Maamulka Gedo oo jawaab ka bixiyay hadalkii Axmed Madoobe

Halkan toos ugala soco wararkii ugu dambeeyay ee maanta

Tebin toos ah

  1. Ruushka oo digniin u diray dalalka Finland iyo Sweden

    .

    Ruushka ayaa uga digay waddamada Finland iyo Sweden inay ku biiraan gaashaanbuurta Nato isaga oo ku dooday in tallaabo noocaas ah aysan wax xasilooni ah kusoo kordhin doonin Yurub.

    Afahayeenka aqalka Kremlin-ka, Dmitry Peskova ayaa weriyeyaasha u sheegay in ‘isbaheysiga Nato uu weli yahay urur loogu talagalay in uu dhaliyo iska hor’imaad’

    Waxay arrintani imaaneysaa xilli saraakiisha gaashaandhigga Mareykanka ay sheegeen in duulaanka Moscow ee Ukraine uu ahaa "khalad weyn oo istaraatiijiyadeed" taasoo oo ay muuqato inay horseedeyso is-ballaarinta Nato.

    Saraakiisha Mareykanka waxay sheegeen in dalalkan ay Nato ku biiri karaan bisha June.

    Xukuumadda Washington ayaa la rumeysan yahay inay taageereyso tallaabadan si dalalka xubinta ka ah Nato ay u gaaraan 32 dal.

    Waaxda arrimaha dibadda Mareykanka waxay toddobaadkii hore sheegtay inay socdaan wadahadallo ay arrintan kala leeyihiin wasiirada arrimaha dibadda Sweden iyo Finland.

  2. Madaxweynaha Koonfur Afrika oo dhaleeceeyay kooxaha kasoo horjeedo dadka soo galootiga ah

    Waxaa Koonfur Afrika ka dhacay dibadbaxyo looga soo horjeedo rabshada ku saleysan ajaaniib naceybka
    Qoraalka sawirka, Waxaa Koonfur Afrika ka dhacay dibadbaxyo looga soo horjeedo rabshada ku saleysan ajaaniib naceybka

    Madaxweynaha Koonfur Afrika Cyril Ramaphosa ayaa ka hadlay dhibaatooyinka lagu hayo dadka so galootiga ah ee ku nool dalkaas.

    Cyril Ramaphosa wuxuu ku tilmaamay kooxaha wado tallaabooyinka ka dhanka ah dadka soo galootiga ah inay la mid yihiin sida maamulkii midab takoorka uu ula dhaqmi jiray dadkii madowga ahaa ee Koonfur Afrikaanka.

    Dibadbaxyo joogto ah ayaa bilihii lasoo dhaafay ka dhacay Koonfur Afrika kaas oo looga soo horjeeday dadka soo galootiga ah ee heysan sharciga kuwaas oo ay ku eedeeyeen inay qaateen shaqooyinka isla markaana ay dambiyo galeen.

    Toddobaadkii lasoo dhaafay nin kasoo jeeday dalka Zimbabwe ayaa la dilay isla markaana dab la qabadsiiyay, falkaas oo ka dhacay magaalada Johannesburg.

    Madaxweyne Cyril Ramaphosa wuxuu dhaleeceeyay kooxaha dadka istaajinaya ee eegayo aqoonsigooda kuwaas oo wado olole ka dhan ah dadka soo galootiga ah.

  3. Mucaaradka Soomaaliya oo war kasoo saaray xuska 12-ka April

    Midowga musharraxiinta Soomaaliya ayaa war kasoo saaray xuska 12-ka April oo ku beegan berri taas oo lagu xuso markii la aasaasay ciidamada xoogga dalka.

    Waxay ku baaqeen in kharashkii lagu bixin lahaa dabaaldegga maalintan loo weeciyo taakuleynat shacabka tabaaleysan.

    .
  4. Soomaaliya oo laga hirgeliyay warbaahin ay ka shaqeyn doonaan haweenka oo kaliya ah

    Soomaaliya waxaa maanta laga hirgaliyay warbaahin loogu magac daray Bilan oo maqal iyo qoraal ah oo diiradda lagu saarayo warrarka la xiriira haweenka iyo xadgudubyada loo gaysto.

    Warbaahintan oo ah tii ugu horraysay nooceeda oo kale ah ayaa dhammaan dadka ka shaqaynaya barnaamijta ay yihiin dumar, laga bilaabo tifafaftiraha, soo saarayaasha iyo weriyayaasha warbixinnada sameynaya.

    Barnaamijkan oo ay maalgalinayso hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan horumarinta ee UNDP ayaa si gaara loogu eegi doonaa warbixnada adag iyo kuwa jilicsan ee saameeya dumarka.

    Haddaba weriyaha BBC-da ee Muqdisho Ibraahim Maxamad Aadan ayaa la sheekeystay qaar kamid ah gabdhaha suxufiyiinta ah ee ka shaqaynaya barnaamijka Bilan, kuwaas oo kala ah Nasriin Maxamad Ibraahim oo tifaftire ah iyo Fatxi Maxamad oo kuxigeen u ah, iyo weliba Farxiyo Maxamad Muraad oo barnaamij soo saare ah.

    Qoraalka Codka, Warbaahin u gaar ah dumarka
  5. 1.4 milyan oo caruur ah oo ay sameyn ba’an u geysatay abaarta Soomaaliya

    Saddex xili roobaad oo xiriir ah ayaa si fiican u di’in taa oo yareysay wax soo saarka beeraha kumanaan xoololo ah ayaa bakhtiyay, waxaana jirto nafaqadaro baahsan iyo cuduro taa oo keentay in 3 miloin oo qof in ay ku barakacaan.

    1.4 Million oo Caruur ah ayey sameyn ba’an u geysatay abaarta ku dhawaad 400 oo kun oo canug ayaa nafaqa daro nopqday.

    Wariyaha BBC Maxamuud C/casiis ayaa warbixintaa diyaariyay.

    Qoraalka Codka, .
  6. Dacwad oogaha guud ee Kenya oo loo haysto in uu u eexdo Soomaalida iyo Muslimiinta

    .

    Dacwad oogaha guud ee dalka Kenya, Nuuradiin Maxamed Yuusuf Xaaji, ayaa beeniyay eedeymaha ah in uu u eexdo Soomaalida iyo Muslimiinta marka uu shaqaale qaadanayo.

    Xaaji oo Khamiistii ka hadlay eedeymahaas ayaa sheegay in uu la socdo eedeymaha loo soo jeediyay ee ah in uu shaqaaleysiiyay dad ay isku diin yihiin. Waxa uu ku adkeystay in dastuurku leeyahay qodobbo wax ku ool ah oo shardi u ah in aan si siman u wada eegno dhammaan qabaa’ilada dalka.

    Sida laga soo xigtay dadka dacwadda gudbiyay, waxa ay Xaaji ku eedeynayaan inuu soo xushay dad ay isku diin iyo isir yihiin.

    Shakhsi u dhaqdhaaqa arrimaha shaqaalaha ayaa maxkamada geeyay dacwad uu uga soo horjeeda liiska dad loo soo dhajiyay inay imtixaan u maraan shaqooyinka laga soo xayeysiiyay Xafiiska Agaasimaha Xeer Ilaalinta.

    Memba Ocharo oo u maraya qareen Danstan Omari, ayaa waxa uu ku eedeeyay Dacwad oogaha guud "nin jeclaysi" waxaana uun maxkamadda ka codsaday in ay ka joojiso sii wadida qorista shaqaalaha cusub ee imtixaanka u socda.

  7. Maamulka Gedo oo jawaab ka bixiyay hadalkii Axmed Madoobe

    Gudoomiyaha gobolka Gedo ayaa sheegay inay marwalba diyaar u yihiin doorashadii loo ballansanaa in lagu qabto magaalada Garbahaarrey.

    Axmed Buulle Maxamed, ayaa sheegay inuu la yaabay hadalka madaxweynaha Jubaland ee ahaa inay qabanayaan doorasho xor iyo xalaal ah.

    Hadalkan ayaa waxa uu imanayaa kaddib markii madaxwaynaha dowlad goboleedka Jubbaland, Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) uu xalay carrabka ku adkeeyay in 16-ka kursi ee ay degaan doorashadoodu tahay magaalada Garbahaarey aanay ka hari doonin doorashada dalka ka socota.

    Waxa uu intaa ku daray in mar-naba aan la qeybin doonin kuraasta gobolka Gedo islamarkana uusan ka tanaasuli doonin hal kursi oo kuraastaasi ka mid ah.

    Hasayeeshee waxaa arrintaas gaashaanka u daruuray maamulka gobolka Gedo oo sheegay in arrintaas ay u baahan tahay dib u heshiin maamulkaas laga dhex sameeyo, doorashaduse ay sideedii u dhacdo.

    Guddoomiyaha Gedo Axmed Buule Maxamed (Canjeex) ayaa goordhaweyd BBC-da u warramay.

    Qoraalka Codka, .
  8. Zelensky- Tobanaan kun oo qof ayaa lagu dilay Mariupol

    .

    Tobanaan kun oo qof ayaa loo badinayaa in lagu dilay koonfurta magaalada Mariupol tan iyo markii uu Ruushku ku soo duulay UKraine, sida uu sheegay madaxwayne Zelensky, oo ay soo xigatay wakaalada wararka ee Reuters.

    Kulan muuqaal ah oo uu la yeeshay sharci-yaqaannada Kuuriyada Koonfureed, ayuu ku yiri: "Mariupol waa la burburiyay, tobanaan kun oo qof ayaa ku dhintay, balse inkastoo ay taasi jirto, Ruushku ma joojinayaan weerarkooda".

    BBC-du ma xaqiijin karto sheegashada Zelensky, balse waxa la ogyahay ayaa ah in qaxootiga ka soo cararay magaaladaasi ee go'doonsan ay ku tilmaameen xaaladda halkaas ka jirta mid quus ah.

    Dhanka kale tirada dadka ku dhintay gantaalkii lagu weeraray xarunta tareenada oo ku taalla magaalada Kramatorsk ayaa gaartay 57 qof sida uu sheegay gudoomiyaha gobolka.

    La taliyaha madaxweynaha Ukraine Mykhaylo Podolyak ayaa u sheegay telefishinka qaranka in "Ukraine ay diyaar u tahay dagaallo waaweyn" oo ka dhan ah Ruushka.

    Waxa uu intaa ku daray in Ukraine ay ku qasban tahay inay dib u riixdo ciidamada Moscow ee ku sugan bariga Donbas, halkaas oo Moscow ay maamusho laba gobol oo gooni u goosad ah.

  9. Dibedbaxyo looga soo horjeedo xilka qaadista Imran Khan oo ka dhacay Pakistan

    .

    Dibedbaxyo looga soo horjeedo xilka qaadista ra’iisal wasaaraha Pakistan Imran Khan ayaa ka dhacay dalkaas.

    Imran oo waayay kalsoonida baarlamaanka ayaa waxaa la filayaa in lagu bedalo Shehbaz Sharif oo ay walaalo yihiin ra’iisal wasaarihii hore ee dalkaas, Nawaz Sharif.

    Si kastaba ha ahaatee, Imran Khan, oo taageerayaashiisa ay dibad-baxyo ka dhigeen guud ahaan magaalooyinka waaweyn ka dib markii xilka laga qaaday, ayaa weli ku andocoonaya in xilka qaadistiisa ay ahayd "shirqool shisheeye" .

    Waxa uu bartiisa Twitter-ka ku soo qoray in dadka dibad baxyada dhigayay ay ahaayeen dadkii ugu badnaa ee taariikhda Pakistan ee u soo baxa qof masuul ah.

    Ka bood X boggan
    Oggolow X macluumaadka

    Macluumaadkan waxaa daabacay X. Waxaan dalbanayenaa fasaxaaga ka hor inta aan la furin, waxaa laga yaabaa inay isticmaalayaan cookies iyo farsamooyin kale. hadii aad u bahato akhri X xeerarka cokie iyo kan ku saabsan xogta gaarka ah ka hor inta aadan aqbalin. si aad u aragto xogta guji ‘aqbal oo soco’.

    Digniin: BBC macluumaadka ku qoran bog kale masuul kama ahan

    Dhammaadka X boggan

  10. Labada musharrax ee Faransiiska kee u roon Soomaalida?

    Emmanuel Macron waxaa loollan adag doorashada ku galinaysa haweeneyda lagu magacaabo Marine Le Pen.

    Waxaa wareegga labaad ay wada galayaan haweenayda madaxda ka ah xisbiga midigta fog, taas oo lagu magacaabo Marine Le Pen, waxayna heshay 23.97%, halka Marcon uu heysto 27.7%.

    Kaalinta seddexaad waxaa soo galay musharaxa lagu magacaabo Jean-Luc Melenchon oo heley 21.7%. Musharaxan ayaa taageerayaashiisa u sheegay in aysan hal codna siinin Le Pen, balse sidaasi oo ay tahay ma uusan taageerin Macron.

  11. Cabsi laga qaba in uu sii xumaado dagaalka Itoobiya xilli taagantahay xiisadda Oromiya

    .

    Dagaal ayaa weli ka socda gobolka ugu dadka badan Itoobiya ee Oromia, kaas oo u dhexeeya ciidamada dawladda iyo jabhadda Oromada ee Liberation Army (OLA) .Waxaa sii kordhinaysa walaaca laga qabo amni-darrada ka sii daraysa ee koonfurta.

    Maamulka Oromiya ayaa sheegay in ay qaadeen weerar muddo bil ah socday oo ka dhan ah OLA, balse jabhadda ayaa sheegtay in ay guulo ka soo hoysay dagaalada.

    Odaa Tarbii oo ah afhayeenka OLA ayaa bartiisa twitterka ku soo qoray in ciidamada amaanka ee deegaanka Soomaalida ee dariska la ah la geeyay Oromia si ay gacan uga geystaan ​​dagaalka.

    Balse Abfikadr Rashid oo ah mas’uul sare oo ka tirsan maamulka Soomaalida oo la hadlay BBC-da ayaa ku gacan seyray eedeynta, balse waxa uu sheegay in ciidamada gobolkiisa ay geli karaan Oromiya haddii lagu casuumo.

    Waxaa jirta cabsi laga qabo in dagaallada ka socda koonfurta ay sii kordhiyaan qalalaasaha siyaasadeed iyo kuwa bini’aadantinimo ee dalka uu wajahayo.

    Waqooyiga Itoobiya, dagaal sokeeye oo socday muddo 17 bilood ah, ayaa sababay masiibo bini'aadantinimo oo baaxad leh, kaas oo ay ku dhinteen kumannaan qof, halka malaayiin kalena ay ku barakaceen.

  12. Suuqa Waahen oo maanta laga bilaabayo nadiifinta haraadigii waxyaabihii gubtay

    Dowladda hoose ee magaalada Hargeysa ayaa sheegtay in maanta ay suuqii gubtay ee waahen ay ka bilaabi doonaan nadifinta haraadigii waxyaabihii gubtay.

    ku xigeenka duqa magaalada Hargeysa Khadar Axmed Cumar ayaa BBC u sheegay in ay sidoo kale ay diyaariyeen goobo ay ku sii ganacsadaa ganacsatadii uu ka gubtay suuqa.

    Khadar Axmed Cumar ayaa wariyaha BBC Axmed badar ugu waramay ayaa ugu horeyntii sharaxaya sida ay u bilaabanayso howsha nadiifinta suuqa.

    Qoraalka Codka, .
  13. Ganacsade macaash badan ka sameeyay magacyada qabiilada Soomaalida

  14. Ruushka oo la yimid qorshayaal cusub oo ku aadan dagaalka Ukraine

    .

    Ruushka ayaa qorshihiisa dagaal hadda u weeciyay dhanka bari ee dalka Ukraine, halkaasi oo ciidamada Ukraine ay ku wajahayaan dagaal adag oo si weyn loo diyaariyay.

    Ciidamada Ruushka ayaa dib ugu gurtay bariga Ukraine, waxaana soo shaac baxay cabsi laga qabo tuulooyinkii ay ka baxeen.

    Falanqeeyayaasha ayaa aaminsan in cutubyada ciidamada ugu fiican ee Ukraine ay ku suganyihiin dhanka bariga. Ilaa hadda, ciidamada Ukraine ayaa si adag isaga caabiyay duulaanka Ruushka, balse waxaa laga yaabaa inay aad uga tiro badnaadaan ciidamada Ruushka.

    Saraakiisha Ruushka ayaa sheegay inay qorshaha ciidamadoodu uu hadda yahay "xoreynta dhameystiran" ee Donbas, iyaga oo si ballaaran u isugu fidinaya gobollada bariga Ukraine ee Luhansk iyo Donetsk.

    Dhulka bariga ayaa caqabado waaweyn ku keeni doona Ruushka marka ay soo weeraraan sida ay sheegeen falanqeyayaasha.

    La taliyaha madaxweynaha Ukraine Mykhaylo Podolyak ayaa u sheegay telefishinka qaranka in "Ukraine ay diyaar u tahay dagaallo waaweyn" oo ka dhan ah Ruushka.

    Waxa uu intaa ku daray in Ukraine ay ku qasban tahay inay dib u riixdo ciidamada Moscow ee ku sugan bariga Donbas, halkaas oo Moscow ay maamusho laba gobol oo gooni u goosad ah.

  15. Madaxweyne Qoor Qoor oo weli Baydhabo ku sugan

    Wafti uu hoggaaminayo madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye ayaa maalintii sedexaad ku sugan magaalada Baydhabo, halkaas oo uu wada xaajood kula leeyahay dowlad goboleedka Koonfur Galbeed kadib markii laga biyo diidey kuraas sedex ah oo guddiga doorashada ay soo celiyeen.

    Ma jiro wax natiijo ah oo kasoo baxay wadahadalka, iyada oo wararka qaar ay sheegayaan in aanan weli wax xal u muuqan kara aanan laga gaarin arrinta laga wada hadlayo ee kuraasta.

    Dhanka kale waxaa aad usoo dhow taariikhda loo qabtay dhaarinta xildhibaanada oo ah 14-ka bisha, taas oo shalay ay markale ku celiyeen Ra’isulwasaaraha iyo guddiga doorashada federaalka.

    Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor oo shir kaga qeybgalay Baydhabo
    Qoraalka sawirka, Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor oo shir kaga qeybgalay Baydhabo
  16. Macron iyo Le Pen oo wareegga labaad isla aadaya

    Waxaa soo baxday inta badan natiijada doorashada madaxtinimo ee Faransiiska, waxaana wareegga koowaad ku horeeya madaxweynaha haatan ee dalkaasi Emmanuel Macron, balse ma uusan helin codad ku filan, sidaasi darteed waxa la aadayaa wareeg labaad.

    Waxaa wareegga labaad ay wada galayaan haweenayda madaxda ka ah xisbiga midigta fog, taas oo lagu magacaabo Marine Le Pen, waxayna heshay 23.97%, halka Marcon uu heysto 27.7%.

    Kaalinta seddexaad waxaa soo galay musharaxa lagu magacaabo Jean-Luc Melenchon oo heley 21.7%. Musharaxan ayaa taageerayaashiisa u sheegay in aysan hal codna siinin Le Pen, balse sidaasi oo ay tahay ma uusan taageerin Macron.

    Macron
    Qoraalka sawirka, Macron
  17. Axmed Madoobe : 16 ka kursi ee Gedo oon soo bixin doorasho ma jirto

    Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam oo xalay la hadlayay xildhibaanada labada aqal ee federaalka ee dhowaan lagu doortay Kismaayo ayaa sheegay in inta ay maqanyihiin kuraasta 16-ka ah ee loo asteeyay in lagu doorto magaalada Garbahaarey.

    Axmed ayaa sheegay in uu doonayo in kuraastaasi doorashadooda ay u dhacdo qaab caddaalad ah oo tartan furan ah, ciddii rabtana ay isu soo sharaxdo, beesha caalamkana ay goobjoog ka noqoto.

    Waxa kale oo uu sheegay in uusan ogoleyn qorshe beesha caalamka ay usoo jeedisay oo ahaa in kuraasta la kala qeybsado.

    Madaxda Jubbaland
    Qoraalka sawirka, Madaxda Jubbaland
  18. Dowlad Deegaanka oo diiday go'aan quseeya dhar xirashada dumarka Soomaalida

    Xukuumada ayaa ka hadashay warqadii aan baahinay ee kasoo baxday wakaaallada korontada ee Jigjiga. Warqaddan wakaaladda kasoo baxday ayaa lagu sheegay in dumarka ka shaqaynaya xafiiska ay soo xidhaan saraawiil, oo aysan soo xiran dharka dhaqanka Soomaalida.

    Wasiirka warfaafinta,Abdukadir Rashid oo warqadaas ka hadlayay ayaa yidhi:

    "Warqadaas kasoo baxday xafiiska korontada ee laanta jigjiga waa warqad gaf ku ah dhaqanka, diinta iyo xuquuqda dadka soomaalida ah ujeedo siyaasadeedna laga leeyahay!Maanta ma ahan xilligi la is huwanaan jiray ee waa xilli uu dalka oo dhan ka jiro isbedel loo simanyahay:

    “Marnaba gor-gortan kama galayno gafkan talaabada ku haboona waan kaqaadaynaa!" ; ayuu yidhi Abdiqadir Rashid.

    Waxaan sugaynaa tallaabada ku haboon ee xukuumadu ka qaado shirkadda korontada oo hadal hayn iyo caro badan ka dhex dhalisay dadka.

    Dumarka Soomaalida
    Qoraalka sawirka, Dumarka Soomaalida