga duubay dil loo geystay nin madow ah oo aan hubaysnayn.
Boqolaal qof ayaa galabnimadii Talaalada isu soo baxay kaddib markii maanlintii Isniinta ahayd booliska ay dil u gaysteen nin madow ah.
Medaria Arradondo, madaxa booliska magaalada Minneapolis ayaa sheegay in afarta askari ay "hadda yihiin shaqaale hore."
Muuqaal la baahiyay ayaa tusinaya George Floyd, oo askari cadaan ah ku leh "Ma neefsan karo", iyada oo la arkayay askariga oo luqunta lugta uga hayo Floyd.
Dhacdadaan ayaa ka caraysiisay dad badan iyada oo aad looga hadal hayo gudaha dalka Maraykanka.
FBI-da ayaa sheegtay inay baarayaan kiiskan oo fiidnimadii Isniinta ahayd ka dhacay Minneapolis.
Booiska Minnesota ayaa sheegay in Mr Floyd oo 46 sano jir ah uu ilaaliyo ka ahaa maqaayad ku taala halkaas.
Galabnimadii Talaadada ahayd Duqa magaalada Jacob Frey, ayaa xaqiijiyay in shaqada laga tiray afartii askari ee ku lugta lahaa kiiskan.
"Taas ayaa tillaabada saxda ah" waxaa sidaas bartiisa Twitter-ka ku qoray duqa magaaladaas.
Afar askari oo shaqada looga eryey dil Minneapolis loogu gaystay nin madow ah

Xigashada Sawirka, DARNELLA FRAZIER
Afar askari oo ka tirsan booliska magaalada Minneapolis ee dalka Mareykanka ayaa shaqada laga eryey kaddib marki lagu arkay muuqaal laga duubay dil loo geystay nin madow ah oo aan hubaysnayn.
Medaria Arradondo, madaxa booliska magaalada Minneapolis ayaa sheegay in afarta askari ay "hadda yihiin shaqaale hore."
Muuqaal la baahiyay ayaa tusinaya George Floyd, oo askari cadaan ah ku leh "Ma neefsan karo", iyada oo la arkayay askariga oo luqunta lugta uga hayo Floyd.
Dhacdadaan ayaa ka caraysiisay dad badan iyada oo aad looga hadal hayo gudaha dalka Maraykanka.
FBI-da ayaa sheegtay inay baarayaan kiiskan oo fiidnimadii Isniinta ahayd ka dhacay Minneapolis.
Booiska Minnesota ayaa sheegay in Mr Floyd oo 46 sano jir ah uu ilaaliyo ka ahaa maqaayad ku taala halkaas.
Galabnimadii Talaadada ahayd Duqa magaalada Jacob Frey, ayaa xaqiijiyay in shaqada laga tiray afartii askari ee ku lugta lahaa kiiskan.
"Taas ayaa tillaabada saxda ah" waxaa sidaas bartiisa Twitter-ka ku qoray duqa magaaladaas.
"Waan aaminsanahay waxa aan arkay waana khalad weyn. Haddii aad tahay qof madow oo u dhashay Maraykanka micnaheeda maahan xukun dil ah." Ayuu ku daray.

Xigashada Sawirka, TWITTER/RUTH RICHARDSON
Haweenay lagu eedeeyey kufsiga 74 carruur ah oo Israa’iil laga musaafurinayo
Haweenay u dhalatay Israa’iil oo wajahaysa dacwadda kufsiga 74 carruur ah ayaa la ogaaday inaysan qabin xanuun dhanka dhimirka ah, sida ay maxkamdda sheegtay.
Malka Leifer, oo ahayd madaxa iskuul gabadhaha ee ku yaala magaalada Melbourne, ayaa Israa’iil u baxsatay 2008-dii, kaddib markii lagu eedeeyey 74 kiis oo kufsi ah.
Dhagaysiga dacwadda ayaa horay dib loogu dhigay muddo laba sano ah, kaddib markii laga shakiyay caafimaadka haweenaydan.
Ms Leifer, oo 54 sano jir ayaa sheegtay in caafimaadkeeda oo xumaa awgiis aysan ka qayb geli Karin dhagaysiga dambiyada loo haystay.
Balse garsooraha maxkamad ku taala magaalada Jerusalem, ayaa sheegay in dhamaan la raacay tallooyinka ama fikradaha khubarada caafimaadka ay ka hor sheegeen maxkamadda horteeda inta aan la ridin xukunka.
Ms Leifer ayaa dafirtay eedeymaha loo soo jeediyay.
Garsooraha ayaa dhagaysiga dacwadda ka dhigay 22 July 2020, isaga oo sheegay in qaybaha kale ee kiiskan lagu dhagaysan doono dalka Australia.

Xigashada Sawirka, AFP
Laba qof oo degmada Cadaado ugu geeriyooday Covid-19
Warrarka laga helayo degmada Cadaado ee gobolka Galgaduud ayaa sheegaya in ugu yaraan labo qof ay dhinteen covid-19 24 kii saac ee la soo dhaafay kuwaas oo lagu arkay calaamadaha Fayraska Korona iyadoo markii dambe uu naqasku ku dhagay.
Xaaladda Ogsajiinta ee isbitaalka ayaa laga dayrinayaa iyadoo ay kordhayaan dadka uu naqasku ku xirmo, sidoo kalena lagu arko calaamadaha Fayraska Korona. Maamulayaasha caafimaadka ee magaalada ayaa rumeysan in tirada dadka u dhintay calaamadaha xanuunka ay aad u badan tahay iyadoo adeega caafimaadkuna aanu u babac dhigi karin sida ay xaaladu tahay.
Haddaba weriyaha BBC-da ee Muqdisho Ibraahim Maxamad Aadan ayaa taleefanka Cadaado kula hadlay agaasimaha isbitaalka magaalada Dr Cabdirisaaq Cabdillahi Qaarey, wuxuna marka hore weydiiyay sida arintu hadda tahay.
Qoraalka Codka, Laba qof oo degmada Cadaado ugu geeriyooday Covid-19 Qaar ka mid ah warbixinada ku jira website-ka BBC Somali
Ganacsatada Soomaalida Koonfur Afrika oo gacan gargaar u fidiyay muwaadiniin dalkaas oo Karoonaha uu dhibaateeyay, iyada oo ay xusuus mudantahay in marar badan Soomaalida la kulantay dil, dhaawac iyo boob intuba.
