Iran oo hay`adda IAEA u oggolaatay goobihii looga shakisanaa nukliyeerka

Xigashada Sawirka, EPA
Iran ayaa oggolaatay in baarayaasha Hay`adda Quwadda Atoomikada Adduunka ay tagaan labo goob oo hore looga shakisanaa nukliyeerka.
Warbixin ay si wada jir ah u soo saareen ayaa lagu sheegay in Iiraan ay arrintan u sameyneyso si loo xalliyo khilaafkii ka taagnaa goobahaas.
Heshiiskan ayaa yimid kaddib markii uu Isniintii Tehran booqasho ku tegay agaasimaha guud ee IAEA Rafael Grossi.
Hay`addan ayaa Iiran ku cambaareysay inaysan jawaab ka bixin su`aalaha ay ka qabtay in howlo nukliyeer ay ka socdaan goobahaas, isla markaana ay u diidday inay booqdaan.
Waxaa loo maleynayaa in howlahaasi ay socdeen sanadkii 2015, markaas oo ay Iran heshiis la gashay quwadaha adduunka, heshiiskaas oo xaddidayay barnaamijkeeda nukliyeerka.
Iran ayaa ku adkeysaneysa inaysan weligeed baadi goobin hubka nukliyeerka, balse baaritaan ay hore u sameysay IAEA ayaa lagu ogaaday in tan iyo sanadkii 2003-dii ay fulisay howlo nukliyeer sameyn ah.







