“Hubeynta qabiillada Libya waxay sababeysaa Soomaaliya cusub”

Tabinta Tooska ah

Tebin toos ah

  1. Al-Bashiir oo loo haysto afgembigii 1989 oo maxkamad loo soo taagay

    Madaxweynihii hore ee Sudan, Cumar Xasan Al-Bashiir waxaa xilka laga tuuray 2019-kii.
    Qoraalka sawirka, Madaxweynihii hore ee Sudan, Cumar Xasan Al-Bashiir waxaa xilka laga tuuray 2019-kii.

    Waxaa manata maxakamad la soo taagay madaxweynihii mudada dheer xukumayay dalka Sudan Cumar Xasan Al-Bashiir oo loo haysto dacdwo kala duwan .

    Al-Bashiir ayaa maxakamadiisu bilaabaty isaga oo ku jiray qol yar gudaha magaalada caasimadda ah ee Khartuum,waxaana ka mid ah waxyaabaha lo haysto afgambigii uu dalka kula wareegay sanadkii 1989-kii,xiligaas oo xukuna xoog ugala wareegay dowladda si dimuquraadi ah loo doortay .

    Dacawadaha loo haysto madaxweynihii hore ee dalka Sudan waxaa ku wehliya ilaa iyo 16 qof oo kale oo ka mid ahaa xukunkiisii.

    Bashiir ayaa horay u xukumay 2 sano oo xabsi ah kadib markii lagu helay musuqmaasuq sanadkii la soo dhaafay.

  2. Booliska Talyaaniga oo helay daroogo meel lama filaan ah lagu qariyay

    Bun la dhexgeliyay daroogo

    Booliska dalka Talyaaniga ayaa gacanta ku dhigay maandooriyaha loo yaqaano Cocaine-ka oo lagu dhex qariyay miraha qaxwada ama bunka.

    Daroogadan oo laga soo dhoofiyay dalka Colombia waxaa lagu qabtay garoonka diyaaradaha ee magaalada Milan.

    Sida loo qariyay maandooriyahan oo ay adkeyd in uu garto qof caadi ah, waxay booliska Talyaaniga sheegeen in qaar ka mid ah miraha qaxwada ay ahaayeen kuwa sax, si loogu khaldo haddii la qabto, waxaana muuqaal laga soo duubay uu muuijinayaa eyda wax urisa oo ku dul-wareeganaysa daroogada la qabtay.

    Daraagiskan ayaa lagu qiyaasay 130 kilo garaam.

    Booliska ayaa sheegay in shixnadaas ay ka shakiyeen, kadib markii magaca lagu soo qoray uu ahaa Santino D’Antonio, oo ah magac lagu yaqaano nin dambiila ah oo qeyb ka ahaa filmkii John Wick.

    Nin da’diisu lagu qiyaasay 50 sano jir ayaana la xiray, ka dib markii uu isku dayay in uu qaado daroogadaas, waxayna laamaha amniga sheegeen in ay wadaan baaritaan ku aadan arrintaas.

  3. “Hubeynta qabiillada Libya waxay sababeysaa Soomaaliya cusub”

    Madaxweynaha Aljeeriya, Cabdelmajid Tebboune.
    Qoraalka sawirka, Madaxweynaha Aljeeriya, Cabdelmajid Tebboune.

    Madaxweynaha Aljeeriya, Cabdelmajid Tebboune, ayaa sheegay inuu ka xun yahay in “la hubeeyo qabiillada Libya”, sida ay qorayaan qaar ka mid ah warbaahinta Carabta.

    Wuxuu madaxweynaha sheegay in “arrintaas ay sii xumeyn doonto xaaladda Libya ayna abuuri doonto mid la mid ah dhibaatada Soomaaliya”, sida lagu qoray warbaahinta Middle East Monitor.

    Madaxweyne Cabdelmajid Tebboune ayaa sheegay in dalkiisa uu hayo xal fiican oo lagu soo afjarayo qalalaasaha Libya. “Qorshahaas waxaa aqbalay Qaramada Midoobey waxaana la gudbin doonaa iyadoo lagala shaqeynayo Tunisiya”.

    Hadalkaas wuxuu madaxweynaha ka sheegay wareysi uu siiyay warbaahinta gudaha Aljeeria, sida ay qortay wakaaladda wararka ee Anadolu.

    Madaxweynaha Aljeeriya ayaa sheegay in dalkiisa uu diidan yahay in hub la siiyo qabiillada Libya, isagoo yiri: “Waxaa maqlayay maalintii la soo dhaafay in hub la siinayo qabiillada Libya si ay isu difaacaan, tallaabadaasna waa halis, waxaana arki doonnaa Soomaaliya cusub oo aan xal loo heli doonin.”

    Sidoo kale, wasiirka arrimaha dibadda ee Aljeeriya, Sabri Boukadoum, ayaa muujiyay sida dalkiisa ay uga go’an tahay sidii xal waara looga gaari lahaa qalalaasaha Libya iyadoo loo marayo wadahadal, lana dhowrayo madaxbannaanida iyo sharafta dalkaas.

    Boukadoum wuxuu sheegay in Aljeriya ay fileyso “in sida ugu dhaqsaha badan loo soo celiyo xasilloonida Libya iyadoo shacabka Libya ay u madaxbannaan yihiin go’aankooda”.

  4. Idris Elba oo la siinayo abaalmarin sharafeed gaar ah

    Jilaaga qaba gabadha Soomaalida ah, Idris Elba, ayaa la siinayaa abaalmarin gaar ah oo kaga timid Bafta.

    Waa abaalmarin-sharafeedda ugu sareysa ee barnaamijyada telefishinnada la xiriirta.

    Xidiggan ku dhashay magaalada London, wuxuu abaalmarinta ku muteystay xirfaddiisa sareysa iyo inuu u ololeeyo kala duwanaanta iyo dhiiragelinta xirfadaha cusub.

    Xidiggan jilay Luther iyo The Wire waxaa abaalmarinta la gudoonsiin doonaa 31-da bishan July.

    Elba wuxuu sheegay in “si wayn loo sharfay” ayna ahayd “ujeedadiisa ugu wayn” in fursad la siiyo dhallinyarada xirfadda leh ee soo kacaya.

    Elba

    "Waxay ahayd hammigeyga in fursad la siiyo dhallinta soo keceysa oo bulshooyiin kala duwan ka soo jeeda si ay qeyb uga noqdaan aflaanta, taas oo la mid ah fursadda aniga la I siiyay sannado badan ka hor,” ayii yiri Elba.

    Idris Elba waa aasaasaha shirkadda duubta muuqaallada ee Green Door Pictures, taas oo uu billaabay 2013.

    Ujeedadiisu waxay ahayd in bulsho kasta ay qeyb ka noqoto lana soo saaro dhallinyaro leh xirfadda jilliinka.

  5. Dagaalka Libya: Turkiga iyo Masar maka fogaan karaan dagaal ku dhexmara Sirte?

    Sisi iyo Erdogan

    Wargeysyada dalalka Carabta ayaa ka hadlaya wararka ka soo kordhaya qalalaasaha Libya ka dib markii hadal lama filaan ah uu ka soo yeeray madaxweynaha Masar Cabdifitax Al-Sisi.

    Wuxuu Sisi sheegay in ciidamada dalkiisa "ay awood u leeyihiin in ay si degdeg ah ay wax uga badalaan dhibaatada dagaal ee Libya ayna ku guuleysan karaan."

    Dowladda Turkiga ayaa dooneyso in tallaabadaas la qaado ka hor inta aan la gaarin heshiiska xabad joojinta ah ee ka dhexeeya Khalifa Xaftay iyo Dowladda Beesha caalamku aqoonsan tahay.

    Dowladda Masar ayaa taageereysa Khilafa Xaftay iyo xoogaggiisa loo garanayo "Ciidamada Qaranka Libya", halka Turkiga uu taageerayo Dowladda Caalamka laga aqoonsan yahay.

    Fawaz al-Hamuuri oo ka tirsan wargeyska laga leeyahay Jordan ee Al-Rai, wuxuu aaminsan yahay in shacabka Libya "aysan ka badbaadin faragelinta aan sharciga ahayn ee lagu hayo dhulkooda, dhaqaalahooda, amnigooda, iyo rabitaankooda ku saabsan in xasillooni iyo nabad ay helaan, lagana gudbo dhibaatada iyo colaadda gudaha dalkooda ay ka wadaan ururka la baxay Khilaafada Islaamka iyo maleeshiyaadka kale ee dalkooda la geeyay".

    "In faragelin dibadda ah lagu sameeyo Libya ma ahan arrin sharci ah, sababtoo ah waxay noqon kartaa dagaal cusub oo sii xumeeya dhibaatada hadda taagan, burburna u geysta dalka. Waxay taas fursad u noqoneysaa in baabi'in dibadda ka timid iyo boob loogeysto shacabka Libya oo haddaba uu qasaare soo gaaray, kana barakacay guryahooda," ayuu yiri Al-Hamuuri.

    Akram Al-Qassas oo ka tirsan wargeyska, Al-Yowm Al-Sabiya ee Masar ka soo baxa, ayaa sheegay in "Masar ay horey u xaqiijisay in aysan ogolayn in faragelin iyo duullaan shishiiye lagu qaado Libya iyo maamulkeeda, dhaqaaleheeda iyo shacabka Libya intuba, balse danaha maleeshiyaadkii ay taageereysay oo meesha ka baxaya iyo faragelinta tooska ah ee Turkiga ayaa wax ka badalaya qariidadda awoodda iyo dhaqaalaha kuwaas oo sababay sii kala fogaansho".

    "Haddii kooxaha taageersan Turkiga ay sii wadaan duullaanka ayna ka gudbaan qadka cas - inkastoo aan la fileynin taas - Masar waxay ku qasbanaaneysaa in ay difaacdo danaha la xiriira amnigeeda qaranka".

    Warbixinta oo dhameystiran halkan ka akhriso

  6. Baarlamaanka Masar oo isku raacay in militarigooda ay "ku duulaan Libya"

    Baarlamaanka Masar

    Baarlamaanka dalka Masar ayaa u codeeyay in ciidankla dalkooda ay geli karaan waddanka Libya si ay u difaacaan danaha amnigooda qaranka.

    War ka soo baxay baarlamaankaas ayaa lagu sheegay “in militariga Masar ay la dagaallamayaan dembiileyaasha iyo argagixisada caalamiga ah ee furinta dagaal ee galbeedka Libya”.

    Masar oo xuduud la leh Libya waxay taageereysay janaraalka laga adkaaday ee Khalifa Xaftay kaas oo laga wada saaray hareeraha caasimadda ee Tripoli.

    Go’aankan ka soo baxay baarlamaanka Masar wuxuu ku soo daadayaa xilli ay telefoonka ku wadahadleen Cabdifitax Al-sisi iyo Donald Trump oo u sheegay in aan la qaadi Karin tallaabo sii xumeyn karta xaaladda Libya.

    Isbuucii la soo dhaafay, Baarlamaanka taageersan Khilafa Xaftar ee Bariga Libya ku sugan ayaa dalbaday in Masar ay faragelin military ku sameyso dalkaas.

    Militariga Masar ayaan dagaal dibadda ah gelin muddo 30 sano ku dhow.

  7. Trumo oo ku hanjabay inuu awood ciidan u adeegsan doono gudaha Mareykanka

    Trump

    Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump, ayaa ku hanjabay inuu awood ciidan u adeegsan doono magaalooyiinka waaweyn ee Mareykanka si uu u xakameeyo dibadbaxyada ka socda.

    Trump ayaa Isniintii cambaareeyay siyaasiyiinta dhowr magaalo oo ay “maamulaan Dimuquraadiga” sida Chicago iyo New York, wuxuuna sheegay in maamulkeeda ay ku fashilmeen ka falcelinta dibadbaxyada.

    Wuxuu sheegay in askartii loo diray Oregon ay “shaqo wanaagsan qabteen” ayna soo celiyeen sharciga iyo kala dambeynta.

    Wuxuu Trump sheegay in saraakiisha maamulka deegaanka ay xaaladda uga sii darayaan.

    Maamulka Gobolkaas ayaa Trump ka dalbaday inuu askarta ka saaro Portland, waxayna ku eedeeyeen inuu xaaladda uga sii darayo uuna siyaasadeynayo arrinta doorashada ka hor.

    Shalay isagoo ka hadlayay Aqalka Cad, wuxuu Trump sii xoojiyay dalabkiisa ah in askarta uu adeegsan doono.

    "Waxaan soo direynaa ciidamo”, ayuu u sheegay saxafiyiinta. “Ma aqbali karno in arrintan ay ka dhacdo magaalooyiinka”.

    Wuxuu si gaar ah u sheegay New York City, Chicago, Philadelphia, Detroit, Baltimore iyo Oakland, wuxuuna sheegay in dhibaatada ay sababtay qalalaaso.

    "Ma aqbaleyno in arrintan ay ka dhacdo dalkeena, oo ay dhammaan hoggaamiyaan qunyar socodka Dimuquraadiga ah”.