Maxay tahay sheekada bukaan u dhintay Covid-19 oo la sheegay inuu `dib u soo noolaaday`?

Muuqaal si aad la iskula wadaagay baraha bulshada ayaa waxaa laga arki karaa nin u dhashay Kenya oo la sheegay inuu u geeriyooday xanuunka Covid-19 oo `dib u soo noolaaday` xilli ay duugtiisa socotay.
Farriin la raaciyay muuqaalka oo la iskula wadaagay WhatsApp-ka ayaa u qorneyd sidan: “Ninkan waa la aasi rabay kaddibna naxashka ayaa gariiray, waxay go`aansadeen inay furaan, waxay ogaadeen in ninkan uu neefsanayo. Waxay ka bixiyeen Qalabka Difaaca Qofka ee PPE kaddibna isbitaalka ayay ula carareen. Ruwaayadda Covid-19.”
Balse sheekadaasi waa been abuur. Ninka la sheegay inuu soo noolaaday wuxuu ahaa bukaan xirnaa qalabka PPE oo qaraabo la ahaa ninka geeriyooday, kaas oo suuxay intii ay duugtu socotay.
Dadka u dhinta xanuunka Covid-19 waxaa lagu aasaa baco ee ma xirna qalabka PPE. Sidaas daraaddeed, ninka ka muuqda muuqaalka ma noqon karo kan la aasayay.
Ezra Kirui – oo u hadlay maamulka deegaanka Bomet oo ay ka dhacday arrintan ayaa BBC-da u sheegay in ninkaasi lagu xiray qalabka PPE si uu duugta uga qeyb galo.
Wuxuu intaas raaciyay in ninkan uu goor dambe soo roonaaday.
Muuqaalka ayaa si aad ah la iskula wadaagay barta Facebook.






