Tijaabada dib ugu noqoshada garoomaha ciyaaraha ayaa la billaabi
doonaa 1 Agoost,o laakiin in dib
dadweynaha loogu furo garoomada waxay ku xirnaan doontaa taloooyinka iyo
tilmaamaha caafimaad ee la xiriira fayraska korona.
Iraan: Dad ka dibadbaxaya dhallinyaro mudaharaaday oo dil lagu xukumay
Dibadbaxyo ayaa ka socda magaalooyin dhowr ah oo Iran ku
yaalla. Dibadbaxyada waxaa dhigaya dhallinyaro ka careysan kacaanka Iraan.
Ciidamada amniga ayaa ku kala eryay sunta dadka ka
ilmaysiisa.
Mgaalooyin kale oo dhowr ah waxaa wadooyinka tubban
ciidamada amniga oo aad u badan.
Muuqaallo la dhigay baraha bulshada waxay muujinayeen
dibadbaxyaal ku qeylinaya "Ha baqanina. Ha baqanina."
Dadka dibadbaxaya waxay sidoo kale ku dhawaaqayaan
hal-ku-dhigyo ka dhan ah dowladda kacaanka Iraan iyo hoggaamiyahooga ruuxiga ah
ee Aayatulaah Cali Khamani.
Xigashada Sawirka, bbc
Qoraalka sawirka, Amirhossein Moradi, Mohammad Rajabi and Saeed Tamjidi ayaa beeniyay eedaymaha loo soo jeediyay
Dadka dibadbaxaya waxay ka carreysan yihiin xukun dil ah oo lagu riday saddex dhallinyaro rag ah oo lagu eedeeyay rabshado iyo kicin dadweyne.
Eedeymahaas ayaa la la xiriirinayaa dibadbaxyadii bishii Nofeembar ee sanadkii hore ka dhacay Iraan.
Dibadbaxyadu waxay dabo-socdaan olole ka socday warbaahinta oo lagu doonayay in laga horyimaado xukunka lagu riday saddexda nin. Waxaa lasoo weriyay in dowladda Iraan ka noqotay xukunka dilka ah kadib ololeha iyo dibadbaxyada hadda socda.
Masaajiddada iyo dib u furitaankooda xilliga Korona
Halkan hoose ka eeg doodda barnaamijka TOOS-ka ee baraha bulshada ee BBC Somali oo maanta ku saabsan masaajidda xiran xilligan uu jira Fyaraska Korona
Kumanaan shaqaalaha caafimaadka Ghana oo laga helay Korona
Xigashada Sawirka, bbc
In ka badan 2,000 oo qof oo ka tirsan shaqaalaha
caafimaadka dalka Ghana ayaa laga helay fayraska Korona , sida ay shaacisay wasaaradda
caafimaadka ee dalkaasi.
Agaasimaha
guud ee wasaaradda caafimaadka Ghana Patrick Kuma-Aboagye ayaa sheegay in lix ka mid ah shaqaalaha uu ku
dhacay xannuunka Covid19 ay u dhinteen.
Caasimadda
Accra ayaa laga diwaangeliyay tirada ugu badan ee shaqaalaha caafimaadka ee uu
ku dhacay fayraska Korona
Guud
ahaan dalka Ghana ayaa laga diwaangeliyay 26,000 oo xaaladood oo korona ah
iyadoo 130 qofna ay u dhinteen.
Itoobiya: Waan sii wadeynaa tallaabooyinka aan amniga ku sugeyno
Xigashada Sawirka, Demeke Mekonnen Hassen
Qoraalka sawirka, Ra’isal wasaare ku xigeenka Itoobiya Demeqe Makonnin
Ra’isal wasaare ku xigeenka Itoobiya Demeqe
Makonnin ayaa shegay in dowladda Itoobiya ay sii laba jibbaareyso tallaabbooyinka ay ku
meel marineyso sarreynta sharciga ayna kula xisaabtameyso cid kasta oo dalka
dambi ka gashay.
Ra’isal wasaare ku xigeenka oo shirka golaha
wasirrada dalka Itoobiya ka hadlay wuxuu sheegay in “Dowladda uu xil uu ka
saaran yahay iney sugto amniga iyo xasiloonida shacabka isaga oo sheegay waxa ka dhacay dalka Itoobiya ay tahay mid dhaqanka iyo wada noolaashaha
bulshooyinka Itoobiya aad uga fog.”
Xafiiska xeer ilaalinta dalka Itoobiya ayaa sheegay in rabhsdihi Itoobiya dhawaan ka dhacay loo xirxiray dad ka badan 5,000
o ay siyaasiyiin caan ah ku jiraan.
Gudaha Baarlamaanka Taiwan oo la isku feeray
Xubnaha baarlamaanka dalka Tawian ayaa ku dhex dagallaamay gudaha baarlamaanka xilli ay ka doodayeen
ansixinta masuul ka tirsan guddi madax-bannaan oo la socda hawlaha la xisaabtanka dowladda.
Waa markii seddaxaad oo ay
xubnaha iskula tagaan feer iyo haraanti labadii isbuuc ee la soo dhaafay.
Chen Chu, oo ah xubin ka tirsan xisbiga
talada dalkaasi haya ayuu soo jeediyay madaxweynaha dalkaasi in loo magacaaba madaxa guddiga dabagalka hawlaha
dowladda balse mucaaradka ayaa ku gacan seyray soo jeedintaasi.
Xigashada Sawirka, Getty Images
Qoraalka sawirka, Waa markii seddaxaad oo ay xubnaha feer iskula tagaan labadii isbuuc ee la soo dhaafay
Deegaanka Tireega oo ansixiyey guddi doorasho oo u gaar ah
Goluhu wuxuu sheegay 776 xubnood oo deegaanka Tigreega oo
dhan laga soo xulay ayaa xubnahan laga dhex doortay.
Doorashada ka dhaceyso deegaanka Tigreega ayaa la filayaa
iney ka qayb qaataan Xisbiga TPLF ee deegaanka Tigreega hayo iyo xisbiyada
mucaaradka ee deegaankaasi ka diiwaan gashan.
Go’aankan baarlamaanka Tigreega uu meel mariyey ayaa ku soo
beegmaya xilli ay dowladda dhexe iyo guddiga doorashooyinka qaranka ee
Federaalkaba ay deegaanka Tigreega ay ku amreen iney qabsanin doorasha deegaan
ahaan u gaar ah, balse deegaanka Tigreega uu ka dhaga fureystay.
Doorashooyinka qaran ee dalka Itoobiya sanadkan ka dhici
lahaa ayaa dib loo dhigay ilaa iyo hal
sano sababa la xiriira fayraska Korona
Xigashada Sawirka, ABEL GUESH
Qoraalka sawirka, Muluwarqi Kidaane, madaxa Guddiga Doorashooyinka Tigreega ee hadda la magacaabay
FBI-da oo baareysa sida loo jabsaday cinwaannada Twitter-ka ee shakhsiyaad caan ah
Waaxda baarista Mareykankaee FBI-da ayaa billowday baaritaanka dib markii la jabsaday cinwaanada ay
Twitter-ka ku leeyihiin shakhsiyaad caan ka ah Mareykanka.
Shakhsiyaadkacaanka ahaa ee cinwaannadooda Twitter-ka la jabsadayna waxaa ka mid ah
Barack Obama, Joe Biden, Kanye West iyo Bill Gatesiyaga oo cinwaannadooda lagu dalbaday in
tabarruc lacageed la sameeyo.
"Cid walba waxay i weydiineysaa inaan u
soo celiyo," farriin barta Twitter-ka Bill gates la soo dhigay ayaa sidaa
lagu yiri."$1000 doolar ii soo dir
anna waxaan ku soo dirayaa $2,000 oo doolar," ayaa la sir aaciyay
Qoraalka sawirka, Qaar ka mid ah dadka bartooda Twitter-ka la jabsaday