Masjid caan ah oo salaadda Taraawiixda dib u billaabaya 88 sano ka dib

Halkan kala soco wararka tabinta tooska ah ee BBC Soomaali

Tebin toos ah

  1. Masjid caan ah oo salaadda taraawiixda dib u billaabaya 88 sano ka dib

    Salaadda Taraawiixda ayaa dib looga bilaabaya masaajidka Hagia Sophia ee Istanbul markii ugu horeysay muddo 88 sano ah, sida uu shaaciyay guddiga sare ee diimaha ee dalkaasi.

    "Ilaah ayaa mahad iska leh, markii ugu horeysay muddo 88 sano ah, masaajidku... wuxuu mu'miniinta ku soo dhaweynayaa salaada taraawiixda bishan Ramadaan," ayuu yiri Cali Erbas oo ah madaxa Diyanet, oo ah hay'adda dadweynaha ee u xilsaaran kormeerka cibaadada diinta.

    “Waxaan marqaati ka noqon doonaa haddii Alle idmo xilligaan quruxda badan oo aan tujinayo salaadda taraawiixda ee ugu horreysa,” ayuu hadalkiisa ku daray. ‘’Ducada ayaa ka dhici doonta Hagia Sophia maalmaha Jimcaha, sabtida iyo Axada inta lagu guda jiro bisha barakeysan ee Ramadaan, oo bilaabanaysa usbuucan, ayuu yiri Diyanet.’’ Dhismahaasi taariikhiga ahi ayaa waxa uu ku yaal degmada Fatih ee magaalada Istanbul.

    In kasta oo dhismihan caanka ah, oo horey madxaf ahaan loo isticmaali jiray, masaajid laga dhigay sannadkii 2020, balse cudurka faafa ee Coronavirus ayaa sababay in taraawiixda aan lagu tukan.

    bbc
  2. Gabadhaan oo ku tukaameysatay $1m ayaa xabsiga la dhigay

    Sawirka gabadha la xiray.

    Gabar u dhlatay Koonfur Africa oo bangigeeda ay si qalad ah ugu soo dhacday lacag dhan $1m ayaa lagu eedeeyay tuuganimo kadibna xabsiga la dhigay, iyada oo lagu xukumay shan sano.

    Sibongile Mani ayaa heshay 14m oo rand oo ah lacagta Koonfur Africa, halkii ay ka sugeysay 1,400 oo rand oo ahaa garaanka ay ardeynimada ku qaadaneysay sanadkii 2017 kii, kaidb waxay bilowday in ay lacagta u isticmaasho si dhaqsi ah.

    Lacagta waxaa lahaa Hay’ada Lacagaha Ardeyda Qaranka, iyaduna waxa ay dhiganeysay jaamacadda Walter Sisulu.

    Nani ma aysan sheegin qaladka dhacay, laakiin laba saacadood kadib markii ay lacagtu ku soo dhacday bangigeeda ayay biloway in ay si dedeg ah u isticmaasho.

    Markii la ogaaday ee akoonkeeda la xanibay waxaa la arkay in ay 73 maalmood gudahood ku isiticmaashay lacag dhan $70,000 oo ay wax ug iibsatay 48 goobod oo kala duwan.

    Waxay ku iibsatay timo macmal ah, taleefanno, qamri, kaararka hadiyadaha iyo waxyaabo kale oo qaali ah.

    Qareenka gabadhaan aya sheegay in ay racfaan ka qaadan doonaan xukunka lagu riday Mani.

  3. Niger ayaa qoroneysa 5,000 oo askari si ay ula diririto argagixisada

    Ciidamo Niger u dhashay oo ku sugan bar kontorool

    Dawladda Niger ayaa ku dhawaaqday in ay qoran doonto shan kun oo askari si ay uga hortagto weeraro uga yimid kooxo fara badan oo hubaysan.

    Madadxda Niger ayaa ku booriyay dadka jira da’da u dhaxeysa 18 ilaa 25 in ay isi soo xaadiriyaan marka uu bisha May bilowo barnaamijka lagu qorayo ciidmada.

    Niger ayaa wajaheysa weeraro uga imaanaya kooxaha Boko Xaraam, Dawladda Islaamiga ah iyo al-Qaacida.

    Ciidamo qoroshada Niger ayaa ku soo aadeysa xilli Faransiisku qorsheynayo in uu ciidamadiisu kala baxo wadanka Mali, kadib toban sano oo ay kooxo xag jir ah kula dirirayeen gobolka Sahel.

  4. Sirdoonka galbeedka ayaa sheegay in uusan Ruushku wali labixin ciidamadiisa

    Askari Ruush ah

    Hogaamiyaha gaashaan buurta NATO ayaa sheegay in sirdoonka reer galbeedka ay xaqiijiyeen in Ruushku uusan ka dhabeyn balantiisii ahayd in uu yareenayo dhaqdhaqaaqiisa milatari ee uu ka wada aagga Kyiv iyo wuqooyiga Ukaine.

    Yens Stoltenberg ayaa sheegay in ciidamada Ruushka aan la bixin ee la soo daabulayo, si ay dib isugu aruursadaan, sahayda u xoojistaan una sii laba jibaaraan dagaalka ay ka wadaan Donbas.

    Sidoo kale Stolternberg ayaa sheegay in Ruushku sii wado cadaadiska milatari ee ku hayo Kyiv iyo magaalooyinka Kale.

    Dhanka kale madaxweyne Zelensky ayaa khudbad muuqaal ah oo uu jeediyay ku sheegay in balamihii Mosco ay god dheer ku dheceen.

  5. Nin sheegay in uu jabsaday bog ay leedahay shirkad diyaaradeed si uu u helo boorso ka luntay

    Nandan Kumaroo ah 28 jir ah wuxuu la xiriiray shirkada diyaaradha ee IndiGo si ay u caawiyaan, kadib markii uu ogaaday in uu boorsadisa ku qalday boorso qof kale leeyahay.

    Laakiin IndiGo ayaa diiday in ay la baadi goobto Kumar qofka ay boorsadiisii ku qaldantay, Kumar ayaa sheegay in uu awood u lahaa in uu xog ka helo website ka shirkada diyaaradaha.

    IndiGo ayaa BBC da u sheegtay “in aysan jirin wax dhibaato ah oo loo gaystay mareegta shirkadda IndiGo”.

    Kumar ayaa sheegay in uusan ku shaqaysan mareeg jabsashada, laakiin uu arintaan u sameeyay si uu u helo boorsadiisa.

    Wuxuu gartay magaca qofka iska leh boorsada isaga oo adeegsanaya lamabarka PNR ka ee qofka kale, oo ku dhaganaa warqada lagu dhajiyo boorsooyinka.

    Boorsada luntay
  6. Arrin la xiriirta Dagaalka Ukraine oo shaqada looga eryay Madaxa Sirdoonka Faransiiska

    Janaraal Eric Vidaud
    Qoraalka sawirka, Janaraal Eric Vidaud

    Madaxa hay'adda Sirodonka Faransiiska, Janaraal Eric Vidaud, ayaa shaqadiisa waayi doona kaddib markii uu ku guul darreystay inuu sii saadaaliyo Dagaalka uu Ruushku ku qaaday Ukraine, sida ay sheegeen warar soo baxay.

    Toddobo bilood kaddib markii uu xilka qabtay, waxay wararku sheegeen in lagu eedeeyay inuu bixiyay "xog aan dhammeystirneyn" iyo inuu "Aqoon u yeelan waayay arrimaha loo igmaday".

    Sirdoonka Mareykanka ayaa inta uusan dagaalka Ukraine billaabanin sheegay in Ruushku uu damacsan yahay inuu weerar ku qaado waddanka deriska la ah, halka Sirdoonka Faransiisku ay sheegeen in tallaabadaas aysan u badneyn inay dhacdo.

    Janaraal Vidaud waxaa arrintaas ku dhaliilay madaxa militeriga ee Faransiiska, sida lagu soo warramay.

    Balse waxaa la aaminsan yahay in Janaraal Vidaud, oo horay u ahaa taliyaha ciidanka khaaska ah ee Faransiiska, uu shaqadiisa ku waayay sababo kale oo dheeri ah.

    Dhowr isbuuc kaddib markii uu qabtay xilka madaxa sirdoonka militeriga, shaqadiisa ayaa si weyn loo cambaareeyay kaddib markii dowladda Australia ay ka baxday heshiis balaayiin doolar ku kacayay oo ay ku damacsaneyd in Faransiiska ay uga iibsato maraakiibta biyaha hoostooda quusa.

    Australia ayaa heshiiskaas u weecisay dhinaca UK iyo Mareykanka, dowladda Faransiiska ayaana aad uga carootay tallaabadaas.

  7. Majaajiliiste Chris Rock oo markii ugu horreysay ka hadlay dharbaaxadii lagu dhuftay

    s

    Chris Rock ayaa markii ugu horreysay meel fagaare ah lagu arkay tan iyo markii uu jilaa Will Smith dharbaaxay Axaddii xili ay socotay xafladda abaarmarinta billadda Oscar-ka ee sanadkan 2022-ka.

    Isagoo booqasho ku joogo magaalada Boston ee dalka Mareykanka, ayaa majaajileystaha waxa uu taageerayaashiisa u sheegay inay “ wali ka dagi la’dahay sida ay wax u dhaceen."

    Rock, oo ay si diiran u soo dhaweeyeen taageerayaashiisa ayaa sidoo kale beeniyay warar ay baahisay warbaahinta Mareykanka oo sheegaya inay Smith iyo isaga wada hadleen ka dib dhacdadii Axadda.

    Waxaa sidoo kale soo baxay warar sheegayay in maamulayaasha xafladda Oscar ay Will ka dalbadeen inuu isaga baxa hoolka kadib markii uu dharbaaxay Rock, balse u diiday.

    Ka hor inta aysan dhicin xafladda la qabtay maalintii Axadda, waxaa si weyn loo filayay in Will Smith uu ku guuleysan doono billaddiisii ugu horreysay ee Oscar-ka oo abid uu helo, taasoo uu ku muteystay bandhigga uu ku sameeyay filimka uu aabaha u yahay Venus iyo Serena Williams ee lagu magacaabo King Richard.

    Hase yeeshee, waxa aan la fileynin ayaa ahaa in uu taariikhda ku geli doono sabab aad uga duwan middaas.

  8. Cabsida ay reer galbeedka ka qabaan Putin iyo Xi Jinping

    Shiinaha ma ahan inuu isbaheysi la sameysto Ruushka kadib duulaankii uu ku qaaday Ukraine, madaxa sirdoonka UK ayaa sidaasi ka digay.

    Sir Jeremy Fleming, ayaa sheegay in danaha mustaqbalka fog ee Shiinaha aysan ku jirin inuu isbaheysi la sameysto Moscow.

    Khudbad naadir ah oo u jeediyay isagoo ku sugan dalka Australiaayaa Sir Jeremy waxa uu sidoo kale sheegay in Ruushka uusan si wanaagsan uga baaraan dagin dulaanka Ukraine. Wuxuu sheegay in la taliyayaasha Putin ay ka baqayaan inay hoggaamiyahooda runta u sheegaan.

    e
  9. Sheekada ku saabsan madaxa sirdoonka Pakistaan ee baraha bulshada qabsatay

    .
    Qoraalka sawirka, .

    Markii ra'iisul wasaaraha Pakistan Imran Khan uu baahiyay sawir qado ah oo uu la galay Bill Gates bishii hore, dadka isticmaala baraha bulshada waxay dareemeen wax cajiib ah.

    miiska waxaa yaalay 13 kursi, laakiin waxaa ka muuqday oo kali ah 12 qof, taasi oo micnaheedu tahay in sawirka qof fadhiyay kursiga 13 uu ka maqan yahay.

    Goobta bannaan waxaa ku jiray qof aan muuqan oo fadhiyay oo u muuqday inuu la sheekeysanayo dadka kale ee ku xeeran, taasoo keentay in su’aalo la iska weydiiyo in sawirka la qaaday markii uu qofkaasi meesha fadhiyay iyo in kale.

    Wax yar ka dib, wakaaladaha wararka maxaliga ah ayaa sheegay in madaxa cusub ee sirdoonka dalka, General Nadeem Anjum, sawirkiisa la masaxay oo uu isaga ahaa qofkii goobta fadhiyay.

    Muddooyiinkii u dambeeyay waxaa khilaaf siyaasadeed ka taagneyd dalka Pakistan.

    Xurgufta waxay bilaabatay afar bilood ka hor, markii taliyaha ciidamada Qamar Javed Bajwa uu u magacawbay Anjum inuu hogaamiyo Sirdoonka dalka pakistan .

  10. Wasiir 'xisbi furanaya' oo iska casilay xukuumadda Muuse Biixi

    Wasiirka is casilay

    Wasiirka wasaaradda Gaadiidka Somaliland Cabdirisaaq Ibraahin ayaa warqada istiqaalada u gudbiyay maanta madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi. iyada oo uu mudane Biixi ka aqbalay iscasilaadiisa.

    Sida ay noo sheegeen ilo xog ogaal ah, Cabdirisaaq ayaa doonaya in uu furto xisbi siyaasadeed cusub oo uu doonayo in uu uga dhawaaqo magaalada Hargeysa.

    Baarlamaanka Somaliland aya horey u ansixiyay xeerka furuashada ururad siyaasadda.

  11. Maxaad ka taqaannaa cudurka ku dhaca tobankii dumar ahba hal ka mid ah ee adduunka?

    Cudur ku dhaca dumarka

    Xanuunka afka qalaad lagu dhaho "Endometriosis" Waa cudur aad u dhibaato badan oo qofka daciifiya, waxa uuna ku dhacaa tobankii dumar ahba hal ka mid ah guud ahaan caalamka.

    Si gaar ah wuxuu u abaaraa haweenka ku jira da'da dhalmada ee heer walba ah.

    Inkastoo uu yahay cudur aad ugu badan caalamka aadna loo yaqaanno, haddana dumar badan iskama daweeyaan, noloshooda ayayna sii wataan.

    Qiyaastii siddeed sano ayuu qofku fursad u haystaa inuu iska daweeyo cudurkan, balse haween badan dhag jalaq uma siiyaan digniinta.

    Inta badan haweenka iska daaweyn waaya waxa uu noloshooda ku yeeshaa saameyn aan dhammaad lahayn.

  12. Booliska Kenya waxay dileen 167 qof sanadkii la soo dhaafay - Amnesty

    Askari u leynaya qof shacabah.

    Hay’adda Amnesty International ayaa ku eedeysay booliska Kenya in ay si sharci darro ah u dileen 167 qof sanadkii la soo dhaafay, oo ay ku jiraan dad lagu soo qabtay iyaga oo jabinaya xayiraadaha Covid-19.

    Hay’adda ayaa sidoo kale sheegtay in ciidamadu ay masuul ka ahaayeen 33 qof oo raq iyo ruuxba lagu waayay sanadkii 2021.

    Warbixinteeda waxyaabihii dhacay sanadkii 2021 ayay Amnesty ku eedeysay booliska in ay isticmaaleen awood aan loo baahnayn oo mararka qaar sababaysay dhimasho, si ay u kala ceyriyaan dibadbaxayaasha, waxay sheegeen in dadka la soo eedeeyay aysan wjihin cadaaladda.

    Booliska Kenya wali kama aysan hadlin warbixinta ay soo saartay Amnesty.

  13. Shiinaha ayaa kor u qaadaya xiriirka kala dhexeeya Ruushka

    Wasiirada arimaha dibada ee China iyo Russia

    Wasiirka arimaha dibadda Shiinaha Wang Yi ayaa sheegay in dawladda Shiinuhu sii kobcin doonto iskaashiga kala dhexeeya Ruushka ayna kor u sii qaadi doonaan xiriirka ka dhaxeeya labad wadan.

    Arintan ayuu ka dhawaajiyay isaga oo uu dhinac joogo dhigiisa Ruushka Sergei Lavrov, kadib markii ay ka wada hadleen dagaalka Ukraine.

    Labada nin ayaa cambaareeyay xayiraadaha reer galbeedka ee ka dhanka ha Ruushka, iyaga oo ku tilmaamay kuwa sharci darro ah.

    Wangi Yi ayaa ku tilmaamay xaaladda mid isku qasan oo ah natiijadii ka dhalatay fikirkii dagaalkii qaboobaa.

    Lavrov ayaa ku sugan Shiinaha isaga oo ka qayb galaya shirk u saabsan Afghanistan.

  14. Masar oo ka ashtakootay illeyska shucaaca ee lagu cawiray Maxamed Saalax

    Dowladda Masar ayaa diiwaangashatay cabasho rasmi ah oo ka dhan ah dowladda Senegal kadib markii taageerayaasha Senegal ay xiddiga Masar Maxamed Saalax ku cawareen illeyska shucaaca, taas oo keentay in uu gefo gool-ku-laad loo salaxay.

    Masar ayaa sheegtay in dhacdadan ay tahay mid midab takoor ah.

    Xiddiga Senegal Sadio Manne ayaa dhaliyay goolkuu guusha ee dalkani ugu gudbay mudnaanta ka qeybgalka tartanka koobka adduunka.

    Masar waxa kale oo ay sheegtay in la weeraray baskii ay saarnaayeen xulka kooxda Masar, dhaawacyana loo geystay.

    Fagaaraha weyn ee Dakar oo qaada 50 kun oo taageerayaal ee lagu magacaabo Cabdullaahi Wade ayay ka dhacday ciyaartii ay ku hardamayeen Senegal iyo Masar, iyada oo Senegal ay ku badisay 1-0.

    Augustin Senghor oo ah guddoomiyaha xiriirka kubadda cagta Senegal, oo sidoo kale ah ku xigeenka xiriirka Afrika ayaa sheegay in ay tahay markii ugu horeysay ee illeyska shucaaca laga isticmaalo dalkiisa, balse arrintani ay ku badnayd dalka Masar.

    Maxamed Saalax oo lagu cawiray illeyska shucaaca
    Qoraalka sawirka, Maxamed Saalax oo lagu cawiray illeyska shucaaca
  15. Sheekh Aadan Madoobe “waxaan u sharaxnahay guddoomiyaha baarlamaanka 11-aad”

    Guddoomiyihii hore ee baarlamaanka Soomaaliya Sheekh Aadan Madoobe oo dhowaan loosoo doortay xildhibaan golaha shacabka ayaa shaaciyay in uu u taaganyahay qabashada xilka guddoomiyaha baarlamaanka 11-aad.

    Sheekh Aadan Madoobe ayaa sheegay in uu leeyahay khibrad iyo waayo-aragnimo la xiriirta shaqadan, islamarkaasna uu doonayo in uu soo celiyo heybaddii aqalka, waa sida uu u sheegay warbaahinta gudaha.

    Mar wax laga weeydiiyay in uu ka tirsanyahay mid ka mid ah xisbiyada aan rasmiga ahayn ee Soomaaliya ayuu sheegay in uu ka tirsanaa xisbi, balse marka uu guddoonka qabto uu raacayo sida uu sharciga qabo oo ah in xisbi kasta iska casilo, noqdana qof dhexdhexaad ah, isaga oo soo xigtay qodobka 65-aad.

    Sheekh Aadan Madoobe
    Qoraalka sawirka, Sheekh Aadan Madoobe
  16. Chris Rock miyuu ka macaashay dharbaaxaddii ku dhacday?

    Majaajileeste Chris Rock oo uu masraxa ku dharbaaxay atoore Will Smith ayaa u muuqda nin durbaba ka faaiidey dharbaxaadii, iyadoo bandhigiisa maadeyska la wada jartay tigidhaantii oo dhan.

    Sidoo kale waxaa qadar dhawr boqol oo jeer sare u kacay qiimaha tigidhada lagu galayo bandhigiisa, markii hore waxa uu halkii tigid ahaa $46 doolar, waxayse gaareen illaa $411 doolar, sida uu sheegay afhayeen u hadlay bogga tigidhaanta laga jarto ee TickPick.

    Sida la sheegay 80% tigidhaanta ayaa la jartay wixii ka dambeeyay dhacdadii Oscar-ka ee isniintii.

    Chris Rock oo lagu dharbaaxay masraxa
    Qoraalka sawirka, Chris Rock oo lagu dharbaaxay masraxa
  17. Xaaska Will Smith oo ka hadashay dharbaaxadii Oscar

    Xaaska Will Smith Jada Pinkett ayaa markii ugu horeysay ka hadashay dhacdadii dunida oo dhan qabsatay ee seygeeda uu ku dharbaaxay majaajileeste Chris Rock oo wax ka sheegay iyada.

    Hadal gaaban oo ay kusoo qortay barteeda Instagram ayay ku tiri “Waxaa la joogaa xilligii soo kabashada, anigana diyaar baan u ahay”.

    Dhanka kale Richard Williams oo ah aabaha dhalay ciyaaryahanada tennis-ka Sarena iyo Venus, kaas oo kaalintii koriimada gabdhihii uu filimka ku jilayay Will Smith ayaa dhaleeceeyay wixii dhacay.

    Jada iyo Will Smith
    Qoraalka sawirka, Jada iyo Will Smith
  18. Cabashada ardeyda Soomaalida ee ka qaxday Ukraine

    Ardey badan oo Soomaali ah oo ka qaxay dalka Ukraine ayaa u baxsaday dalka Romania, si ay sii wataan waxbarashadooda hakadka gashey.

    Hase-yeeshee ardaydaas ayaa waxaa hadda lasoo daristay caqabad cusub,oo ah in aysan heysan warqad caddeynaysa faah-faahin ku saabsan heerkooda waxbarasho oo ay shuruud uga dhigeen jaamacadaha ay hadda doonayaan in waxbarashadooda ay ka sii wataan.

    Haddaba, Cabdixaafid Maxamed Abshir, oo dagan waxna ka barta magaalada Oradia, ee dalka Romania, ayaa BBC ugu warramay caqabadaha la soo gudboonaaday ardayda Soomaalida.

    Qoraalka Codka, Soomaalida ka qaxday dagaalka Ukraine
  19. Xildhibaan: "Ma ahan in la tarxiilo Soomaalida Canada, waa arrin khaldan"

  20. "Nabad ma jiri doonto inta uu awoodda hayo Putin"

    Richard Shirreff oo ah ku xigeenkii hore ee ciidamada gaashaan buurta Nato ee Yurub ayaa sheegay in qof kasta uu walaac ka muujinayo ballanqaadka Ruushka ah ee in uu dhimayo weerarada uu ku hayo caasimadda Kiev iyo magaalada Charnihiv.

    Wuxuu intaa ku daray in Ruushka uu ku fashilmay isku dayo badan uu ku doonayay in uu ku qabsado meelo badan oo ka tirsan Ukraine.

    "Arrintani waa nooc kamid ah khiyanaada".

    "Inta uu Putin ku sugan yahay Aqalka Kremlin-ka, nabad kama jiri doonto Yurub” ayuu yiri Richard Shirreff oo Putin ku sifeeyay in uu yahay ‘gacan ku dhiigle kaligii talis ah”

    Vladimir Putin
    Qoraalka sawirka, Vladimir Putin