Afrika oo heli doonta 220 milyan oo xirmada tallaalka Covid-19 ah

WHO ayaa sheegtay in xirmada ugu horerysa ee tallaalka ay heli doonaan shaqaalaha caafimaadka iyo dadka nugul.

Tebin toos ah

  1. Itoobiya: Bukaannada iska baara coronavirus oo natiijadooda telefoonka loogu dirayo

    coronavirus
    Qoraalka sawirka, Natiijada baaritaanka coronavirus ayaa qofka farriin ahaan loogu dirayaa telefoonkiisa

    Dowladda Itoobiya ayaa bilowday adeeg suurto gelinaya in qofka qofka farriin ahaan loogu soo diro natiijada baaritaanka coronavirus.

    Natiijada ayaa diyaar noqoneysa saddex saacadood kaddib markii qofka labaaro, sida uu sheegay agaasimaha Machadka Caafimaadka Bulshada Itoobiya Meseud Mohammed.

    Nambarka gaaban ee 8335 ayaa laga soo diri doonaa farriimaha natiijada.

    Dowladda ayaa ilaa iyo haatan fulisay 970,591 oo ah baaritaanka coronavirus.

    Ilaa iyo 55,213 oo kiisaska xanuunka ah ayaa laga soo sheegay Itoobiya iyadoo 20,283 bukaan ay ka bogsadeen. Waxaa u dhintay 856 qof.

  2. Dalkii ugu horreeyay Afrika oo eeyo u tababara inay baaraan coronavirus

    Namibia

    Jaamacadda Namibia ayaa eeyo u tababareysa inay baaraan coronavirus.

    Qorshuhu wuxuu yahay in eeyo la geeyo garoomada iyo xudduudaha, sida wargeys ka soo baxa dalkaas uu ka soo xigtay Conrad Brain, oo ah bare jaamacadeed.

    Eeyaha ayaa la xaqiijiyay in 95% ay ku saxan yihiin baaridda coronavirus.

    Mashruucan oo bilowday labo bilood kahor, ayaan la sheegin xilliga ay eeyuhu howsha bilaabi doonaan.

    Wargeyska The Namibian ayaa weriyay in Namibia ay tahay dalkii ugu horreeyay Afrika ee aayaha u adeegsada inay baaraan Covid-19.

  3. Coronavirus: Ra`iisul Wasaarihii hore ee Talyaaniga Silvio Berlusconi oo isbitaal la dhigay

    Italy
    Qoraalka sawirka, Berlusconi ayaa qabsaday siyaasadda Talyaaniga sanadihii 1990-meeyadii

    Ra`iisul Wasaarihii hore ee Talyaaniga Silvio Berlusconi, oo 83 jir ah, ayaa xalay ku baryay isbitaal ku yaalla Milan si baaritaan loogu sameeyo kaddib markii laga helay coronavirus.

    Xisbigiisa garabka midig ee Forza Italia ayaa sheegay in xaaladdiisa aysan ahayn mid walaac dhalineysa, isla markaana "uu fiican yahay".

    Sidoo kale labo ka mid ah carruurtiisa ayuu fayrasku ku dhacay Arbacadii, kaddib markii ay fasax u aadeen Sardinia, oo uu fayrasku aad ugu badan yahay.

    Khamiistii wuxuu ku sugnaa meel u dhow Milan.

    Berlusconi ayaa xalay loo gudbiyay xarun karantiil oo ku taalla Isbitaalka San Raffaele.

    Goor sii horreysay dhaqtarkiisa gaarka ah ayaa sheegay in Silvio ay ka muuqdaan calaamadaha xanuunka.

    Warbaahinta Talyaaniga ayaa sheegay in sidoo kale xaaska Berlusconiuu ku dhacay xanuunka.

  4. Al-Shabaab oo weerar ku qaadday saldhig ay AMISOM ku leedahay Bullo-Burte

    Waxaa lagu soo warramayaa in ciidamada Al-Shabaab ay weerar ku dhufo oo ka dhaqaaq ah ku qaadeen ciidamada AMISOM oo ku sugnaa galbeedka degmada Bullo-Burte oo qiyaastii 115km koofur kaga began magaalada Beledweyne ee gobolka Hiiraan

    Ciidamada AMISOM ayaa la sheegay inay rasaas ku fureen kuwa Al-Shabaab kaddibna ay dib u gurteen. Wax khasaaro ah oo ka dhashay weerarkaas lama soo sheegin, xaaladda ammaanka ee degmada ayaana hadda deggan weerarka kaddib.

  5. Boorso $19,000 joogta oo lagu burburinayo Australia

    maqaarka yaxaaska

    Boorso ka sameysan maqaarka yaxaaska oo qiimaheedu yahay A$26,000 (£14,000; $19,000) ayaa lagu wadaa in la burburiyo kaddib markii haweeney ay soo gelisay dalka Australia iyadoo aan heysan oggolaanshaha soo dhoofinta.

    Boorsadan qaaliga ah, oo laga soo iibiyay dukaanka Saint Laurent ee dalka Faransiiska, ayaa waxaa la wareegay ciidamada xadka Australia ee ku sugan Perth.

    Waxyaabaha laga sameeyo maqaarka yaxaaska ayaa la oggol yahay in loo dhoofiyo Australia, balse dadka soo dhoofiya waa inay bixiyaan lacag dhan A$70 oo warqadda oggolaanshaha ah.

    Wasiirka deegaanka ee Australia ayaa sheegay in talaabadan ay xusuusin xanuun badan u tahay codsashada waraaqaha oggolaanshaha.

    Maaddaama ay haweeneydan ka baxday lacag dhan A$26,313, Waaxda Beeraha, Biyaha iyo Deegaanka ayaa go`aansaday inaysan tallaabo kale ka qaadin.

    Ciqaabta ugu badan ee lagu fuliyo dadka dembiyada ka gala duurjoogta gudaha Australia waa 10 sano oo xabsi ah iyo ganaax dhan A$222,000.

  6. Gabadhii ugu horreysay oo ku guuleysata abaalmarinta hal-abuurka teknolojiyadda Afrika

    Technology

    Gabar ku shaqeysata teknolojiyadda una dhalatay dalka Ivory Coast saldhigeeduna yahay Ghana oo lagu magacaabo Charlette N’Guessan, ayaa sanadkan ku guuleysatay abaalmarinta hal-abuurka injineeriyadda ee Royal Academy of Engineering Africa.

    Waa haweeneydii ugu horreysay abid ee ku guuleysata abaalmarintan Afrika.

    Gabadhan oo 26-sano-jir ah ayaa waxay maamushaa Bace API, oo isticmaasha aqoonsashada wejiga iyo teknolojiyadda macmalka ah si loo xaqiijiyo aqoonsiga dadka ku nool meelaha miyiga ah.

    Waxay isticmaashaa sawirro toos ah ama muuqaallo gaagaab oo lagu qaaday kaamirada telefoonka si loo ogaado haddii sawirku uu yahay qof dhab ah amaba sawir laga qaaday sawir kale oo hore.

    Waxaa loogu talogalay machadyada ku tiirsan xaqiijinta aqoonsiyada. Labo machad oo dhaqaalaha ah ayaa haatan adeeggaas si ay u xaqiijiyaan aqoonsiga macaamiishooda, sida uu machadku sheegay.

    Ms N’Guessan ayaa ku guuleysatay abaalmarin lacageed oo dhan £25,000 ($33,000).

    Saddex qof oo kale ayaa helaya abaalmarin dhan £10,000 ($13,000).

  7. Afrika oo heli doonta 220 milyan oo xirmada tallaalka Covid-19 ah

    coronavirus
    Qoraalka sawirka, Afrika ayaa heli doonta xirmooyinka ugu horreeya ee tallaalka coronavirus

    Hay`adda caafimaadka adduunka ee (WHO) ayaa sheegtay in marka uu diyaar noqdo tallaalka Covid-19, ay Afrika heli doonto ugu yaraan 220 milyan oo qeybta hore ee tallaalka ah.

    Madaxa barnaamijyada WHO ee Afrika Richard Mihigo ayaa sheegay in mudnaanta la siin doono shaqaalaha caafimaadka ee safka hore ku jira iyo kooxaha nugul.

    Wuxuu sheegay in qeybinta ay ku xirnaan doonto bulshada dal walba ku nool.

    Mr Mihigo ayaa intaas ku daray in dhammaan 54-ta dal ee Afrika ay daneynayaan tallaalka Covid-19.

    Afrika waxa ku nool bulsho ka badan 1.3 bilyan oo qof.

    Barnaamijka tallaalka adduunka oo lagu magacaabo COVAX, ayaa looga gol leeyahay in lagu soo iibiyo si simanna loogu qeybiyo 2 bilyan oo xirmo oo tallaalka ah wixii loo gaaro dhammaadka 2021.

    Sagaal qof oo dunida ku kala nool ayaa lagu tijaabiyay tallaalka.

    Labo ka mid ah dadkaas waxaa haatan tallaalka loogu tijaabinayaa Afrika.