Dalalka Afrika oo bilaabaya tijaabada u adkeysiga coronavirus

Ku soo dhowaada tebinta tooska ah

Tebin toos ah

  1. .

    Ugu yaraan sedex ayaa ku dhintay todobo kalena way ku dhaawacmeen kadib markii qof isku soo xiray walxaha qarxa uu isku qarxiyay maqaayad laga shaaho oo ku dhaw xarunta madaxtooyada ee magaalada Muqdisho sida laga soo xigtay afhayeenka wasaaradda warfaafinta Ismaaciil Oranjo.

    Qaraxa oo dhacay gabaldhicii xiliga magaalada Muqdisho ayaa sababay argagax iyo kala carar ku yimid dadkii faraha badanaa ee maqaayada joogay iyo kuwii ka agdhaawaa.

    Maqaayada ayaa ku taala koontarool ay fadhiyaan ciidamada ilaallada madaxtooyada oo halkaa kala socda dhaqdhaqaaqa gadiidka iyo dadka isaga gudbaya wadada hor marta Villa Soomaaliya.

    Illaa hadda ma jirto cid sheegatay qaraxa ka dhacay agagaarka madaxtooyada balse weerarrada noocaana waxa Muqdisho ka fuliya Ururka Al-Shabaab.

  2. Qarax khasaare geystay oo ka dhacay meel u dhow madaxtooyada Muqdisho

    Ugu yaraan sedex ayaa ku dhintay todobo kalena way ku dhaawacmeen kadib markii qof isku soo xiray walxaha qarxa uu isku qarxiyay maqaayad laga shaaho oo ku dhaw xarunta madaxtooyada ee magaalada Muqdisho sida laga soo xigtay afhayeenka wasaaradda warfaafinta Ismaaciil Oranjo. Qaraxa oo dhacay gabaldhicii xiliga magaalada Muqdisho ayaa sababay argagax iyo kala carar ku yimid dadkii faraha badanaa ee maqaayada joogay iyo kuwii ka agdhaawaa. Maqaayada ayaa ku taala koontarool ay fadhiyaan ciidamada ilaallada madaxtooyada oo halkaa kala socda dhaqdhaqaaqa gadiidka iyo dadka isaga gudbaya wadada hor marta Villa Soomaaliya.

    Illaa hadda ma jirto cid sheegatay qaraxa ka dhacay agagaarka madaxtooyada balse weerarrada noocaana waxa Muqdisho ka fuliya Ururka Al-Shabaab.

    .
  3. Kenya: Shiinees sababay in laga kala cararo maxkamad lagu qaadayay dacwad loo haysto

    Coronavirus

    Maxkamad ku taalla magaalo xeebeedka Mombasa ee dalka Kenya ayaa ku qasbanaatay inay dib u dhigto kiiska saddex eedeysane Shiinees ah oo gudaha maxkamadda soo galay iyagoo xiran dharka difaaca jirka, sida uu baahiyay telefishinka NTV.

    Saddexdooda ayaa lagu eedeeyay inay isku dayeen inay laaluushaan dadka baaritaanka ku sameynaya musuqmaasuqa lagu sameeyay mashruuca waddooyinka tareenka ee Kenya.

    Labiska eedeysanayaasha ayaa cabsi geliyay dadkii ku sugnaa maxkamadda kuwaasoo isaga cararay goobta sida uu baahiyay NTV, sababtoo ah waxay ku khaldeen saraakiisha caafimaadka oo raadinaya qof qaba xanuunka coronavirus.

  4. Maxaa ka cusub sharciga UK ee dadka ka soo dhoofaya Faransiiska?

    Coronavirus

    Laga bilaabo berri oo Sabti ah, dadka ka imaanaya Faransiiska ee tagaya UK iyo dalal kale oo dhowr ah ayaa ku qasbanaan doona inay is karantiilaan muddo 14 maalmood ah.

    Dhammaan dadka safraya – oo ay ku jiraan muwaadiniinta UK – waxaa laga doonayaa halka ay ka degayaan Britain, meeshaas oo ah halka ay isku karantiili doonaan. Haddii ay diidaan inay warbixinnadaas ku buuxiyaan foomka waxaa lagu ganaaxi doonaa £100.

    Dadka aan is karantiilin ayaa iyaguna lagu ganaaxi doonaa £1,000 gudaha England, Wales iyo Waqooyiga Ireland, halka kuwa ku sugan Scotland lagu ganaaxi doono £480. Waxaa sidoo kale jira ganaax dhan £5,000 oo laga qaadi doono kuwa sida joogtada ah u jebiya sharcigaas.

    Waad isku dayi kartaa inaad UK tagto kahor inta uusan sharcigan dhaqan gelin. Balse waxaa loo maleynayaa in in ka badan 150,000 oo dalxiisayaal UK u dhashay ay haatan ku sugan yihiin Faransiiska, waxaana la filayaa in tan ay sababto in kumannaan kun ay buux dhaafiyaan garoomada ayagoo ka cararaya inay is karantiilaan.

  5. Natiijada doorashooyin-goboleedyada Itoobiya oo laga digay inay isku dhacyo sababaan

    Itoobiya
    Qoraalka sawirka, Xisbiga Xoreynta Dadka Tigreega (TPLF) ayaa wacad ku maray inay qaban doonaan doorashooyinka gobolka

    Kooxda Xasaradaha Caalamiga ah ayaa ka digtay khatar isku dhacyo oo ka dhalan kara muranka doorasho ee u dhaxeeya dowladda Itoobiya iyo maamullada gobolka waqooyiga dalkaas ku yaalla ee Tigray.

    Kooxdan ayaa qoraal ay soo saareen ugu baaqay labada dhinac inay arrinta xalliyaan.

    Saraakiisha Tigreega ayaa ka soo horjeestay amarka dowladda federaalka, iyagoo wacad ku maray in bisha soo socota ay qaban doonaan doorashooyinka gobolka.

    Doorashooyinka dalka Itoobiya ayaa lagu waday inay qabsoomaan bishan, balse muddo aan la cayimin ayaa dib loo dhigay, sababo la xiriira xanuunka coronavirus iyo rabshado ka dhashay dilkii loo geystay fannaan caan ahaa oo ka soo jeeday gobolka Oromia.

  6. Tanzania “loogama baqayo inay ka dhacdo tsunami”

    tsunami

    Dadka Tanzania ee ku nool agagaarka Badweynta Hindiya ayaa loogu baaqay inay sii wataan howl-maalmeedkooda iyadoo aan laga baqeyn khatar dhanka duufaanta tsunami ah.

    Waaxda saadaasha hawada ee dalkaas ayaa sheegtay in aan wax isbeddel ah haatan laga fileyn badweynta, iyadoo habeenkii Arbacada uu halkaasi ka dhacay dhulgariir xaddigiisu yahay 6.0.

    Dhulgariirka ayaa ku dhuftay meel u dhow magaalada ganacsiga ee Dar es Salaam.

    Warbaahinta gudaha ayaa sheegtay in dadku ay ka cabsi qabaan in duufaanta tsunami ay ku dhufato xeebaha.

    Waaxda saadaasha hawada Tanzania ayaase sheegtay in wax is beddel cimilada ah aanan la fileyn kaddib dhulgariirkaas.

  7. Dalalka Afrika oo bilaabaya tijaabada u adkeysiga coronavirus

    Coronavirus
    Qoraalka sawirka, Haddii jirka qofku uu u adkeysan karo waxay ka dhigan tahay in uu hore ugu dhacay coronavirus

    Toddoba dal oo Afrika ku yaalla ayaa toddobaadka soo socda bilaabi doona tijaabada u adkeysiga, sida ay sheegtay Xarunta Xakameynta iyo Kahortagga Cudurrada ee Afrika.

    Tijaabada ayaa qeyb ka ah dadaal lagu doonayo in lagu fahmo xaddiga faafitaanka xanuunka ee gudaha qaaradda.

    "Liberia, Sierra Leone, Zambia, Zimbabwe, Cameroon, Nigeria, Morocco ayaa ah dalalka ugu horreeya ee arrintaas sameynaya," madaxa CDC ee Afrika John Nkengasong ayaa sidaasi ku sheegay hadal uu jeediyay shalay.

    Wuxuu intaas ku daray in qaaraddu ay sameysay ilaa 9.4 milyan oo tijaabada coronavirus ah, taas oo u dhow hiigsiga 10-ka milyan.

    Dr Nkengasong wuxuu xusay in Afrika ay horumar wanaagsan ka sameysay horumarinta tallaalka.

    Qaaradda Afrika ayaa ilaa iyo haatan diwaan gelisay 1,084,904 oo kiisaska coronavirus ah, sida laga soo xigtay Jaamacadda Johns Hopkins.