Masar oo meel marisay sharci dhowraya dhibbanayaasha tacaddiyada loo geysto

Ku soo dhowaada tebinta tooska ah

Tebin toos ah

  1. Qarax ka dhacay Beled Xaawo oo ay dad ku dhinteen

      • Author, Ibrahim Aden
      • Role, BBC Somali, Muqdisho

    Ugu yaraan shan qof ayaa dhintay saddex iyo toban kalena way dhaawacmeen kaddib markii la qarxiyay barqadii maanta maqaayad ku taalla degmada Beled Xaawo ee gobolka Gedo ee Koonfurta Soomaaliya, sida ay BBC-da u sheegeen goobjoogayaal ku sugan halkaas.

    Qaraxa ayaa loo malaynayaa inuu ahaa mid la sii dhigay maqaayadda kaddibna la qarxiyay markii dadku soo camireen. Saddex iyo tobanka qof ee dhaawaca ah ayaa la dhigay isbitaalka Beled Xaawo kuwaas oo isugu jiray rag iyo dumar qaarkood ay ka tirsanaayeen ciidanka sida uu BBC-da u sheegay isu-duwaha caafimaadka magaalada.

    Maqaayadda la qarxiyay ayaa badanaaba waxaa fariista oo ka shaah caba ciidamada dowladda iyo dadka rayidka ah ee ka agdhaw aagga ay ku taallo.

  2. Tirada dadkii ku dhintay Hoteel Elite oo korortay

      • Author, Bella Hassan
      • Role, BBC Somali
    Elite Hotel

    Ugu yaraan 17 qof ayaa haatan la rumeysan yahay inay dhinteen kaddib weerarkii hoteelka Elite ee dhinaca ku haya Xeebta Liido, ee magaalada Muqdisho, weerarkaas oo ay soo afjareen ciidamada.

    Tiro kale ayaa ku dhaawacantay weerarkaas oo uu madaxweyne Farmaajo ku eedeeyay kooxda al-Shabaab.

    Ku dhowaad 200 oo kale ayaa laga soo badbaadiyay dhismaha hoteelka oo afar dabaq ka kooban.

    Afhayeen u hadlay dowladda ayaa goor sii horreysay sheegay in tirade dadka dhintay ay tahay 11, iyo shan kale oo kooxda weerarka soo qaadday ka tirsanaa.

    Booliiska ayaa sheegay in dadka weerarka ku dhintay ay ku jireen labo shaqaale dowladeed, saddex ka tirsanaa ilaalada hoteelka, afar rayid ah iyo kuwo kale oo aan la aqoonsan.

    Hoteelka Elite ayaa ku yaalla meel si weyn ammaankeeda loo ilaaliyo, waxaana inta badan taga siyaasiyiinta, ganacsatada, weriyeyaasha iyo dadka u dhaqdhaqaaqa bulshada.

  3. Baydhabo: Guddoomiyihii deegaanka Goofguduud Buureey iyo dad kale oo ku dhintay weerar halkaas ka dhacay

      • Author, Ibrahim Aden
      • Role, BBC Somali, Muqdisho

    Ugu yaraan shan qof oo ay ku jiraan guddoomiyihii deegaanka Goofguduud Buurey iyo taliyihii Saldhigga Booliska ayaa ku dhintay dagaal culus oo saaka Al-Shabaab ay ku qaadday tuulada oo qiyaastii 30 km galbeed uga beegan magaalada Baydhabo ee xarunta kumeel gaarka ah ee maamulka Koonfur Galbeed, sida ay BBC-da u sheegeen dad ku sugan Baydhabo.

    Weerarka tuulada lagu qaaday ayaa ku bilowday gaari waxayaabaha qarxa lagu soo raray oo lagu dhuftay saldhigga tuulada, dabadeedna rag hubeysan ayaa dagaal saf ballaaran ah tuulada ku soo galay halkaas oo uu ka bilowday dagaal culus oo dhexmaray ciidamada dawaladda iyo kuwii dagaalka soo qaaday ee Al-Shabaab.

    War ka soo baxay Al-Shabaab waxay ku sheegeen inay dileen 8 qof una suurtagashay inay muddo kooban qabsadaan tuulada, haseyeeshee milatariga Soomaaliya oo ay soo xiganaysay warbaahinta dowladda ayaa sheegay in toban ka tirsan kooxdii weerarka soo qaadday la dilay.

    Xaaladda ayaa hadda deggan iyadoo dadkii dhaawacmay la geeyay isbitaalka Baydhabo.

  4. Koofur Afrika: Eedeysane loo haystay dilka haween oo isagii isku dilay xabsi dhexdiisa

    Koofur Afrika
    Qoraalka sawirka, Dadka deegaanka oo ku bannaan baxayay dibadda maxkamadda ayaa sheegay inay cabsi ku nool yihiin

    Mid ka mid ah labo eedeysane oo loo haystay inay shan haween ah ku dileen gobolka KwaZulu-Natal ee dalka Koofur Afrika ayaa isku dhex dilay xabsi, sida ay booliiska u sheegeen BBC-da.

    Eedeysanaha ayay ahayd inuu saakay ka soo muuqdo maxkamadda.

    Dacwadda maxkamadda ayaase weli socota, iyadoo lagu qaadayo eedeysanaha kale. Labada eedeysane ayaa la soo xiray Jimcihii.

    Meydadka shanta haweenka ah ayaa beer qasabku ka baxo oo ku taalla deegaanka Mthwalume laga helay intii u dhaxaysay April iyo August. Labo ka mid ah meydadka ayaa la helay toddobaadkii la soo dhaafay.

    Dadka deegaanka ayaa sheegay inay naftooda u baqayaan, iyadoo howlgalka booliiska ee halkaasna uusan wanaagsaneyn.

    Wasiirka Booliiska Qaranka Bheki Cele ayaa war-saxaafadeed ku yiri: "Booliis dheeraad ah ayaan geynay deegaanka si aysan dembiyadan oo kale u soo laaban, isla markaana ay haweenku badqad u dareemaan, waxaan sidoo kale halkaas ka sameynay xarunta adeegga bulshada oo wareegta si deegaankaas iyo kuwa kale ee ku xeeran ay u helaan adeegyada booliiska."

    Dadka deegaanka ayaa ku hor bannaan baxay maxkamadda – iyadoo qaarkood ay siteen boorar ay ku qoran yihiin "ma jirto damaanad, ku ur jeelka".

    Dadka ayaa aaminsan in dilka shanta haweenka ah uu ku lug leeyahay dilaa dad badan laayay amaba kooxo dad badan leysay. Booliiska ayaase sheegay inaysan haatan caddeyn karin arrintaas.

    Mr Cele ayaa lagu wadaa in gelinka dambe ee maanta uu la hadlo warbaahinta.

  5. Booliiska Kenya oo soo xiray xildhibaanno ka tirsan aqalka sare

    Saddex xildhibaan oo ka tirsan aqalka sare ee baarlamaanka Kenya ayaa xalay la xiray, iyadoo maanta cod loo qaadayo qeybsiga dakhliga, sida laga soo xigtay xildhibaanno kale.

    Xildhibaannada kala ah Cleophas Malala iyio Chrisptopher Langat ayaa laga soo xiray guryahooda oo ku yaalla Nairobi, sida uu sheegay hoggaamihiyii aqlabiyadda baarlamaanka ee hore Kipchumba Murkomen.

    Booliiska ayaan weli ka jawaabin arrintan. Ma cadda sababta aysan boolisku ugu yeerin xildhibaannadan.

    Cod qaadista qeybsiga dakhliga ayaa dib loo dhigay siddeed jeer oo hore, sababo la xiriira khilaaf ka dhashay habka ay 47-da deegaan u qeybsanayaan 316.5bn oo shilinka Kenya ah ($2.9bn).

    Xildhibaannada ayaa saakay codsaday in dib loo dhigo codbixinta si looga doodo sababta loo xiray xildhibaannadan.

  6. Rwanda oo xirtay suuqyada kaddib markii ay kordheen kiisaska Corona

    Maamulka caasimadda dalka Rwanda ee Kigali, ayaa muddo toddoba maalmood ah xiray labada suuq ee ugu weyn ee magaalada kaddib markii ay kordheen kiisaska fayraska Corona.

    Rwanda waa dalka keliya ee ka tirsan dalalka saxaraha Afrika ka hooseeya ee ay dadkiisa ay tegi karaan dalalka Schengen la isku yiraahdo ee Yurub, inta lagu guda jiro xilligan uu socdo xanuunka safmarka ah ee coronavirus.

    Xiritaanka labada suuq ee Nyarugenge iyo Kwa Mutanga - oo ah labada suuq ee ugu waaweyn ee sida jumlada ah loogu iibiyo cuntada – ayaa dhaqan galaysa maanta.

    Go`aankan ayaa shalay lagu dhawaaqday saacado kaddib markii wasaaradda caafimaadka ay shaacisay 101 kiisas cusub oo coronavirus ah oo dalkaasi laga diwaan geliyay – 80 ka tirsan kiisaskaas waxaa laga diwaan geliyay Kigali.

    Rwanda ayaa diwaan gelisay 253 kiisas cusub saddexdii maalmood ee ugu dambeysay, kiisaskaas badankoodna waxaa laga helay Kigali. Kahor intaas 222 kiisas ah ayaa la diwaan geliyay muddo 14 maalmood ah.

    Rwanda ayaa 300,000 oo baaritaan ah oo ay sameysay kaddib diwaan gelisay 2,453 kiisas ah iyo siddeed dhimasho ah, sida laga soo xigtay wasaaradda caafimaadka.

  7. 'Tiro dhowr ah oo ay maleeshiyaad ku dileen' bariga Congo

    Congo

    Labo iyo toban qof ayaa muddo saddex maalmood gudahood ah ay maleeshiyaad ku dileen gobolka Beni oo ku yaalla bariga Jamhuuriyadda Dimuqraaddiga ah ee Congo, sida ay saraakiisha dalkaas u sheegeen wakaaladda wararka ee AFP.

    Kooxda Xoogagga Dimuqraaddiyiinta ayaa habeenkii Sabtida weeraray saldhig ay ciidamadu ku leeyihiin xaafadda Mwenda, iyagoo dilay siddeed qof, sida laga soo xigtay madaxa xaafaddaas, Donat Kibwana.

    Afar beeraley ah ayaa dhanka kale Jimcihii lagu dilay xaafadda Mbau.

    Labo sarkaal oo Congo u dhashay ayaa lagu dhaawacay dagaal ay kooxda ADF ka geysteen xaafadda Kpolowu, sida uu sheegay afhayeen u hadlay ciidamada oo ku sugan Beni.

    ADF, oo ah dhaqdhaqaaq Muslimiin ay u badan yihiin oo ka soo aasaasmay dalka Uganda sanadihii 1990-meeyadii, ayaa lagu eedeeyay in ka badan 1,000 qof oo rayid ah oo ku dhintay gobolka Beni tan iyo sanadkii 2014.

  8. Masar oo meel marisay sharci dhowraya dhibbanayaasha tacaddiyada loo geysto

    BBC

    Baarlamaanka Masar ayaa meel mariyay sharci dhowri doona haweenka soo sheega tacaddiyada la xiriira galmada.

    Baaritaan la sameeyay ayaa lagu sheegay in tacaddiyadu ay ku badan yihiin dalka Masar, balse waxaa la rumeysan yahay in haweenku ay badanaa ka baqaan haddii ay soo sheegaan tacaddiyada in iyaga qudhooda la eedeyn doono.

    Research suggests that abuse is widespread in Egypt, but it's believed that women often fear that if they file complaints they themselves will be blamed.

    Sharciga cusub ayaa la soo jeediyay July, kaddib markii olole dhif ah laga sameeyay barahama bulshada kaas oo looga soo horjeeday wiil arday ah oo kufsi kula kacay dhowr haween ah. Mar dambe ayaa la soo xiray.

    Kiiskaas ayaa haween badan ku dhiirrigeliyay inay soo sheegaan tacaddiyadii ay la kulmeen.

  9. Dadkii ku dhintay weerarkii Suudaanta Koofureed oo xabaal-wadareedyo lagu aasay

    Church attack

    Soddon iyo saddex qof oo ku dhintay weerar lagu qaaday kaniisad ku taalla Suudaanta Koofureed ayaa lagu aasay xabaal-wadareedyo dhowr ah.

    Moses Anur Ayom, oo ah baadari ka tirsan Kaniisadda Episcopal, ayaa sheegay in in Kaniisadda oo ku taalla magaalada Bor, ay labo toddobaad kahor soo weerareen dhalinyaro ka tirsan qabiilka Murle.

    Lama oga sababta ay toddobaad u qaadatay inuu soo ifbaxo warka weerarkan.

    Qabaa`illada Murle, Dinka iyo Nuer ayaa waxaa in muddo ah ka dhaxeeyay kala dhaca lo`da iyo weerarro aargoosi ah.

    Gebi ahaanba tuulada Makol Chuei ayaa haatan haawaneyda.

    “Wuxuu ahaa weerar aargoosi ah oo lagu dilay dad aan waxba galabsan, kuwaasoo magangalyo soo biday gudaha dhismaha kaniisadda," ayuu baadari Anur shalay u sheegay BBC-da isagoo ku sugnaa magaalada caasimadda ah ee Juba.