Wareysi: Xasan Aadan Samatar

Published
Xasan Aadan Samatar
Qoraalka sawirka, Xasan Aadan Samatar

Fanaanka Xasan Aadan Samatar ayaa marti u noqday barnaamijka Muusiga iyo Salaamaha ee BBC, oo khadka telefonka ayuu kaga qeybgalay isaga oo jooga dalka Holland.

Farxaan Maxamed Jimcaale oo telefonka kula hadlay heesaaga ayaa waxa uu uga warramayaa safarro dhawaan uu ku tagay dalal kala duwan sida Kenya, Imaaraadka iyo waddankan Britain.

Xasan Aadan oo muddo badan ay ugu danbeysay magaalada Nairobi ayaa waxa uu ka hadlayaa sidii loogu soo dhaweeyay iyo wixii uu ku soo arkay halkaasi.