Kufsigii Xamdi: Eedeysane baxsad ahaa oo Galmudug lagu qabtay

Gabadhan ayaa la sheegay in laga soo tuuray dhismaha hoteel ku yaalla maagalada Muqdisho.

Tebin toos ah

  1. Maamulka Koofur Galbeed: Afgooye kama qeybgeli karto tartanka cayaaraha degmooyinka Banaadir

    Warsaxaafadeed ay soo saartay Wasaaradda Dhalinyarada iyo Cayaaraha maamul-goboleedka Koofur Galbeed ayaa lagu sheegay in degmada Afgooye ee gobolka Shabeellaha Hoose aysan ka qeyb geli karin tartanka cayaaraha degmooyinka ee gobolka Banaadir.

    Wasaaradda ayaa sheegtay inaysan jirin casuumaad rasmi ah oo uga timid maamulka Banaadir oo ah in degmadaas ay ka qeyb gasho tartanka cayaaraha degmooyinka.

    Waxaa sidoo kale warsaxaafadeedka lagu xusay in guud ahaan degmooyinka Koofur Galbeed aysan ka qeyb geli karin cayaaro aysan si rasmi ah ugu meteleyn maamul-goboleedkaas.

    Tartanka cayaaraha degmooyinka Banaadir oo sanad walba la qabto ayaa lagu wadaa inuu dhowaan ka furmo magaalada Muqdisho.

  2. Jasiirad ay weli xukunto Boqoradda Ingiriiska oo doonaysa inay noqoto Jamhuuriyad iskeed u taagan

    Barbados
    Qoraalka sawirka, Boqorad Elizabeth, oo booqaneysa Barbados sanadkii 1977, waa madaxa jasiiraddaas

    Jasiiradda Barbados ayaa ku dhawaaqday inay dooneyso inay noqoto jamhuuriyad iskeed u taagan ayna meesha ka saarto in Boqorad Elizabeth ay madax ka sii ahaato jasiiradda.

    "Waxaa yimid waqtigii aan dhabarka u jeedin lahayn xilligii gumeysiga," ayay tiri dowladda jasiiraddaas.

    Waxay dooneysaa inay arrintaas hirgeliso 55 sano guurada ka soo wareegatay markii ay xornimada ka qaadatay Britain, oo ku beegan bisha November, 2021.

    Khudbad ay jeedisay Ra`iisul Wasaare Mia Mottley ayay ku sheegtay in dadka Barbados ay doonayaan madaxweyne ka soo jeeda jasiiraddaas.

    Aqalka Buckingham oo arrintaasi ka jawaabaya ayaa sheegay inay tahay mid u taalla dowladda iyo dadka Barbados. Wuxuu intaas ku daray in arrintaasi dhowr jeer la soo jeediyay lagana dooday.

    Xaqiiqooyin ku saabsan Barbados:

    • Waa mid ka mid ah jasiiradaha ugu dadka iyo barwaaqada badan ee ku yaalla Badda Caribbean-ka
    • Waxay xornimadeeda ka qaadatay Britain sanadkii 1966
    • Boqorad Elizabeth ayaa weli madax ka ah
    • Waxay markii hore aad ugu tiirsaneyd dhoofinta sokorta, hadda wuxuu dakhli ka soo gala dalxiiska iyo dhaqaalaha
    • Ra`iisul Wasaaraheeda waa Mia Mottley, waxaa la doortay 2018 waana haweeneydii ugu horreysay oo xilkaas qabata

    Barbados ma aha dalkii ugu horreeyay ee uu Ingiriisku gumeysto ee ku yaalla Badda Caribbean-ka ee noqonaya jamhuuriyad. Guyana ayaa tallaabadaas qaadday sanadkii 1970, wax ka yar afar sano markii ay xornimada ka qaadatay Britain. Trinidad iyo Tobago ayaa soo raacay sanadkii 1976 iyo Dominica oo jamhuuriyad noqotay sanadkii 1978.

  3. Jirdhiska: Haweenka cayaartoyda ah qaarkood oo `aan ku qanacsaneyn jirkooda`

    Jirdhiska

    Markii ay jirtay of 16 sano, Rhona Lloyd waxay ku fekertay inay iska deyso cayaarta rugby-ga.

    Waxaa markaas fursad ay ka heshay Scotland iyadoo ka mid noqotay cayaartoyda ka yar da`da 20-ka sano, waxaa fursaddaas la socday jiim inay sameyso. Kooxdii way ku biirtay balse ka aysan sameyn jirdhiska.

    Ma jirin gabdho kale oo iskuulka la dhigan jiray oo dheeli jiray rugby, waxaana lagu dacaayadeyn jiray inay tahay "nin", Lloyd ma aysan dooneyn in asaaggeed ay siiso fursad ay ugu sii maadeystaan haddii ay yeelato murqo.

    Haatan, waa 23-sano-jir waxayna haysataa 28 koob oo ay dalkeeda u qaadday, waxayna heer ka gaartay cayaaraha iyadoo isku martay Paris ilaa Hong Kong.

    "Waxay ii direen inaan jirdhis sameeyo," ayay tiri Lloyd.

    "Waxaan xusuustaa inaan necbaa inaan sameeyo sababtoo ah waxaan u muuqaan lahaa nin oo kale.

    "Waxaan is tusay haddii aan murqo yeesho inaan soo jiidasho yeelaneyn oo aysan dumarnimo iga muuqaneyn. Waxaa igu jiray dareen xooggan oo ah inaan dooneyn inaan nin oo kale u muuqdo.

    "Ma dooneyn inaan dadka siiyo fursad dheeraad ah oo ay sidaas iigu yeeraan. Ma aanan heysan dad aan ku daydo oo murqo lahaa, sida haweenka orodyahannada ah."

    'Hadda way fiican tahay inaad noqoto qof adag'

    Labo sano kadib, Lloyd waxay aadday Jaamacadda Edinburgh waxayna ku biirtay kooxda rugby-ga. Waxay isla markiiba heshay dad ay ku dayato.

    Gabadhan oo haatan u cayaarta kooxda Loughborough Lightning ayaa sheegtay in qof walba uu hadda sameeyo jirdhiska, isla markaana ay iyadana ka heshay.

    "Taasi wax la jecleysto ayay ahayd. Waxaan xaqiiqsaday in haddii aan doonayo inaan u dheelo Scotland aysan ahayn inaan u muuqdo sida dadka kale anigoo ka baqaya inaan sameeyo waxa aysan dadka kale sameyn.

    "Waxaan dheelaa cayaar jirka laga shaqeysiinayo. Waxaad u baahan tahay inaad lahaato murqo sidaas darteed waa inaad fekerkaas iska saartaa aadna jecleysataa.

    "Hadda inaad noqoto qof adag waa wax fiican. Waxaan doonayaa inaan noqdo qof lagu daydo oo aan aniga hore u helin."

    'Hadalka dadka ayaa dib kuu dhigi kara'

    Inkastoo ay haatan wax is beddelayaan, haddana maaha Lloyd keligeed. Daraasad ay bishii hore sameysay BBC-da waxaa lagu ogaaday in 78% haweenka cayaartoyda ah aysan ku faraxsaneyn muuqaalka jirkooda.

  4. Mareykanka oo cunaqabateyn ku soo rogay xaaska madaxweynihii hore ee Gambia

    Gambia

    Mareykanka ayaa cunaqabateyn dhaqaale ku soo rogay Zineb Jammeh, xaaska madaxweynihii hore ee Gambia, Yahya Jammeh.

    Zineb waxaa la rumeysan yahay inay ka qeyb qaadatay musuqmaasuqa lagu kacay 22-kii sano ee uu ninkeedu madaxweynaha ka ahaa dalkaas ku yaalla Galbeedka Afrika, sida ay sheegtay waaxda arrimaha gudaha Mareykanka.

    Yahya Jammeh ayaa Gambia xukumayay in ka badan 20 sano. Wuxuu u baxsaday oo uu haatan ku nool yahay dalka Equatorial Guinea kaddib markii dloorashada looga guuleystay sanadkii 2017.

  5. Warbaahintii ugu horreysay Afrika oo hal bilyan oo qof ay YouTube ka daawato

    Warbaahinta online-ka ah ee Tanzania laga leeyahay ee Millard Ayo ayaa noqotay tii ugu horreysay Afrika oo ay hal bilyan oo qof ka daawato barta YouTube-ka.

    Milkiilaha bartaas - Millard Ayo – ayaa u mahad celiyay dadka bartiisa ku xiran.

    Bishii June, fannaanka u dhashay Tanzania, Diamond Platinumz ayaa noqday fannaankii ugu horreeyay Afrika ee ay daawato hal bilyan oo qof.

    Millard ayaa barta Twitter-ka soo dhigay sawir uu ugu dabaaldegayo arrintaas:

    Ka bood X boggan
    Oggolow X macluumaadka

    Macluumaadkan waxaa daabacay X. Waxaan dalbanayenaa fasaxaaga ka hor inta aan la furin, waxaa laga yaabaa inay isticmaalayaan cookies iyo farsamooyin kale. hadii aad u bahato akhri X xeerarka cokie iyo kan ku saabsan xogta gaarka ah ka hor inta aadan aqbalin. si aad u aragto xogta guji ‘aqbal oo soco’.

    Digniin: BBC macluumaadka ku qoran bog kale masuul kama ahan

    Dhammaadka X boggan

  6. 'Lacagta cusub ee Itoobiya oo diyaar ah'

    Lacagta cusub ee Itoobiya

    Bankiga Qaranka Itoobiya ayaa sheegay in lacagta cusub oo cadadkeedu yahay 2.9bn oo lacagta Birr ee dalkaas ($80m; £62m) la soo daabacay isla markaana diyaar ah, sida laga soo xigtay website-ka Borkena.

    Dadka doonaya inay beddeshaan lacagtii hore waxaa laga doonayaa inay bankiga tagaan iyagoo wata aqoonsigooda.

    Madaxa bankiga, Yinager Dessie, ayaa sheegay in 3.7bn birr ay ku baxday daabacaadda lacagta cusub.

    Lacagta cusub ayaa loogu talogalay in lagula dagaallamo howlaha sharci darrada ah iyo musuqmaasuqa.

    Waxaa sidoo kale la adkeeyay ammaanka si looga hortago soo saaridda lacag been abuur ah.

  7. Coronavirus: Kenya iyo Tanzania oo ka heshiiyay xurguftii dhex martay

      • Author, Rhoda Odhiambo
      • Role, BBC Africa Health, Nairobi
    Kenya
    Qoraalka sawirka, Tanzania ayaa afar ka tirsan diyaaradaha Kenya ka mamnuucday dalkeeda markii ay xiisaddu sii kululaatay

    Dowladda Kenya ayaa dalka ay deriska yihiin ee Tanzania ku dartay liiska dalalka laga dhaafay inay muwaadiniintooda is karantiilaan marka ay ka soo degaan dalka.

    Tallaabadan ayaa loo arkaa mid lagu muransan yahay maaddaama Tanzania aysan muddo bilooyin ah shaacin kiisas cusub oo Covid-19 ah.

    Labadan dal ee Bariga Afrika ku yaalla ayaa waxaa ka dhaxeeyay xurguf diblomaasiyadeed tan iyo bishii May markaas oo ay Kenya ka mamnuucday darawallada gawaarida xamuulka ee Tanzania inay soo galaan dalkeeda.

    Dowladda Kenya ayaa in muddo ah ka walaacsaneyd in Tanzania aysan daacad ka ahayn sida ay ula tacaashay xanuunka safmarka ah. Bishii June, Madaxweyne Magufuli ayaa ku dhawaaqay in Tanzania "ay xor ka tahay coronavirus" isagoo sheegay inay taas mahaddeeda leedahay ducooyinka dadweynaha dalkaas.

    Balse waxay u muuqataa in xiisadda labada dal ka dhaxaysay ay haatan qaboobeyso.

    Dalalka kale ee ay Kenya ka saartay liiska is karantiilka qasabka ah waxaa ka mid a Koofur Afrika, Mareykanka, Hindiya, Mexico iyo Spain – oo ka mid ah dalalka laga soo sheegayo kiisaska ugu badan ee Covid-19.

    Dowladda Kenya ayaase ka dooneysa dhammaan dadka dalka imaanaya inay sitaan shahaado caafimaad oo muujineysa inay ka badqabaan Covid-19. Rakaabka uu heerkulkoodu ka sarreeyo 37.5 ayaa la karantiili doonaa.

    Kenya waxaa ilaa iyo haatan laga soo sheegay 36,000 oo kiisaska Covid-19 ah iyo 600 oo dhimasho ah.

  8. Kufsigii Xamdi: Eedeysane baxsad ahaa oo Galmudug lagu qabtay

    Xamdi Maxamed Faarax

    Booliiska Galmudug ayaa xalay xilli dambe howlgal ay ka fuliyeen magaalada Cadaado ee gobolka Galgaduud waxay ku soo qabteen eedeeysane lagu tuhmayo inuu ku lug lahaa kiiska Xamdi Maxamed Faarax oo maalmo kahor kufsi iyo dil loogu geystay magaalada Muqdisho.

    Wiilkan oo da`diisa lagu sheegay 24 jir, ayay booliisku sheegeen inuu ka soo baxsaday magaalada Muqdisho.

    Taliye ku xigeenka Booliiska Soomaaliya, Zakiya Xuseen ayaa shacabka Galmudug uga mahad celisay sida ay ula shaqeeyeen booliiska.

    Booliiska Soomaaliya ayaa shalay sheegay in 11 qof ay u soo qabteen kiiska Xamdi, isla markaana baaritaanka uu marayo heer wanaagsan.

    Xamdi oo jirtay 20 sano ayaa Jimcihii la soo dhaafay laga soo tuuray dhismaha hoteel ku yaalla magaalada Muqdisho, halkaas oo la sheegay in kufsina loogu geystay. Waxay ka mid ahayd ardaydii imtixaanka dugsiga sare sannadkan ka baxday.