Baarlamaanka Turkiga oo meelmariyay sharci si adag u xakameynaya baraha bulshada
Tabinta Tooska ah.
Tebin toos ah
Madaxweyne sheegay in cudurka corona kaga adkaaday haraatida “cagahiisa”
Xigashada Sawirka, Reuters
Qoraalka sawirka, Alexander Lukashenko wuxuu dalka Belarus maamulayaa tan iyo 1994.
Madaxweynaha
dalka Belarus, Alexander Lukashenko, wuxuu ku dhawaaqay in cudurka uu ku dhacay
ka dibna uu ka bogsaday “markii uu cagahiisa la dhacay”.
"Sidan
ayey dhaqaatiirka ku soo afjareen shalay; Waad ka bogsatay,” waa sida uu u
sheegay saraakiisha militariga.
Wax cadeyn ah
ma uusan u keenin sheegashadiisa, sidoo kalena ma cadeynin hadalkiisii ahaa “in
bulshada dalkaas, 97 boqolkiiba uusan ku dhicin xanuunka”.
Jaamacadda Johns
Hopkins waxay sheegtay in dalkaas laga helay 67,366 oo kiis, ayna u dhinteen 543
qof.
Iyadoo inta badan
dalalka Yurub ay soo rogeen xayiraad lagu xakameynayay coronavirus, Belarus marna
ma aysan xirin xuduudaheeda, garoomada kubadda cagtana way iska furnaayeen.
Lukashenko , oo
xukunka dalkaas haystay tan iyo 1994-tii – kaas oo lagu tilmaamo keli taliska
ugu dambeeya ee Yurub – wuxuu cudurka corona ku tilmaamay cabsi “dhanka
maskaxda ah”.
Hadalkaas
wuxuu ahaa mid dhaliyay bannaanbax isaga ka dhan ah oo aan dalkaas horey uga
dhicin, wuxuuna xilligaas ku jiray olole doorasho oo shacabka ay u dareerayaan
Axadda soo socota.
Maamulka
dalkaas waxay xabsiga dhigeen dadka mucaaradka ku ah madaxweynaha, waxaana la
xirxiray kuwii isu soo baxay.
Baarlamaanka Turkiga oo meelmariyay sharci si adag u xakameynaya baraha bulshada
Xigashada Sawirka, Getty Images
Baarlamaanka dalka Turkiga ayaa meelmariyay sharci si adag loogu xakameynayo baraha bulshada. Waa tallaabo ay hay’adaha u dooda xuquuqda
aadanaha ku tilmaameen "mid halis wayn ku ah xuriyadda hadalka."
Sharciga wuxuu
dhigayaa in qof kastoo leh bog ay ku xiran yihiin in ka badan hal milyan oo
Turki ah, inuu xafiis ka furto dalka uuna u hoggaansamo dalab kasta oo ah in ay farriimaha qaar tirtiraan.
Haddii shirkadaha ay
diidaan waxay wajihi doonaan ganaax iyo in qadka internet-ka laga jaro.
Facebook, Twitter iyo
YouTube weli kama aysan hadlin go’aankan.
Madaxweyne Recep
Tayyip Erdogan ayaa baraha bulshada ku tilmaamay “anshax xumo” mana uusan
qarinin sida uu u jecel yahay in si adag loo xakameeyo.
Xeerka waxaa
dalbaday xisbiga talada haya ee AKP iyo midka xulafada la ah ee MHP, kuwaas oo
haystay aqlabiyadda baarlamaanka Turkiga.
Waxaana sharcigan cusub la meelmariyay manta oo Arbaco ah.
Xilliyo hore,
maamulka Turkiga waxay si ku meelgaar ah u jareen internet-kaI, si shacabka
aysan uga hadlin weerarro argagixiso.
Sharcigan cusubna
wuxuu ogolaanaya in shirkadaha laga jaro internet-ka boqolkiiba 95, taas oo
sababeysa in ay shaqeyn waayaan.
Hay’adda u dooda
xuquuqda aadanaha ee Amnesty International ayaa tallaabadaas ku tilmaamtay “middii
ugu dambeysay oo weerar toos ah ku ah xuriyadda hadalka ee Turkiga”.
Trump oo ku dhegan dawada aan la ansixin ee hydroxychloroquine
Xigashada Sawirka, EPA
Madaxweynaha
Mareykanka Donald Trump ayaa mar kale difaacay isticmaalka dawada hydroxychloroquine
oo lagula dagaallamo cudurka korona, taas oo khilaafsan wixii ay ku
talinayeen saraakiisha dowladdiisa u qaabilsan caafimaadka.
Wuxuu sheegay in dawadan loogu
talagalay malaariyada, la diiday uun ka dib markii uu isaga ku taliyay in la
isticmaalo.
Hadalkiisa ayaa yimid ka dib
markii Twitter ay mamnuucday wiilkiisa curadka ah oo bahiyay muuqaal
xayeysiinayay dawada hydroxychloroquine.
Ma jirto
caddeyn muujineysa in dawadan ay u wanaagsan tahay bukaannada qaba cudurka
coronavirus.
Hay’adaha xaqiijiya tayada dawada waxay ku digayaan in wadna
xanuun laga qaadi karo haddi loo isticmaalo fayraska Covid-19.
Talaadadii, wuxuu madaxweyne Trump
sheegay: “Waxa keliye ee aan kuu sheegi karo waa fikraddeyda, iyo wax ku
saleysan akhrinta kala duwan iyo cilmiga ku saabsan arrintaas, waxayna ila
tahay in ay aad ugu fiican tahay marxaladaha bilowga ee cudurka”.
"Uma maleynayo in wax dhib ah
uu kaa soo gaarayo isticmaalkeeda, balse siyaasad ahaan, uma muuqato mid
suuragashay.”
Wuxuu hadalka ku sii daray: "Marka
aan talo ku saabsan shay soo jeediyo, waxay jecel yihiin in ay diidaan oo ay dhahan ha qaadan”.
Marka xaaladda guud ee Mareykanka
la eego, madaxweynaha wuxuu sheegay in gafuur-xir badan iyo qalab kale la
sameeyay iyo in 55 milyan oo qof laga baaray cudurka – “Marka caalamka kale loo
eego waa midda ugu bdan”, ayuu yiri.
Weriye Gurbiye oo xabsi lagu xukumay, Weriye Cabdicasiis Gurbiya oo Maxkamadda gobolka Banaadir ay xukuntay
Xigashada Sawirka, Goobjoog
Maxkamadda
gobolka Banaadir ayaa xukun lix bilood oo xarig ah ku riday suxufiga la
yiraahdo Cabdicasiis Axmed Gurbiye oo ah tifaftiraha warbaahinta maxaliga ah ee
Goobjoog.
Garoosaraha ayaa sheegay in xukunka weriyaha loo
cuskaday qodobka 328 oo ah faafinta war been abuur ah.
Dacwadda loo haystay
suxufigan ayaa soo socotay labadii bilood ee ugu dambeysay iyadoo xeer
ilaalinta kiiska soo oogtay ay sheegaysay in suxufigu bartiisa gaarka ah ee
Facebook uu ku daabacy warrar been abuur ah.
Cabdicasiis Gurbiye waa tafatirada warbaahinta Goobjoog ee Soomaaliya ka howlgasha.
Lacagta lagu ganaaxay ayaa gaareysa 5.000,000 oo shilin Soomaali ah, una dhiganta $208.3USD. Waxaa lagu eedeeyay inuu warar been ah ku qoray Facebook.
Qareennada u doodaya Gurbiye waxay sheegeen in go'anka maxkamadda lagu saleeyay xeer aan xilligan shaqeynin.
Internet-kii ka go’ay Soomaaliya ma siyaasad buu la xiriiray?
Xigashada Sawirka, Getty Images
Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in hakadkii ku yimid adeegga internet-ka ee saameeyay guud ahaan waddanka uusan wax xiriir ah la lahayn arrimaha siyaasadda.
Wasiirka wasaaradda Boostada, Iskaarsiinta iyo
Tiknoolojiyadda ee Soomaaliya, Cabdi Canshuur Xasan ayaa warbaahinta ku hadasha afka dowladda u sheegay in go'itaanka internet-ka ay sabab u ahayd cillad ku timid fiilooyinka badda hoos mara.
"Baaritaan ay sameeyeen dowladda iyo shirkadda adeegga bixisa ee Dalcom ayaa lagu ogaaday in waxyeellada ay ka dhacday meel qiyaastii 27km ka baxsan xeebta Soomaaliya," ayuu yiri Wasiirka.
Hay'ado aan dowli ahayn iyo qaar ka mid ah dadka isticmaala baraha bulshada ayaa arrintaas ku tilmaamay mid ay sabab u ahayd tallaabadii xilka looga tuuray Ra'iisul Wasaarihii xukuumadda Xasan Cali Kheyre.
Waxaa cilladdaas lasoo tabiyay subaxnimadii Isniinta, waxaana la xalliyay subaxdii xigtay ee Talaadada. Hakadkan ayaa saameyn ku yeeshay habsami u socodkii warbaahinta iyo holihii ganacsiga,
Atoorihii dhintay filimkiisa oo si aan caadi ahayn loo daawaday
Xigashada Sawirka, Sushant Singh Rajput/Twitter
Shirkadda filimada siideysa ee lagu magacaabo Disney+ Hotstar ayaa filimkii abid ugu daawadashada badnaa ee ay soo bandhigeen u aqoonsatay Dil Bechara, oo ah filimkii ugu dambeeyay ee uu jilay atoorihii Bollywood-ka ee bishii lasoo dhaafay geeriyooday, Sushant Singh Rajput.
Tiradan waxaa soo bandhigtay shirkad madax bannaan oo dabagal ku sameyneysay filimka cusub.
Sida uu daabacay wargeyska Mid-Day, Ormax Media, oo wakiil ka ah shirkadda, ayaa aaminsan tirada daawashada ee uu helay Dil Bechara lala barbardhigi karo daawashadii uu heystay musalsalkii cajiibka ahaa ee laga sii daayay HBO, Game of Thrones. Hase yeeshee ma aysan sii faahfaahinin xogta.
"Haddaad doontid waxaad isbarbar dhigi kartaa daawashada filimkan Dil Bechara iyo tii musalsalkii Game of Thrones, waxaana suurtagal ah inuu intaas kasii bato", ayaa lagu yiri war laga soo saaray shirkadda filimkan shaacisay.
Atooraha soo jilay filimkan ayaa geeriyooday 14-kii bishii June, ka hor inta aan lagu dhawaaqin muddada filimkiisa lasii deyn doono.
Filimkan waxaa si bilaash ah u daawan kara dadka shirkaddaas ku taxan iyo kuwa cusub labadaba.
Dhawaan shirkadda filimada laga daawado ee Netflix ayaa shaaca ka qaadday filimkeedii loogu daawashada badnaa, kaasoo noqday Extraction. Waxay shirkaddu sheegtay in filimkaas uu helay 99 milyan oo daawasho ah, laakiin waqtigaas wuxuu ahaa muddo hal bil gudaheed ah.
Dhinaca kale, musalsalka Game of Thrones, oo caalamka uu si weyn uga daba dhacay ayaa qeybtiisii ugu dambeysay waxay xalaqo kasta oo ka mid ah heshay daawasho dhan 44 milyan.
Xafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya ayaa war-saxaafadeed wadajir ah oo uu kasoo saaray magaalada Muqdisho ku sheegay in beesha caalamka ay si wadajir ah isha ugu heyso arrimaha xilligan ka taagan waddanka.
Bayaankaas ayaa qormadiisa lagu billaabay: "Saaxiibbada Soomaaliya* ee beesha caalamka waxay muujinayaan walaacooda iyo rajada adag ee ay ka qabaan in arrimaha siyaasadeed ee dhowaan soo kordhay, oo ay ku jirto arrintii ka dhacday Baarlamaanka Federaalka, aanay wiiqi doonin dadaallada loogu jiro is-faham siyaasadeed oo wadar-ogol ah oo laga gaadho doorashooyin waqtigooda ku dhaca, oo aanay carqaladayn doonin ajendaha dib-u-habaynta Soomaaliya, ama aanay abuuri doonin xasillooni darro dib u dhac ku keeni karta guulihii ilaa iyo hadda laga gaaray arrimaha hortabinta u leh qaranka."
War-saxaafadeedkan ayaa sidoo kale baaq loogu jeediyay dhammaan dhinacyada ay arrintani khuseyso.
"Saaxiibbadu waxay si joogto ah ugu baaqeen wadatashiyo loo dhan yahay si heshiis sal-ballaaran looga gaadho noocyada doorasho ee sannadka 2020ka. Taasi waa sababta ay u soo dhoweeyeen go'aannadii ay madaxda Dowladda Federaalka iyo madaxda Dowlad Goboleedyadu ku gaareen magaalada Dhuusamareeb 22kii Luulyo, taas oo ah tallaabo muhiim ah oo loo qaaday si loo gaadho yoolkaas."
Dhinaca kale waxay mas'uuliyiinta heer federaal iyo heer maamul goboleed ku boorriyeen inay ka dhabeeyaan heshiisyadii ay ku gaadheen magaalada Dhuusamareeb, dhinac walbana uu dadaalkiisa sameeyo.
"Saaxiibada caalamku waxay ka filayaan in madaxda Dowladda Federaalka iyo Dowlad Goboleedyadu ay ixtiraamaan heshiisyadii lagu gaaray magaalada Dhuusamareeb 22kii Luulyo iyo jadwalka waqtiyaysan ee shirarka lagu sii ambaqaadayo arrimahaas, la iskuguna keeno Dowladda Federaalka, Dowladaha Xubnaha ka ah Dowladda Federaalka, hoggaanka Baarlamaanka Federaalka, xisbiyada siyaasadeed iyo wakiillada bulshada rayidka ah. Isku-day kasta oo ka yimaada hal dhinac oo ka mid ah saamilleyda oo isku daya inuu keligiis dadka kale ku qasbo noocyo doorasho wuxuu noqon doonaa mid aan sharciyad lahayn lamana dhaqangelin karo haddii uusan helin taageerada lagama maarmaanka ah ee saamilleyda kale. Saaxiibadu waxay si dhow ula socon doonaan waxyaabaha dhici doona ee soo socda. In go’aan lagu gaaro u-heelanaanta arrimaha qaran ee hortabinta leh ee lagu heshiiyay iyo in arrimaha lagu xalliyo wadahadal iyo isu-tanaasul waxay muhiim u yihiin sii socoshada taageerada caalamiga ah ee la siiyo Soomaaliya ee heerarka hadda ay tahay."
Gabagabada war-saxaafadeedkan ayaa lagu yidhi; "Saaxiibadu waxay ku baaqayaan in si dhakhso ah loo soo magacaabo dhammaan xubnaha DFS-DXF uga mid noqonaya Guddiga Farsamada, waxayna diyaar u yihiin inay fududeeyaan hawsha Guddiga, si hawshaas loogu soo dhamaystiro muddada labada toddobaad ah ee lagu heshiiyay, taas oo ka soo billaabanaysa taariikhda shirkii Dhuusamareeb."
Macluumaadkan waxaa daabacay X. Waxaan dalbanayenaa fasaxaaga ka hor inta aan la furin, waxaa laga yaabaa inay isticmaalayaan cookies iyo farsamooyin kale. hadii aad u bahato akhri X xeerarka cokie iyo kan ku saabsan xogta gaarka ah ka hor inta aadan aqbalin. si aad u aragto xogta guji ‘aqbal oo soco’.
Digniin: BBC macluumaadka ku qoran bog kale masuul kama ahan
Dhammaadka X boggan
Xayawaanno laga baqayo inay soo raacaan fatahaadda wabiga Shabeelle
Shacabka ku dhaqan degmada Afgooye ee gobolka Sabeellada Hoose, oo dhawaan ku barakacay fatahaadda wabiga Shabeelle ayaa walaac ka muujinaya in mar kale uu wabigu karkaarrada jabsado.
Dadkan ayaa sidoo kale aad uga cabsi qaba in xayawaanno dad cun ah ay soo raacaan biyaha daadka ah.
Waxaa kale oo laga baqayaa in ay cudurro ka dillaacaan fatahaadda.
Ibrahim Kuuloow Axmed, oo ka mid ah nabadoonnada deegaanka, ayaa warbaahinta ku hadasha afka dowladda Soomaaliya u sheegay in xayawaannada soo raacay biyaha wabiga ay cuneen gabar yar, sidoo kalena uu walaac ka qabo caafimaad darro hor leh.
"“Waxaan ka cabsi qabnaa inay ka dhashaan cuduro ka dib markii dhammaan adeegyadii caafimaadka ay biyaha qaadeen, waana dhibaatooyin nagu soo food leh, balse waxaana u baahan nahay in nalaga soo gaadho", ayuu yiri nabadoon Ibraahim Kuuloow.
Dhawaanahanba waxaa socday ol'ole dhaqaale loogu aruurinayo dadka ay saameynta ba'an ku yeesheen fatahaadaha wabiga Shabeelle.
Suudaan oo ciidamo hor leh u direysa Daarfuur
Xigashada Sawirka, AFP
Dowladda Suudaan ayaa ciidamo dheeraad ah u direysa gobolka aan xasillooneyn ee Daarfuur, kaddib markii uu kasoo cusboonaaday qalalaase cusub.
Ra'iisul Wasaare Abdalla Hamdok ayaa sheegay in ciidanku ay shacabka ilaalin doonaan muddada lagu guda jiro beer falashada.
Kooxo hubeysan oo aan heybtooda la aqoonin ayaa Sabtidii gobolkaas ku dilay in ka badan 60 ruux. 20 ruux oo kalena waxaa la dilay waqtigaas ka hor, sida ay sheegtay Qaramada Midoobay.
Boqollaal kun oo qof ayaa ku dhintay dagaallo gobolkaas tan iyo 2003-dii ku dhex marayay ciidamada dowladda iyo kooxo fallaago ah.
Malaayiin qofna waxaa laga barakiciyay guryahooda.
Rajada shacabka ayaa soo noolaatay markii labo bilood ka hor heshiis laga gaaray qalalaasaha gobolkaas.
Hase yeeshee weerarrada cusub ayaa horseeday isku dhac hor leh oo ku saabsan xuquuqaha dhulka, kaasoo u dhaxeeya dadkii horay u lahaa iyo kuwii qabsaday inta laga maqnaa.
Rabshadihii ugu dambeeyay ayaa lagu gubay dhowr xaafadood,iyo suuqyo, waxaana la boobay dukaamo badan, sida uu shaaciyay xafiiska Qaramada Midoobay ee arrimaha bani'aadannimada (OCHA).
Ma jirto koox ilaa hadda sheegatay mas'uuliyadda weerarradaas.
Madaxweynihii hore ee Suudaan, Cumar Xasan al-Bashiir, oo sanadkii hore xilka laga tuuray, ayey maxkamadda caalamiga ah ee dambiyada dagaalka (ICC) u doon dooneysaa inuu mas'uul ka ahaa dambiyo dagaal iyo xasuuq ka dhacay gobolka Daarfuur.
76 jirkan ayaa isbuucii lasoo dhaafay kasoo muuqday maxkamad ku taalla magaalada Khartuum, isagoo loo heysto eedeymo la xiriira tacaddiyo la geystay sanadkii 1989-kii, xilligaasoo uu dhacay isku day afgambi milatari xilka looga tuuri rabay.
Haddii dambigaas lagu caddeeyo wuxuu wajahayaa xukun dil toogasho ah.
Shirkadda Facebook ayaa falcelin ka sameysay baaritaan uu
midowga Yurub ku hayo sida ay u shaqeyso, waxayna u tallaabsatay inay maxkamad
la tiigsato.
Mas’uuliyiinta Facebook ayaa dacwaddooda maxkamadda ku saleeyay
walaac ay ka qabaan in loo dhaco xogtooda gaarka ah.
Labo baaritaan oo
kala duwan ayaa lagu sameeyay Facebook si loo ogaado inay ku xad-gudubtay
shuruucda u yaalla tartanka ganacsiga.
Si xog buuxda loo
helo, golaha Midowga Yurub ayaa dalbaday macluumaadka hoose ee Facebook, oo ay
ku jiraan 2,500 oo erayo gaar ah.
Facebook ayaa
dhankeeda sheegeysa in arrintaasi ay ka dhigan tahay bixinta xog aad xasaasi u
ah oo aan la xiriirin arrimaha la baarayo.
Hase yeeshee Golaha
reer Yurub ayaa sheegay in ay iska difaaci doonaan kiiska maxkamadeed ee lagu soo
oogay, baaritaanka ay ku hayaan Facebook-na uu wali sii socon doono.
Shirkaddan oo ka mid
ah kuwa ugu waaweyn ee bixiya adeegyada baraha bulshada ayaa dacwadda geysay
maxkamadaha Yurub, waxayna ku doodeysaa in laga qaato xogta u qarsoon.