Ururka Iskaashiga Islaamka oo cambaareeyay kitaabkii Qur`aanka ee lagu gubay Sweden
Tabinta tooska ah ee Maanta
Tebin toos ah
Somaliland oo baareysa saameynta ka dhalan karta anteenada shirkadaha isgaarsiinta
Article Information
Author, Sidiiq Muxumad Burmad
Role, BBC News Somali
Jamhuuriyadda Iskeed ugu Dhawaaqday Madaxbannaanida ee
Somaliland ayaa maanta sheegtay inay bilaabayso baadhista halista caafimaad ee
ay keeni karaan anteenada ama taawarrada shirkadaha isgaadhsiinta.
Dowladda ayaa soo iibsatay qalab lagu ogaanayo awoodda
hirarka ay taawarradu gudbinayaan.
Wasiirka isgaadhsiinta Somaliland Cabdiwali Cabdillaahi
Suufi ayaa sheegay in qalabkan loogu talogalay inuu maamulo hirarka
isgaarsiinta, in lagula socdo shucaaca ka soo baxa taawarrada iyo goobaha
isgaarsiinta, iyo in lagu hormariyo cilmi baarista teknolojiyadda.
Weriyaha BBC-da Sidiiq Muxumad Burmad ayaa sheegay in hore
ay u jirtay cabasho iyo cabsi laga qabo saamaynta caafimaad darro ee ka dhalan
karta hirarkaas oo dad badani ka hadlaan qaarkoodna ay qoraallo ka sameeyeen.
Wuxuu wasiirku sheegay in tallaabo sharci ah laga qaadi
doono shirkaddii lagu helo in ay taawarradeedu sababaan xaalad caafimaad darro.
Dowladda Sudan iyo mucaaradka oo kala saxiixday heshiis nabadeed
Dowladda ku meel
gaarka ah ee Sudan ayaa heshiis nabadeed la saxiixatay kooxaha mucaaradka ah,
heshiiskaas oo ka dhacay xaflad lagu qabtay dalka deriska la ah ee Suudaanta
Koofureed.
Heshiiska ayaa looga
gol leeyahay soo afjaridda dagaal 17 sano ka socday gobolka Darfur iyo
gobollada koofureed.
Waa tallaabo muhiim ah
oo loo qaaday soo afjaridda dhowr isku dhacyo oo dalkaasi ka dhacay, sida ay ku
warrantay wakiil-wareedka sare ee BBC ee Afrika, Anne Soy.
Balse labo koox oo
mucaarad ah ayaa diiday inay saxiixaan heshiiska
oo la iskula soo qaaday arrimaha la xiriira lahaanshaha dhulka, awood qeybsiga
iyo in guryahooda lagu celiyo malaayiin qof oo dagaalka ku barakacay.
Heshiisyadii hore ee
lagu soo afjarayay dagaalka muddada dheer socday ayaa guul darreystay.
Ururka Iskaashiga Islaamka oo cambaareeyay kitaabkii Qur`aanka ee lagu gubay Sweden
Xigashada Sawirka, EPA
Ururka Iskaashiga Islaamka ee (OIC) ayaa cambaareeyay nuqul ka
mid ah kitaabkii Qur`aanka ee lagu gubay magaalada koofurta Sweden ku taalla ee
Malmo, sida ay ku warrantay wakaaladda wararka Anadolu.
Warbixin uu soo saaray ururka oo fadhigiisu yahay
magaalada Jiddah ayaa lagu sheegay in falka gubitaanka kitaabka uu yahay “fal
kicin ah” uuna “ka hor imaanayo dadaallada caalamiga ah ee lagula dagaallamayo
cunsurinimada iyo kicinta nacaybka ku saleysan diinta”.
Taageerayaasha
hoggaamiyaha cunsuriga ah ee Denmark u dhashay Rasmus Paludan ayaa Jimcihii
Malmo ku gubay nuqul kitaab Qur`aan ah.
Isu soo
bax ay sameeyeen ayaa waxaa hareeyay rabshado, lagu dhaawacay dhowr sarkaal oo
booliiska ka tirsan. Ugu yaraan 10 qof ayaa lagu xiray isu soo baxyadaas. Booliiska
ayaa sidoo kale muddo labo sano ah ka mamnuucay Paludan inuu Sweden tago.
Ururka OIC
ayaa soo dhoweeyay tallaabada uu qaaday booliiska Sweden.
Dhanka kale, Pakistan ayaa si xooggan u cambaareysay falkaasi
lagu gubay nuqul ka mid ah kitaabka Qur`aanka.
Afhayeen u hadlay Pakistan ayaa sheegay in dhacdooyinka ku
saleysan nacaybka Islaamka ee meelo badan ka dhacaya ay ka hor imaanayaan
shurcuuda diin walba.
Shiinaha iyo Hindiya oo markale ku dagaallamay xuduudda
Xigashada Sawirka, Getty Images
Qoraalka sawirka, Xadka labada dal ma aha mid si saxan loo calaameyn karo, waxaa mara webiyo iyo harooyin
Hindiya ayaa ku eedeysay
Shiinaha inay ku xadgudubtay heshiiska xudduudda ee ay labada dal ku gaareen wada
hadalladii nabadda ee ay dhowaan yeesheen.
Waxay sheegtay in ciidamada Shiinaha ay sameeyeen "dhoollatus
milatari" si loo beddelo maqaamka Ladakh.
Ugu yaraan 20 askari oo Hindi ah ayaa ku dhintay isku dhac
gobolkaa ku dhex maray ciidamada Hindiya iyo Shiinaha. Shiinaha ma aysan
sheegin in askar ay kaga dhimatay dagaalka.
Labada dal ee haysta hubka nukliyeerka ayaa midba kan kale ku
eedeeyay inuu heshiiska xadka ku xadbugbay uuna daandaansi dagaal wado.
Shiinaha weli kama uusan jawaabin eedeymihii ugu dambeeyay ee
Shiinaha, oo imaanaya kaddib dhowr mar oo ay wada hadal nabadeed yeesheen
labada dal tan iyo bishii June.
Maxaa dhacay June?
Wararka warbaahinta ayaa sheegaya in ciidamadu uu isku dhac ku
dhex maray buuro dhererkoodu yahay 4,300m (14,000ft), iyadoo qaar ka mid ah
ciidamada Hindiya ay ku dhaceen webiga Galwan ee xowliga u socda, iyadoo heerkulka
cimiladuna uu eber ka hooseeyay.
Ugu yaraan 76 ciidamada Hindiya ka tirsan ayaa la sheegay inay
dhaawacmeen halka 20 kalena ay dhinteen. Shiinaha ma uusan shaacin khasaaraha
gaaray ciidamadiisa.
Xadka labada dal u dhaxeeyo ma aha mid si sax ah loo calaameyn
karo. Waxaa halkaas mara webiyo iyo harooyin kuwaas oo hadba dhinac aadi kara.
Ciidamada ku sugan labada dhinac ee kala matalaya labada dal ee
haysta ciidamada ugu badan adduunka ayaa dhowr jeer weji ka weji isaga hor
yimid.
Hindiya ayaa Shiinaha ku eedeysay in kumannaan ciidamo ah uu u
soo diray harada Galwan waxayna intaas ku dartay in Shiinaha haysto dhul dhan
38,000sq km (14,700sq miles) oo geyigeeda ka tirsan.
Dhowr wada hadal oo ay yeesheen soddonkii sano ee la soo dhaafay
ayaa lagu guul darreystay in lagu xalliyo muranka.
Labada dal ayaa keliya hal mar is dagaalay, sanadkii 1962,
markaas oo Hindiya ay la kulantay guul darro weyn.
Dadka falanqeeya arrimahan ayaa sheegaya in laga yaabo in
dhismaha waddooyinka ee ay Hindiya waddo uu ka careysiiyay Beijing.
Qatar Airways oo dib u bilaabeysa duullimaadyadii ay ku tegi jirtay Muqdisho
Xigashada Sawirka, Getty Images
Shirkadda diyaaradaha Qatar Airways ayaa ku dhawaaqday in 6-da
September ay dib u bilaabi doonto duullimaadyadii ay saddex jeer toddobaadkii
ku tegi jirtay Muqdisho.
Shrikadda ayaa haatan soo celisay duullimaadyadii ay ku tegi
jirtay dhowr meelood oo Afrika ka tirsan sida magaalooyinka Addis Ababa, Dar es
Salaam, Djibouti, Kigali, Kilimanjaro, Nairobi, Tunis iyo Zanzibar.
Tan iyo intii uu bilowday xanuunka safmarka ah ee Coronavirus, shirkadda
Qatar Airways ayaa si joogto duulimaadyo uga sameyn jirtay qeybo ka tirsan
Afrika.
Shirkadda ayaa bishii la soo dhaafay dib u bilowday duullimaadyadii
ay ku tegi jirtay Jabuuti.
Dacwad oogaha Masar ayaa toddobaadkii hore sheegay in toddoba ka
tirsan sagaal kufsigaas lagu eedeeyay ay dalkaasi ka qaxeen kahor intaan
dacwadda laga gudbin horraantii bishan.
Saddex ka tirsan
eedeysanayaashaas ayaa Lubnaan lagu xiray toddobaadkii hore dhammaadkiisii,
sida ay sheegeen ciidamada ammaanka Lubnaan.
Labo kale ayaa isaga tagtay Lubnaan.
Dacwad oogaha Masar ayaa amray in la soo
xiro labo eedeysane oo weli ku sugan Masar.
Wuxuu xusay in hay`adaha caalamka ay kala shaqeynayaan sidii loo
soo xiri lahaa eedeysanayaasha baxsaday.
Sagaalkan nin ayaa la sheegay inay haweeney kufsi ugu geysteen
Hoteelka Fairmont sanadkii 2014.
Kiiskan ayaa lagu
shaaciyay baraha bulshada bishii July.
Madaxweynaha Koofur Afrika oo lagu eedeeyay musuqmaasuq
Xigashada Sawirka, Reuters
Saraakiisha xisbiga talada haya ee Koofur Afrika ayaa sheegay in
Madaxweyne Cyril Ramaphosa uu hor imaan doono guddiiga anshaxa si uu uga
jawaabo su`aalo ku saabsan lacag la sheegay in la geliyay ololaha hoggaanka
xisbigaas.
Balse Jessie Duarte, oo ka tirsan xisbiga ANC ma uusan sheegin
xilliga rasmiga ah ee Mr Ramaphosa uu hor imaan doono guddiga.
Warbixin ay soo saartay waaxda ka hortagga musuqmaasuq ee Koofur
Afrika ayaa waxaa lagu sheegay in Mr Ramaphosa uu marin habaabiyay baarlamaanka
beenna uu ka sheegay lacag uu helay sanadkii 2017, taas oo dhan
$35,955(£26,900).
Mr Ramaphosa ayaa ku
adkeysanaya in lacagtaasi ay ahayd deeq loogu talo galay ololihiisii
hoggaaminta xisbiga ANC.
Madaxweyne ahaan, Mr Ramaphosa ayaa qalqal geliyay sumcaddiisa
ku aaddan hagaajinta siyaasadda Koofur Afrika tan iyo intii uu beddelay Jacob
Zuma.