NISA ma ku saxnayd shaacinta digniintii shirqoolka lagu dili rabo Farmaajo iyo Rooble?
Kusoo dhowaada tabinta wararka tooska ah ee BBC Somali
Tebin toos ah
Gabadha la dhalatay Kim Jong-un oo ku hanjabtay weerar Nukliyeer ah
Xigashada Sawirka, Getty Images
Gabadha la dhalatay hogaamiyaha Kuuriyada Waqooyi, Kim Jong-un, ayaa sheegtay in dalkeeda uu ku jawaabi doono hubka nukliyeerka ah, waa haddii ay duullaan ku soo qaado Kuuriyada Koonfureed.
Kim Yo-jong oo ka tirsan madaxda sare ee Kuuriyada Waqooyi ayaa soo saartay laba qoraal oo ay uga jawaabayso hadal ay sheegeen mas’uuliyiin ka tirsan Kuuriyada Koonfureed.
Wasiirka gaashaandhigga ee dalkaas, jenaraal Suh Wook, ayaa sheegay in dalkiisa uu awood u leeyahay inuu duqeyn ku ekeeyo goobaha ay xukuumadda Pyongyang ku tijaabiso gantaalladeeda.
Kuuriyada Waqooyi ayaa sanadkan gudihiisa tijaabisay dhowr gantaal oo ay kamid yihiin kuwa qaada hubka nukliyeerka.
Talaadada maanta ah, Kim Yo-jong ayaa war qoraal ah oo ay baahisay warbaahinta dalkeeda ku sheegtay in daandaansiga Kuuriyada Koonfureed uu horseedi karo in dagaal loo adeegsado hubka nukliyeerka uu ka dhaca gobolkaas.
"Haddii ay dhacdo in Kuuriyada Koonfureed ay qaado tallaabo milateri, waxaa hawshooda gudan doona guutooyinka u xilsaaran nukliyeerka dalkeena,” ayay ku sheegtay qoraalka maanta.
Beesha caalamka oo war kasoo saartay khilaafka hareeyay doorashada Soomaaliya
Xigashada Sawirka, SNTV
Beesha caalamka ayaa ku baaqday madaxda Soomaaliya in si deg deg ah ay u soo gabagabeeyaan doorashada iyadoo la raacayo tallaabooyinka wax ku oolka ah ee laga maarmaanka u ah geedi socodka arrimaha doorashada.
"Dowlad Goboleedka Hirshabelle iyo Dowlad Goboleedka Jubaland oo kaliya ayaan weli soo dhameystirin geedi-socodka doorashada Golaha Shacabka. Waxaan ku boorinaynaa inay sidaas sameeyaan iyadoo aan jirin dib-u-dhac, isla markaana mudnaanta siiyaan wadahadalka iyo wadatashiga lagama maarmaanka u ah soo gabagabeeynta qabanqaabada doorashada – ee gaar ahaan u socdo Jubaland – si loo hubiyo in beelaha ay khusayso ay matalaad ku yeeshaan Baarlamaanka soo socda“ ayaa lagu yiri war qoraal ah oo kasoo baxay beesha caalamka.
Beesha caalamka waxay sheegtay in khaladaad ay hareeyeen doorashada isla markaana lagu fashilmay xaqiijinta qoondada haweenka.
"Waxaan aad uga xunnahay qaladaadkii doorashada ee faraha
badnaa ee lagu arkay guud ahaan dalka iyo fashilka niyad-jabka leh ee ku yimid
xaqiijinta qoondada 30% ee matalaadda haweenka ee baarlamaanka sida uu qabo
heshiiskii 17kii Sebtember 2020. Waxaan rajeynaynaa in aan aragno haween badan
oo la soo doorto maadaama kuraasta harsan ee Hirshabelle iyo Jubaland la soo
gabagabeynayo. Doorashada kadib, dadka Soomaaliyeed waa inay laba-laabaan
dadaallada lagu xaqiijinayo in haweenku ay si buuxda uga qaybgalaan oo ay door
hoggaamineed uga qaataan go’aan-gaarista qaran ee dhammaan qaybaha bulshada"
Waxa isa soo taraya khilaafka ka taagan doorashada Soomaaliya ee soo jiitamaysay tan iyo sannadkii hore, iyadoo Ra’isul Wasaare Rooble uu shaqada Guddiga Doorashooyinka ka eryay labo xubnood, diginin kama dambeys ahna u diray shan xubnood oo kale oo Guddiga kamid ah kadib markii uu khilaaf baahsan uu hareeyay xubnaha Guddiga, kaas oo ka dhashay sida loo maraaynayo afar xildhibaan oo lagu doortay maamullada Hirshabeelle iyo Koonfur Galbeed oo doodi ay ka timid hannaanka doorashooda loo maray.
Waxaana goor sii horeysay gaaray magaalada Baydhabo xildhibaano ka tirsan kuwa dhawaantan lagu doortay Baydhabo iyo Baraawe oo Muqdisho ka tagay si ay garab istaag ugu muujiyaan maamulka Koonfur Galbeed.
Nin hoggaamin jiray maleeshiyo ka dagaallanta Suudaan oo la soo taagay Maxkamadda Caalamiga ah ee ICC
Xigashada Sawirka, Getty Images
Qoraalka sawirka, Madaxii hore ee maleeshiyaadka Jaanjaweed
Madaxii hore ee maleeshiyad ka dagaallami jirtay dalka Suudaan ayaa noqday qofkii ugu horeeyay ee loo soo taago maxkamada caalamiga ah ee dambiyada ee ICC kadib tacaddiyo la sheegay in uu ka geystay gobolka Darfur ee Suudaan ku dhawaad labaatan sano ka hor.
Cali Maxamed Cali Cabdiraxmaan oo sidoo kale loo yaqaano ‘Cali Khusheyb’ ayaa lagu soo oogay inuu galay dambiyo dagaal iyo gabood fallo ka dhan xuquuqul insaanka oo ay kamid yihiin, kufsi, jirdil iyo dil.
Dacwad oogaha guud ee maxkamadda ayaa sheegay in Cali uu hoggaaminayay ciidamadiisii maleeshiyaadka Jaanjaweed kuwaas oo weerar ka fuliyay guud ahaan gobolka, wuxuu beeniyay dhammaan eedeymaha loo jeediyay.
Shacabka Darfur oo ku dhawaad 20 sano ku jiray xeryaha barakacayaasha kadib markii ay ka qaxeen colaadda ayaa ugu dambeyntii soo dhaweeyay maxkamadeyntiisa.
163 xildhibaan ayaa qaadatay shahaadda xildhibaanimo ee labada gole BJFS sida ay sheegeen guddiga doorashooyinka.
Iyada oo ay taasi jirto ayay tiro xildhibaano ah u duuleen magaalada Baydhabo, iyaga oo aanan qaadanin shahaadada,
Xigashada Sawirka, .
Qoraalka sawirka, Mahdi Guuleed
Sababta ay Baydhabo ugu laabteen xildhibaanada maamulka Koonfur Galbeed
Xigashada Sawirka, South west State
Waxaa goor sii
horeysay gaaray magaalada Baydhabo xildhibaano ka tirsan kuwa dhawaantan lagu
doortay Baydhabo iyo Baraawe oo Muqdisho ka tagay si ay garab istaag ugu
muujiyaan maamulka Koonfur Galbeed.
Xildhibaannada dib ugu laabtay
Baydhabo waxa kamid ah Cabdalla Xuseen Cali, ayaa BBC-da u sheegay in sababta ay ugu laabteen magaalada Baydhabo ay tahay inay wadatashi la sameeyaan bulshada Koonfur Galbeed qaybaheeda kala duwan iyo maamulka.
Cabdalla Xuseen Cali, ayaa weriyaha
BBC-da ee Muqdisho Ibraahim Maxamad u waramay.
Qoraalka Codka, .
Dagaal xoogan oo ka socda dhanka bari ee dalka Ukraine
Xigashada Sawirka, Getty Images
Dagaal ayaa ka soconaya dhanka bari ee dalka Ukraine halkaas oo ciidanka Ruushka ay duqeynayeen magaalooyin ay ku jirto Kharkiv iyo kuwo kale oo ku yaalla gobolada Luhansk iyo Donetsk .
Gobolka Luhansk guddooomiyahiisa ayaaa sheegay in ciidanka Ruushka ay duqeyen haan ay ku jiraan nitrik Asid oo taalay degaanka Rubizhne .
Dhinaca kalena Madaxweynaha Ukraine Zeelensky ayaa sheegay in dowladdiisa ay dooneyso baaritaan dhammaaystiran oo cadaalad ah in lagu sameeyo dambiyada uu Ruushku ka geystay Buucha iyo magaalooyinka kale.
Shariif Sheekh Axmed oo baaq u diray r/wasaare Rooble iyo golihiisa wasiirada
Xigashada Sawirka, Shariif Sheekh Axmed
Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Shariif Sheekh Axmed, ayaa qoraal uu bartiisa Facebook soo dhigay kaga hadlay digniin ay soo saartay Hay’adda NISA , hay'adda ayaa digniintaas ku shaacisay shirqool ay sheegtay in Al-Shabaab ay dooneyso inay ku disho Madaxweyne Farmaajo iyo Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble.
Sharif Sheikh Axmed, ayaa qoraalkiisa ku sheegay in ay ayaan darro aad uweyn tahay in hey'adii loo igmadey Amniga Qaranka ay dacaayad u sameeyneyso kooxaha argagixisada hormuudna u noqotey cabsigelinta madaxda qaranka.
Madaxweynihii hore ayaa ra'iisal wasaare Rooble iyo Golahiisa wasiiradda ugu baaqay in ay qaataan masuuliyadooda ku aadan arrimaha Amniga Dalka kana hortagaan wax kasta oo khalkhal gelin kara amniga Madaxda iyo Shacabka Soomaaliyeed.
Shariif Sheekh Axmed ayaa sidoo uga digay Madaxweynaha Soomaaliya iyo hay'adaha amniga ee hoos yimaada wax waliba oo khalkhal gelinkara geedisocodka doorashada dalka.
Warrarkii ugu dambeeyay ee khilaafka siyaasadeed ee sii xoogeysanaya iyo muranka doorashada
Waxa isa soo taraya khilaafka ka taagan doorashada Soomaaliya ee soo jiitamaysay tan iyo sannadkii hore, iyadoo Ra’isul Wasaare Rooble uu shaqada Guddiga Doorashooyinka ka eryay labo xubnood, diginin kama dambeys ahna u diray shan xubnood oo kale oo Guddiga kamid ah kadib markii uu khilaaf baahsan uu hareeyay xubnaha Guddiga, kaas oo ka dhashay sida loo maraaynayo afar xildhibaan oo lagu doortay maamullada Hirshabeelle iyo Koonfur Galbeed oo doodi ay ka timid hannaanka doorashooda loo maray.
Maamulka Koonfur Galbeed isna waxa uu sheegay inuu gabi ahaanba joojiyay wadashaqayntii arimaha doorashooyinka ee uu la lahaa Ra’isul Wasaare Rooble, waxana goor dhow la filayaa in xildhibaano ka tirsan kuwa dhawaantan lagu doortay Baydhabo iyo Baraawe oo Muqdisho joogay ay ku laabtaan magaalada Baydhabo si ay garab istaag ugu muujiyaan maamulka Koonfur Galbeed.
Dhinaca kale iyana waxa goor sii horeysay soo baxday in madaxda sare ee Soomaaliya lala wadaagay weerarro iyaga ka dhan ah oo ay qorsheynayaan ururka Al-Shabaab.
Ganacsatadii hantidoodu ku gubatay suuqa Waaheen oo dultaagan hadhaaga meheradahoodii
TOOS: Idaacadda Duhurnimo ee BBC Somali
Ukraine oo sheegtay in 165 caruur ah lagu dilay duulaanka Ruushka
Ku dhawaad 165 caruur ah ayaa lagu dilay dalka Ukraine tan iyo markii uu bilowday duulaanka Ruushka, sida ay ku warantay wakaalada wararka ee Interfax-Ukraine, iyadoo soo xiganeysa xafiiska xeer ilaalinta guud ee (PGO).
Waxay kaloo sheegtay in 266 carruur ah ay ku dhaawacmeen.
Tobanaan kun oo qof oo rayid ah ayaa weli ku go'adoonsan magaalada la hareereeyay ee Mariupol, iyadoo aysan jirin koronto, biyo iyo gas cunada lagu karsado.
Waxaa lagu guul dareystay dedaallo la doonayay in gurmad lagu gaarsiiyo dadkaasi iyo in sidoo kale laga soo daad gureeyo halkaasi.
Dadkii ay u suurta gashay inay ka baxsadaan magaalada, weli waxay wajahayaan dhibaatooyin badan, qaasatan carruurta.
Wixii ugu horeeyay ee ay sameeyeen ayaa ahaa inay soo iibsadaan rooti.
Ciidamada Ruushka ayaa si weyn u weeraray magaalada Mariupol. Kumanaan qof ayaa dhimatay markii ciidamadau ay hareereeyeen magaalada, iyagoo ka soo weerarayay dhan waliba, hadii ay ahaan lahayd dhinaca cirka, dhulka iyo badda.
Cumar Cabdirashiid oo ka hadlay digniintii NISA
Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke, oo marar kala duwan soo noqdey ra'iisal wasaaraha dalka Soomaaliya, ayaa qoraal uu bartiisa twitter-ka soo dhigay uga hadlay digniin ay soo saartay Hay’adda Nabad-Sugida iyo Sirdoonka Qaranka ee Soomaaliya ee NISA , hay'adda ayaa digniintaas ku shaacisay shirqool ay sheegtay in Al-Shabaab ay dooneyso inay ku disho Madaxweyne Farmaajo iyo Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble.
"Si kastaba ha ahaatee, digniintii ugu dambeysay ee twitter-ka ee NISA waxay muujineysaa argagaxa N&N ee ku aaddan qabsoomida doorashada. Haddii aan la soo saarin tillaabooyin ku filan oo lagu xakameynayo madaxda NISA, hay'addu waxay noqon doontaa tiyaatarka lagu qorsheynayo hawlo xunxun oo khatar gelinaya doorashada" Ayuu yiri Cumar Cabdirashiid.
Macluumaadkan waxaa daabacay X. Waxaan dalbanayenaa fasaxaaga ka hor inta aan la furin, waxaa laga yaabaa inay isticmaalayaan cookies iyo farsamooyin kale. hadii aad u bahato akhri X xeerarka cokie iyo kan ku saabsan xogta gaarka ah ka hor inta aadan aqbalin. si aad u aragto xogta guji ‘aqbal oo soco’.
Digniin: BBC macluumaadka ku qoran bog kale masuul kama ahan
Dhammaadka X boggan
Gurmadka ganacasatada waaweyn ee Somaliland ka galeen dabka suuqa Waaheen ee Hargeysa
Saadaq-Joon iyo Senator Muse Sudi Yalahow oo qaatay Shahaadada Xildhibaanimo
Guddiga ayaa fariin ay saakay ku soo qoreen boggooda Facebook ku sheegay in . si habsami leh ay u socota shahaada siinta xildhibaanada xilli khilaad adag uu ka dhex taaganyahay guddiga doorashooyinka heer federaal.
Guddiga ayaa sidoo kale ugu baaqay xildhibaanada jooga waddanka inay yimaaddaan xarunta guddiga FEIT, si ay uga guul gaaran yoolkeenna dhammeystirka doorashada.
Dhanka kale ra'iisul wasaaraha Soomaaliya, Maxamed Xuseen Rooble, ayaa bayaan uu xalay soo saaray waxa uu xubinnimadii guddi hirgelinta doorashooyinka heer federaal uga saaray laba xubnood oo guddigaasi ka tirsanaa.
Arrintaas ayaa waxa ay daba socotay kaddib markii labadaas xubnood iyo xubno kale ay sheegeen inay yihiin aqlabiyadda guddiga sidaas daraadeedna ay fasaxeen xildhibaannadii afarta ahaa ee uu hore u xayiray gudoomiyaha guddigaasi.
Bulshada Soomaalida ee ku nool magaalada Minneapolis ee waddanka Mareykanka oo kulan muhiim ah ka yeeshay sidii ay gacan uga gaysan lahaayeen musiibadii Suuqa Waaheen, ayaa waxa ay tibaaxeen in ay isugu yimaadeen inay walaalahood u damqadaan, inay gargaar u fidiyaan iyo inay u duceeyaan dadka ay dhibaatada soo gaartay.
Kulankaas waxaa ka qeybgalay oo markii uu dhammaaday kaddib warbixintan inooga soo diray weriyahayaga Minneapolis Siyaad Saciid Saalax.
Qoraalka Codka, .
Galmudug oo ka hadashay mowqifkeeda ku aadan khilaafka cusub ee doorashada
Xigashada Sawirka, Maamulka Galmudug
Dowladda Goboleedka Galmudug ayaa bayaan ay soo saartay ku sheegtay inay aad uga walaacsantahay xaaladda khilaafka kasii daraya ee hanaankii doorashada oo marayay meel gebogabo ah.
Galmudug ayaa sheegtay inay ka xuntahay in doorashooyinkii oo heer gebogebo ah maraya la abuuro jawi xasilooni darro siyaasadeed oo dhaawici karta dhameystirka doorashooyinka.
"Galmudug waxay garawsantahay in doorashooyinka dalka lagu soo waday wadatashi, isu-tanaasul iyo wadar-ogol, go’aan kasta oo hal dhinac ahna wuxuu khatar galin karaa wadajirka hoggaanka Madasha Wadatashiga Qaran.Dowladda Galmudug waxay adkayneysaa baahida loo qabo ilaalinta hanaankii lagu heshiiyay, taasoo xaqiijineysa khilaaf kasta in lagu xaliyo wadajirka Madasha Wadatashiga Qaranka." Ayaa lagu yiri qoraalka.
Koonfur Galbeed: Marnaba ma aqbalayno damaca shakhsiga ah ee Ra’iisul Wasaare Rooble
Koonfur Galbeed ayaa bayaan ay soo saartay ku sheegtay inay caddeynayso in go’aanka kasoo baxay Ra’iisul Wasaaraha uu yahay mid sharci darro ah oo baal marsan go’aannadii iyo heshiisyadii wadar-ogolka ahaa ee ay dajisay Madasha Wadatashiga Qaranka.
Waxaa sidoo kale qoraalka ka soo baxay Koonfur Galbeed lagu sheegay in marnaba aysan aqbali doonin "damaca shakhsiga ah ee Ra’iisul Wasaare Rooble oo muddooyinkii u dambeeyay xadgudub joogta ah ku hayay madax bannaanida Guddiyada Doorashooyinka."
"Dowladda Koonfur Galbeed waxay si dhaw ula socotay in Ra’iisul Wasaaraha uu si sharci darro ah oo dano siyaasadeed ay ku jiraan uu u hor istaagay kuraas habraac sax lagu doortay, wuxuuna ka dhaga adaygay inuu joojiyo faragelinra qaawan ee uu ku hayay doorashooyinka Koonfur Galbeed." Ayaa isla bayaanka ka soo baxay Koondur Galbeed lagu yiri.
NISA oo ka digtay shirqool ay sheegtay in lagu dili rabo Farmaajo iyo R/W Rooble
Hay’adda Nabad-Sugida iyo Sirdoonka Qaranka ee Soomaaliya ee NISA ayaa digniin ay soo saartay ku shaacisay shirqool ay sheegtay in Al-Shabaab ay dooneyso inay ku disho Madaxweyne Farmaajo iyo Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble.
Qoraal lagu baahiyey barta Twitterka ee hay’adda NISA ayaa lagu sheegay inay xogta ay heleen ay la wadaageen madaxda sare.
NISA waxay sheegtay in shirqoolkan uu Al-Shabaab hormuud uga yahay horjooge lagu magacaabo Maxamed Mahir.
Macluumaadkan waxaa daabacay X. Waxaan dalbanayenaa fasaxaaga ka hor inta aan la furin, waxaa laga yaabaa inay isticmaalayaan cookies iyo farsamooyin kale. hadii aad u bahato akhri X xeerarka cokie iyo kan ku saabsan xogta gaarka ah ka hor inta aadan aqbalin. si aad u aragto xogta guji ‘aqbal oo soco’.
Digniin: BBC macluumaadka ku qoran bog kale masuul kama ahan
Feysal Cali Waraabe muxuu ka yiri lacagta ay dowladda Federaalka ku yaboohday inay u sii deyn doonto Somaliland?
Qoraalka sawirka, Feysal Cali Waraabe
Guddoomiyaha xisbiga mucaaradka
ee UCID , Feysal Cali Waraabe ayaa Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya
Maxamed Xuseen Rooble ugu baaqay in uu soo daayo lacago uu ku sheegay in laga
xannibay Somaliland.
Wuxuu Ra’iisul Wasaaraha uga
mahadceliyay tallaabada uu kusoo daayanayo lacagihii qeybta ka ahaa dhaqaalo ay jamhuuriyadda gooni isu taageedda ku dhawaaqday
ee Somaliland ka heli jirtay deeq bixiyayaasha taageera Soomaaliya, balse laga
hakiyay bilowgii 2017.
“Lacagta waa lacag aan anagu leenahay weeye,
waxaana lagu heshiiyay sanadkii 2013 in aan la siyaasadeyn wixii mucaawino ah,
Ra’iisul Wasaare Roble wuu mahadsan yahay lacagteeni buu noo soo daayay”
“Qaar kalena weyn naga xanniban yihiin, Rooble
waxaan kaa codsaneynaa in kuwa kale aad soo daayso ayaan dooneynaa, lacagtaas
waa lacagta horumarka loogu talagalay” ayuu yiri Feysal Waraabe oo maanta warbaahinta
kula hadlayay Hargeysa.
Xukuumadda Soomaaliya ayaa lagu wadaa in lacag dhan 11.7 milyan oo dollar
ay u dirto Hargeysa si loogu taakuleeyo dadka ku xoolo beelay dabkii baabi'yay
suuqa Waaheen.
Madaxweynaha
Ukraine Volodymyr Zelensky ayaa maanta booqasho ku tegay magaalada Bucha oo u dhaw
caasimadda Kiev halkaas oo lagu eedeeyay ciidamada Ruushka inay ku dileen dad
rayid ah.
Wuxuu
mar kale ku eedeeyay Ruushka in Ukraine uu ka geystay dambiyo dagaal iyo
xasuuq.
Mar
BBC ay wax ka weydisay dagaalka , Zelensky wuxuu sheegay in uu ka shaqeynayo
sidii lagu joojin lahaa dagaalka Ukraine iyadoo loo marayo dariiq diblumaasiyadeed
iyo mid militeri.
“Waxaad
arkii kartaa waxa lagu sameeyay magaaladan casriga ah, taasina waa dhaqanka
ciidamada Ruushka-waxay dadka ula dhaqmaan si ka xun sida loola dhaqmo xayawaanada,
waxa aad halkan ku aragteen waa xasuuq dhab ah” ayuu yiri Zelensky.
"Maalinba maalinta ka danbaysa, waxaa
la helayaa maydad,
dad la jir dilay
iyo kuwa la dilay," ayuu yiri.
Ruushka
ayaa beeniyay in ciidamadiisa ay tacaddiyo u geysteen dad rayid ahaa oo ku
sugnaa Bucha.
Dagaallo
ayaa weli ka socdaa qeybo ka mid ah bariga iyo koonfurta Ukraine oo ay kamid
yihiin gobolada Donetsk iyo Luhansk.
Dadaallada lagu
doonayo in dadka rayidka ah looga daad gureeyo goobaha ay ka taagan yihiin dagaallada
ayaa sii socda.