Wareysi: Madaxweynaha Ximan iyo Xeeb
Published

Xigashada Sawirka, BBC World Service
Madaxweynaha maamul goboleedka Ximan iyo Xeeb Maxamed Aadan Tiiceey, oo soo booqday daartan Bush House ayaa wareysi uu siiyay BBC waxa uu kaga warramay socdaal uu ku marayo qaar ka mid ah dalalka Yurub.
Tiiceey waxa uu sheegay in ujeedada ugu weyn ee safarkiisa uu yahay sidii dadka Soomaaliyeed ee dibedda ku nool uu ugu dhiiri gelin lahaa inay wax u qabtaan dadka waddanka gudihiisa jooga ee dhibaatooyinka abaaruhu ay saameeyeen.