Weriyihii Kenya u dhashay ee ku xirnaa Itoobiya oo la sii daayay

Xarigga Yassin Juma ayaa caro ka abuuray meelo badan oo dunida ah.

Tebin toos ah

  1. Weriyihii Kenya u dhashay ee ku xirnaa Itoobiya oo la sii daayay

      • Author, Emmanuel Igunza
      • Role, BBC News, Nairobi
    Yassin Juma
    Qoraalka sawirka, Xiritaanka Yassin Juma ayaa caro ka abuuray caalamka

    Weriye Yassin Juma oo u dhashay Kenya ayaa laga sii daayay xabsi ku yaalla Itoobiya, toddobaad kaddib markii uu qareenkiisa sheegay in isagoo xabsiga ku jira laga helay xanuunka coronavirus.

    Waxaa haatan loo gudbiyay xarun karantiil oo ay dowladdu maamusho si loo daweeyo, waxaana loo oggolaan doonaa inuu Kenya ku laabto marka uu bogsado.

    Mr Juma, oo ah weriye madax bannaan, ayaa caasimadda Addis Ababa lagu xiray bishii July, kaddib kacdoonkii ka dhacay dalkaas eek a dhashay dilkii fannaanka qowmiyadda Oromada ka soo jeeda ee Hachalu Hundessa.

    Dowladda Itoobiya ayaa toddobaadkan dhexdiisa amartay sii deyntiisa, waxayna sheegtay in “khalad lagu xiray”.

    Wasaaradda Arrimaha Dibadda Kenya ayaa sheegtay in weriyaha la sii daayay kaddib markii safaaradda Kenya ee Itoobiya ay dhowr qoraal cabasho ah u dirtay xukuumadda Addis Ababa.

    Dilka Mr Hachalu ayaa waxaa ka dhashay dibadbaxyo ballaaran oo badankood ka dhacay gobolka Oromia, oo hoy u ah Oromada, oo ah qowmiyadda ugu badan Itoobiya.

    Ku dhowaad 200 oo qof ayaa rabshadahaas ku dhintay halka 9,000 oo kalena loo xiray. Kuwa weli xabsiga ku jira waxaa ka mid ah siyaasiyiin caan ah iyo weriyeyaal.

    Waxaa jira warar sheegaya in dibadbaxyo cusub ay ka bilowdeen Oromia, kuwaasoo looga soo horjeedo xiritaanka joogtada ah ee lagula kaco hoggaamiyeyaasha mucaaradka ee gobolka ka soo jeeda.

    Xoogagga ammaanka dalkaas ayaa lagu eedeeyay inay rasaas ku fureen dibadbaxayaasha xilligii ay mudaaharaadyadu socdeen, iyagoo dilay tiro dad ah kuwo kalena dhaawacay, sida laga soo xigtay isbitaallada.

    Xubno ka tirsan qowmiyadda Oromada ee Mareykanka ayaa iyaguna waddooyinka dalkaas ka dhigayay dibadbaxyo.

  2. Barasaabka Wajeer oo laga gudbiyay mooshin xil ka qaadis ah

    Wajeer
    Qoraalka sawirka, Barasaabka Ismaamulka Wajeer, Kenya

    Xildhibaanka deegaanka Benane ee Ismaamulka Wajeer ee dalka Kenya Cabdi Maxamed Sheekh ayaa mooshin xil ka qaadis ah ka gudbiyay Barasaabka Ismaamulkaas Maxamed Cabdi.

    Xildhibaanka ayaa ku eedeeyay Barasaabka musuqmaasuq iyo inuu ku tuntay awoodda xafiiska.

    Sanadkii hore, Barasaabka ayaa lagu eedeeyay musuqmaasuq, kaddib markii Guddiga Anshaxa iyo Kahortagga Musuqmaasuqa (EACC) uu xiray akoonno la sheegay inuu leeyahay wiil uu adeer u yahay.

    Sida uu sheegay Guddiga EACC, qoyska Barasaabka ayaa ku lug lahaa musuqmaasuq lagu lunsaday lacag dhan Ksh.26 milyan taas oo loogu talogalay in labo gawaari oo qaali ah loogu iibiyo Ismaamulka, balse taas beddelkeed keliya lagu iibiyay hal gaari oo celis ah, kaddibna lacagta soo hartay oo gaareysay Ksh.12 milyanayaa lagu shubay akoon shakhsi leeyaay.

    Barasaabka ayaa arrintaasi ku tilmaamay mid aan sal lahayn oo siyaasad ay ka dambeyso.

  3. Uganda: Maxkamad xukmisay kiis ay ku farxeen haweenka dalkaas

    Uganda
    Qoraalka sawirka, Daraasad ayaa muujineysa in maalinta ay 16 haween ah dalkaas ugu dhintaan dhibaatooyin la xiriira uurka iyo dhalmada

    Maxkamadda Dastuuriga ah ee Uganda ayaa xukmisay in sida ay dowladda ugu guul darreysatay in haweenka uurka leh ay helaan adeegga daryeelka caafimaadka ay baal marsan tahay dastuurka isla markaana ay keeneyso in haweenka loola dhaqmo si bani`aadannimada ka baxsan.

    Maxkamadda ayaa sidoo kale lacag dhan $84,000 (£64,000) magdhow ahaan u xukmisay qoysaska labo haween ah oo xarumaha caafimaadka dowladda ku dhintay xilli ay umulayeen.

    Xukunkan, oo yimid sagaal sano kaddib markii kiiska dacwaddan la soo gudbiyay, ayaa aad loo soo dhoweeyay waxaana loo arkaa in daryeelka caafimaadka ee haweenka umulaya uu haatan meel kaga jiro dastuurka Uganda.

    Kiiskan ayaa waxaa maxkamadda u gudbiyay kooxaha u dooda xuquuqda caafimaad ee bulshada iyo labo hooyo oo ay gabdhahooda dhinteen xilli ay umulayeen.

    Qoysaska ayaa ku dooday in haweenkan ay isbitaallada dowladda ugu dhinteen sababo la xiriira inaan loo fidin adeegga daryeelka caafimaad iyo iyadoo ay si xun ula dhaqmeen shaqaalaha caafimaadka. Maxkamadda ayaana ku raacday arrintaas.

    Kiiskan ayaa looga dan lahaa in lagu soo bandhigo sida uu u liito adeegga daryeelka caafimaad ee ay helaan haweenka uurka leh iyo sida ay dowladda ugu guul darreysatay inay wax ka qabato dhibaatooyinkaas.

    Maxkamadda ayaa xukmisay inay tahay in xukuumaddu ay kordhiso dakhliga lagu bixiyo daryeelka caafimaad ee haweenka uurka leh iyo in la hubiyo in si fiican loo tababary shaqaalaha iyo in muddo labo sano gudahood ah lagu qalabeeyo xarumaha caafimaadka.

    Daraasad laga sameeyay gudaha Uganda ayaa muujineysa in 16 haween ah ay maalin walba dalkaasi ugu dhintaan sababo la xiriira dhibaatooyin ka soo gaaray uurka iyo dhalmada.

  4. Suudaan oo cayrisay afhayeen ka hadlay xiriirka dalkaas kala dhaxeeya Israa`iil

    Sudan
    Qoraalka sawirka, Haidar Badawi ayaa mar dambe sheegay inuu si shakhsi ah u hadlayay

    Suudaan ayaa shaqada ka tirtay afayeenkii wasaaradda arrimaha dibadda, kaddib markii sida la sheegay uu warbixin aan lala ogeyn ka bixiyay halka uu dalkiisa ka taagan yahay Israa`iil.

    Haidar Badawi ayaa warbaahinta u sheegay in Khartuum ay wadahadallo kula jirto dowladda Israa`iil si loo soo celiyo xiriirka labada dal.

    Ra`iisul Wasaaraga Israa`iil, Benjamin Netanyahu, ayaa soo dhoweeyay hadalkaas, balse saacado kaddib wasiirka arrimaha dibadda Suudaan, Omar Qamareddin, ayaa sheegay in dowladdiisa aysan ka wada hadlin arrintaas.

    Mr Badawi ayaa mar dambe sheegay inuu si shakhsi ah u hadlayay.

    Toddobaadkii hore ayay ahayd markii tallaabo dad badan ka yaabisay ay qaadday dowladda Imaaraatka Carabta, oo sheegtay inay caadi ku soo celineyso xiriirka Israa`iil.

    Bishii February, waxaa la sheegay in hoggaamiyaha milatariga ee Suudaan, Abdel-Fattah al-Burhan, oo Uganda kulan kula yeeshay Mr Netanyahu uu kala hadlay hagaajinta xiriirka Israa`iil.

  5. Kenya oo tijaabineysa in dhiigga cad lagu daweyn karo Covid-19

      • Author, Rhoda Odhiambo
      • Role, BBC Africa Health, Nairobi
    Coronavirus
    Qoraalka sawirka, Kenya waxaa ka jira in ka badan 31,000 kiisaska coronavirus ah

    Kenya ayaa saareysa qaab u oggolaanaya khubarrada inay baaritaan ku sameeyaan haddii bukaannada roon ee Covid-19 lagu daweyn karo unugyada dhiigga cad oo laga soo qaaday bukaannada ka bogsaday xanuunka.

    Dadka ka badbaaday Covid-19 waxay leeyihiin unugyada dhiigga cad, waa qeynta dareeraha ah ee dhiigga waxaana ku jira waxyaabo difaac wata oo loo adeegsado la dagaallanka caabuqa.

    Caalamka, waxaa jira meelo badan oo dhiigga cad ee dadka bogsaday lagu tijaabinayo haddii lagu daweyn karo xanuunka.

    Koofur Afrika ayaa sidoo kale arrintan tijaabineysa.

  6. Hoggaamiyeyaasha afgembigii Mali oo wadahadal la yeeshay mucaaradka

    Mali

    Hoggaamiyeyaasha afgembigii milatari ee Talaadadii ka dhacay dalka Mali ayaa wadahadallo la yeeshay madaxda mucaaradka oo soo dhoweeyay in xukunka laga tuuro Madaxweyne Ibrahim Boubacar Keïta.

    Waxay ku eedeeyeen inuu ku guul darreystay wax ka qabashada kooxaha jihaad doonka ah iyo dhaqaalaha dalkaas.

    Isbahaysiga mucaaradka ayaa sheegay inay garwaaqsan yihiin sida ay milatarigu uga go`an tahay soo dhisidda dowlad rayid ah.

    Korneel ka tirsan ciidamada oo lagu magacaabo Assimi Goita, ayaa noqday hoggaamiyaha cusub ee milatariga.

    Wuxuu ugu baaqay shaqaalaha rayidka inay ku laabtaan shaqada.

    Si kastaba, Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa cambaareeyay afgembiga.

    Hoggaamiyeyaasha Galbeedka Afrika ayaa iyaguna ku dhawaaqay in xayiraad la saaro Mali, iyadoo lagu wado inay maanta qabtaan shir muuqaal ah si ay uga wada xaajoodaan tallaabooyin dheeraad ah oo dalkaas lagu so