Kenya oo diidday in dalkeeda laga fuliyo duqeymo ka dhan ah Alshabaab

Ku soo dhowaada tebinta tooska ah

Tebin toos ah

  1. Fayraska Korona ee ku dhacay Trump oo su`aalo badan la iska weydiinayo

    coronavirus
    Qoraalka sawirka, Hope Hicks oo Arbacadii Aqalka Cad sii galeysay ayada oo ay la socdaan, laga bilaabo bidix ilaa midig, Nicholas Luna, Dan Scavino, Jared Kushner iyo Stephen Miller

    Inkastoo Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump uu xaqiijiyay in isaga iyo xaaskiisa uu ku dhacay fayraska Korona, haddana waxaa jira su`aalo badan oo aan laga jawaabin.

    Su`aasha koowaad waxay tahay goorta iyo halka uu ka qaaday fayraska.

    Tan way adag tahay in laga jawaabo – madaxweynuhu wuxuu ku mashquulsanaa ololaha doorashada, inta bandanna ma xirto maaskarada wejiga.

    Sida laga soo xigtay wakaaladda wararka ee AP madaxweynaha ayaa wareysi uu siiyay Fox News ku sheegay inuu la kulmay xubno ka tirsan milatariga.

    "Waxay doonayaan inay hab ku siiyaan, waxayna doonayaan inay ku dhunkadaan,” ayuu yiri.

    Waxaynu ognahay in madaxweynaha laga helay fayraska kaddib markii laga helay kalkaalisadiisa Hope Hicks. Balse ma ogin halka iyo goorta ay qaadday fayraska.

    Ma garan karno haddii madaxweyne ku xigeenka Mike Pence, oo toddobaadkan ay isla socdeen Trump laga baaray fayraska iyo inkale.

  2. WHO oo Trump u rajeysay caafimaad degdeg ah

    WHO
    Qoraalka sawirka, Trump ayaa si joogto ah u cambaareyn jiray Dr Tedros iyo WHO

    Agaasimaha guud ee Hay`adda Caafimaadka Adduunka ee (WHO), Tedros Adhanom Ghebreyesus, ayaa bartiisa Twitterka ku soo qoray qoraal uu caafimaad degdeg ah ugu rajeynayo Madaxweyne Trump iyo marwada koowaad.

    Trump, waxaa laga yaabaa inaad xusuusataan, wuxuu si joogto ah WHO ugu cambaareyn jiray sida ay u xakameysay xanuunka safmarka ah. Horraantii sanadkan, wuxuu ku dhawaaqay inuu xiriirka u jarayo WHO, isagoo ku eedeynaya in laga xukumo Shiinaha oo uu fayrasku ka soo bilowday.

    Mareykanka ayaa ahaa dalka dhaqaalaha ugu badan siiya hay`adda, oo dalalka caalamka ka caawisa daryeelka caafimaadka iyo cudurrada dillaaca.

    Dr Tedros ayaa difaacay hay`adda xilligii uu eedeynta u soo jeediyay Mareykanka, wuxuuse markii dambe ballanq aaday inuu dib u eegis ku sameynayo sida ay hay`addu wax uga qabatay fayraska.

  3. Warbaahinta Shiinaha oo ku digatay Trump

    coronavirus

    Falcelin adag oo ku saabsan xanuunka Covid-19 ee laga helay Madaxweyne Trump iyo xaaskiisa ayaa ka soo baxaysa Shiinaha, oo ah halka uu ka soo bilowday fayraska isla markaana uu madaxweynuhu aad u cambaareyn jiray.

    Hu Xijin, oo ah tifaftiraha wargeyska Global Times ee ay dowladdu maamusho, ayaa sheegay in Trump iyo Marwada Koowaad Melania ay "u aayeen cirribxumada ka dhalatay sida uu Trump u dhayalsaday" xanuunka safmarka ah ee Covid-19 isla markaana ay tan "saameyn xun" ku yeelan karto ololihiisa doorashada.

    "Madaxweyne Trump iyo Marwada Koowaad waxay u aayeen sida uu u dhayalsaday COVID-19. Warka wuxuu muujinayaa sida ay u daran tahay xaaladda xanuunka safmarka ah ee Mareykanka. Waxay saameyn xun ku yeelan doontaa sumcadda Trump iyo Mareykanka, waxay sidoo kale saameyn doontaa in dib loo doorto," ayuu ku soo qoray bartiisa Twitter-ka.

    Twitter-ka ayaa laga mamnuucay dhulweynaha Shiinaha, balse Hu weli wuu isticmaalaa bartaas.

  4. Waa kuwee hoggaamiyeyaasha kale ee caalamka ee laga helay coronavirus?

    coronavirus
    Qoraalka sawirka, Boris Johnson ayaa bishii April saddex habeen ku baryay qeybta daryeelka gaarka ah

    Waxaa laga yaabaa in warka ku saabsan in madaxweyne Donald Trump laga helay xanuunka Covid-19 uu walaac geliyo codbixiyeyaasha Mareykanka – balse ma aha kuwa keliya ee hoggaamiyahooda uu ku dhaco fayraska.

    Hogaamiyeyaasha kale ee caalamka ee laga helay coronavirus waxaa ka mid ah:

    Boris Johnson – Ra`iisul Wasaaraha UK ayaa muddo saddex habeen ah ku baryay qeybta daryeelka degdegga ah bishii April kaddib markii uu ku dhacay faysraka, iyadoo markii dambe isbitaalka laga saaray.

    Juan Orlando Hernández - Madaxweynaha Honduras ayaa khudbad uu jeediyay bishii June ku sheegay in isaga, xaaskiisa iyo labo ka mid ah kalkaaliyeyaashiida laga helay coronavirus.

    Jair Bolsonaro – Madaxweynaha Brazil ayaa bishii July laga helay xanuunka, kaddib markii saddex jeer oo hore oo uu is baaray laga waayay. Wuxuu kaddib dhayalsaday xanuunka isagoo ku tilmaamay "hargab yar".

    Alejandro Giammattei – Madaxweynaha Guatemala ayaa bishii la soo dhaafay laga helay xanuunka kaddib markii uu lix jeer iska baaray. Wuxuu sheegay inuusan darneyn oo uu keliya dareemayo xanuun jirka ah iyo qufac yar.

  5. Kenya oo diidday in dalkeeda laga fuliyo duqeymo ka dhan ah Alshabaab

    Alshabab

    Madaxweyne Uhuru Kenyatta ayaa warbaahinta France24 u sheegay inuusan oggolaan doonin in milatariga Mareykanka ay duqeymo cirka ah ka geystaan gudaha Kenya, isagoo beeniyay wararka sheegaya in aqalka Pentagon-ka uu oggolaasho weydiistay Kenya.

    Wargeyska New York Times ayaa bishii la soo dhaafay shaaciyay in milatariga Mareykanka "ay oggolaasho u raadsanayaan inay duqeymo cirka ah ka egystaan qeybo ka tirsan bariga Kenya, iyagoo ku beegsanaya kooxda Alshabaab ".

    "Howlo argagixiso way jiraan balse saldhigyo argagixso kuma lihin gudaha Kenya. Sidaas darteed, ma jirto waxaas," ayuu yiri madaxweyne Kenyatta oo booqasho rasmi ah ku jooga Fransiiska.

    Weerar ay bishii January Al-Shabab ku qaadeen saldhig Mareykanku ku leeyahay Kenya ayaa waxaa ku dhintay hal askari oo Mareykan ah iyo labo kale.

    Warkan ayaa imaanaya iyadoo maalmo kahor ay maxkamad milatari oo ku taalla Soomaaliya ay xabsi daa`in ku xukuntay sarkaal ka tirsan Alshabaab oo lagu eedeeyay inuu door ku lahaa weerarkaas.

    Waa weerarkii ugu horreeyay ee ay Al-Shabab ku qaadaan ciidamada Mareykanka ee ku sugan Kenya.

    Kenya waxaa Soomaaliya ka jooga ciidan.

    Mareykanka ayaa aalaaba weerarro cirka ah oo uu ku bartilmaameedsado Alshabaab ka fuliya Soomaaliya.

  6. Ganacsatada Wajeer oo ka cabanaya koronto la`aan saameysay ganacsigooda

    Dadka deggan magaalada Wajeer ee gobolka Waqooyi-bari Kenya ayaa ka cabanaya koronto la'aan saameysay noloshooda, gaar ahaan gancsiga magaaladaasi. Qaar ka mid ah dadkaasi oo BBC-da la hadlay ayaa sheegay in koronto la'aantaasi ay sababtay in kharashka uu ku kordho ganacsigooda maaddaama ay ku khasbanaadeen inay isticmaalaan matoorro dhaliya korontada. Arrintan ayay sheegeen in dhawr jeer oo hore ay kala hadleen shirkadda bixisa korontada dalka ee KPLC balse ilaa haatan aan cabashadooda wax laga qaban. Cabdifataax Aadan Sheikh wuxuu ka mid yahay ganacsatada ay koronto la'aanta saameysay, waxa uu u warramay Axmed Nagaashe.

    Dhanka kale, shirkadda korontada Kenya ee KPLC oo ka jawaabeysa arrintaasi ayaa raalligelin ka bixisay dhibaatadaasi dhanka korontada ahi, waxayna sheegtay in cillaaddaasi ay u aaneeynayaan laba matoor oo kuwa korontada dhaliya ah oo ka cilladoobay toddobaadyadii la soo dhaafay, sidaa awgeedna ay billaabeen in korontadu ay marba qeyb ka mid ah magaaladaasi u daayaan. Shirkaddani ayaa war-saxaafadeed ku sheegtay in farsamo-yaqaannadeeda ay haatan ku hawlan yihiin sidii ay cilladdaasi u turxaanbixin lahaayeen isla markaana ay soo iibsanayaan matoor cusub si dadka magaaladaasi ay u helaan koronto.

  7. TikTok: Nin gubay xaaskiisii hore iyadoo muuqaal ay toos isaga duubeysa

    TikTok

    Gabar caan ka ah dalka Shiinahaayaa geeriyootay kaddib markii uu ninkeedii hore gubay, xilli ay bartaasi isaga duubeysay muuqaal toos ah.

    Lamu ayaa caan ka ahayd barta Douyin, oo sida TikTok oo kale ka ah Shiinaha, iyadoo barteeda ay ku xiran yihiin boqollaal kun oo qof.

    Waxaa gubtay jirkeeda 90% iyadoo labo toddobaad kaddib u geeriyootay dabkaas.

    Kiiskan ayaa Shiinaha ka abuuray dood ku aaddan tacaddiyada haweenka lagula kaco.

    Lamu, oo 30 jir ahayd, waxaa lagu yaqaannay muuqaallo ay kaga hadli jirtay nolosha baaddiyaha, waxaana lagu ammaani jiray inaysan isticmaalin make up.

    Ninkeedii hore oo magaciisa lagu soo gaabiyay Tang, ayaa u dhacay gurigeeda isagoo sitay toorrey iyo batrool.

    Lamu ayaa geeriyootay 30-kii September.

  8. Muqdisho: Sarkaal kufsi lagu eedeeyay oo dil lagu xukumay

    Kufsi

    Maxkamadda ciidammada qalabka sida ee Soomaaliya ayaa maanta waxa ay Maxamed Xuseen Cilmi ku xukuntay dil.

    Maxamed oo ka tirsan ciidammada xoogga dalka ayaa waxa lagu eedeeyay inuu degmada Wadajir ee magaalada Muqdisho ku kufsaday gabar 14 sano jir ah.

    Guddoomiyaha Maxkamadda Darajada Koowaad ee ciidammada qalabka sida Gaashaanle Sare Xasan Cali Nuur shuute ayaa riday xukunka dilka ah. Maxamed ayaa haysta fursad uu xukunkaasi racfaan uga qaadan karo.

  9. "Madaxweyne Putin ayaa i sumeeyay"

    g

    Hogaamiyaha mucraadka Ruushka Alexei Navalny, ayaa sheegay inuu aaminsan yahay in madaxweyne Vladimir Putin uu masuul ka yahay sumeyntiisa.

    "Waxaan ku adkeysanayaa inuu arrintan Putin ka dmbeeyay. Si kale oo ay arrintani ku dhici kartay ma garanaya aniga, " ayuu yiri i Navalny o la hadlayay wargeys ka soo baxa Jarmalka.

    Wuxuu wali ku sugan yahay dalka Jarmalka oo daweyn loo geeyay.

    Putin ayaa beeniyay eedeyntaasi

  10. Haweeney doorasho uga guuleysatay ninkii ay xafiiskiisa nadiifin jirtay

    bbc
    Qoraalka sawirka, Waxay la wareegeysaa xafiiskii ay afar sano xaaqi jirtay

    Haweeney lagu magacaabo Marina Udgodskaya, muddo afar sano ahna ka shaqeyneysay nadaafadda xafiiska gollaha deegaanka ee magaalada Povalikhino ee dalka Ruushka ayaa wacdaro ka dhigtay dalkaas kadib markii ay ka guuleysatay ninkii ay xafiiska u nadiifin jirtay.

    Marina oo 35 sano jir ah ayaa haatan isu diyaarineysa in ay la wareegto xafiiskii ay xaaqi jirtay kadib markii ay ku guuleysatay doorashada gollaha deegaanka horraantii bishan.

    Nikolai Loktev oo katirsan xisbiga talada haya ee Ruushka, xilkaasina hayay ayaa haweeneydan ku qanciyay in ay la tartanto oo ay u buuxiso shuruudda doorashada ee ah in halkii melba ay ku tartamaan laba musharax iyo wixii ka badan, maadaama aysan jrin cid kale oo la tartameysay.

    Waxaa uu doonayay in uu dib usoo laabto, iyaduna ay u buuxiso shuruudda laga rabo.

    Haseyeehsee xaaladda ayaa ku xumaatay Nikolai kadib markii ay haweeneydan uga adkaatay doorashada, waxaana lagu wadaa inuu xafiiska mar dahw ku wareejiyo

    Arrintan ayaa soo jiidatay indhaha dad badan, qabsatayna warbaahinta caalamka.

  11. Weriye Cabdulqaadir Mursal oo ku geeriyooday Mareykanka

    Mursal

    Waxaa xalay isbitaal ku yaalla magaalada Minneapolis ee dalka Mareykanka ku geeriyooday Cabdulqaadir Maxamed Mursal oo ahaa rugcaddaa saxaafadeed, sida ay BBC-da u xaqiijisay gabadhiisa.

    Mursal ayaa bilihii ugu dambeeyay ku xanuunsanayay dalkaas. Gabadhiisa ayaa sheegtay in xanuunka safmarka ah ee COVID-19 uu ku dhacay balse uu ka bogsaday, hase yeeshee uu saameyn ku reebay.

    Wuxuu Mursal in muddo ah ku noolaa magaalada Nairobi ee dalka Kenya, isagoo sanadkii 2014 u wareegay dalka Mareykanka, halkaas oo uu ka aasaasay idaacadda KALY, Codka Soomaalida Mareykanka oo uu markii ugu dambeysay madax ka ahaa.

    Wuxuu sidoo kale soo noqday agaasimihii Radio Muqdisho, tifaftirihii Radio IRIN ee markii dambe loo beddelay Radio Ergo.

  12. Save the Children: Coronavirus wuxuu sababay guurka gabdhaha da`da yar

    Save the Children

    Hay`adda arrimaha carruurta ee Save the Children, ayaa ka digtay in tallaabooyinka lagu xakameynayo coronavirus ay horseedi karaan kororka guurka gabdhaha yaryar.

    Waxay hay`addu sheegtay in dhaqaalo xumida ka dhalatay xanuunkan safmarka ah ay dad badan ku qasbeen saboolnimo, iyadoo gabdhuhu ay iskuulka isaga tageen iyagoo ku qasbanaaday inay shaqeeyaan amaba guursadaan.

    Ilaa 12 milyan oo gabdho da`yar ah ayaa sanad walba la guursadaa, balse kuwo kale oo badan ayaa khatar ugu jira ayay hay`addu tiri.

    Gabdhaha ku nool koorta Aasiya ayaa ah kuwa ugu nugul, waxaana soo raaca qeybo ka tirsan Afrika, Latin America iyo Caribbean-ka.

  13. Ninkii ugu horreeyay ee laga daweeyo HIV oo kansar u geeriyooday

    HIV
    Qoraalka sawirka, Timothy Ray Brown, oo loo yaqaannay bukaankii Berlin, sawirku waa 2012

    Timothy Ray Brown oo sidoo kale loo yaqaannay "bukaankii Berlin ", ayaa waxaa dhuuxa lafaha ugu deeqay nin si dabiici ah uu jirkiisu isaga caabbiyay HIV.

    Wixii markaas ka dambeeyay uma uusan baahneyn inuu qaato dawada xanuunka, waxaana jirkiisa laga waayay fayraska HIV, oo isku beddela Aids.

    Ururka caalamiga ah ee dadka AIDS-ka la nool ayaa sheegay in Mr Brown uu dunida siiyay rajo ah in la heli karo dawada HIV.

    Mr Brown, oo 54 jir ahaa, kuna dhashay Mareykanka, ayaa laga helay HIV xilli uu ku noolaa Berlin sanadkii 1995. Kaddib sanadkii 2007 waxaa ku dhacay nooc ka mid ah kansarka dhiigga.

    Si loo daweeyo waxaa laga shubay dhuuxa, waxaana lagu shubay dhuux kale.

    Waxaa dhuuxaasi ku deeqay nin uu jirkiisu leeyahay hiida-sidaha CCR5 ee iska caabbin kara fayraska HIV.

  14. Dhuusamareeb: Dab xooggan oo ka kacay kaalin shidaal oo la damiyay

    Dhuusamareeb
    Qoraalka sawirka, Dabka ayaa ka bilowday kaalin shidaal

    Wararka ka imaanaya caasimadda maamulka Galmudug ee Dhuusamareeb ee bartamaha Soomaaliya ayaa sheegaya in dab xoog leh oo saaka ka kacay kaalin shidaal uu baabi’iyay xarumo ganacsi iyo guryo la deggan yahay.

    Inkastoo dabkaasi uu gaystay khasaare hantiyadeed oo aad u ballaaran haddana lama soo werin khasraare nafeed wallow ay jiraan dad dhaawacyo fudud soo gaareen. Dhuusamareeb malaha adeegga gurmadka degdeggaah sida gaadiidka dabdamiska taasoo keentay in la xakamayn waayo dabka taasoo kordhisay khasaaraha uu gaystay.

    Duqa magaalada Dhuusamareeb Cabdiraxmaan Geedaqorow, oo BBC-da la hadlay ayaa sheegay inaan la ogeyn waxa dhaliyay dabka.

    Wuxuu sidoo kale xusay inaan si rasmi ah loo ogeyn baaxadda khasaaraha dabka, isla markaana uu haatan socdo baaritaanka.

    Waxay ahayd 40 beri kahor markii dab sidan oo kale uu ka kacay kaalin shidaal, kaas oo geystay khasaare hantiyeed.

  15. Itoobiya: Nin caan ku ahaa u doodidda xuquuqda aadanaha oo geeriyooday

    Siyaasiga Mesfin Woldemariam isla markaana u doodi jiray xuquuqda bani`aadamka ayaa ku geeriyooday Addis Ababa, isagoo jiray da`da 90 sano.

    Mr Mesfin ayaa aasaasay Guddiga Xuquuqda Aadanaha ee Itoobiya.

    Wuxuu ku biiray Isbahaysiga Midowga iyo Dimuqraaddiyadda (CUD) markii ay socotay doorashadii lagu murmay sanadkii 2005.

    Isbahaysiga CUD ayaa Addis Ababa kaga guuleystay hal kursi, iyo kuraas kale oo muhiim ah oo ay ka heleen baarlamaanka federaalka iyo kuwa gobollada.

    Balse wuxuu xisbigu sheegay in kuraas ka badan kua ay shaaciyeen guddiga dooarshada ay ku guuleysteen.

    Kaddib muran ka dhashay, hoggaamiyeyaal sar sare oo xisbiga ka tirsan uuna ku jiro Mr Mesfin ayay dowladdu ku eedeysay inay isku dayayeen tallaabooyin aan dastuurka waafaqsaneyn, xabsiga ayaana loo taxaabay.

    Mr Mesfin ayaa amrkii dambe ka baxay xisbiga, wuxuuna sheegay inay khalad ku tahay ka mid noqoshada siyaasadda, isagoo xusay inuu ku qanacsan yahay inuu cambaareeyo khaladaadka kuwa xukunka haya intii uu isagu xil raadsan lahaa.

    Ninkan oo ahaa bare cilmiga Juqraafiga dhiga, wuxuu qoray buugaag dhowr ah oo ka hadlaya siyaasadda, taariikhda iyo dhaqanka.

    Ra`iisul Wasaare Abiy Axmed ayaa ku sheegay inuu tusaale u ahaa nabadda, iyo inuu ahaa qof u taagnaa waxa uu aaminsanaa.

    Bar Twitter oo ay leedahay, EthioTube, ayaa soo wadaagtay sawirka Mr Mesfin:

    Ka bood X boggan
    Oggolow X macluumaadka

    Macluumaadkan waxaa daabacay X. Waxaan dalbanayenaa fasaxaaga ka hor inta aan la furin, waxaa laga yaabaa inay isticmaalayaan cookies iyo farsamooyin kale. hadii aad u bahato akhri X xeerarka cokie iyo kan ku saabsan xogta gaarka ah ka hor inta aadan aqbalin. si aad u aragto xogta guji ‘aqbal oo soco’.

    Digniin: BBC macluumaadka ku qoran bog kale masuul kama ahan

    Dhammaadka X boggan

  16. Sacuudi ga oo soo saaray shuruudo cusub oo Cumrada ah

    Cumrada

    Sacuudiga ayaa ku dhawaaqay tallaabooyin cusub oo loogu talo galay gudashada Cumrada, oo la hakiyay muddo lix bilood ah sababo la xiriira xanuunka coronavirus.

    Si looga hortago faafitaanka COVID-19, dadka cumreysanaya ayaan taaban doonin Xijrul Aswadka.

    Masjidka Xaramka oo ah halka ay Kacbadu ku taallo ayaa maalintii la nadiifin doonaa 10 jeer. Sidoo kale dadka ay ka muuqdaan calaamadaha COVID-19 ayaa loo diyaariyay qolal lagu karantiilo.

    Sacuudi Carabiya ayaa toddobaadkii la soo dhaafay ku dhwaaqday in si tartiib tartiib ah loo furi doono Cumrada, wixii loo gaaro bisha soo socota.

    Laga bilaabo 4-ta October, dadka u dhashay Sacuudiga iyo ajaanibta deggan ayaa loo oggolaan doonaa gudashada Cumrada, iyadoo maalintii ay keliya Masjidka Xaramka ee Maka ay geli karaan 6,000 oo qof.

    Halka 18-ka October, ay Boqortooyadu oggolaan doonto in 15,000 oo xujey ah ay Cumrada ku gutaan Al-Masjid al-Nabawi, ee magaalada Madiina.

    Dadka ka imaanaya bannaanka Sacuudiga ayaa loo oggolaan doonaa gudashada Cumrada wixii loo gaaro 1-da November.

  17. Gedo: Biyo la`aan baahsan oo ka jirta Gerilley

    Waxaa lagu soo warramayaa in biyo la’aan baahsan ay ka jirto deegaanka Gerilley oo ku taalla gobolka Gedo, taas oo saameysay nolosha dadka iyo duunyadaba koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya ayaa waxaa haleela badanaa roobab yari isku xigxiga, taasi oo sababta biyo yari ba'an oo ka dhacda deegaannada qaar. Shacabka ku nool deegaanka Gerilley oo ku taalla xuduudda Kenya iyo Soomaliya ayaa biyo u raadsada deegaanno masaafo ahaan u jira ilaa 50 kilomitir. Haddaba waxaanu arrintaa ka wareysannay guddoomiyaha deegaanka Gerilley Maxamuud Cabdille Warsame, khadka telefoonka ayuu ugu warramay wariyaha BBC-da Fartuun Ismaaciil.

    Qoraalka Codka, .
  18. Shaqo joojin ay sameyn lahaayeen shaqaalaha isbitaalka ugu weyn Bariga Afrika oo la baajiyay

    Kenya

    Maxkamadda shaqaalaha ee Kenya ayaa hor istaagtay shaqo joojin ay ku baaqeen shaqaalaha isbitaalka Kenyatta National Hospital – oo ah isbitaalka ugu weyn Bariga Afrika.

    Xaakim Justice Maureen Onyango ayaa amray shaqaalaha ka badan 5,000 inay dib ugu laabtaan shaqadooda inta laga dhegeysanayo dacwaddooda.

    Midowga kalkaalisooyinka, dhaqaatiirta iyo shaqaalaha isbitaalka ayaa loo sheegay inay maxkamadda yimaadaan 6-da October.

    Shaqaalaha ayaa ka cabanayay mushaarka dib u eegista lagu sameeyay oo ka soo daaha.

    Guddi la talin ah ayaa meel mariyay in din u eegis lagu sameeyo mushaarka shaqaalaha isbitaalka sanadkii 2012.

    Baajinta shaqo joojinta ayaa ku soo aadaya maalin kaddib markii uu bukaan ku geeriyooday agga agwaarida la dhigto ee isbitaalka.

  19. Haweeney da` ah oo lagu kufsaday Afgooye

    kufsi

    Waxaa lagu soo warramayaa in degmada Afgooye ee gobolka Shabeellaha Hoose uu ka dhacay fal kufsi ah, kaas oo lagula kacay haweeney da`deeda lagu qiyaasay 85 ilaa 95 sano.

    Ninka falkan geystay oo da`diisa lagu sheegay 30 jir ayay hadda booliisku gacanta ku hayaan, sida uu BBC-da u xaqiijiyay guddoomiyaha degmada Afgooye Ibraahim Cumar Qaasim.

    Haweeneydan oo xilligii uu falku dhacayay 27-kii bishan ku sugneyd beerteeda oo ay ari ku ilaalineysa ayaa haatan lagu dabiibayaa isbitaalka Madiina ee magaalada Muqdisho.

    Guddoomiyaha ayaa sheegay in ninka falka geystay sidoo kale loo haysto falal kale oo noocan oo kale ah oo uu hore u geystay.

  20. Duullimaadka gudaha ee garoonka Aadan Cabdulle oo dib loo bilaabay kaddib hakad saakay ku yimid

    Muqdisho

    Duullimaadka gudaha ee garoonka diyaaradaha Aden Cabdulle ee magaalada Muqdisho ayaa saaka muddo kooban istaagay kaddib markii shirkaddaha duullimaadka ay diideen inay wax duullimaad ah sameeyaan. Illo wareedyo xog ogaal ah ayaa BBC-da u sheegay in madaxda shirkadaha diyaaradaha qaarkood ay ka cawdeen in diyaaradaha qaar loo diiday inay tagaan degmada Doolow ee gobolka Gedo taasoo keentay inay iyagana joojiyaan duullimaadkii ay ku tagi jireen gobollada Soomaaliya.

    Haseyeeshee markii dambe oo ay shir isugu yimaadeen maamulka iyo madaxda shirkaddaha ayaa go’aan lagu gaaray in dib loo bilaabo duullimaadka gudaha isla markaana arrintii ay dooddani ka bilaabatay dib looga wada hadlo.

    Dhinaca kale hay’adda duulista rayidka Soomaaliyeed ayaa sababta duullimaadyada gudaha muddo kooban u istaageen ku sheegtay arrimo farsamo.

    Mareeyaha hay’addaasi Axmed Macallin Xasan, oo BBC-da la hadlay ayaa sababta ku sheegay inay ahayd cillad muddo hal saac ah ku timid kaddibna si degdeg ah loo xalliyay, haddana ay wax walba caadi ku soo noqdeen.

    Wuxuu beeniyay inay jiraan diyaarado loo diiday tegitaanka degmada Doolow, balse ay jiraan garoomada qaar oo dayactir lagu sameynayo.