Madaxweynaha Kenya oo loo soo jeediyay inuu kala diro baarlamaanka

Ku soo dhawaw tebinta tooska ee BBC Somali

Tebin toos ah

  1. Lesbos: Boqollaal qof oo laga helay Covid-19 kaddib gubashadii xerada qaxootiga

    Giriigga

    Boqollaal muhaajiriin iyo qaxooti isugu jira oo ku sugan xerada cusub ee ku meel gaarka ah ee jasiiradda Lesbos, dalka Giriigga ayaa laga helay coronavirus, sida ay sheegeen saraakiisha dalkaas.

    In ka badan 240 qof oo ka mid ahaa 7,000 oo qof oo baaritaan lagu sameeyay kuna sugan xerada Kara Tepe ayaa laga helay xanuunka.

    Xeradan cusub ayaa la dhisay kaddib markii uu dab baabi`iyay xeradii buux dhaaftay ee Moria, horraantii bishan. In ka badan 12,000 oo qof ayuu dabku hoy la`aan dhigay.

    Afar muhaajiriin oo ka soo jeeda Afghanistan ayaa lagu eedeeyay inay dab qabadsiiyeen xerada siddeeddii September. Dowladda Giriigga ayaa sheegtay inay ka bannaan baxayeen tallaabooyinka bandowga loogu soo rogay xerada kaddib markii uu ka dillaacay coronavirus.

    Tan iyo markii uu dabku qabsaday xerada Moria labo toddobaad kahor, ilaa 9,000 oo muhaajiriin iyo qaxooti isigu jira ayaa dib u dejin loogu sameeyay jasiiradda.

    Dowladda Giriigga ayaa bilowday olole qaxootiga loogu dhiirrigelinayo inay u soo guuraan xerada cusub, balse badankood ayaa ka caga jiidaya waxayna doonayaan in dib u dejin loogu sameeyay Yurub, gaar ahaanna Jarmalka.

  2. Haweenka Kenya: Ma rabno boqolkiiba 30 ee waxaan dooneynaa 50-50

    Kenya
    Qoraalka sawirka, Sawir hore

    Qaar ka mid ah hoggaamiyeyaasha haweenka Kenya ayaa ku soo biiray ololaha sinnaanta jinsiga ee la doonayay inuu meel mariyo baarlamaanka.

    Waxay sheegeen inaysan ka hari doonin dadaalka lagu doonayo in haweenku ay 50-50 ku yeeshaan xafiisyada dowladda.

    Haween ay horkacayso Barasaabka Kirinyaga Anne Waiguru, ayaa la kulmayay hoggaamiyeyaasha axsaabta si ay ugala hadlaan arrintaas.

    Guddoomiyaha Maxkammada Sare ee Kenya David Kenani Maraga, ayaa Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta u soo jeediyay in la kala diro baarlamaanka Kenya, kaddib markii sharci-dejiyaasha ay ku guuldarreysteen inay meel mariyaan sharciga u oggolaanaya in seddax meelood laba baarlamaanka ay dumarka ahaadaan.

    Haweenka ayaa doonaya in la ansixiyo ajandaha sinnaanta jinsiga, sababo la xiriira inuu xal u noqon karo arrimaha caafimaadka, maaddaama sida ay sheegeen ay haweenka ay dhibaato badan kala kulmaan hannaanka caafimaad ee liita.

  3. Coronavirus: Taageerayaashu mar dhow ma tegi doonaan garoomada cayaaraha

    Cayaaraha

    Qorshihii loogu oggolaanayay in taageerayaasha ay tagaan garoomada cayaaraha ee England laga bilaabo 1-da October ayaa laga laabtay.

    Qorshaha ayaa dib u eegis lagu sameynayaa kaddib kiisaska coronavirus oo kordhay, waxaana la oggol yahay in keliya 1,000 ay tagaan garoomada.

    Ra`iisul Wasaare Boris Johnson ayaa lagu wadaa inuu maanta ku dhawaaqo tallaabooyin dheeraad ah.

    Inta badan kulamada cayaaraha ka qabsoomay England, looma oggolaan inay taageerayaashu ka qeyb galaan tan iyo bishii March oo dalkaasi la saaray bandowga sababo la xiriira coronavirus, kulamadaas waxaa ka mid ah Premier League-gga iyo dhammaadka Koobka FA.

    Madaxda in ka badan 100 urur cayaaro ayaa warqad ay u qoreen ra`iisul wasaaraha UK waxay ka dlabadeen inuu si degdeg ah u maalgeliyo waaxda cayaaraha, iyagoo ka digay in da`yartu ay dhibaato kala kulmi doonaan xayiraadda saaran cayaaraha.

  4. Macallimiinta Kenya oo loogu baaqay inay ku laabtaan iskuullada

    Kenya
    Qoraalka sawirka, Mid ka mid ah iskuullada oo loo beddelay goob digaagga lagu xannaaneeyo

    Macallimiinta Kenya ayaa loogu baaqay inay ku laabtaan iskuullada oo ay isku diyaariyaan xilliga dib loo furayo, kaddib muddo ay u xirnaayeen xanuunka coronavirus awgii.

    Iskuullada ayaa xirnaa tan iyo bartamihii March xababo la xiriira xanuunka safmarka ah ee coronavirus, waxaana lagu waday inay xirnaadaan ilaa bisha January.

    Balse shir jaraa`id oo ay ku qabteen Nairobi, Guddiga Macallimiinta waxay ka codsadeen macallimiinta inay iskuullada ku laabtaan Isniinta soo socota.

    "Waxaan dooneynaa inay iskuulladu noqdaan meel la joogi karo. Waynu booqannay, badankood way fiican yihiin. Iskuullo yar ayay waxyeello gaareen," ayuu yiri Wasiirka Waxbarashada George Magoha.

    Madaxweyne Uhuru Kenyatta ayaa lagu wadaa in shirka Covid-19 ee toddobaadka soo socda qabsoomi doona uu kaga dhawaaqo xilliga dib loo furayo iskuullada.

  5. Madaxweynaha Kenya oo loo soo jeediyay inuu kala diro baarlamaanka

    Kenya
    Qoraalka sawirka, Guddoomiyaha Maxkammada Sare ee Kenya David Maraga

    Guddoomiyaha Maxkammada Sare ee Kenya David Kenani Maraga, ayaa Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta u soo jeediyay in la kala diro baarlamaanka Kenya, kaddib markii sharci-dejiyaasha ay ku guuldareysteen inay meel mariyaan sharciga u oggolaanaya in seddax meelood laba baarlamaanka ay dumarka ahaadaan.

    Tallaabadan ayaa shaqo la`aan dhigi doonta 418-da xildhibaan ee baarlamaanka Kenya.

    Sidee ayay arrintan u arkaan xildhibaannada?

    Xildhibaadan Aadan Keynaan Weheliye oo ah mudanaha laga soo doorto deegaanka Celdhaas ee Ismaamulka Wajeer, gobolka Waqooyi-bari sidoo kalena ah xoghayaha Xisbiga Jubilee ee barlamaanka Kenya, oo BBC-da la hadlay ayaa sheegay in arrintaasi ay yeelan karto labo weji, tan koowaad ayuu ku tilmaamay inay tahay siyaasad uu cayaarayo guddoomiyaha maxkamadda maaddaama uu waqtigiisa dhammaan rabo.

    “Dadweynaha laguma qasbi karo qeybtan sidaas u soo doorta, waa dimuqraaddiyad. Ninkan waqtigiisa ayaa dhammaaday wuxuu doonayaa wax dalka qalalaaso geliya marka uu tago kaddib, wax socon karana ma aha” ayuu yiri.

    Wuxuu sheegay in maaddaama xildhibaannada Kenya ay shacabka soo doortaan, aan baarlamaanka lagu qabsi karin inay saxiixaan wax aysan shacabku rabin.

    Sharciga muxuu ka qabaa?

    Qareen Cabdulqaadir Maxamed oo ku magacdheer Cabdiqaadir Lawyer ayaa sheegay inay tahay taariikhda markii ugu horreysay ee maxkamad sare ay ku taliso in lakala diro baarlamaanka Kenya. Wuxuu qabaa in madaxweynaha ay furan tahay inuu ka soo tashado taladaas, maaddaama aysan caddeyn tallaabada xigi karta haddii uusan madaxweynuhu fulin.

  6. Haweenka Hirshabeelle oo walaac ka qaba qoondada haweenka

    Waxaa dhowaan lagu wadaa in la guda galo xulista xildhibaannada baarlamaanka maamul-goboleedka Hirshabeelle. Hase yeeshee dumarka maamulkaas ayaa ku andacoonaya in qoondada haweenka aysan kala caddeyn waxa laga yeelayo, iyagoona sheegay in dumarka aysan baarlamaanka hadda jira ku laheyn matelaad siyaasadeed oo muuqata.

    Haddaba walaaca ay qabaan haweenka Hirshabelle ayaanu ka wareysannay Caa'isha Khaliif Xaaji Maxamed oo ah wasiirka arrimaha haweenka iyo xuquuql insaanka ee Hirshabeelle, waxayna u warrantay Kauthar Maxamed cabdullaahi oo marka hore weydiisay walaaca ay qabaan.

    Qoraalka Codka, .
  7. Trump oo weli ku dheggan shirkadda TikTok

    TikTok

    Madaxweyne Donald Trump ayaa shaki hor leh ka muujiyay mustaqbalka shirkadda TikTok ee Mareykanka, isagoo sheegay in heshiiskii hore uusan dhaqan galeyn haddii shrikadaha Mareykanka laga leeyahay ee Oracle iyo Walmart aysan "si buuxda" ula wareegeynin shirkaddaas.

    TikTok ayaa Axaddii ka baaqsatay mamnuuciddii Mareykanka uu ku soo rogi lahaa, kaddib markii ay heshiis la gashay shirkadaha Mareykanka.

    Shirkadda Bytedance ee leh TikTok fadhigeeduna yahay Shiinaha ayaa sheegtay in 80% ay ku yeelan doonto shirkadda cusub ee TikTok Global.

    Balse Madaxweyne Trump ayaa yiri: "Wax shaqo ah kuma yeelan doonaan. Haddii ay ku yeeshaanna, wax heshiis ah nama dhex marayo."

    Wuxuu hore ugu hanjabay inuu mamnuuci doono shirkaddaas sababo dhanka ammaanka ah, haddii aysan heshiis la saxiixan shirkadaha Mareykanka wixii loo gaaro bartamaha September.

    Labada shirkadood ee ugu waaweyn ee Mareykanka, Oracle iyo Walmart, ayaa sheegay in guud ahaan ay saami dhan 20% ku yeelan doonaan TikTok Global.

    Balse Mr Trump, ayaa taas ka diiday.

    Bytedance, ayaa barteeda internet-ka ku soo qortay 80% ay ku yeelan doonto TikTok Global, waxay sheegtay in dhankeeda uusan jirin qorshe ay gebi ahaanba TikTok ugu wareejineyso Mareykanka.