Waa kuwee afarta dal ee Afrika ee uu Shiinuhu doonayo inuu saldhig milatari ka sameysto?

Dalalkan ayaan weli jawaab ka bixin arrintaas

Tebin toos ah

  1. Koofur Afrika: Dibadbaxayaal weeraray dukaan baahiyay xayeysiin timaha ah oo ay 'cunsuriyad' ku dheehan tahay

    Koofur Afrika
    Qoraalka sawirka, Taageerayaasha EFF ayaa ku qasbay dukaamada Clicks in albaabbada loo laabo

    Dibadbaxayaal ayaa ku qasbay in albaabbada loo laabo dhowr ka mid ah dukaamada shirkad laga leeyahay Koofur Afrika oo soo saarta waxyaabaha caafimaadka iyo kuwa la isku qurxiyo, kaddib markii ay shirkaddu sii deysay xayeysiin timaha ah oo ay sheegeen inay cunsuriyad ku dheehan tahay.

    Xayeysiinta shirkadda Clicks ayaa waxaa ka muuqda sawirro ka dhigaya timaha Afrikaanka inay yihiin kuwo qallalan, midabkoodu dilan yahay isla markaana rifrifan, halka timaha caddaankuna ay yihiin kuwo liisho ah oo siman.

    Dagaalyahannada Xoriyadda Dhaqaalaha ee xisbiga mucaaradka (EFF) ayaa ku tilmaamay xayeysiinta mid "cunsuriyad" leh.

    Hoggaamiyahooda Julius Malema ayaa ku baaqay in la xiro dhammaan dukaamada Clicks.

    Shirkadda ayaa ku hanjabtay inay sharciga la tiigsan doonto xisbiga siyaasadeed, balse Mr Malema ayaa taageerayaashiisa ugu baaqay inay dagaal diyaar u noqdaan, wuxuuna intaas ku daray in EFF aanan loo cagajugleyn karin.

    Xayeysiinta Clicks, oo wixii intaas ka dambeeyay la joojiyay ayaa waxaa baraha bulshada lagu wadaagay toddobaadkii hore.

    "Waxaan aad uga niyad jabsanahay inaan oggolaannay in sawirro xasaasi ah oo meel ka dhac ah aan ku daabacno barteenna," ayuu yiri madaxa Clicks, Vikesh Ramsunder.

    Wuxuu intaas ku daray in "shaqaalihii ku lug lahaa" shaqada laga joojiyay.

    Raalligelintiisa ma aysan joojin taageerayaasha EFF oo maanta weeraray dhowr dukaan oo gudaha dalkaas ku yaalla

  2. Qarax ciidamada Soomaaliya iyo kuwa Mareykanka loogu geystay Jubbada Hoose

      • Author, Ibrahim Aden
      • Role, BBC Somali, Mogadishu
    AFRICOM

    Qarax baabuur lagu soo xiray ayaa lala bartilmaameedsaday xero ay deggan yihiin ciidamada Danab ee Soomaaliya ee uu Mareykanku tababaray iyo kuwa Mareykanka oo ku taalla deegaanka Janaa Cabdalle oo magaalada Kismaayo 55km dhanka waqooyi kaga beegan.

    War ka soo baxay Al-Shabaab ayaa lagu sheegay in qaraxaasi ay ku dhinteen afar askar Mareykan ah iyo 16 kale oo kuwa Soomaaliya ah.

    Dhanka Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo kuwa Mareykanka weli kama aysan hadlin weerarkaas iyo sheegashada Al-Shabaab ee ah in tiradaas ay ku dhimatay.

    Weriyaha BBC-da Ibraahim Maxamed Aadan ayaa sheegay in dadka deegaanka laga soo xigtay in weerarkaas kaddib ay arkeen helikobtarro ku degaya xerada.

  3. Uganda: Wasiir rasaas ku furay taageerayaasha nin ay iska soo horjeedaan oo maxkamad la soo taagayo

    Wasiirka Shaqaalaha Uganda, Mwesigwa Rukutana, ayaa la filayaa in maanta maxkamad la soo taago kaddib markii loo xiray inuu rasaas ku furay taageerayaal.

    Wasiirka ayaa la sheegay inuu rasaas ku furay taageerayaasha nin ay ku tartamayeen xisbiga talada haya ee (NRM).

    Mid ka mid ah taageerayaasha ayaa waxaa soo gaaray dhaawac halis ah, halka labo kalena ay ku dhaawacmeen dhacdadaas, sida ay baahiyeen warbaahinta Uganda.

    Mr Rukutana ayaa beeniyay arrintaas.

    Warbaahinta ayaa goobjoogayaal ka soo xigtay in wasiirku uu qori ka qaatay mid ka mid ah ilaaladiisa kaddibna uu rasaas ku furay taageerayaasa.

    Wasirika ayaa lala xiray saddex ilaaladiisa ah.

    Waxaa lagu xukumi doonaa isku day dil, sida uu sheegay ku xigeenka afhayeenka booliiska.

    Muuqaal laga soo duubay goobta ay toogashada ka dhacday ayaa la soo dhigay baraha bulshada:

    Ka bood X boggan
    Oggolow X macluumaadka

    Macluumaadkan waxaa daabacay X. Waxaan dalbanayenaa fasaxaaga ka hor inta aan la furin, waxaa laga yaabaa inay isticmaalayaan cookies iyo farsamooyin kale. hadii aad u bahato akhri X xeerarka cokie iyo kan ku saabsan xogta gaarka ah ka hor inta aadan aqbalin. si aad u aragto xogta guji ‘aqbal oo soco’.

    Digniin: BBC macluumaadka ku qoran bog kale masuul kama ahan

    Dhammaadka X boggan

  4. Koofur Afrika oo dadaal ugu jirta wax ka qabashada tacaddiyada lagula kaco haweenka

    Koofur Afrika
    Qoraalka sawirka, Koofur Afrika waxaa dhowaan ak dhacay dhowr kiisas oo la xiriira tacaddiyaha haweenka lagula kaco

    Dowladda Koofur Afrika ayaa baarlamaanka dalkaas u gudbisay saddex sharci oo lagu doonayo in wax looga qabto tacaddiyada loo geysto haweenka.

    Madaxweyne Cyril Ramaphosa ayaa sharciyadaas ku tilmaamay inay yihiin kuwii ugu waxtarka badnaa ee wax looga qabanayo tacaddiyaha haweenka ka dhanka ah.

    Isbeddellada la soo jeediyay ayaa waxaa ku jira in la shaaciyo magacyada dembiilayaasha geysta tacaddiyada iyo in la adkeeyo damaanadda lagu sii daayo.

    Waxaa sidoo kale shuruuc cusub laga soo saaray booliiska iyo dacwad oogayaasha gacanta ku haya kiisaskaas.

    Isbeddelka lagu sameeyay sharciga ayaa qeyb ka ahaa ballantii uu madaxweynaha dalkaas ku qaaday sanadkii hore in isbeddel lagu sameynayo shuruucda tacaddiyaha ka dhanka ah haweenka.

  5. Wuxuu is lahaa duqsi iska cayri balse guriga ayuu iska gubay

    Faransiiska
    Qoraalka sawirka, Ninka ayaa dhibsaday duqsiga xilli uu doonayay inuu casheeyo

    Nin ku nool Faransiiska ayaa gubay qeyb ka mid ah gurigiisa, xilli uu isku dayayay inuu tixsi iska cayriyo.

    Ninkan oo ku jira da`da 80-meeyada, ayaa doonayay inuu casheeyo, kaddib wuxuu dhibsaday duqsiga oo agtiisa ku wareegayay.

    Wuxuu kaddib soo qaatay qalab koronto ah oo loogu talo galay in lagu dilo cayayaanka wuxuuna bilaabay inuu ku cayriyo – balse haanta gaaska ee gurigiisa taallay ayaa furneyd oo hawo sii deyneysay.

    Falgal ay sameeyeen qalabkaas iyo gaaska ayaa sababay qarax, kaas oo burburiyay jikada, isla markaana waxyeello gaarsiiyay qeyb ka mid ah saqafka kore ee gurigiisa oo ku yaalla xaafadda Parcoul-Chenaud.

    Sida ay ku warrameen warbaahinta gudaha, ninkan oo aan magaciisa la dhaacin ayaa si dirqi ah uga baxsaday dabka, keliya gacanta ayuu wax yar ka gubtay.

    Si kastaba, lama oga wixi uu duqsigu ku dambeeyay.

    Ninkan ayaa kaddib raadsaday hoy kale iyadoo qoyskiisu ay dayactirayeen guriga.

  6. Waa kuwee afarta dal ee Afrika ee uu Shiinuhu doonayo inuu saldhig milatari ka sameysto?

    Shiinaha

    Shiinaha ayaa ka fekeraya in saldhig milatari uu ka sameysto afar dal oo Afrika ku yaalla, sida laga soo xigtay Waaxda Difaaca Mareykanka.

    Kenya, Seychelles, Tanzania iyo Angola iyo kuwo kale ayaa la sheegay inuu Shiinuhu doonayo inuu xarun milatari ka sameysto.

    Afartan dal ayaan weli ka hadlin arrintaas.

    Warbixinta oo ay waaxdu soo saartay toddobaadkii hore ayaa aad la iskula dhex marayay.

    "Marka laga soo tago saldhigga uu hadda ku leeyahay Jabuuti, Shiinaha wuxuu aad ugu muuqdaa mid ka fekeraya inuu xarumo kale oo milatari sameysto si ay u taageeraan ciidamada cirka, badda iyo dhulka," ayaa lagu yiri warbixinta.

    Waxaa sidoo kale warbixinta lagu sheegay in Shiinaha uu ka fekeray inuu saldhigyo milatari ka sameysto dalalka Myanmar, Thailand, Singapore, Indonesia, Pakistan, Sri Lanka, Imaaraatka Carabta, Kenya, Seychelles, Tanzania, Angola, iyo Tajikistan.