Diyaaradii uu la socday Fahad Yaasiin oo Turkiga dib loogu celinayo

Ku soo dhowaada tebinta tooska ee BBC Somali

Tebin toos ah

  1. Khilaafka farmajao iyo Rooble "wuxuu wiiqi doonaa xasilloonida Soomaaliya"

    Beesha caalamka ayaa sheegtay in khilaafka sii kordhaya ee u dhexeeya Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha uu wiiqi doono xasilloonida Soomaaliya isla markaana uu carqaladayn doono geeddi-socodka doorashada.

    bbc

    "Waxaan ku boorinaynaa Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha inay si degdeg ah u xalliyaan khilaafkooda, ayna ka fogaadaan isweydaarsiga qoraalada guud ee aan waxtarka u lahayn bulshada iyo ogeysiisyada hawlwadeennada, ayna dib diiradda u saaraan sidii loo soo gabagabayn lahaa doorashooyinkii waqtigooda dib uga dhacay iyadoo aan dib u dhac kale dhicin", ayaa lagu yiri qoraalka ay sida wadajirka ah u soo saareen Qaramada Midobay, AMISOM, EU, Mareykanka iyo dalal kale.

  2. Muxuu ahaa shirka muhiimka ah ee uu Fahad berrito ka qeybgeli lahaa?

    Xafiiska madaxweynaha Soomaaliya ayaa sheegay in Fahad Yaasiin lagu waday inuu berrito ka qeybgala shir arrimaha ammaanka ku saabsan oo looga hadlaya natiijada baaritaanka dilka Ikraan tahliil oo ka tirsanayd hay'adda NISA.

    Madaxweynaha Soomaaliya ayaa hay'adda nabadsugidda ee NISA mar hore ka dalbaday in 18 September ay Golaha Ammanaka Qaraka u soo gudbiyaan warbixin dhameystiran oo ku saabsan dilka Ikraan Tahliil.

    Agaasimaha warfaafinta madaxtooyada Cabdirashiid Maxamed Xaashi ayaa BBC-da u sheegay in Fahad oo ah la taliyaha arrimaha ammaanka ee madaxweynaha lagu waday inuu ka qeygalo shirka berrito.

  3. Maxay ka dhigan tahay soo noqoshada Fahad?

    Rooble

    Xafiiska madaxweynaha Soomaaliya ayaa sheegay in dawladda Jabuuti ay xirtay taiyihii hore ee Hay'adda Sirdoonka Soomaaliya Fahad Yaasiin oo dhowaan loo magacaabay inuu noqdo la-taliyaha amniga qaranka ee Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

    Fahad ayaa lagu waday inuu ku soo laabta magaalada Muqdisho oo uu ka maqnaa tan iyo markii uu billowday qalalaasha siyaasadeed e u dhexeeyay madaxweyne Farmaajo iyo Ra'iisal wasaare Rooble ee sababay inuu ku waaya xilkiisa agaasimaha hay'adda NISA.

    "Imaanshaha (Fahad) waa mid xoogaa lagu kala qeybsan yahay, sidaas darteed haddii uu ku laabto Mudqisho, taasi waxay wax weyn u tahay madaxweyne Farmaajo waxayna walaac ku tahay dhanka Rooble", ayuu wakaaladda wararka ee Reuters u sheegay ," Maxamuud Cumar, oo ah falanqeeye Soomaaliyeed oo ka tirsan Hay'adda Caalamiga ah ee Xasaradaha oo fadhigeedu yahay magaalada Brussels.

    Madaxweyne Farmaajo xiriir fiican lama laha dowladda Jabuuti,kaddib markii uu xiriir la yeeshay Eritrea iyo Itoobiya, Jabuutina dareensiiyay go'doon, ayuu yiri Cumar. "Jabuuti kuma aysan faraxsaneyn dowladda

    Farmaajo in muddo ah sidaas darteed la yaab ma laha in la arko iyagoo sameynaya wax dhib ku ah Maxamed, haddii ay kas ka tahay iyo haddii aysan ka ahaynba," ayuu yiri.

  4. Dowladda Soomaaliya: Dowladda Jabuuti ayaa xannibtay Fahad Yaasiin

    Afhayeenka madaxtooyada Soomaaliya Cabdirashiid Maxamed Xaashi ayaa ka hadlay xayiraad la sheegay in Jabuuti loogu geystay la talliyaha amniga qaranka Farah Yaasiin.

    Qoraalka Codka, Dowladda Soomaaliya: Dowladda Jabuuti ayaa xannibtay Fahad Yaasiin
  5. Wasiirka arrimaha dibedda ee Jabuuti oo ka hadlay sababta diyaaradda loogu celinayo Istanbul

    Wasiirka Arrimaha Dibadda Djibout Maxamuud Cali Yuusuf
    Qoraalka sawirka, Wasiirka Arrimaha Dibadda Djibout Maxamuud Cali Yuusuf

    Dhammaan rakaabkii saarnaa diyaaradda Turkish Airline ee u socotay magaalada Muqdisho waxa ay dib ugu laaban doonaan Istanbul, sida ay sheegtay dowladda Jabuuti

    Wasiirka Arrimaha Dibadda Djibout Maxamuud Cali Yuusuf oo qoraal soo dhigay bartiisa Twitter-ka ayaa sheegay: "Dhammaan rakaabkii saarnaa dayuuraddii Turkish Airways ee maanta ee Muqdisho u socotay ay ku noqon doonto Istambul si ay u raacaan duullimaad kale oo Muqdisho u socda."

    Taliyihii hore ee Nabad Sugidda Soomaaliya, Fahad Yaasiin ayaa la sheegay inuu saaran yahay duulimaadkaasi.

    Wasiirka ayaa ku sheegay in sababta loo baajiyay duulimaadka ay tahay cilad farsamo oo diyaaradda la soo gudboonaatay.

  6. Wasiirka maaliyadda Jibuuti oo u jawaabay Villa Sooomaliya

    Wasiirka Dhaqaalaha iyo Maaliyadda ee Djibouti Ilyas M. Dawaleh ayaa si kulul uga jawaabay eedda ka timid madaxtooyada Soomaaliya.

    “Maaddaama aad tahay sarkaal sare oo ka tiran Villa Somalia iyo Isu duwaha warbaahinta, waxaan si walaaltinimo leh kaaga codsanayaa inaad ka reebtoonaatid haddallada aan habbooneyn ee aan salka lahayn. Waxaa habboon naad xaqiiqada raadisid. Djibouti waxay dhawaan soo saari doontaa hadal rasmi ah oo ka soo baxa Wasiirka Arrimaha Dibadda.” ayaa lagu yiri fariinta wasiir Dawaleh.

    Ka bood X boggan
    Oggolow X macluumaadka

    Macluumaadkan waxaa daabacay X. Waxaan dalbanayenaa fasaxaaga ka hor inta aan la furin, waxaa laga yaabaa inay isticmaalayaan cookies iyo farsamooyin kale. hadii aad u bahato akhri X xeerarka cokie iyo kan ku saabsan xogta gaarka ah ka hor inta aadan aqbalin. si aad u aragto xogta guji ‘aqbal oo soco’.

    Digniin: BBC macluumaadka ku qoran bog kale masuul kama ahan

    Dhammaadka X boggan

  7. Diyaaraddii waday fahad yaasiin oo Turkiga lagu celiyay

    fahad

    Xafiiska madaxweynaha Soomaaliya ayaa sheegay in dawladda Jabuuti ay xayirtay taiyihii hore ee Hay'adda Sirdoonka Soomaaliya Fahad Yaasiin oo dhowaan loo magacaabay inuu noqdo la-taliyaha amniga qaranka ee Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

    Wuxuu la socday diyaaradda Turkihs Airline oo ka soo duushay Istanbul kuna hakatay caasimadda Jibuuti.

  8. Sanetor Cabdulwali Xaabsade oo beeniyey eedeyntii Xaniifa Xaabsade

    Xabsade
    Qoraalka sawirka, Xabsade

    Maamulka Koonfur Galbeed, oo lasoo xiriirey BBC-da, ayaa sheegay inaaney waxba ka jirin warkii ay soo saartey wasiiradda haweenka iyo horumarinta xuquuqda aadanaha ee xukuumada federaalka Soomaaliya, Xaniifa Maxamed Ibraahim “Xaabsade.

    Maamulku ayaa intaa raaciyey inaaney jirin ciidan tagey guriga reer Xaabsade, iyo dhibaato gaar ah oo loo geystay ruux kale oo katirsan qoyskan.

    Cabdulwali Xaabsade, ayaa dhankiisa sheegay in eedeynta ay jeediyey Xaniifa Xaabsade aysan aheyn wax sax ah, oo qoyska reer Xaabsade aaney jirin ciidan tagey gurigooda, ama ciidamo handadaad ku sameeyey waalidka qoyska.

    Dhawaan ayey aheyd markii Cabdulwali Xaabsade uu kamid noqdey sanetor-rada cusub ee dhawaan laga soo doortey maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya.

  9. Sicirka shidaalka Kenya oo cirka isku shareerey

    Shidaal
    Qoraalka sawirka, Shidaal

    Qiimaha batroolka ayaa noqday kii ugu qaalisanaa ee abid ka dhaca Kenya, taasoo dhalisay walaac ka yimid macaamiishii, kadib ku dhawaaqistii qiimaha ee hey’adda jaangoynta qiimaha Tamarta ee Kenya ee Epra.

    Meelaha saameynta uggu ba'an uu ku yeeshay qiimaha sare-kacey ee shidaalka, ayaa waxaa kamid ah magaalada Wajeer, oo halkii liitar oo Baasiin ah uu haatan marayo ku dhawaad hal doolar iyo bar.

    Haddaba qaar kamid ah dadka magaaladaasi oo la Hadley BBC-da, ayaa sheegay in sarfa kaca qiimaha shidaalka uu ugga sii darayo, nolosha oo markoodii horaba ay dadku la daalaa dhacayeen.

    Dadka ka faalooda dhaqaalaha, ayaa u aaneynaya sare u kaca sicirka shidaalka canshuurta dowladda, ee xad dhaafka ah, taasoo lagu soo rogey shidaalka.

  10. Wasiirad Hanifa oo ku eedeysay ciidanka Koonfur Galbeed iney xiri gaareen hooyadeed

    Hanifa
    Qoraalka sawirka, Hanifa

    Wasiirka haweenka iyo horumarinta xuquuqda aadanaha ee xukuumada federaalka Soomaaliya, Xaniifa Maxamed Ibraahim “Xaabsade , ayaa ku eedeysay ciidanka nabad sugidda maamulka Koonfur Galbeed iney hooyadeed kasoo xiri gaareen hoygeeda.

    Wasiiradda ayaa intaa ku dartey iney jireen waayadan kala fikir duwanaansho u dhaxeeya iyada iyo Madaxweynaha maamulka koonfur Galbeed, Cabdulcasiis Xasan Maxamed “Lafta Gareen”.

  11. Aggaasimaha kumeel gaarka NISA oo magacaabay taliyaha nabad sugidda gobolka Banaadir

    GOOBE
    Qoraalka sawirka, GOOBE

    Aggaasimaha kumeel gaarka ah ee hey’adda Nabad Sugidda iyo sirdoonka qaranka Soomaaliya, Gen Bashiir Maxamed Jaamac, ayaa taliyaha nabad sugidda ee gobolka Banaadir, u magacaabay Gaashaanle Muxiyadiin Maxamed Jimcaale “Warbac”.

    Waxaa la farey dhammaan qeybaha kala duwan ee aggaasinnada Hey’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka iney ka gudato mid waliba waajibaadkiisa.

    Warqadda magacaabista
    Qoraalka sawirka, Warqadda magacaabista
  12. Wararkii ugu dambeeyay ee doorashada Aqalka Sare ee maamulka Hirshabeelle

    Waxaa la filayaa in tartanka doorashada ee xildhibaannada aqalka sare ee Maamulka Hirsahbeelle ay maalintii labaad mar dhaw ka bilaadbato caasimadda maamulkaas, Jowhar.

    Shalay waxaa loo tartamay saddex kursi, halka maanta loio tartamayo kuraasi kale, berrina ay tahay maalinta la filayo in la soo gebagebeeyo.

    Qoraalka Codka, .
  13. Muqdisho oo ay ku soo badanayaan dhalinta isticmaala maandooriyaha

    Waxa sii kordhaysa tirada dhalinyarada ku nool Muqdisho ee daawooyinka xanuun baabiiyaha ah u adeegsada maandooriye ahaanta.

    Waxay aad u isticmaanaal dawada la yidhaa Tramadol oo ah xanuun baabiiye xoogan waxaanay sheegaan marka ay isku mudaan dawadaas si ay uga helaan xoog iyo feejignaan dheeraad ah, hase yeeshee dhakhaatiirta ayaa ka dayrinaya halista caafimaad ee si xun u adeegsiga dawadaasi.

    Qoraalka Codka, .
  14. Cabdisalaan Hareeri 20 sano ka hor waxa uu ka shaqaynayay Aqalka Bush House ee BBC Somali, wuxuu ka sheekaynayaa wixii ay sameeyeen markii uu soo dhacay warka in diyaarado ay ku dhaceen daarihii xarunta ganacsiga adduunka.

    Nin madax ah oo Soomaali ah ayaa BBC-da ka dhagaystay waraysiga xaaskiisa, ogaaday in reerkiisa ay badqabaan maadaamaa ay go'een taleefoonadii Maraykanka.

  15. ICG: Waxaa suura-gal ah inay Ikraan fashilin rabtay xog ku saabsan dhalinyaradii tababarka loogu qaaday Eritrea

    .

    Warbixin meelo badan taabanaysay oo lagu daabacay bogga Hay'adda Xasaradaha Caalamiga ah ee (ICG) ayaa kiiska IkraanTahiliil waxa ay la xiriiriyeen arrintii muranka badan dhalisay ee ku saabsanayd dhalinyarada tababarka ciidan loogu qaaday dalka Eritrea.

    Warbixinta ayaa lagu yiri " waxa laga yaaba in sarkaalad Ikraan ay rabtay inay shaaca ka qaado ama fashiliso xog ku saabsan arrinta muranka badan dhalisay ee ciidamada Soomaalida ee tobabarka Eritrea loogu geeyay."

    Dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa horay u beenisay wararka ku saabsanaa in ciidamo Somaali ah oo tababar u joogay sida la sheegay dalka Eritrea ay ka qeyb qaateen dagaalkii dhawaan ka dhacay gobolka Tigrey ee waqooyiga Itobiya.

  16. Xoghayaha arrimaha dibedda Maraykanka oo su’aalo laga weydiinayo ka bixitaankii ciidamada Mareykanka Afghanistan

    .

    Xoghayaha arrimaha dibedda ee Mareykanka, Antony Blinken, ayaa maalintii labaad wajahaya su’aalo ay weydiinayaan xildhibaanada aqalka Congress -ka kuwaas oo la xiriira ka bixitaankii ciidamada Mareykanka Afghanistan ee soo gabagaboobay bishii hore.

    Mid ka mid ah senetarada xisbiga Dimuqraadiga oo la yirahdo Bob Menendez ayaa sheegay in ka bixitaankii Mareykanka ee Afgaanistaan uu ahaa go’aan aad u liitay. Blinken ayaa lagu dhaleeceeyay go'aankii ay ciidamada mrayekanka uga tageen qalab milatari.

    Wuxuuna ku adkeystay in qaladkaasi laga dhigay mid aan waxtar lahayn. Waxa uu difaacay waxa uu ugu yeeray dadaalka aan caadiga ahayn ee lagu daad -gureynayay muwaadiniinta Maraykanka iyo qaar ka mid ah dadka reer Afganistaan.

  17. Afghanistan: Saddex sabab oo Shiinaha uu ku taageeri karo Taliban

    Dalka ugu dhow inuu xiriir dhinac walba ah la yeesho Taliban waa Shiinaha, balse maxay yihiin faa'iidooyinka uu ka heli karo?

    Beijing wax ceeb ah kuma dareemeyso inay gacan saar la sameysato kooxda islaamiga ah ee la wareegtay awoodda dalka Afghanistan, sida uu maqaalkan ku sheegay tifaftiraha BBC-da ee arrimaha dibadda, John Simpson.

    Xilli ay dad badan oo u dhashay Afghanistan isku dayayaan inay ka cararaan dalkooda, dhaqaalaha waddanka ayaa qarka u saaran in uu gebi ahaanba burburo.

    Arrintaas waxay horay u dhacday markii ay Taliban xukunka haysteen intii u dhaxeysay 1996-kii ilaa 2001-dii.

    Halkan ka akhriso sheekadaan oo dhamaystiran Link

  18. Japan oo ku tilmaamtay wax laga caroodo gantaallo cusub oo ay Kuuriyada Waqooqi u ridday dhankooda

    Kim Jong-un

    Kuuriyada Waqooyi ayaa laba gantaal ku riday xeebteeda bari, sida ay xaqiijiyeen militariga Kuuriyada Koonfureed. Japan ayaa sidoo kale dhankeeda ka xaqiijisay.

    Rai'isal wasaaraha Japan Yoshihide Suga, ayaa ku tilmaamay gantaaladaan cusub wax laga caroodo isagoo sheegay inay khatar ku yihiin nabadda iyo amniga gobolka.

    Waa tijaabadii labaad ee ay Kuuriyada Woqooyi sameysay isla toddobaadkan.

    Si dhab ah looma oga halka gantaalada ballistic -ga ah loo waday ama kala duwanaanshaha gantaalada, balse Madaxa Kuuriyada Koonfureed ayaa sheegtay in milatarigoodu uu “diyaar buuxa u yahay iskaashi dhow oo lala yeesho Mareykanka”.

    Tijaabooyinka gantaalaha ayaa ka hor imanaya xilli Qaramada Midoobay ay wado dadaalo loogu talagalay in lagu xakameeyo hawlaha nukliyeerka ee Waqooyiga.

  19. Doorashada Hirshabeelle oo wali socota, maanta ma lagu dhamaystiri karaa?

    Waxa weli socota doorashada kuraasta Hirshabeelle ee Aqalka Sare ee baarlamanka Soomaaliya oo xalay fiidkii saddex ka mid ah lagu kala baxay.

    Hadaba ilaa goorma ayaa la soo gabogabayn doontaa doorashadaas, hawshii hore ee la qabtay se wax cabashooyin ah oo ka soo noqday ma jiree.

    Gudoomiye ku-xigeenka koobaad ee baarlamanka Hirshabeelle Siraaji Sheekh Isaaq Cabdulle, ayaa BBC-da ka uga waramay sida wax u socdaan oo su’aalahaas na ka jawaabaya.

    Qoraalka Codka, .
  20. Cabdiweli Gaas: Rooble waa in uusan u ekaan in kiiska Ikraan uu kula dagaalamayo Farmaajo

    Ra’isal wasaaraha Soomaaliya ayaa sharci darro ku tilmaamay gudidii uu madaxweynuhu u saaray baadhista kiiska Ikraan Tahliil oo ka tirsanayd hay’adda nabadsugidda iyo sirdoonka oo dhimashadeedu muran siyaadadeed dhalisay.

    Warsaxaafadeed ka soo baxay xafiiska ra’isal wasaaraha ayaa lagu sheegay in gudi loo magacaabo baadhista gal dacwadeed maxkamad horyaal tahay arin baal marsan dastuurka iyo shuruucda dalka, waxaana sidoo kale lagu sheegay warsaxaafadeedkaa in ra’isal wasaaruhu ka digayo isku day kasta oo lagu marin habaabinayo kiiska Ikraan Tahliil.

    Haddaba, khilaafka madaxweynaha iyo Raysal wasaaraha ee salka ku haya kiiska sarkaalad Ikraan Tahliil iyo muranka ka dambeeyay ee sababta xil-ka-qaadista, diidmada iyo magacaabista xilal cusub ee labada Masuul wuxuu galay toddobaadkii labaad.

    Dedaalo iyo dhex dhexaadin ay wadeen madaxda dowlad goboleedyada Galmudug iyo Koonfur Galbeed laguma guuleysan.

    Haddaba, ma jirtaa Hay’ad kale oo dowladeed oo sharciyad u heysta xal-u-helida khilaafkan. Su’aashaas iyo kuwo kale ayuu tifaftiraha laanta afsoomaaliga ee BBC Muhyadin Ahmed Roble weydiiyay Raysal wasaare hore Cabdiweli Maxamed Cali Gaas.

    Marka hore, waxa uu weydiiyay khilaafka saameynta uu ku yeelan karo shaqada Hay’adda dowladda. Waxa uu Cabdiweli Gaas ku jawaabay.

    Qoraalka Codka, .