Bisad qalliin loogu sameeyay Hargeysa

Tebin toos ah

Tebin toos ah

  1. Bisad qalliin loogu sameeyay Hargeysa

  2. Madaxweynihii Burundi oo maanta la aasayo

    .

    Madaxweynihii dalka Burundi Pierre Nkurunziza ee dhawaan geeriyooday ayaa maanta lagu aasaaya magaalada caasimadda ah ee Gitega.

    Dowladda waxay ka codsatay shacabka in ay isugu soo baxaan waddooyinka si loo qaddariyo madaxweynihii geeriyooday.

    Pierre Nkurunziza waxaa uu Burundi ka talinayay ku dhawaad 15 sanno.

    Dowladda waxay sheegtay in Nkurunziza uu geeriyooday kaddib markii uu wadnaha istaagay 8-dii bishan June, 2020-ka.

    Wuxuu sanadkii lasoo dhaafay ku dhawaaqay inuusan markii 4-aad usoo istaagi doonin doorashada madaxweynaha.

    Markii ay doorashada dalkaas dhacday bishii May ee sanadkan, waxaa la shaaciyay in Nkurunziza, oo 55 jir ahaa uu noqon doono hoggaamiyaha ugu sarreeya ee dalkaas.

  3. Xuska maalinta xoriyadda

  4. Biriq boqol qof ku dishay Hindiya

    Jacda

    Biriq ama jac ayaa 100 qof ku dishay dalka Hindiya kaddib markii roobab mahiigaan ah ay dhawaan halkaas ka da'een, sida ay sheegeen saraakiisha dowladda.

    Waxay sidoo kale dhacdadaas ku dhaawacmay tiro dad ah.

    Waaxda maareynta masiibooyinka gobolka Bihar waxay sheegtay in biriqdu ay dishay 83 qof halka gobolka Uttar Pradesh uu ku warramay inay ku dishay halkaas ugu yaraan 20 qof.

    Roobabka mahiigaanka ah ee ka da'a Hindiya waxay horseedaan khasaare lixaad leh.

    Ra'iisul wasaaraha Hindiya Narendra Modi waxaa uu tacsi u diray qoysaska dadkooda ay laaysay biriqda isla markaana sheegay in haatan ay socdaan dadaallo loogu gurmanayo shacabka ay dhibaatadu kasoo gaartay roobabka.

  5. Tirada dadka uu ku dhacay cudurka Corona ee Mareykanka waxay gaari kartaa 20 malyan

    Gobolka Texas wuxuu hakiyay qorshaha dib loogu furayo ganacsiga
    Qoraalka sawirka, Gobolka Texas wuxuu hakiyay qorshaha dib loogu furayo ganacsiga

    Ugu yaraan 20 malyan oo qof ayaa laga yaabaa in uu ku dhacay cudurka Corona gudaha dalka Mareykanka, sida laga soo xigtay saraakiisha caafimaadka.

    Xarunta ka hortagga cudurrada ee Mareykanka ayaa sheegtay in kiisaska dhabta ah ay toban jeer ka badan yihiin kiisaska ay shaaciyeen saraakiisha.

    Waxay arrintani imaaneysa xilli gobolka Texas uu joojiyay qorshihii dib loogu furi ganacsiga xilli ay sare u kacayaan kiisaska ku saabsan Covid-19.

    Mareykanka wuxuu si rasmi ah u diiwaangeliyay 2.4 malyan oo kiisaska cudurka Corona ah halka tirada dadka u dhintay ay gaartay 122,370.

  6. Xuska maalinta xornimada ee 26-ka Juun

    .

    Waxaa xaley magaalooyinka Muqdisho iyo Hargeysa lagu qabtay xuska 60-sano guuradii kasoo wareegtay gobolladii Waqooyi markii ay xorriyadooda ka qaateen gumaystihii Britain.

    Xuska munaasabadda lagu qabaty Somaliland ayaa waxa khudbad ka jeediyay madaxweyne Muuse Biixi. Waxaa uu sheegay in midnimada ay suurogeli karto oo kaliya haddii laisku keeno shanti Soomaali.

    Madaxweynaha dowladda ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo ka hadlayay xuska 26-ka Juun ayaa sheegay in waxa Somaliland ay ka raadiyaan ay tahay midnimada isla markaana aysan kala maarmi karin.

    .
  7. Kulan wacan saaxibbayaal kusoo dhawaada tebinta tooska ah oo aan idiin kuugu soo gudbinno wararkii ugu dambeeyay soomaalida iyo caalamka.

    .