Paris: Dad lagu tooryeeyay meel u dhow xafiiska wargeyskii sawir gacmeedka ka sameeyay Nabiga (NNKH)

Ku soo dhowaada tebinta tooska ah ee BBC

Tebin toos ah

  1. War deg deg ah, Paris: Dad lagu tooryeeyay meel u dhow xafiiska wargeyskii sawir gacmeedka ka sameeyay Nabiga (NNKH)

    Hebdo

    Afar qof ayaa lagu soo warramayaa in dhaawac toorrey loogu geystay magaalada Paris ee dalka Faransiiska, meel u dhow xafiisyadii hore ee wargeyska Charlie Hebdo, sida ay sheegeen saraakiisha dalkaas. Labo ka mid ah ayaa qaba dhaawac daran.

    Qof looga shakiyay inuu falkaas geystay ayaa lagu xiray meel u dhow Bastille kaddib markii uu booliisku sheegay in hal qof uu ka baxsaday goobta.

    Ciidamo ammaanka suga ayaa la geeyay meelaha u dhow xafiisyada. Shacabka ayaana loo sheegay inay halkaas ka fogaadaan.

    Dhowr iskuul oo meesha ku yaalla ayaa sidoo kale la xiray.

    Baangad ayaa sidoo kale laga helay goobta uu falku ka dhacay.

    Eedeysanaha la xiray ayaa waxaa dharkiisa ku yaallay dhiig.

    Weerarkan wuxuu ku soo aadayaa inyadoo maxkamadeyn heerkeedu sarreeyo ay ka socoto Paris, taas oo lagu maxkamadeynayo 14 qof oo lagu eedeeyay inay kooxaha jihaad doonka ah ka caawiyeen weerarkii 2015 lagu qaaday waregyskii loo haystay inuu sawir gacmeed ka sameeyay Nabiga (NNKH) ee Charlie Hebdo, weerarkaas oo lagu dilay 12 qof.

  2. Maxaa Soomaaliya uga suurto galay gudidda deyntii lagu lahaa?

    Todobaadkaan waxaa la soo gabagabeeyay wadahadallo socday ku dhawaad saddex usbuuc oo u dhaxeeyay dowladda Soomaaliya iyo Hay'adda Lacagaha Adduunka ee IMF, waxaana qoraal ka soo baxay hay'addaasi lagu sheegay in dakhli uruurinta dowladda Soomaaliya ay saameyn ku yeesheen cudurka Covid-19 iyo fatahaadihii ku dhuftay qeybo dalka ka mid ah. Dhanka kale, wasaaradda maaliyadda Soomaaliya ayaa sheegtay in inakstoo caqabadahaasi ay jireen, haddana ay gaareen heer dakhli uruurin oo ka fiican sidii la saadaalinayay. Arrimahasi ayaan ka wareysannay wasiirka maaliyadda Soomaaliya, Cabdiraxmaan Ducaale Beyle oo u warramay tifaaftiraha Laanta Af-Soomaaliga ee BBC-da, Muxyadiin Axmed Rooble.

    Qoraalka Codka, .
  3. Interpol oo Masar ku wareejisay eedeysanayaal kufsi geystay

    Masar

    Booliiska Adduunka ee Interpol ayaa saddex eedeysane oo looga shakisan inay kufsi geysteen ku wareejiyay Masar.

    Ahmed Helmy Toulan, oo 32 jir ah, Amr Hussein Mahmoud Ismail, oo 30 jir ah, iyo walaalkiis Khaled Hussein Mahmoud Ismail, oo 33 jir ah, ayaa lagu xiray Lubnaan.

    Masar ayaa hore u codsatay in lagu soo areejiyo raggaas si dalkaasi loogu maxkamadeeyo.

    Waxay ka tirsan yihiin sagaal nin oo loo haysto kufsiga haweeney da` yar ah loogu geystay hoteelka caanka ah Fairmont Nile City ee ku yaalla caasimadda Qaahira, kaas oo dhacay sanadkii 2014.

    Kiiskan ayaa bishii July lagu baahiyay barta instagram kaor inta aan booliiska loo gudbin.

  4. Shirka Golaha Guud ee QM: Madaxda caalamka oo markii ugu horreysay aan tegin xarunta shirka

    UN

    Markii ugu horreysay taariikhda Qaramada Midoobay, hoggaamiyeyaasha caalamka uma aysan safrin New York si ay uag qeyb galaan shirka 75-aad ee Golaha Guud ee QM. Taas beddelkeed, shirkan waxaa lagu qabtay aaladda fogaan-aragga.

    Madaxweynaha Golaha Guud ee QM Tijjani Muhammad-Bande ayaa hore u sheegay in sababo la xiriira xanuunka safmarka ah ee coronavirus ay 193-da madaxda caalamka ka socda soo duubi doonaan khudbadahooda, iyadoo dhabarkoodu uu ka muuqdo calanka dalkooda.

    Xoghayaha Guud ee QM Antonio Guterres ayaa isaguna sheegay inuu soo jeediyay in madaxdu aysan imaan xarunta shirka ee Manhattan, maaddaama uu socdo xanuunka safmarka ah, si loo yareeyo faafitaanka xanuunka iyo tirada dadka imaan lahaa xarunta shirka.

    Shirkan sanadlaha ah oo Talaadadii furmay ayaa janadaha ugu weyn ee looga hadlayo wuxuu yahay coronavirus, iyo arrimo kale oo walaac ku haya dunida.

    Xanuunka coronavirus ayaa saameeyay ugu yaraan 15.1 milyan oo qof, waxaana guud ahaan dunida ugu geeriyooday in ka badan 619,000 inta la ogyahay.

    New York waxay horraantii sanadkan ahayd xuddunta fayraskan oo dhammaadkii sanadkii hore ka dillaacay Shiinaha.

  5. Ciidanka Itoobiya oo ka digay in dowladda la afgembiyo

    Ethiopia

    Ciidamada Itoobiya ayaa ka digay isku day afgembi kaddib markii ay dowladda dib u dhingtay xilligii ay doorashada dhici lahayd oo ahayd August.

    Ku xigeenka taliyaha ciidamada Janaraal Berhanu Jula ayaa telefishinka dowladda u sheegay in milatariga uu ka warqabo isku day qalalaaso, taas oo ku saabsan in dowlad rasmi ah aysan jiri doonin wixii loo gaaro 10-ka October, xilligaas oo ay ku ektahay muddada dowladda haatan jirta.

    "Xukunka waxaa keliya lagu qabsan karaa inay doorasho dhacdo. Wax kale ma jiraan. Ma jireyso dowlad ku emel gaar ah iyo wax la mid ah... Ha isku taagin ciidamada. Tallaabo ayaan ka qaadi doonnaa ced walba oo isku dayda inay xukunka kula wareegto qaab aan dastuurka waafaqsaneyn," ayuu yiri janaraal Berhanu.

    Bishii July, baarlamaanka ayaa kordhiyay muddo xileedka dowladda kaddib markii ay xildhibaannadu dib u dhigeen doorashada sababo la xiriira xanuunka coronavirus.

    Qaar ka mid ah siyaasiyiinta, oo ay ku jiraan kuwa ka soo jeeda gobolka waqooyiga dalkaas ku yaalla ee Tigray, ayaa sheegay inaysan jiri doonin dowlad rasmi ah kaddib 10-ka October.

  6. Madaxweynaha ku meel gaarka ah ee Mali oo maanta xilka loo dhaarinayo

    Mali
    Qoraalka sawirka, Isniintii ayaa lagu dhawaaqay in Bah Ndaw (Midig) uu noqdo madaxweynaha ku meel gaarka ah

    Madaxweynaha cusub ee Mali ayaa maanta oo Jimco ah xilka loo dhaarin doonaa, shan toddobaad kaddib markii xukunka laga tuuray Ibrahim Boubacar Keïta.

    Bah Ndaw, oo ah wasiirkii hore ee gaashaandhigga, ayaa waxaa soo xushay hoggaamiyaha ciidanka sameeyay afgembiga, Korneel Assimi Goita, si uu u sii haayo xukunka inta laga qabanayo doorashada.

    Korneel Goita ayaa noqon doona madaxweyne ku xigeenka.

    Dowladda cusub ayaa lagu wadaa inay xilka sii heyso muddo 18 bilood ah, oo ay ku sii sinto doorashada.

    In la magacaabo madaxweyne rayid ah waa mid ka mid ah shuruudihii Urur-goboleedka Afrikada Galbeed ee Ecowas, si Mali looga qaado cunaqabateyntii la saaray kaddib afgembiga.

  7. Booliiska Kenya oo loo haysto dilal ay dadka u geystaan inta uu jiro bandowga Covid-19

    Kenya

    Afar hay`ad oo u dooda xuquuqda aadanaha ayaa doonaya in magdhow la siiyo dhibbanayaasha ay tacaddiyada u geysteen booliiska Kenya.

    Hay`adaha Amnesty International Kenya, International Justice Mission Kenya, Haki Africa iyo Kituo cha Sheria ayaa gudbiyay codsi ah in lacag magdhow ah la siiyo shan qof oo ay tacaddiyo u geysteen booliiska, inta uu socdo bandowga Covid-19.

    Waxay dacwad ka gudbiyeen taliyaha booliiska, wasiirka ammaanka iyo xeer ilaaliyaha guud.

    Waxay ku eedeeyeen inay gudan waayeen waajibkooda ku aaddan ilaalinta xuquuqda dadka, iyadoo ilaalinta shuruucda bandowga ay horseedday dhimasho, dhaawac iyo xatooyo lagula kacay ganacsiyo.

    Hay`adaha ayaa dalbaday in magdhow dhan 500,000 oo shilinka Kenya ah ($4,600; £3,600) la siiyo shanta dhibbane.

    Dadka ay u doodayaan waxaa ka mid ah Yassin Moyo oo 13 sano jir ahaa kaas oo lagu toogtay balakoonka gurigooda, xilli ay booliisku xoojinayeen bandowga habeenkii.

    Hal sarkaal booliis ayaa loo maxkamadeeyay dilka Yassin, wuxuuna bannaanka ku joogaa damaanad.

    Dhibbanayaasha kale waa Joseph Simiyu, Judith Simiyu, Daniel Waithugi Nga’nga iyo Jacktone Ouma Ochilo.

    Dowladda ayaa khafiifisay bandowga iyadoo xilliga uu bilaabanayo dib u dhigtay labo saacadood.

  8. Shiinaha oo ballaarinaya xeryaha uu ku xiro Muslimiinta Uighur

    Shiinaha
    Qoraalka sawirka, Shiinaha ayaa sheegay in xeryuhu ay muhiim u yihiin la dagaallanka argagixisada

    Shiinaha ayaa ballaariyay xarumaha uu ku hayo Muslimiinta Uighur ee laga tirada badan yahay, isagoo ku adkeysanaya in xeryahaasi wax lagu baro.

    Machadka Siyaasadda Istaraatiijiga ah ee Australia ayaa sheegay inay jiraan ilaa 380 xarumo laga shakisan yahay oo ku yaalla gobolka Xinjiang - oo qaarkood ay 40% ka badan yihiin qiyaastii hore loo sameeyay.

    Shiinaha ayaa sheegay in ujeeddadiisa ay tahay wax ka qabashada saboolnimada iyo xagjirnimada gobolka Xinjiang.

    Kooxaha xuquuqda aadanaha ayaa sheegay in ugu yaraan hal milyan oo qof lagu hayo xerada.

    Maxaa lagu sheegay warbixinta?

    Warbixinta ayaa lagu sheegay in 100 xeryo oo dheeraad ah ay jiraan, sida lagu helay baaritaan la sameeyay iyadoo la adeegsanayo sawirro lagu qaaday satellite-ka, wareysiyo lala yeeshay goobjoogeyaal, wararka warbaahinta iyo dokumentiyo rasmi ah.

    In ka badan 60 xarumo dadka lagu hayo ah ayaa la dhammeystiray intii u dhaxaysay July 2019 iyo July 2020, halka 14 kalena ay weli dhismo ku socoto, sida warbixinta lagu sheegay.

    Qiyaatsii kala bar xeryaha waxaa loo maleynayaa inay u sameysan yihiin sida xabsiga oo kale, ayaa warbixinta lagu yiri.

  9. Kenya: Saraakiil sare oo loo heysto musuqmaasuq la xiriira lacagihii Covid-19

    Kenya
    Qoraalka sawirka, Shaqaalaha caafimaadka Kenya ayaa shaqo joojin sameeyay iyagoo ka cabanaya xaaladaha adag ee ay ku shaqeeyaan iyo iyagoon heysan qalabka caafimaadka

    Ugu yaraan 15 saraakiil sarsare oo Kenyan ah iyo ganacsato ayaa lagu wadaa in lagu soo oogo dacwad la xiriirta xatooyo lagula kacay tobnaan milyan oo doollar oo la doonayay in lagu soo iibiyo qalabka caafimaadka oo loogu talogalay Covid-19.

    Baarayaasha loo xil saaray arrintaas ayaa ogaaday sida qandaraaska soo iibinta qalabkaas loogu gacan geliyay shakhsiyaad iyo ganacsato.

    Warbixin ay shalay si wada jir ah u soo saareen Guddiga Senate-ka iyo Guddiga Anshaxa iyo La dagaallanka Musuqmaasuqa ee (EACC) ayaa lagu sheegay in la musuqmaasuqay qalabkii loogu talogalay Covid-19.

    EACC ayaa soo jeedisay in dacwda lagu soo oogo dhammaan saraakiisha waaxda qeybinta qalabka caafimaadka ee dowladda ee Kemsa iyo kuwa saraakiisha caafimaadka oo ay waaxdu aaminsan tahay inay ka dambeeyaan musuqmaasuqa.

    Wejiga labaad ee baaritaanka ayaa lagu beegsan doonaa shirkadaga sida sharci darrada ah uga faa`iiday qandaraasyada.

    Saraakiisha sare ee Kemsa ayaa iska difaacay eedeymaha. Madaxa Kemsa iyo labo sarkaal oo kale ayaa shaqada laga joojiyay iyadoo uu baaritaanku socdo.

    Madaxweyne Uhuru Kenyatta ayaa ballan qaaday inuu ka sal gaari doono waxa dhacay. 26-kii August, wuxuu ku amray hay`adaha barista inay ku soo dhammeystiraan baaritaanka muddo 21 maalmood ah, balse waqtigeeda wuu dhaafay.

    Waaxda EACC ayaa warbixinta baaritaankeeda iyo talooyinkeeda goor hore u gudbisay agaasimaha dacwda oogidda bulshada kaa soo la filayo inuu ku dhawaaqo soo xiridda iyo dacwad ku soo oogidda eedeysanayaasha.

    Kenya waxay diwaan gelisay in ka badan 37,000 oo kiis oo coronavirus ah iyo 659 dhimasho ah. In ka badan 24,000 oo qof ayaa ka bogsaday, halka maalmihii ugu dambeeyay ay yaraanayeen kiisaska dadka qaba fayraska ee dalka.

  10. Maxay ka wada hadleen Cabdiraxmaan Cabdishakuur iyo Ra`iisul Wasaaraha cusub?

    Somalia

    Ra’iisal wasaaraha cusub ee Soomaaliya ayaa billaabay wadatashi ku aaddan xukuumadda uu soo dhisayo iyo qaabka ay doorashada lagu heshiiyay dalka uga dhici karto. Sidoo kale maanta waxa uu xafiiskiisa Villa Soomaaliya ku qaabilay hoggaamiyaha xisbiga mucaaradka ah ee Wadajir, Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame.

    Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa bartiisa Facebook ku soo qoray in kulan saacado qaatay uu la yeeshay Ra`iisul Wasaaraha cusub, Maxamad Xuseen Rooble.

    Wuxuu sheegay in kulanka oo uu martigeliyay ray`iisul wasaare Rooble uu ujeeddadiisu ahaa is wareysi iyo talo jeedin.

    Arrimaha ay diiradda ku saareen wada hadalkooda yauu ku sheegay inay ka mid tahay doorashada oo xilligeeda ku dhacda si caddaalad iyo sinnaan lehna u dhacda.

    Wuxuu xusay in ra`iisul wasaaraha uusan dooneyn wax muddo kordhin ah, isla markaana uu daneynayo in doorashadu ay ku dhacdo xilligeeda.

    Kulanka ay maanta yeesheen ayaa ahaa mid aan la sii saadaalin, maaddaama guddoomiyaha xisbiga Wadajir uu ka mid yahay dadka aadka u dhaliila dowladda uu hoggaamiyo Madaxweyne Farmaajo.

    Aqalka Hoose ee baarlamaanka Soomaaliya ayaa shalay si aqlabiyad leh u ansixiyay Maxamed Xuseen Rooble.

    Madaxweyne Farmaajo ayaa Rooble magacaabay 18-kii bishan September.

    Rooble ayaa la wareegi doonaa xafiiskii uu banneeyay ra'iisul wasaarihii isaga ka horreeyay, ee Xasan Cali Khayre, kaas oo 25-kii bishii Luulyo uu guddoonka baarlamaanka sheegay in kalsoonidii lagala laabtay.

  11. Kuuriyada Waqooyi 'oo dishay isla markaana gubtay sarkaal Koofurta ka soo jeeda'

    Kuuriyada Waqooyi

    Ciidamada Kuuriyada Waqooyi ayaa toogtay isla markaana meydkiisa gubay sarkaal u dhashay Kuuriyada Koofureed, sida ay sheegtay wasaaradda Kuuriyada Koofureed, oo cambaareysay falkaas.

    Xukuumadda Seoul ayaa sheegtay in ninkaasi uu ka lumay doon roondo ku sameyneysay meel u dhow xadka, kaddibna laga helay biyaha waqooyiga.

    Saraakiisha Kuuriyada Waqooyi ayaa dilay, waxayna kaddib ku shubeen gaas wayna gubeen, sida ay wasaaraddu sheegtay.

    Pyongyang weli wax jawaab ah kama bixin arrintaas.

    Kuuriyada Waqooyi ayaa xoojisay ammaanka xudduudaheeda waxaana loo maleynayaa inay hirgelisay siyaasadda ah "toogo si aad u disho" si ay uga hortagto in fayraska Coronauu dalkeeda gaaro.

    Maxay arrintaas ka tiri Kuuriyada Koofureed?

    Sarkaalkaas, oo la shaqeynayay waaxda kalluumeysiga, ayaa ku jiray doonta oo roondo ka sameyneysay meel ilaa 10km (6 meyl) u jirta xadka waqooyiga, meel u dhow jasiiradda Yeonpyeong, markii la waayay Isniintii, sida ay shaacisay wasaaradda gaashaandhigga Kuuriyada Koofureed.

    Ninkan oo 47 jir ahaa isla markaana ahaa aabbe leh labo carruur ah ayaa kabihiisa uga dhex tegay doonta. Waxa ala rumeysan yahay inuu isku dayayay inuu baxsado.

    Doon roondo sameyneysay oo Kuuriyada Waqooyi laga leeyahay ayaa aragtay ninkan. Waxay iyagoo meel fog ka taagan weydiiyeen su`aalo kaddib inta aysan go`aansan in la dilo.

  12. Guri ku dumay Wajaale oo ay dad ku dhinteen

    Somaliland

    Ugu yaraan afar qof ayaa lagu soo warramayaa inay ku geeriyoodeen 10 kalena ay ku dhawaacmeen kaddib markii uu dumayguri dhismiihiisu uu ka socday magaalada Wajaale ee Jamhuuriyada Iskeed Madaxbannaanida ugu Dhawaaqaday ee Soomaaliland.

    Dadka dhawaacayadu ay soo gaareen ayaa la geeyay isbitaallada Gabiley iyo Wajaaleiyadoo wararka qaarna ay sheegayaan in dhawaacayada qaarkood ay culus yihiin waxaana dhacdadani ay dhacdayshalay.

    Jamaal Yuusuf Cumar oo ah taliyaha ciidamada dab damiskaee Wajaale kana mid ah dadkii gurmadka u fidiyay dadkii gurigu ku dumay oo u warramay BBC-da ayaa sheegay in sababta uu guriga u dumay aanan la ogeyn, balse uu socdo baaritaan lagu hayo.

  13. Ilhan Cumar: Trump 'sida cunug siddeed jir' ah ayuu dalka u maamulaa

    Ilhan Cumar

    Ilhan Cumar oo ka tirsan Kongareeska Mareykanka aadna u dhaliilsan madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa ku dacaayadeysay Trump inuu dalkaasi u maamulay sida cunug "siddeed jir ah".

    Waxay ka jawaabeysay hadalkii Mr Trump uu xalay ka sheegay ololihiisa doorashada, isagoo yiri:

    "Waan ku guuleysan doonnaa gobolka Minnesota iyada darteed, ayay dhaheen. Waxaad noo sheegeysaan sida loo maamulo dalkeenna, maxaad ku sameyn jirtay halkaad ka timid? Waa sidee xaaladda dalkaaga? Waxay inoo sheegeysaa sida loo maamulo dalkeenna."

    Ilhan ayaa qoraal ay barteeda Twitter-ka soo dhigtay kaga jawaabtay hadalka Trump: "Ugu horreyn, kani waa dalkeyga waxaana xubin ka ahay Aqalka adiga kaa keenay mooshinka xil ka qaadista. Tan labaad, waxaan dagaal sokeeye ka soo qaxay aniga oo siddeed jir ah. Siddeed jir dal ma maamulo inkastoo aad adiga dalkeenna u maamushay sidiisa oo kale."

    Ilhan waxay ku dhalatay Soomaaliya, balse qoyskeeda ayaa ka soo qaxay markii ay dagaalladu qarxeen sanadihii 90-meeyadii.

    Sanadkii 2016, waxay noqotay qofkii ugu horreeyay ee Soomaalida Mareykanka ka soo jeeda ee boos sare ka qabta gobolka Minnesota, oo muhiim u ah doorashooyinka dhici doona November.

    Ka bood X boggan
    Oggolow X macluumaadka

    Macluumaadkan waxaa daabacay X. Waxaan dalbanayenaa fasaxaaga ka hor inta aan la furin, waxaa laga yaabaa inay isticmaalayaan cookies iyo farsamooyin kale. hadii aad u bahato akhri X xeerarka cokie iyo kan ku saabsan xogta gaarka ah ka hor inta aadan aqbalin. si aad u aragto xogta guji ‘aqbal oo soco’.

    Digniin: BBC macluumaadka ku qoran bog kale masuul kama ahan

    Dhammaadka X boggan

  14. Baarlamaanka Soomaaliya oo si aqlabiyad leh u ansixiyay Ra`iisul Wasaaraha cusub

    Somalia

    Aqalka Hoose ee baarlamaanka Soomaaliya ayaa goor dhow si aqlabiyad leh u ansixiyay Ra`iisal Wasaaraha cusub ee Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble.

    Dhammaan 215-ta xildhibaan oo goobjoog ka ahaa kulanka baarlamaanka ayaa ansixiyay Ra`iisal Wasaaraha cusub.

    Ra`iisul Wasaaraha oo hadal kooban jeediyay ayaa uga mahad celiyay baarlamaanka kalsoonida ay siiyeen. Wuxuu sheegay inuu xoogga saari doono arrimo uu ka kid yahay ammaanka.

    wuxuu sidoo kale baarlamaanka ka codsaday inay ansixiyaan xukuumadda uu soo dhisi doono, maaddaama uu wakhtigu yar yahay.

    Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi farmaajo oo saakay baarlamaanka horgeeyay ra`iisul wasaaraha si kalsooni uu ugu helo ayaa sidoo kale la filayaa inuu khudbad ka jeediyo kulanka.

    Madaxweyne Farmaajo ayaa Maxamed Xuseen Rooble magacaabay 18-kii bishan September.

    Rooble ayaa la wareegi doonaa xafiiskii uu banneeyay ra'iisul wasaarihii isaga ka horreeyay, ee Xasan Cali Khayre, kaas oo 25-kii bishii Luulyo uu guddoonka baarlamaanka sheegay in kalsoonidii lagala laabtay.

  15. Baarlamaanka Itoobiya oo xalliyay murankii ka taagnaa doorashada

    Itoobiya
    Qoraalka sawirka, Gobolka Tigray ayaa doorashooyin-goboleedka qabtay horraantii bishan

    Baarlamaanka Itoobiya ayaa meel mariyay qaraar oggolaanayan in doorashada guud ee dib loo dhigay lagu qabto muddo hal sano gudaheed ah.

    Sanadka cusub ee Itoobiya wuxuu billowday 11-kii September sidaas daraaddeed doorashada waxaa la qaban doonaa kahor September sanadka soo socda.

    Baarlamaanka ayaa shalay meel mariyay qaraarka. Hal xildhibaan ayaa ka soo horjeestay qaraarka, siddeedna way ka aamuseen, sida ay shaacisay wakaaladda wararka Itoobiya.

    Itoobiya ayaa dib u dhingtay doorashooyinka sababo la xiriira xanuunka coronavirus.

    Gobolka waqooyiga dalkaasi ku yaalla ee Tigray ayaa qabsaday doorashooyinka, taas oo uu “wax kama jiraan” ku tilmaantay dowladda Ra`iisul Wasaare Abiy Ahmed.

  16. Kenya oo oggolaatay in qoysaska ay si buuxda uga qeyb galaan duugta dadka u dhintay Covid-19

      • Author, Rhoda Odhiambo
      • Role, BBC Africa Health, Nairobi
    Kenya

    Qoysaska ayaa haatan si buuxda uga qeyb geli kara duugta dadkooda u geeriyooday xanuunka Covid-19, kaddib markii ay dowladdu khafiifisay shuruucdii ka taallay.

    Markii hore waxaa qoysaska loo oggolaa inay meel fog ka daawadaan sida ay duugtu u dhacayso, iyadoo saraakiisha caafimaadka ay si buuxda ula wareegi jireen duugta.

    Saraakiisha caafimaadka ayaa haatan sheegaya in meydka dadka u dhintay Covid-19 aysan faafin fayraska. Ururka Caafimaadka Aduunka (WHO) iyo Xarunta Xakameynta Cudurrada Afrika ee CDC ma aysan shaacin weli haddii meydku uu gudbin karo Covid-19, balse waxay wax ka beddeleen shuruucda duugta, iyagoo oggolaaday in qoysasku ay si buuxda uga qeyb geli karaan.

    Sida ku xusan shuruucda wax laga beddelay ee Kenya, saraakiisha caafimaadka ayaa goobjoog ka noqon doona duugta.

  17. Somaliland oo wax ka beddeleysa nidaamka warbaahinta ee hay`adaha dowladda

    Wasaaradda Isgaarsiinta ee Jamhuuriyadda Iskeed Madaxbannaanida ugu Dhawaaqday ee Somaliland, ayaa sheegtay in ay bilaabeen howlo ay wax kaga beddelayaan nidaamka warbaahineed ee ha'ayadaha dawladdu u adeedsadaan bogaga ay ku leeyihiin baraha bulshada. waxay sheegeen in ay hay'ad walba lahaanayso bar cayiman oo la aqoonsanyahay, si warar sugani ugasoo baxaan hay'adaha dowladda. Waxaa jiray bogag wasaaradda ku magacaaban, balse been abuur ahaa. Haddaba sida ay hawshan u qabanayaan iyo waxa ay ka tari karto nidaamka warbaahineed ee xukuumadda oo la dhaliili jiray, ayaan ka wareysanay Wasiirka Wasaaradda Isgaarsiinta Somaliland Cabdiwali Sheekh Cabdillaahi Suufi, Samiira Cabdullaahi Jaamac ayuuna u waramay.

    Qoraalka Codka, .
  18. Sacuudiga oo bisha soo socota dib u furaya Cumrada

    Cumrada

    Sacuudiga ayaa lagu wadaa in Cumrada sanadlaha ah uu dib u furo laga bilaabo 4-ta October, sida ay sheegtay wasaaradda arrimaha gudaha dalkaas, kaddib markii la hakiyay bishii March sababo la xiriira xanuunka safmarka ah ee coronavirus.

    Wakaaladda wararka ee Saudi Press oo soo xiganeysa wasaaradda arrimaha gudaha ayaa shaacisay in ilaa “6,000 oo muwaadiniinta iyo dadka deggan dalkaas maalintii loo oggolaan doono inay gutaan Cumrada laga bilaabo 4-ta October ”.

    Dadka ka imaanaya meelaha ka baxsan Sacuudiga ayaa iyaguna gudashada Cumrada loo oggolaan doonaa laga bilaabo 1-da November, markaas oo tirada dadka gudanaya ee la oggol yahay laga dhigi doono 20,000 maalintii, sida ay wasaaraddu sheegtay.

  19. Ethiopia: Wargeyskii ugu horreeyay ee dadka aragga naafada ka ah oo la soo saaray

    Itoobiya

    Gabar weriye ah oo da`yar oo Itoobiya u dhalatay ayaa soo saartay isla markaana suuq geysay wargeyskii ugu horreeyay ee loogu talogalay dadka aragga naafada ah ee dalkaasi laga soo saaro.

    Hannaanka Braille-ka wuxuu u oggolaanayaa dadka aragga naafada ka ah inay wax akhristaan iyagoo kaashanaya taabashada farahooda.

    Fiyori Tewolde ayaa la shaqeyneysay wargeyska dowladdu ay leedahay ee Addis Zemen, waxay kaddib go`aansatay inay u adeegto akhristayaasha aragga naafada ka ah.

    “Waxaa jiraa ilaa afar milyan oo Itoobiyaan ah oo aragga naafo ka ah, waxaana ogaaday inaysan heli karin warbixinnada – waxaa dhaafa waxyaabaha sida shaqooyinka bannaanka ee lagu soo daabaco wargeysyada,” ayay Ms Fiyori u sheegtay BBC Amharic.

    Wargeyskeeda oo lagu magacaabo Fetil (oo la micno ah “Dun” luqadda Amharic), wuxuu soo bixi doonaa maalin walba oo Arbaco ah wuxuuna ka hadli doonaa arrimaha bulshada, dhaqaalaha iyo siyaasadda. Maqaallada waxaa qori doona weriyeyaal si mutadawacnimo ah waqtigooda ugu huraya.

    Fiyori ayaa sheegtay in lagu soo dari doono warbixinno gaar ah oo ku saabsan baaritaan lagu sameynayo caqabadaha ay Itoobiya ku wajahaan dadka naafada ah.

    Waxaa waregyska lagu iibin doonaa waddooyinka Addis Ababa qiimihiisuna waa 30 birr ($0.82, £0.64), taas oo labalaab ka qaalisan qiimaha caadiga ah ee waregysyada.

    Sababta uu qiimihiisu u sarreeyo waa waraaqaha gaarka ah ee wargeysku u baahan yahay in lagu daabaco.

    Balse Fiyori waxay rajeyneysaa inay taageero ka hesho hay`adaha si wargeyska uu u noqdo mid ay si bilaash ah ku heli karaan dadka aragga naafada ka ah.

    Gudaha Itoobiya, dadka naafada ah, oo ay ku jiraan kuwa aragga naafada ka ah, waxaa laga takooraa shaqooyinka, sidaas darteedna waxay wajahaan caqabado dhaqaale.