Daadad ka dhacay Niger oo ay boqollaal kun ku barakaceen

Dowladda ayaa hore digniin uga soo saartay daadadka.

Tebin toos ah

  1. Somaliland oo digniin u dirtay iskuullo la sheegay in lagu dhigo duruus ka baxsan manhajka

      • Author, Sidiiq Muxumad Burmad
      • Role, BBC News Somali

    Waxaa maalmahanba warbaahinta haysatay warka ah in qaar ka mid ah manaahijta Jamhuuriyadda Iskeed ugu Dhwaaqday Madax bannaanida ee Somaliland lagu dhigo wax ka baxsan manhajkii ay dejisay wasaaradda waxbarashada. Dhanka kale wasaaradda waxbarashada ayaa si guud u sheegtay in dugsiyadaas ay tallaabo ka qaadi doonaan.

    Weriyaha BBC-da Sidiiq Muxumad Burmad ayaa sheegay in waaliddiinta ardayda dhigtay iskuullada gaarka loo leeyahay qaarkood ay cabasho soo gudbiyeen, taas oo ah in duruus ka baxsan manhajka sida diinta Kirishtaanka lagu dhigo iskuulladaas.

    Wasaaradda waxbaarshada oo aan faahfaahin iskuulladaas kuwa ay yihiin ayaa digniin u dirtay, waxayna sheegtay inay talaabo ka qaadi doonto.

  2. Biriq 10 carruur ah ku dishay waqooyi-galbeed Uganda

    Jac ama biriq

    Biriq ama jac ayaa 10 carruur ah ku dishay magaalada waqooyi-galbeed Uganda ku taalla ee Arua.

    Waxaa magaaladaasi ka da`ayay roobab xooggan oo biriq wata.

    Roobab xooggan oo shalay da`ay ayaa sababay in carruurtu ay ka tagaan kubbad ay cayaarayeen isla markaana ay maciin bidaan guryo cooshad ka sameysan oo halkaasi u dhowaa.

    Guriga ayaa waxaa ku dhacday jac. Sagaal carruur ah oo ay da`doodu u dhaxayso 13 iyo 15, ayaa goobta ku dhintay, halka kan tobnaad uu ku dhintay waddada inta isbitaalka loo sii waday.

    Saddex ka badbaadday dhacdadaas ayaa haatan lagu daweynayaa isbitaalka.

    Waa shilkii ugu ba`naa ee Uganda ka dhaca tan iyo sanadkii 2011.

    Sanadkaas, 18 carruur ah ayaa lagu dilay iskuul ku yaalla galbeedka dalkaas. Guud ahaan, 28 qof ayaa toddobaad dhexdiis u dhintay jac u dhacday.

  3. Coronavirus: Dadka cayilan ma halis gaar ah ayay ugu jiraan Covid-19?

    Buurnaanta

    Cayilnaantu waxay laba jibbaartaa khatarta ah inay bukaannada Covid-19 u baahdaan daaweyn isbitaal, waxay sidoo kale kordhisaa khatarta dhimashada ka dhalata xanuunka ku dhowaad 50%, sida lagu sheegay daraasad la sameeyay.

    Buurnaantu waxay sidoo kale sababi karaan xanuunnada sida macaanka iyo dhiig karka, sida ay sheegeen baarayaal Mareykanka u dhashay.

    Difaacooda jirka oo laga yaabo inuu hooseeyo darteed ayaa dadka cayilan u nugleynaya inay aad ula xanuunsadaan Covid-19.

    Waxay sidoo kale baarayaashu ka digayaan in tallaalka xanuunka uusan wax weyn ka tari karin dadka buuran.

    Kooxda baaritaankan sameysay oo ka socota Jaamacadda North Carolina, ayaa baaritaan ku sameeyay ku dhowaad 400,000 oo bukaan.

    Waxay baaritaanka ku ogaadeen in dadka cayilan ay aad halis ugu jiraan in isbitaal loo seexiyo xanuunka Covid-19 iyo in 74% ay u badan tahay in la geliyo qeybta daryeelka gaarka ah.

  4. Weriyihii Kenya ee xabsiga laga sii daayay oo door bidaya inuu Itoobiya sii joogo

    Yassin Juma
    Qoraalka sawirka, Yassin Juma waxaa laga soo qabtay guriga Jawar Mohammed

    Weriyihii Kenya ee laga sii daayay xabsi ku yaalla Itoobiya ayaa door biday inuu halkaasi la sii joogo saaxiibbadiis, sida ay sheegaty wasaaradda arrimaha dibadda Kenya.

    Yassin Juma ayaa horraantii bishii hore laga soo qabtay guriga Jawar Mohammed oo mucaaradka Itoobiya ka tirsan, xilli ay socdeen dibadbaxyo looga soo horjeeday dilkii loo geystay fannaanka caanka ah ee Hachalu Hundessa .

    Bishan dhexdeeda ayaa la sii daayay kaddib markii ay xariggiisa soo faragelisay wasaaradda arrimaha dibadda Kenya, waxaana loo qaaday xarun karantiil oo ay dowladdu maamusho oo ku taalla Addis Ababa kaddib markii laga helay xanuunka Covid-19.

    Weriyaha ayaa 14 maalmood oo karantiil ah soo qaatay, kaddibna waa laga saaray xarunta markii laga waayay xanuunka.

    Weriyaha ayaa warqad lagu daabacay wargeyska Daily Nation ku sheegay inuusan in ka badan bil arkin qoyskiisa oo Kenya jooga.

  5. Nigeria oo dib u dhigtay furitaanka duullimaadyada caalamiga ah

    Nigeria
    Qoraalka sawirka, Duullimaadyada gudaha ayaa la furay bishii July

    Dowladda Nigeria ayaa muddo toddobaad ah dib u dhigtay furitaanka duullimaadyada caalamiga ah.

    Duullimaadyada caalamiga ah ee Nigeria ayaa dib u furmi doona 5-ta September, halkii ay ka furmi lahaayeen 29-ka August.

    Saraakiisha dalkaas ayaa sheegay in sababta dib u dhaca ay tahay arrimo dhanka farsamada ah, sida xoojinta shuruucda ka hortagga coronavirus.

    Wasaaradda duullimaadka dalkaa ayaa cudur daar ka bixisay dib u dhaca.

    Nigeria ayaa joojisay duullimaadyada caalamiga ah bishii March, tan oo qeyb ka ah tallaabooyinka wax looga qabanayo xanuunka safmarka ah ee coronavirus.

    Duullimaadyada gudaha ayaa la furay bishii hore.

  6. Daadad ka dhacay Niger oo ay boqollaal kun ku barakaceen

    Niger
    Qoraalka sawirka, Dowladda Niger ayaa bishii la soo dhaafay dadka uga digtay daadadkaas

    Dowladda Niger ayaa sheegtay in daadadkii dhowaan ka dhacay caasimadda dalkaas, Niamey, ay boqollaal kun ku qasbeen inay guryahooda ka barakacaan.

    Tirada dadka ku dhintay daadadka ayaa kor u dhaaftay 45.

    Qeybo ka mid ah magaalada ayuu daadku harqiyay, kaddib markii Webiga Niger uu karkaarrada jabsaday. Roobab xooggan oo da`ay ayaa tan iyo Talaadadii geystay burbur xooggan.

    Kooxaha samatabixinta ayaa caawinaya dadka ay saameeyeen daadadkaas.

    Wakaaladda AFP ayaa werisay in dowladda Niger ay bishii la soo dhaafay soo saartay digniin ku aadday in ilaa 300,000 oo qof ay khatar ugu jiraan daadadka.