Sanadka cusub ee Itoobiya: Abiy Axmed oo ka qosliyay dadka

Dadka Itoobiya ayaa faallo ka bixiyay muuqaalkaas oo raadiyaha dowladda ee Fana uu ku soo wadaagay barta Facebook.

Tebin toos ah

  1. Guddoomiyihii Rugta Ganacsiga Jubaland oo u geeriyooday dhaawac ka soo gaaray qarax lala beegsaday

    Kismaayo

    Wararka laga helayo magaalada Kismaayo ayaa sheegaya in guddoomiyihii Rugta Ganacsiga Jubaland Shaafi Raabi Kaahin uu u geeriyooday dhaawac ka soo gaaray qarax ka dhacay Kismaayo oo lala bartilmaameedsaday b dad ka soo baxay masaajid ay ku tukadeen salaadda Jimcaha.

    Waxaa la soo sheegayaa inay jiraan dhimasho iyo dhaawac kale, weerarkana waxaa la tuhunsan yahay inuu fuliyay qof isku soo xiray walxaha qarxa.

    Sida laga soo xigtay madaxtooyada Jubaland, Madaxweynaha Jubaland Axmed Maxamed Islaam ayaa u tacsiyeeyay qoyska marxuumka, iyo intii kale eek u dhimatay qaraxaas.

  2. Nigeria: Ragga wax kufsada oo lagu ciqaabayo qalliin yareynaya awoodda ragannimadooda

    Nigeria

    Golaha xildhibaannada gobolka Kaduna, ee waqooyi-galbeed dalka Nigeria, ayaa ansixiyay in qalliin lagu yareynayo ragannimada lagu sameeyo dadka lagu helo kufsiga, si ciqaab looga dhigo.

    Haweeneyda gobolka u qaabilsan arrimaha haweenka iyo horumarinta bulshada, Hafsat Baba, ayaa arrintaasi ku tilmaantay talaabo wanaagsan, waxayna sheegtay inay ciqaab u noqon doonto kuwa wax kufsada.

    Barasaabka gobolka Nasir Ahmad el-Rufai ayaa haatan laga doonayaa inuu ansixiyo si uu gobolka sharci uga noqdo.

    Bishii June barasaabyada gobollada Nigeria ayaa ku dhawaaqay xaalad egdeg ah oo ku saabsan kufsiga iyo tacaddiyada ka dhanka ah haweenka iyo carruurta dalkaasi ku nool.

    Ma badna tirada kiisaska dacwadaha la xiriira kufsiga ee la xalliyo, waxaana aalaaba jira in haweenka kufsiga loo geysto aysan booliiska u dacwoon sababo la xiriira iyagoo ka baqaya in lagula kaco takoor.

  3. Qoyska ra`iisul wasaare 59 sano kahor la dilay oo ku farxay soo celinta ilig lagala baxay meydkiisa

    Congo
    Qoraalka sawirka, Patrice Lumumba waxaa la dilay 1961

    Qoyska geesigii madax bannaanida Congo Patrice Lumumba ayaa soo dhoweeyay go`aanka ay maxkamad ugu xukmisay in iligtiisa dib loogu soo celiyo qoyskiisa.

    Wiil uu adeer u yahay Mr Lumumba oo lagu magacaabo Jean Jacques Lumumba ayaa sheegay in tallaabadaasi ay tahay mid hore loo qaaday.

    “[Lumumba] waa geesi aynaan duugin, go`aanka [maxkamadda Biljamka] waa tallaabo wanaagsan oo loo qaaday in runta lagu ogaado …waxay horseedi doontaa in halkaas lagu gaaro, ” ayuu yiri Mr Jacques.

    Wuxuu sheegay in labo nin oo lala dilay Mr Lumumba, kuwaas oo kala ah Joseph Okito iyo Maurice Mpolo, “ay sidoo kale yihiin geesiyaal u dhashay Congo” sidoo kalena ay tahay in la soo bandhigo sababta loo dilay.

    Maxkamad ku taalla Biljamka ayaa xukmisay in ilig lagala baxay meydka Mr Lumumba loo celiyo gabadhiisa Juliana – oo warqad u qortay boqorka Biljamka, iyadoo codsaneysa in iliggaas la soo celiyo.

    Mr Lumumba, oo noqday ra`iisul wasaarihii ugu horreeyay ee Congo kaddib markii ay xornimada ka qaadatay Biljamka sanadkii 1960, ayaa la dilay 1961 kaddib markii ay afduubteen dagaal yahanno goonni u goosato ahaa.

    Dowladda Biljamka ayaa qeyb ka ahayd dilkiisa, sanadkii 2002 ayay raallligelin rasmi ah ka bixisay.

    Basaasiin Ingiriiska iyo Mareykanka u dhashay ayaa sidoo kale la rumeysan yahay inay ku lug lahaayeen.

    Iligta Lumumba ayaa loo maleynayaa inuu qaatay sarkaal boolis ah oo ka qeyb qaadanayay in la baabi`iyo ama la qariyo meydka, sida ay ku warrantay wakaaladda wararka ee AFP.

    Waxaa kaddib la wareegtay dowladda Biljamka.

  4. Kenya oo noqoneysa dalka labaad ee Afrika ee ka qeyb qaata tijaabada tallaalka Covid-19

      • Author, Rhoda Odhiambo
      • Role, BBC Africa Health, Nairobi
    Kenya
    Qoraalka sawirka, Kenya ayaa noqoneysa dalka labaad ee Afrika ee ka qeyb qaata tijaabada

    Kenya ayaa ka qeyb qaadan doonta tijaabada ugu dambeysa ee tallaalka coronavirus ee ay soo saareen AstraZeneca iyo Jaamacadda Oxford.

    Waxay noqon doontaa dalka labaad ee Afrika ee ka qeyb qaata tijaabadan oo la hakiyay Arbacadii, kaddib markii mid ka mid ah dadkii lagu tijaabinayay uu si kale jirkiisu uga falceliyay.

    Ilaa iyo haatan in ka badan 1,000 qof oo ku nool Koofur Afrika ayaa iska diwaan geliyay tijaabada tallaalka.

    Ugu yaraan 400 oo shaqaalaha caafimaadka ah oo ku sugan Kenya ayaa ka qeyb qaadan doona tijaabada tallaalka oo laga fulin doono Mombasa iyo Kilifi.

    Labadan magaalo ayaa bishii April la sheegay inay yihiin xuddunta coronavirus ee Kenya.

    Dadka lagu tijaabinayo tallaalka waxaa la siin doono labo tallaal oo ay afar toddobaad u kala dhaxayso. Waxaa sidoo kale loo oggolaan doonaa inay sii wataan howlahooda caadiga ah. Haddii uu ku dhaco xanuunka, taas kama hor istaageyso in laga joojiyo tijaabada.

    Tijaabadan ayaa waxaa lagu ogaan doonaa waxtarkeeda, sida ay badqab u leedahay iyo sida ay uga hortagi karto fayraska.

  5. Lix bilood kaddib maxay dunidu ka baratay coronavirus?

    Maanta oo Jimco ah waxa buuxsamay lix bilood oo ka soo wareegatay markii Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee WHO ay ku dhawaaqday inuu dunida ka dillaacay xanuunka safmarka ah coronavirus. Maxaa muddada intaa la ek ay dunidu ka baratay fayraskan iyo cudurka uu keenaba. Daraasaadkii socday ee lagu baadigoobayey tallaal lagaga hortago cudurkan iyo xataa fahamka dabcigiisu halkay marayaan? Dr Aadan Axmed oo ah ku xigeenka agaasimaha guud ee hay’adda caafimaadka ee Manhal ayaa arrintaasi wuxuu uga warramay weriyaha BBC-da Xasan Sheekh Cumar.

    Qoraalka Codka, Dr Aadan Axmed oo ah ku xigeenka agaasimaha guud ee hay’adda caafimaadka ee Manhal oo u warramay weriyaha BBC-da Xasan Sheekh Cumar
  6. Itoobiya 'oo mamnuucay in baaruud loogu dabaal dego sanadka cusub ' ee dalkaas

    Itoobiya
    Qoraalka sawirka, Booliiska ayaa sheegay in laga baqayo in dad ay weerar soo qaadaan

    Booliiska Itoobiya ayaa mamnuucay in baaruud ama buleer loogu dabaal dego Sanadka Cusub ee dalkaas, iyadoo laga baqayo inuu colaad abuuro, sida uu tebiyay raadiyaha dowladda ee Fana.

    Afhayeen u hadlay booliska ayaa sheegay inay heleen war ah in shakhsiyaad ay qorsheynayaan inay fuliyaan weerar iyagoo ku dhex dhuumanaya buleerka.

    Booliiska ayaa Addis Ababa ka soo ururiyay bamboo, afar bistooladood waxayna xireen 180 qof oo laga shakisan yahay, sida uus heegay afhayeenka oo lagu magacaabo Markos Tadese oo uu soo xigtay Fana.

    Dadka Itoobiya ayaa maanta oo Jimco ah u dabaaldegaya bilowda sanadka 2013.

    Khudbadda Sanadka Cusub ayuu Ra`iisul Wasaare Abiy Axmed ugu baaqay dadka inay rajeeyaan sanad cusub.

  7. Koofur Afrika: Takaasi haweenka keliya loo oggol yahay inay raacaan

    Gabar da`yar ah ayaa Koofur Afrika ka hirgelisay shirkad takaasi oo ay haweenka keliya raaci karaan, si haweenku ay uga badbaadaan tacaddiyada loogu geysto gaadiidka dadweynaha iyo takaasida kale.

    Asiphe Mkhefa, oo 18 jir ah, ayaa BBC-da u sheegtay in takaasidu ay noqdeen kuwo khatar u soo jiidaya haweenka, sidaas darteedna ay ugu fekertay sidii ay haweenku u heli lahaayeen gaadiid ay ammaan ku dareemaan.

    "Boqolkiiba shan iyo soddon tacaddiyada la xiriira jinsiga waxay ka dhacaan gudaha gaadiidka dadweynaha haweenka lagu dilo iyo takaasida qaar oo online-ka laga dalbado. Waxaa jira sheekooyin badan oo ku saabsan haween lagu dhex dilay takaasida," ayay tiri.

    Ms Mkhefa ayaa sheegtay in haatan la sameynayo app-ka shirkadda, balse ay macaamiishu isticmaali karaan adeegga farriimaha.

    Waxay intaas ku dartay inay jiraan rag badan oo ka walaacsan dhibaatooyinka haweenka loo geysto, kuwaas oo taageeray fekerkeeda.

  8. Sanadka cusub ee Itoobiya: Abiy Axmed oo ka qosliyay dadka

    Itoobiya

    Iyadoo maanta ay ku beegan tahay Sanadka Cusub ee Itoobiya, ayaa muuqaal laga duubay Ra`iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed waxaa la arkayay isagoo ku lebisan dharka booliska taraafikada, isla markaana bixinaya kaararka sanadka cusub.

    Dadka Itoobiya ayaa faallo ka bixiyay muuqaalkaas oo raadiyaha dowladda ee Fana uu ku soo wadaagay barta Facebook.

    Waxaa la arki karaa isagoo qoslaya isla markaana la kaftamaya darawallada oo yaabban, isagoo ku sugan meel mashquul ah oo ka tirsan caasimadda Addis Ababa.

    Dadka qaar ayaa cambaareeyay muuqaalkaas, iyagoo sheegay in Abiy looga fadhiyo inuu muhiimadda siiyo arrimaha siyaasadda iyo dhaqaalaha, balse dad badan oo barta Facebook isticmaala ayaa la dhacsanaa in ra`iisal wasaaruhu uu awooday inuu la qoslo dadka.

  9. Hindiya iyo Shiinaha oo soo afjaraya dagaalka ciidankooda ee xadka lagu muransan yahay

    Hindiya

    Hindiya iyo Shiinaha ayaa isku raacay inay si degdeg ah usoo afjaraan dagaalka ciidankooda ee xadka lagu muransan yahay, iyo eedeymo la xiriira afduub.

    Wasiirradooda arrimaha dibadda oo shalay kulan yeeshay ayaa sheegay inay xaaladda dejin doonaan.

    Ciidanka labada dhinac ayaa isku fara saaray xadka lagu mursan yahay ee ay adag tahay in la calaameeyo.

    Labada dhinac ayaa midba kan kale wuxuu ku eedeynayaa inuu geyigooda ku soo xad gudbay, isku dhacyada dhex mara ayaa mararka qaar waxaa ku data dhiig.

    Warsaxaafadeed ay si wada jir ah u soo saareen ayay ku sheegeen in xiisadda haatan taagan aysan labada dhinac dan ugu jirin.