Sudan oo dooneysa in laga saaro liiska argagixisada ee Mareykanka

Dowladda Mareykanka ayaa sidoo kale isku dayeysa inay Sudan ku qanciso soo celinta xiriirka Israa`iil.

Tebin toos ah

  1. Taj Mahal oo lix bilood kaddib dib loo furayo

    Taj Mahal
    Qoraalka sawirka, Taj Mahal waxaa mar walba dalxiis u taga dad aad u badan

    Dad yar ayaa booqday dhismaha loo dalxiiska tago ee Taj Mahal ee Hindiya ku taalla, kaddib markii dib loo furay lix bilood kaddib oo ay xirneyd.

    Tallaabooyin hor leh oo dhanka badqabka dadka ayaa la soo rogay, waxaana la mamnuucay sawirrada koox kooxda loo galayo, baaritaanka heerkulka qof iyo tikidhada lagu galayo oo online-ka laga jaranayo.

    Keliya 5,000 oo qof ayaa booqan kara dhismaha, iyadoo kiisas Covid-19 ah laga soo sheego Hindiya maalin walba.

    Dhismahan waxaa qarnigii 17-aad dhisay boqor Shah Jahan isagoo ku maamuusay xaaskiisii, Mumtaz Mahal.

    Waxay muddo dheer ahayd mid ka mid ah xarumaha ugu waaweyn ee loo dalxiiska tago, waxaana maalin walba booqan jirtay 70,000 oo qof.

  2. Itoobiya: Dad uu ka mid yahay Jawar Maxamed oo maxkamad la soo taagay

    Ethiopia

    Waxaa ka bilaabantay magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya maxkamadaynta afar iyo labaatan qof oo lagu oo oogay dacwado argagixisonimo ah, waxaana ku jira dadkaasi Jawaar Maxamed iyo Bekele Gerba oo ah xubno mucaarad ah oo magac leh.Sidoo kale dadka dacwadda lagu soo oogay waxaa ka mid ah afar eedaysane oo iyaga oo dalka ka maqan dacwadda lagu oogayo.

    Eedaysanayaashan waxa la xidhxidhay markii ay dalkaas ka dhaceen rabshadihii ay ku dhinteen ugu yaraan 160-ka qof ee ka dhashay dilkii heesaagii caanka haa ee lagu toogtay Addis Ababa bishii July.

    Xarun warbaahineed oo la yidhaado Oromia Media Network oo ah telefishan uu aasaasay Jawar ayaa dacwad lagu soo oogay. Markii maxkamadda la keenay ayaa Jawaar oo ah shakhsi taageero weyn ku leh shacabka Oromada gaar ahaan dhalinyarada wuxuu sheegay in uu ku faanayo in lagu soo oogo dacwad aragagixisonimo ah markii labaad noloshiisa, waxaanu ku eedeeyey xisbiga talada dalkaasi haya inuu xidhxidhayo dadka mucaaradka ku aha inta aan la gaadhin doorashada guud ee dalka ka dhici doonta.

    Dawladdu waxay sheegtay in sababta baadhitaanka iyo soo oogidda dacwaddu ay muddada dheer u qaateen tahay baaxaadda iyo mugga khasaaraha ka dhashay shaqaaqooyinkaas oo aan muddo kooban lagu soo dhammaystiri karin.

  3. Dibadbaxyo looga soo horjeedo dowladda Al-Sisi oo ka socda Masar

    Masar

    Dibadbaxyo ayaa ka socda Masar kuwaas oo looga soo horjeedo dowladda madaxweyne Abdel Fattah Al-Sisi.

    Magaalada Kafr El Dawwar, Qaahira, Alexandria iyo Aswan, dibadbaxayaasha ayaa dalbanayay in Al-Sisi uu is casilo.

    Isku dhac ayaa dhex maray booliiska iyo dibadbaxayaasha oo dab qabadsiinayay dhismayaasha qaar.

    Madaxweyne Al-Sisi ayaa bishii March ee sanadkii 2014-kii si weyn ugu guuleystay doorashada madaxtinnimada, waxaana xilligaa shor yaallay caqabado ay ka mid yihiin dhaqaalaha dalka oo aad hoos ugu dhacay, diidmo kooxo kaga timaado iyo dal aad u kala qeybsamay.

  4. Galgaduud: Xaaladda tuulada Miir-dugul oo deggan

      • Author, Ibrahim Aden
      • Role, BBC Somali, Mogadishu
    Alshabaab

    Waxaa haatan deggan xaaladda tuulada Miir-dugul oo koofur kaga beegan magaalada Dhuusamareeb ee gobolka Galgaduud, kaddib iska hor imaadyo saakay ka dhacay.

    Iska hor imaadyada yaaa u dhaceeyay ciidamada Galmudug iyo kuwa Dowladda Federaalka oo dhinac ah iyo Alshabaab.

    Ciidamada Galmudug iyo kuwa Dowladda Federaalka ayaa shalay halkaasi ka sameynayay howlgal. Saakay ayaana waxaa weerar ku soo qaaday ciidanka Alshabaab.

    Wasiirka Warfaafinta Galmudug Axmed Shire Falagle ayaa sheegay in dagaalkaasi uu dhankooda kaga dhintay hal askari mid kalena uu ku dhaawacmay, isla markaana `ay ka adkaadeen ciidankii Alshabaab` ee dagaalka soo qaaday.

    Weli wax war ah oo dagaalkaas ku saabsan lagama hayo dhanka Alshabaab.

  5. Maalinta Nabadda: Caqadaha hortaagan nabadda Soomaaliya

    Maanta oo kale, ayaa adduunka waxaa laga xusaa Maalinta Nabadda Caalamiga ah, balse Soomaaliya oo ah dal muddo soddon sano ah uu dagaal sokeeye ka socday, ayaa u muuqda in nabad la helo ay tahay hadafka dowlad kasta oo dalka soo marta. Dadaallada nabadeed ee Soomaaliya ayaan weli si buuxda loogu guuleysan. Haddaba caqabadaha hor taagan nabadda Soomaaliya, ayaan wax ka weydiinnay Cismaan Muxyadiin Shaatax, oo ah afhayeenka ururrada bulshada rayidka Soomaaliya, Fartuun Ismaaciil ayuu khadka telefoonka ugu warramay.

    Qoraalka Codka, .
  6. Sudan oo dooneysa in laga saaro liiska argagixisada ee Mareykanka

    Sudan
    Qoraalka sawirka, Janaraal Abdel Fattah al-Burhan ayaa hoggaaminaya wafdiga Sudan

    Sudan ayaa wafdi sare u dirtay Imaaraatka Carabta si ay ula xaajoodaan saraakiisha Mareykanka, iyadoo dalkaasi uu doonayo in laga saaro liiska dalalka uu Mareykanku u aqoonsaday inay maalgeliyaan argagixisada.

    Wafdiga Sudan waxaa horkacaya hoggaamiyaha dalkaas janaraal Abdel Fattah al-Burhan.

    Mareykanka ayaa Sudan ku daray liiskaas sanadkii 1993 kaddib markii ay taageero u muujisay kooxaha Islaamiga ah oo uu ku jira Osama Bin Laden – oo muddo shan sano ah dalkaas ku noolaa.

    Wada xaajoodyada waxaa qeyb ka ah, Mareykanka oo Sudan ka doonaya in in ka badan $300m (£232m) ay magdhow ahaan u siiso qoysaska dhibbanayaashii weerarrada argagixisada.

    Dowladda Mareykanka ayaa sidoo kale isku dayeysa inay Sudan ku qanciso soo celinta xiriirka Israa`iil.