Shirka Golaha Wadatashiga Qaranka oo Muqdisho ka furmay

Ku soo dhowaada tebinta tooska ah

Tebin toos ah

  1. 40 qof oo laga cabsi qabo in laga afduubtay waqooyiga dalka Nigeria

    .

    Ugu yaraan afartan qof ayaa laga cabsi qabaa in la afduubtay ka dib markii dabley hubaysan ay weerar ku qaadeen magaalo ku taalla gobolka Zamfara ee waqooyi-galbeed Nigeria.

    Kooxo hubaysan ayaa habeennimadii xalay weeraray bulshada Rini iyagoo si teel teel ah u tooganayay. Saraakiisha ayaa sheegay in xubno ka tirsan laamaha ammaanka ay la shaqeynayaan dadka ku nool agagaarkaas, si loo ogaado inta qof ee maqan.

    Arintan ayaa imaaneysa wax ka yar toddobaad kadib markii ay dabley afduubteen shan iyo toban arday iyo afar shaqaale oo ka tirsan kulliyadda beeraha ee isla gobolkaas. Kooxda weerarka geysatay ayaa dalbatay boqollaal kun oo doollar oo madax furasho ah.

  2. Xoogag ka soo horjeeda Taalibaan oo sheegay in ay qabsadeen saddex degmo

    .

    Xoogagga ka soo horjeeda kooxda Taalibaan ee waqooyiga Afghanistan ayaa sheegay inay la wareegeen saddex degmo oo u dhow dooxada Panjshir halkaas oo ay ku soo urureen haraadiga ciidamada dowladda iyo kooxo kale oo maleeshiyaad ah.

    Wasiirka difaaca, Jeneraal Bismillah Mohammadi, oo wacad ku maray in uu Taalibaan iska caabin doono, ayaa bartiisa twitter-ka ku sheegay in gacanta lagu dhigay degmooyinka Deh Saleh, Bano iyo Pul-Hesar ee gobolka Baghlan ee waqooyiga Panjshir.

    Wakaaladda wararka ee Reuters ayaa qortay, in aan si degdeg ah loo caddeyn waxa ay ciidamadu ku lug lahaayeen, balse dhacdadan ayaa sii kordhineysa tilmaamaha kala firxadka mucaaradka Taalibaan, kuwaas oo toddobaad gudihiis kula wareegay dhammaan magaalooyinka waaweyn ee Afghanistan.

    Telefishin maxalli ah oo lagu magacaabo Tolo News, ayaa soo xigtay taliye boolis deegaanka ah oo sheegaya, in degmada Bano ee Baqlan ay gacanta ku hayaan ciidamada maleeshiyada deegaanka, isagoona sheegay inuu jiro khasaare xooggan.

    Taalibaan ayaan ka hadlin dhacdadan, iyadoo hogaamiyeyaal sare ay ku shireen Kabul si ay u bilaabaan sameynta "dowlad loo dhan yahay".

  3. Mareykanka oo loogu baaqayo inuu kordhiyo waqtiga ciidamadiisa uu kala baxayo Afghanistaan

    .

    Waxaa isa soo taraya walaaca sii kordhaya ee ku aaddan waxa ku dhici doona daadgureynta ka socota caasimadda Kabul, haddii Mareykanka uusan kordhin waqtiga uu u qabtay ka bixitaanka ciidamada ka jooga halkaas.

    Ciidamada Mareykanka ayaa ugu danbeyn ka baxaya Afghanistaan 31-ka Ogoosto oo toban maalmood oo keliya ay ka harsan tahay.

    Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden ayaa toddobaadkan sheegay inuu kordhin doono waqtiga ka bixitaanka ciidamada ka jooga Afghanistan, haddii ay jiraan muwaadiniin Mareykan ah oo halkaasi ku haray.

    Balse, iyadoo ciidamada Mareykanka ay maamulaan gegidda diyaaradaha caalamiga ah ee Kabul, ayaa dalal kale ay ku tiirsan yihiin mareykanka si ay muwaadiniintooda u soo saaraan.

    Xoghayaha guud ee NATO, Jens Stoltenberg ayaa sheegay in dalal dhowr ah oo ka tirsan isbahaysiga ay soo jeediyeen, in garoonka diyaaradaha ee Kabul uu sii wado daad-gureynta wixii ka dambeeya 31-ka Ogoosto, si loogu oggolaado inay dad badan dalka uga baxaan.

    BBC-da ayaa fahansan in UK ay ka mid tahay waddamadan.

  4. Dalalka la geynayo dadka reer Afqaanistaan ee uu Mareykanka ka qaadayo Kabul

    Dad doonaya in ay ka dhoofaan garoonka Kabul
    Qoraalka sawirka, Dad doonaya in ay ka dhoofaan garoonka Kabul

    Xoghayaha arrimaha dibedda Antony Blinken ayaa u mahadceliyay waddammada gacan ka geystay dadaallada Mareykanka ee daadgureynta dadka Mareykanka, Afgaanistaaniyiinta ​​iyo shaqaalaha dalalka kale.

    Qaxootiga Afqaanistaan ​​ee aan hore loogu oggolaan in dib -u -dejin Maraykanka laga siiyo ayaa imika waxaa la geyn doonaan dalalka soo socda.

    ·Albania

    ·Canada

    ·Colombia

    ·Costa Rica

    ·Chile

    ·Kosovo

    ·North Macedonia

    ·Mexico

    ·Poland

    ·Qatar

    ·Rwanda

    ·Uganda

  5. Digniin dhanka ammaanka ah oo ka soo baxday safaaradda Mareykanka ee Kabul

    Garoonka Kabul
    Qoraalka sawirka, Garoonka Kabul

    Safaaradda Mareykanka ee Afgaanistaan ​​ayaa soo saartay digniin dhanka amniga ah oo lagula talinayo muwaadiniinta Mareykanka inay ka fogaadaan inay u safraan garoonka diyaaradaha ee Kabul.

    Taladan ay bixisay safaradda oo lagu daabacay boggeeda internetka, waxay safaaraddu ka digtay “khataro amni oo ka dhalan kara albaabbada garoonka”.

    "Waxaan kula talinaynaa muwaadiniinta Mareykanka inay ka fogaadaan inay u safraan garoonka diyaaradaha ayna ka fogaadaan irdaha garoonka waqtigaan haddii qofka shaqsi ahaan uusan amar ka haysan wakiil ka socda dowladda Mareykanka," ayaa lagu yiri qoraalka.

    Safaaraddu waxay sheegtay in muwaadin kasta oo Mareykan ah oo ku sugan Afgaanistaan ​​oo aan weli buuxin foomka Codsiga Dib -u -celinta "ay sida ugu dhaqsaha badan u sameeyaan".

    Waxay intaas ku dartay: "Ha soo wicin safaaradda Mareykanka ee Kabul si aad u hesho faahfaahin ama warbixinno ku saabsan duulimaadka.

    Goobjoogayaal ayaa sheegaya in weli ay fowdo ka jirto garoonka iyadoo dadweyne fara badan ay u dadaal ugu jiraan sidii ay u gaari lahaayeen gudaha garoonka.

  6. Warqad murugo xambaarsan oo ay soo dirtay gabadh reer Afqaanistaan ah?

    Angelina Jolie
    Qoraalka sawirka, Angelina Jolie

    Angelina Jolie oo ah jilaacaan ah islamarkana imika ah ergeyga gaarka ah ee Hay'adda Qaxootiga ee Qaramada Midoobay - ayaa ku soo biirtay barta Instagram -ka si ay ugu soo gudbiso warqad ay ka heshay gabadh reer Afgaanistaan ​​ah.

    Warqadda ayaa lagu faahfaahinayaa cabsida ay gabadhu ka qabto qabsashada Taalibaan ee dalkeeda. "Kahor intaan Taliban imaan ... dhammaanteen waxaan leenahay xuquuq," ayay qortay. "

    [Hadda] mar labaad ayaa xabsi galnay.“Hadda, dadka Afgaanistaan ​​waxay luminayaan awooddii ay iskula xiriiri lahaayeen baraha bulshada iyo inay fikirkooda si xor ah u muujiyaan,” ayay Ms Jolie ku qortay bartiida Instagram -ka.

    "Marka waxaan u imid barta Instagram si aan ula wadaago sheekooyinkooda iyo codadka kuwa adduunka oo dhan ee u dagaallamaya xuquuqdooda aasaasiga ah."

    Ayay intaa ku dartay.Waxay kaloo wax ka qortay booqashadii Afgaanistaan ​​sannadkii 2001 -dii halkaasi oo ay kula kulanta Qaxootigii ka soo qaxay Talibanka, iyadoo sheegtay inay "la xanuunsanayso" in la arko dad mar kale barakacay iyadoo aan la hubin xaaladda dalkooda.

    Ka bood Instagram boggan
    Oggolow Instagram macluumaadka

    Macluumaadkan waxaa daabacay Instagram. Waxaan dalbanayenaa fasaxaaga ka hor inta aan la furin, waxaa laga yaabaa inay isticmaalayaan cookies iyo farsamooyin kale. hadii aad u bahato akhri Instagram xeerarka cokie iyo kan ku saabsan xogta gaarka ah ka hor inta aadan aqbalin. si aad u aragto xogta guji ‘aqbal oo soco’.

    Digniin: BBC macluumaadka ku qoran bog kale masuul kama ahan

    Dhammaadka Instagram boggan

  7. Hogaamiye Taliban ka tirsan oo Mareykanku baadi-goobayeen oo maanta lagu arkay Kabul

    Waa mid ka mid ah ragga ay Mareykanka sida wayn u baadigoobayeen muddo dheer
    Qoraalka sawirka, Waa mid ka mid ah ragga ay Mareykanka sida wayn u baadigoobayeen muddo dheer

    Hoggaamiye Taalibaan ah oo ay baadi -goobayaan Mareykanka iyo QM ayaa ka soo dhex muuqday caasimadda Afghanistan ee Kabul, ka hor wada -hadallada lagu dhisayo dowlad cusub.

    Khalil Haqqani, oo qayb ka ah shabakada Xaqaani ee mayalka adag, ayaa lagu sawiray isaga oo ku dhex jira dad badan oo ku sugnaa caasimada Afgaanistaan ​​jimcihii, isga oo ay hareerihiisa taagnaayeen rag hubaysan oo ku labisan dareeska milatariga.

    Sawirrada ayaa muujinayay Haqqani oo masaajid ku jira oo khudbad u jeedinaya dad misaajidka ku sugnaa.

    Horraantii toddobaadkan, Abdullah Abdullah - oo ah madaxa Golaha Sare ee Dib -u -heshiisiinta Qaranka ee Afghanistan - ayaa soo bandhigay sawirro kulan uu la yeeshay Haqqani iyo wafdigiisa Taliban, iyo sidoo kale madaxweynihii hore ee Afghanistan Xamiid Karzai.

    Haqqani wuxuu ka mid yahay ragga sida weyn uu u baadi -goobayo Mareykanka, waxaana madaxiisa la dul dhigay $ 5 milyan.

  8. Shirka Golaha Wadatashiga Qaranka oo Muqdisho ka furmay

    Shirka Golaha Wadatashiga Qaranka
    Qoraalka sawirka, Shirka Golaha Wadatashiga Qaranka

    Shirka Golaha Wadatashiga Qaranka oo uu guddoominayo Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa goor dhaw ka furmay magalada Muqdisho.

    Shirka ayaa waxaa looga hadlayaa dardargelinta howlaha doorashooyinka, diyaarinta habraacyada doorashada Golaha Shacabka iyo raadinta dhaqaalaha ku baxaya doorashooyinka.

    4 ka mid ah maamul gobleedyada ayaa iyagu horey u guda galay howsha doorashada gaar ahaan doorashada aqalka sare.

    Mamaulka Hirshabeele oo kali ah ayaan wali bilaabin doorashada xubnaha aqalka sare.

    Maamulada Koonfur Galbeed iyo Puntland ayaa iyagu soo dhameystiray xubnihii aqalka sare uga mid noqon lahaa, halka Jubbaland iyo Galmudug ay wali dhowr kuraas dhiman tahay.

  9. Waa kumaa aasaasaha Taliban ee maanta Kabul ka degay?

    Baradar iyo xoghayaha arrimaha dibadda ee Mareykanka Mike Pompeo oo kulmay September 2020
    Qoraalka sawirka, Baradar iyo xoghayaha arrimaha dibadda ee Mareykanka Mike Pompeo oo kulmay September 2020

    Aasaasaha kooxda Taliban ahna hogaamiye ku xigeenka Mullah Abdul Ghani Baradar ayaa gaaray caasimada Afghanistan ee Kabul.

    Sarkaal sare oo ka tirsan Taalibaan ayaa u sheegay wakaaladda wararka ee AFP in Baradar uu la kulmi doono "hoggaamiyeyaasha jihaadka iyo siyaasiyiinta si loo dhiso dowlad loo dhan yahay".

    Baradar, oo sidoo kale ah madaxa xafiiska siyaasadda kooxda ee Doha, ayaa Talaadadii gaaray Afghanistan isagoo ka degay magaalada Kandahar.

    Waa hogaamiyaha ugu sareeya ee Taalibaan ee hadda dalka ka jira waxaana loo badinayaa inuu noqon doono hogaamiyahadowlad ay soo dhisi donaan Taliban.

  10. Wararkii ugu dambeeyay ee Afqaanistaan

    Dadka reer Afqaanistaan ee doonaya in ay dalka ka baxaan
    Qoraalka sawirka, Dadka reer Afqaanistaan ee doonaya in ay dalka ka baxaan

    Duulimaadyadii uu Mareykanka muwaadinintiisa ku daad -gureynayayayaa dib uga bilowday Afgaanistaan ​​kadib markii la hakiyay ku dhawaad ​​7 saacadood Jimcihii.

    Saldhigga Mareykanka ee Qatar ayaa noqday mid buux dhaafay oo aan qaabili Karin dad dambe, taasoo kuqasbeysa Washington inay ku dadaasho inay hesho dalal kale oo qaabila dadka imanaya.

    Waxaa wali garoonka diyaaradaha ee Kabul ka taagan jahwareer ka dhashay dadka badan ee doonaya inay garoonka ka dhoofaan.

  11. Shir Muqdisho uga furmaya Golaha Wadatashiga Qaranka

    Waxaa maanta lagu wadaa in uu ka furmo magaalada Muqdisho shir ay yeelanayaan rai'sulwasaare Maxamed Xuseen Rooble, madaaxweynayaasha dowlad goboleedyada iyo guddoomiyaha gobolka Banaadir.

    Kulankan aya lagu wadaa in uu ka dhaco xarunta Afisyoone, waxaana uu ka mid yahay kulamadii loogu magacdaray Shirka Golaha Wadatashiga Qaran, ee ujeedkoodu ahaa sidii loo dhameystiri lahaa qabashada doorashada.

    Waxaana ilaa iyo hadda magaalda Muqdisho ku sugan qaar ka mid ah madaxda shirkan ka qayb gelaysa.

    Rai'sul wasaare Rooble iyo madaxda maamul goboleedyada
    Qoraalka sawirka, Rai'sul wasaare Rooble iyo madaxda maamul goboleedyada