Halkee ayay marayaan dadaallada la isugu soo dhaweynayo Farmaajo iyo Rooble?

Tebin toos ah

Tebin toos ah

  1. Malaysia oo Thailand ka dalbaneysa iney u soo gacan geliso nin ku xad-gudbay diinta Islaamka

    Booliiska dalka Malaysia ayaa sheegay inay ka dalbanayaan Thailand inay u soo gacan geliso qof isku soo ekeysiiyay haweeney oo loo haysto dambiyo ah inuu ku xad -gudbay shareecada Islaamka.

    Nuur Sajat ayaa bishii January ku guuldareystay in uu ka soo hor muuqdo maxkamad, si uu u wajaho dacwad ah inuu aflagaadeeyay diinta Islaamka isagoo soo xirtay labis dhaqameedka dumarka ee reer Malaysia , taas oo uu kaga qeyb galay xaflad diimeed ka dhacday dalkaas.

    Haddii denbiga lagu helo ayaa waxa uu muteysan doonaa 3 sano oo xabsi ah.

  2. Pakistan oo shuruud ku xirtay in ay aqoonsato xukuumadda Taalibaan

    .

    Ra’iisul wasaaraha dalka Pakistan, Imran Khan, ayaa BBC-da u sheegay in dalkiisa uu aqoonsan doono xukuumadda Taalibaan keliya marka ay xushmeyso xuquuqda aadanaha, ayna hubiso in Afghanistaan aysan saldhig u noqon argagixisada.

    Go’aankan ayuu ku sheegay in ay si wada jir ah u qaateen waddamo ay ka mid yihiin Iiraan, Uzbekistan iyo Tajikistan.

    Kooxaha xuquuqda aadanaha u dooda ayaa ka hadlay walaacooda ku aaddan in aysan dumar ku jirin xukuumadda ay dhowaan shaacisay kooxda Taalibaan, iyo in gabdhaha iyo dumarka ay waxbarashada sare ka reebeen.

    Mr Khan ayaa sheegay in fikirka ah in gabdhaha aysan waxbaran uu ahayn fikir uu Islaamku qabo

  3. Muqdisho oo laga daahfuray tartanka gabayada oo illaa saddex heer ah

    .

    Barnaamijka Horumarinta Qaramada Midoobay ee UNDP, ayaa maanta Muqdisho uga dhawaaqay tartanka gabayada oo illaa saddex heer ah.

    Mid ayaa waxa uu noqon doonaa gabayga ugu wanaagsan sannadka oo u furan cid kasta, halka mid kalena uu noqon doono mid dumarka oo kaliya ay ku tartami doonaan oo gabadha ugu gabay wanaagsanaata la abaal marin doono,

    Midka saddexaad ayaa loogu talagalay da’yarta gabayada gaar ahaan, dhalinta ka yar 25 sanno. Tartanka ayaa noqon doona mid sanadle ah oo uu qabanqaabin doono Hoyga Maansada Soomaaliyeed oo gacan ka helaya Hay’adda UNDP.

    Gabayaaga ugu wanaagsan sannadka ayaa heli doona $2000 (Labo kun oo doollar), halka Abwaanka da’da yar ee sannadka uu heli doono $1000 (Kun doollar). Gabadha ugu gabayga wanaagsan gabdhaha gabyaaga ayaa iyana lagu abaal marin doonaa lacag dhan $1500 (Kun iyo shan boqol).

    Tartanka ayaa garsoorayaal ka noqon doona sugaanyahanno Soomaaliyeed oo caan ah oo ay ka mid yihiin Axmed Faarax Cali (Idaajaa), Cismaan Cabdullahi Guure, Maxamud Xaaji Maxamed (Tarash), Caasha Maxamuud Yuusuf (Caasha-luul) iyo Xaawo Jaamac Cabdi.

    Dhinaca kale, waxaa isla munaasabadda looga dhawaaqay mareeg cusub oo lagu kaydin doono xogta iyo macluumaadka suugaanta Soomaalida.

  4. Maamulka Deegaanka Soomaalida ee Itoobiya oo qoranaya ciidamo cusub

    Bilihii lasoo dhaafay waxaa dalka itoobiya ku badnaa qorista ciidamo cusub oo la rabo in ay ku biiraan ciidamada difaaca qaranka ama Millatariga itoobiya iyo waliba ciidamada liyuu booliska ee dowlad deegaannada.

    Deegaanka Soomaalida ayaa waxaa la xareeyey ciidammo, kuwaas oo isugu jira ciidamada liyuu booliska iyo kuwa maleeshiyaada, waxaana ciidamadan lagu xareeyey xerada tababarka ee magaalada Birqod iyada oo si dhammaystiran aan loo ogayn tiradooda.

    Arrimaha ku saabsan ciidamo qorista iyo cago-jiidista dhalinyarada in ay ku biiraan ciidamada ayaan ka waraysanay ku xigeenka hoggaanka nabad gelyada deegaanka Soomaalida Cabdullaahi Maxamed Cabdi oo u warramay weriye Ismaaciil Buurgaabo.

    Qoraalka Codka, Dowlad Deegaanka Soomalida oo qoranayo ciidamo cusub
  5. Macallinka aragga la' ee Soomaalida Maraykanka mucjisada la noqday

  6. Madaxweyne Farmaajo oo warqadaha aqoonsiga ka guddoomay safiiro cusub

    Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa maanta qaabilay safirada cusub ee dalalka Nigeria iyo Indonesia isla markaana ka guddoomay warqadaha aqoonsiga ee danjirenimo.

    Waxayna safiiradan cusub kala hadleen madaxweynaha sidii loo xoojin xiriirka diblumaasiyadeed ee kala dhexeeyo Soomaaliya.

    Safiirada uu qaabilay madaxweynaha Soomaaliya
    Qoraalka sawirka, Safiirada uu qaabilay madaxweynaha Soomaaliya
  7. Halkee ayay marayaan dadaallada la isugu soo dhaweynayo Farmaajo iyo Rooble?

    Waxaa jiraa warar sheegaya in waanwaan laga dhex wado Madaxweyne Farmaajo iyo Ra’iisal Wasaare oo waayahaanba uu ka dhex taagnaa khilaaf siyaasadeed.

    Khilaafka madaxda dowladda Soomaaliya ayaa sii xoogeystay ka dib markii madaxweyne Farmaajo uu ku dhawaaqay in uu awoodda Ra'iisul Wasaaraha laalay, taas oo Rooble uu diiday.

    Waxay arrintan ka dhalatya kadib kiiska Ikraan Tahliil Faarax oo horey uga tirsaneyd hay'adda nabad sugidda Soomaaliya oo dowladda sheegtay in Shabaab ay dishay kadib in muddo ah la la'aa. Shabaabka ayaa haseeyeeshee beeniyay.

    Halkan ka dhageyso warbixinta weriyaha BBC Ibraahim Maxamed Aadan uu ku eegayo wararka la xiriira liiska lasoo saaray ee doorashada Aqalka Sare ee gobollada Waqooyi iyo dadaallada la isugu soo dhaweynayo Madaxweynaha iyo Ra'iisul Wasaaraha.

    Qoraalka Codka, Dadaallada la isugu soo dhaweynayo Farmaajo iyo Rooble
  8. Guddoomiye Cabdi Xaashi oo kaligiis musharrax u ah kursi

    Waxaa la shaaciyay magacyada xubnaha u tartamaya doorashada Aqalka Sare ee gobollada Waqooyi iyadoo kursiyada la tartamayo ay gaarayaan 11.

    Waxaana liiska ka muuqdaa xubno ay kamid yihiin, guddoomiyaha Aqalka Sare , Cabdi Xaashi Cabdullaahi oo haatan aysan jirin cid kula tartameyso kursigaas.

    .
  9. Justin Trudeau oo mar kale ku guuleystay doorashada Canada

    Justin Trudeau
    Qoraalka sawirka, Justin Trudeau

    Ra'iisul Wasaaraha Canada Justin Trudeau ayaa ku guuleystay doorashada guud ee ka dhacday dalkaas.

    Waxaa dalkaas ka socotay tirinta codadka doorashada oo ay ku loollamayaan tiro xisbiyo ah oo raadinaya in ay helaan xildhibaano ku filan dhanka baaralamaanka si ay u hoggaamiyaan dalkaasi sannadaha soo socda.

    Waa markii saddexaad ee Trudeau uu ku guuleysta doorashada federaalka balse dhaleeceeya waxay sheegayaan in doorashadan wakhtiga lagu lumiya uun.

    Xisbiga uu hoggaamiyo Justun Trudeau ee Liberalka ayaa ku guuleystay doorashadii guud ee ka dhacda dalkaas wuxuu helay 156 kamid ah kuraasta baarlamaanka dalkaas.

    Halka xisbiga mucaaradka Canada uu helay 122 kursi.

    Justin Trudeau waxaa hadda laga sugaya dowlad wadaag ah maadama xisbigiisa uusan ku guuleysan cod aqlabiyad ah.

  10. Ciidamo fara badan oo ku sugan waddooyinka Suudaan

    Ciidamo fara badan ayaa lagu arkaya waddooyinka caasimadda Suudaan ee Khartoum iyo magaalada Omdurman kadib wararka la xiriiriyay in dalkaas uu ka dhacay afgembi dhicisoobay.

    Muuqaallo lagu baahiyay baraha bulshada ayaa muujinayay taangiyada dagaalka iyo ciidamo ku sugan waddooyinka.

    Sarkaal ka tirsan dowladda ayaa sheegay inay dhaceen isku dayo la doonayay in lagula wareego raadiyaha dowladda ee ku yaalla Omdurman.

    Warbaahinta dowladda ayaa ku eedeysay afgembiga dhicisoobay inay ka dambeeyeen koox daacad u ah madaxweynihii hore ee Suudaan Cumar Al Bashiir.

    .
  11. Mareykanka oo ka hadlay warqadaha ay hawada isku marinayaan Farmaajo iyo Rooble

    .

    Dowladda Mareykanka ayaa ugu baaqday madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Ra'iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble inay xalliyaan khilaafka haatan ka dhex taagan si loo ilaaliyo xasiloonida dalka.

    Mareykanka wuxuu sidoo kale sheegay in wadashaqeynta Madaxweynaha iyo Ra'iisul Wasaaraha ay tahay arrin muhiim ah ' dardangelinta dhameytirska hanaanka doorashada dalka'

    "Waxaan ugu baaqeynaa Madaxweynaha iyo Ra'iisul Wasaaraha inay ka fogadaan qoraallada iyo ficilada xaaladda sii kicinaya si ay u xalliyaan khilaafka ka dhashay magacaabista saraakiisha dowladda" ayaa lagu yiri bayaan kasoo baxay afhayeen u hadlay wasaaradda arrimaha dibadda.

    Khilaafka madaxda dowladda Soomaaliya ayaa sii xoogeystay ka dib markii madaxweyne Farmaajo uu ku dhawaaqay in uu awoodda Ra'iisul Wasaaraha laalay, taas oo Rooble uu diiday.

    Khilaafka iyo muranka ka dhashay kiiska Ikraan Tahliil Faarax oo horey uga tirsaneyd hay'adda nabad sugidda Soomaaliya oo dowladda sheegtay in Shabaab ay dishay kadib in muddo ah la la'aa. Shabaabka ayaa haseeyeeshee beeniyay.

  12. Fahad Yaasiin oo ka degay Muqdisho

    Fahad Yaasiin
    Qoraalka sawirka, Fahad Yaasiin

    Waxaa lagu soo warramaya in saaka magaalada Muqdisho uu gaaray taliyihii hore ee nabasugidda Soomaaliya Fahad Yaasiin kadib markii dhawaan lagu xanibay dalka Jabuuti xilli uu kusii socday Muqdisho.

    Fahad Yasiin oo xudun u ah khilaafka siyaasadeed ee hadda ka taagan Soomaaliya ayuu Farmaajo u magacaabay la-taliyihiisa dhanka amniga ka dib markii Rooble uu ka qaaday xilkii Agaasimaha NISA.

    Waxaana lagu waday in uu ka qeybgalo shirkii guddiga amniga qaranka ee uu dib u dhaca ku yimid.

  13. War deg deg ah, Afgembi dhicisoobay oo ka dhacay Suudaan

    Dowladda Suudaan waxay sheegtay in afgembi dhicisoobay uu ka dhacay dalkaas isla markaana la qaaday tallaabooyin lagu dajinayo xiisadda, sida ay baahisay warbaahinta dowladda.

    “Waxaa dhacay afgembi dhicisoobay, dadka waa inay ka hortagaan” ayay soo xigatay wakaaladda wararka ee AFP.

    Waxaa jiray isku dayo la doonayay in lagu qabsado dhismayaasha warbaahinta dowladda, sida ay baahisay AFP.

  14. Soomaaliya oo ku dhawaaqday xariyaaraado hor leh oo looga hortaggayo Covid 19

    Dowladda Federaalka ee Soomaaliya ayaa si rasmi ah shaaca uga qaaday in cudurka safmarka ah ee COVID-19 uu markii saddexaad dib ugu soo laabtay dalka.

    War-saxaafadeed ka soo baxay wasaaradda caafimaadka ayaa lagu shaaciyey marar kale shuruuc cusub oo dalka isku dayayo in uu ku xakameeyo fiditaanka cudurka Karoona.

    Waxaana wasaaradda Caafimaadka ku talisay in bandaw habeenkii ah lagu soo rogo dhammaan gobollada dalka,maadama ay ka walaacsan yihin faafitaanka baahsan ee cudurka.

    Dr Cabdinaasir Mukhtaar Ibraahin, waa agaasimaha guud ee wasaaradda Caafimaadka, waxa uu BBC uga warramay shuruucdaa cusub ee ay soo saareen iyo waxa ay ku saleeyeen.

    Qoraalka Codka, Xaaladda cudurka Karoona ee Soomaaliya
  15. Asalaamu Caleykum

    Kulanti wacan, ku soo dhawaada tebinta tooska ah oo aan idiin kuugu soo gudbinno wararkii ugu dambeeyay soomaalida iyo caalamka.