Hogaamiyaha ugu sarreeya Taalibaan Mullah Hibtollah "oo fagaaro ka soo muuqanayo"

Ku soo dhowaada tebinta tooska ee BBC Somali

Tebin toos ah

  1. WHO oo sheegtay in sannadkan dad badani Korona ugu dhiman doonaan Yurub

    .
    Qoraalka sawirka, .

    Agaasimaha xafiiska Yurub ee hay’adda caafimaadka aduunka ee WHO ayaa sheegay in in ragaadka barnaamijyada talaalka fayraska korona iyo korodhka xaddiga uu ku fidayaa ay yihiin arin walaac abuuraysa.

    Hans Kluge ayaa saadaaliyey in qaaradda Yurub ay ugu dhiman doonaan fayraska in ka badan laba boqol iyo sodon kun oo qof marka la gaadho bisha Diisember ee sannadkan.

    Waxa uu sidoo kale difaacay qorsheyaasha ah talaalka ee dadka qaarkood markii saddexaad la siinayo si loo xoojiyo kuwii hore ee ay qaateen, waxaanu sheegay in ay mar saddexaadkaasi yahay mid lagu doonayo in dadka nugul lagu difaaco.

  2. Shidaalka ay ku jirto maadada LEAD oo dunida laga joojiyey adeegsigiisa

    .
    Qoraalka sawirka, .

    Hay’adda Qaramada Midoobay ee ilaalinta deegaanka ee magaceeda loo soo gaabiyo UNEP ayaa sheegtay in baatroolka lagu daro maadada Lead dunida laga cidhib tiray oo la joojiyey isticmaalkiisa.

    Waxay ku tilmaantay joojinta shidaalka ay ku jirto maadad Lead guul weyn oo la gaadhay. Shidaalkaas ayaa sumeynayey hawada, biyaha la cabbo iyo dalagyada beeraha muddo ku dhaw qarni.

    Qaramada Midoobay ayaa sheegtay in joojinta shidaalka noocaas ahi badbaadin doono 1.2 milyan oo caruur ah oo iyaga oo uurka lagu sido dhiman jiray sannad walba, sidoo kale in ay aad u yarayn doono cudurada wadnaha ku dhaca iyo kansarka iyo inuu gacan ka gaysan doono in dhalaanka maskaxdoodu si caafimaad qabta u korto.

    Sannadihii 1980-aadkii ayaa dalalka hodanka ah badankoodu mamnuuceen adeegsiga baatroolka ay ku jirto maadada Lead laakiin haatan waxa uu sidaa ku soo gabogabooyaaa maadaama oo Algeria oo bishii hore uu ka dhamaaday ay noqotay dalkii ugu dambeeyey ee joojiya adeegsiga shidaalkaas.

  3. Ra'isal wasaarihii hore ee Afghanistan oo sheegay in aanu Daaliban aqoonsan iskuna dhiibayn

    Ra’isal wasaarihii hore ee Afghanistan, Amrullah Saleh, oo maqaal ku qoray wareyskaJarmalka ka soo baxa ee Der Spiegel ayaa sheegay in aanu aqoonsanayn xukunka Daalibaan isla markaana aanu isku dhiibayn.

    Saleh oo Kabul ka baxsaday bishan ayaa haatan gacan ka geysanaya iska caabinta Daaliban lagaga soo horjeedo ee ka taagan dooxada Panjshir ee dalkaas. Tan iyo markii uu Madaxweyne Ashraf Ghani u qaxay Imaaraadka horaantii bishan, Amrullah Saleh, wuxuu isku sheegay inuu isagu yahay hogaamiyaha dalka.

    “Juquraafi ahaan waan u go’doonsannahay laakiin siyaasad ahaan iyo niyad ahaan ba Afghanistan baa na la jirta”ayuu yidhi.

    Wuxu sheegay in Daalibaanku “aanay weligood ba qabin in arimaha lagu xaliyo heshiis siyaadeed”.

    “Waxay ka faa’iidaysteen demenaanta, daalka iyo aragti gaabnidad Aqalka Cad ee labada goor ee ay Trump iyo Biden talada hayeen” ayuu intaa kud aray.

    Wuxuu soo jeediyey talo ah in weli uu jiro xal wax lagaga qaban karayo qabashada Daalibaan “Pakistan waa in loogu hanjabaa in cunoqabatayno gaar ah lagu soo rogo,la dalbado xal siyaasadeed iyo sidoo kale in aqoonsi siyaasadeed iyo taageero ba la siiyo kooxda ka soo horjeeda Daalibaan ee National Resistance ee dooxada Panjshir”.

    Amrullah Saleh
    Qoraalka sawirka, Amrullah Saleh
  4. Madaxweynaha Falastiiniyiinta oo Daanta Galbeed kula kulmay wasiirka difaaca Israel

    Maxamuud Cabbaas
    Qoraalka sawirka, Maxamuud Cabbaas

    Madaxweynaha Falastiiniyiinta, Maxmuud Cabbaas, ayaa daanta galbeed ee la haysto wadahadallo kula yeeshay wasiirka gaashaan dhigga Israel , Benn Gantz.

    Warar ay baahisay warbaahinta ku hadasha Af-Cibriga ayaa lagu sheegay in kulankaasi uu qaatay laba saacadood iyo badh.

    La taliyeyaashiisa ayaa sheegay in Gantz ballanqaaday in Israel qaadayso talaabooyin lagu xoojinayo dhaqaalah Falastiiniyiinta. Wararku waxay intaa ku dareen in ay labada dhinac isla qaateen in ciidamada nabadgelyada Falastiiniyiinta iyo ciidanka Israel iska kaashadaan ilaalinta nabadgeyada.

    Dadka siyaasadda odorosa ayaa sheegaya in debacaa Israel ka dhashay cadaadis Maraykanku saaray Israel.

  5. Gaarisa iyo deegaannada hoostaga ayaa laga soo sheegayo abaar ba'an

    Wararka ka imaanaya ismaamulka Gaarisa iyo deegaannada hoostaga ayaa laga soo sheegayaa abaar ba'an oo saamayn ku yeelatay dadka iyo duunyada labadaba. Xoolaha ayaa la sheegayaa in ay waayeen wax ay cunaan waxaana loo quudiyo sida dadka oo kale.

    Waxaana socda dadaallo ay wadaan culumada Gaarisa oo loogu gurmanayo dadka iyo duunyada ay abaartu waxyeellaysay. kulan ay culimada deegaanku ka yeesheen arrintaas ayaa laga soo saaray qodobo ku aaddan si xaaladda taagan la isaga kaashan lahaa.

    Sheekh Xasan Cabullaahi Camay oo ka mid ah culimada Gaarisa ayaa Wariyaha BBC, Axmednagaashe uga warramay xaaladda taagan iyo wixii ay ka soo saareen kulankooda.

    Qoraalka Codka, .
  6. Taalibaan: Duqeynta diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Mareykanka waa sharci darro

    Taalibaan ayaa ku eedeysay ciidamada Mareykanka ee Kabul inay si sharci -darro ah u fuliyeen weerar ay diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Mareykanku ku qaadeen caasimadda Afghaanistaan ee Kabul.

    Wareysi uu siiyay telefishinka Shiinaha, afhayeenka Taalibaan Zabihullah Mujahid ayaa sheegay in Mareykanka ay ahayd in ay soo sheegaan wax kasta oo khatar ku ah ururka.

    Ehelada dhibanayaasha ayaa BBC -da u sheegay in la dilay 10 qof oo rayid ah oo ay ku jiraan lix carruur ah.

    Milatariga Mareykanka ayaa hadda wada baaritaan ku saabsan duqeynta diyaaradda.

    .
  7. Ururka Bisha Cas oo ka hadlay xarun caafimaad oo lagu gubey magaalada Baardheere. Waxaa BBC-da la hadlay Cabdiqaadir Ibraahim Caafi, oo ah agaasimaha warfaafinta ururkan.

  8. Qaar kamid ah hobolada Waaberi oo ka hor yimid go'aan ay gaartay wasaaradda warfaafinta

    Qaar kamid ah abwaannada iyo fannaaniinta kooxda Waaberi ee magaalada Muqdisho ayaa ka hor yimid go’aan wasaaradda warfaafintu ugu ogolaatay shirkad maxali ah inay makhaayad uga hirgaliso dhul bannaan oo ku yaala dhismaha Tiyaatarka Qaranka ee magaaladaasi.

    Warqad uu ku saxiixnaa wasiir Cismaan Abokor Dubbe ayaa loogu ogolaaday shirkadda Xaawo Taako in makhaayad iyo jardiino lagu nasto uga hirgaliso dhulka dambe ee tiyaatarka, iyadoo heshiiska muddada kireynta iyo xiligaba dib laga sheegi doono.

    Haddaba arrintaas waxaa gaashaanka u daruuray abwaannada iyo fannaaniinta kooxda Waabari, oo ka midka yahay abwaan Cabdikariim Faarax Qaarey (Jiir) Agaasime ku xigeenka Tiyaatarka Qaranka ayaa BBC uga warramay arrintaan.

    Qoraalka Codka, .
  9. Guddiga doorashooyinka ee Puntland oo sheegay in doorashada qofka iyo codka ah ee saddexda degmo ay ku qaban doonaan waqtigii loogu talagalay

    Gudoomiyaha guddiga doorashooyinka ee Puntland ayaa sheegay in doorashada qofka iyo codka ah ee saddexda degmo ay ku qaban doonaan waqtigii loogu talagalay.

    Gudooomiye Guuleed Saalax Barre ayaa hadlayay kaddib shir uu la yeeshay ururrada siyaasada ee Puntland, midkaas oo lagu falanqeeyay war ay soo saareen ururada siyaasada kaasoo ku aadanaa in liiska musharaxiinta 3 dagamo eyl ufayn Qardho in dib loo dhigo.

    Qoraalka Codka, .
  10. Maydka ninkii weerarka ka gaystay Tanzania oo lagu aasay Dar es Salaam

    XAMSA

    Meydka Xamsa Maxammed, oo ku dhintay is -rasaaseyn dhexmartay booliska Tanzania iyo isaga, ayaa lagu aasay magaalada Dar es Salaam habeenimadii Axadda.

    Meydka ayaa la aasay kadib markii la geeyay Masjidka Mamuur ee Upanga ee Dar es Salaam halkaas oo loogu tukaday salaadda Janaasada.

    Sida uu qoray wargeyska Mwananchi, meydka ayaa markii hore la filayay in la aaso 7 -da fiidnimo balse afhayeenka qoyska Abdulrahm Hassan ayaa sheegay in meydka uu dib u dhacay sababo la xiriira baarista kiiska.

    Afar qof ayaa ku dhimatay lix kalena way ku dhaawacmeen isbuucii la soo dhaafay is rasaaseyn ka dhacday isgoyska waddooyinka Kenyatta iyo Kinondoni oo u dhow Safaaradda Faransiiska ee Daarusalaam.

    Madaxa howlgallada booliska, Liberatus Sabas, ayaa Wakaaladda Wararka ee Reuters u sheegay in aan la ogeyn ujeeddada uu lahaa nink weerarka geystay.

    .
  11. Hogaamiyaha ugu sarreeya Taalibaan Mullah Hibtollah "oo fagaaro ka soo muuqanayo"

    AFGHAN ISLAMIC PRESS
    Qoraalka sawirka, AFGHAN ISLAMIC PRESS

    Ilo wareedyoTaalibaan ah ayaa u sheegay laanta Pashto ee BBC -da in hoggaamiyahooda ugu sarreeya, Mullah Hibtollah Akhundzada, uu ku sugan yahay Qandahar oo uu dhowaan ka soo muuqan doono goob fagaare ah.

    Mullah Hibtollah waa caalim diimeed ka soo jeeda Qandahar, waxa uu sannadkii 2016 -kii madax u noqday Talibanka Afghanistan.

    Waxaa la rumeysan yahay inuu bedelay jihadii Taalibaan oo uu u horseeday xaaladda ay hadda ku sugan tahay.

    Wuxuu ka mid ahaa hoggaamiyeyaashii Islaamiga ahaa ee ka soo horjeestay ciidamadii Ruushka ee Afqaanistaan ​​sanadihii 1980-maadki, hase yeeshee marka la eego sawirkiisa guud wuxuu u muuqdaa hoggaamiye diimeed marka loo eego taliye milateri.

    Madaxa xafiiska siyaasadda ee Taliban, Mullah Abdul Ghani Baradar, ayaa sidoo kale ka soo laabtay Kabul kuna soo noqday Kandahar.

    Mullah Abdul Ghani Baradar ayaa ka mid ah afarta nin ee aasaasay Daalibaan sannaka markuu ahaa 1994 -kii.

    Dhowr hoggaamiye oo Taalibaan ka tirsan, oo uu ku jiro Mullah Baradar, oo dibad joog ahaa tan iyo markii Taliban ay qabsatay Kabul 15 -kii Ogosto, ayaa dib ugu laabtay Afghanistan.

    Dhanka kale, afhayeenka Taalibaan Zabihullah Mujahid ayaa sheegay in wadahadalo ay ka socdaan Afgaanistaan ​​si loo soo dhiso dowlad cusub, dhawaanna lagu dhawaaqi doono.

  12. Daawo: Maydadka askartii Maraykanka looga laayay Kabul oo laga dajinaya Maraykanka

    Qoraalka Muuqaalka, Maydadka ciidamada Maraykanka ee lagu dilay Kabul oo laga dajiyay Maraykanka

    Waaxda Difaaca Mareykanka Pentagon waxay sheegtay in 13 askari ay kaga dhinteen, 15 kalena ay dhaawacmeen. Sarkaal sare oo ka tirsan waxaad caafimaadka ee Kabul ayaa BBC u sheegay in ugu yaraan 90 qof ay dhinteen 150 kalena ay dhaawacmeen weerarka lagu qaaday garoonka diyaaradaha ee Kabul.

    Dad aad u badan ayaa ku sugnaa nawaaxiga garoonka diyaaradaha ee Kabul, iyagoo filaya in laga saaro dalka Afghanistan oo dhowaan ay qabsadeen Taliban.

  13. Fafaahin ka soo baxayso gantaallo lala beegsaday garoonka diyaadaha ee Kabul

    .

    Mareykanka ayaa sheegay in nidaamkiisa ka hortagga gantaalaha ee Kabul uu ka hortagay gantaallo loo riday dhanka garoonka diyaaradaha xilli Mareykanka uu qorsheynayey inuu dhammaystiro hawlgalkiisa daadgureynta

    Faahfaahin dheeraad ah ayaa hadda soo baxday oo ku saabsan dhacdadii Isniintii -

    • Mareykanka ayaa sheegay inay qabteen illaa shan gantaal oo la riday subaxnimadii hore ee Isniinta, qoraaladii ay horay u soo saareen kuma aysan sheegin wax khasaare ah oo Mareykanka soo gaaray, sida uu sarkaal Mareykan ah u sheegay wakaaladda wararka ee Reuters.
    • Qaar ka mid ah dadka deegaanka ayaa sheegaya in guryahooda ay soo dhacay haraaga gantaallada.
    • Ma jirto koox ilaa hadda sheegatay mas’uuliyadda weerarka.
    • Waqtiga kama dambaysta ah ee hawlgalka daadgureynta ee ku eg 31-ka Ogoosto, ayaa waxaa ku heshiiyay Mareykanka iyo Taalibaan, oo hadda gacanta ku haysa inta badan dalka.
    .
  14. Muqdisho: Nin Kenya uga tagay inuu ku biiro Daacish oo xukun lagu riday

    .

    Maxkamad milatari oo ku taalla magaalada Muqdisho ayaa xukun 10 sanno oo xabsi ciidan ah ku riday nin la yiraahdo Cabdisamad Ibraahim Cumar oo lagu helay inuu ka tirsanaa kooxda Daacish ee ka dagaalanta buuraha gobolka Bari ee Puntaland.

    Cabdisamad oo ku dhashay magaalada Gaarisa ee gobolka Woqooyi Bari Kenya ayaa go’aansaday inuu ku biiro kooxda isaga oo jooga Nairobi kahor inta aanu u safrin Soomaaliya sida laga soo xigtay kooxaha dambi baarista.

    Cabdisamad ayaa tagay buuraha Galgala sanadkii 2016 kii halkaas oo uu si rasmi ah kooxda uga mid noqday. Sida ay sheegeen hay’adaha dambi baarista dhawr dagaal ayuu ka qaybgalay intuu joogay Puntland kuwaas oo dhexmaray ciidamada Puntland iyo Kooxda Daacish, iyo kuwo dhexmaray iyaga iyo kooxda kale ee Al-Shabaab.

    Hay’adaha amniga ee dawladda federaalka ayaa Cabdisamad ka qabtay garoonka caalamiga ah ee Muqdisho halkaas oo uu doonayay inuu uga gudbo magaalada, balse maxkamad ciidan oo la soo taagay ayaa garsooraha maxkamadda Gaashaanle Sare Xasan Cali Nuur Shuute waxa uu sheegay in eedeysanaha lagu helay dambiyadii loo haystay laguna xukumay 10 sanno oo xabsi ciidan ah.

  15. Saamaynta duufaanta Ida oo laga dareemay Maraykanka

    .

    Magaalada New Orleans ee dalka Mareykanka ayaa waxa ka tagtay korontada kaddib markii duufaanta Ida ay ku dhufutay gobalka Louisiana ee dalka Maraykanka.

    Duufaanta Ida ayaa waxa ka dhashay dabaylo xooggan oo xawaare dheeraya ku socda.

    Duufaanta waxay keentay dabeylo 150mph (240km/h) markii ay dhulka ku soo dhacday waxaana dadka gobolkaas lagula taliyay inay raadsadaan meelo ay kaga gabbadaan duufaanka dabaylaha xoogan wadata.

    Hal qof ayaa ku dhintay daybalaha kaddib markii uu geed ku soo dhacay gurigooda oo ku yaala kaniisadda Ascension, ee aagga Baton Rouge.

    Madaxweyne Joe Biden ayaa sheegay in duufaanta Ida ay noqon doonto "mid halis gelisa dadka deegaanka", iyada oo laga yaabo in burbur aad u weyn ay horseedo.

  16. Dadaallo lagu qaboojinayo dagaal beeleedyo ka dhacay gobolka Nugaal

    Khasaaro dhimasho iyo dhaawac leh ayaa ka dhashay dagaal beeleed gelinkii dambe ee shalay beelo walaalo ah ku dhex maray deegaanka saax-maygaag oo kuyaalla galbeedka tuulada Birta-dheer eegobolka Nugaal.

    Beelahaan ayaa la sheegay in ay horay ugu dirireen deegamaynta dhulka waxaana hadda socdadadaallo nabadayn ah oo la doonayanyey in lagu soo afjaro qulqulatooyinkaaas.

    Nabadoon Khaliif Aw Cali oo ka mid ah guddi uu maamulka Puntland u saaray nabadaynta beelahaas ayaa Axmed Mursal Xuseen ka warramay xaaladdan haatan soo cusboonatay iyo waxa markii horeba ay colaadda salka ku haysay.

    Qoraalka Codka, .
  17. Asalaamu Caleykum

    Kulanti wacan kusoo dhawaada tebinta tooska ah oo aan idiin kuugu soo gudbinno wararkii ugu dambeeyay soomaalida iyo caalamka.