Wareysi: Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya
Published

Xigashada Sawirka, BBC World Service
Wasiirka Warfaafinta dowladda KMG ah ee Soomaaliya, Cabdulqaadir Xuseen Maxamed (Jaahweyn), ayaa sheegay in socdaan howlgallada kooxo uu u ku tilmaamay nabad diid looga xoraynayo gobollada Jubbooyinka.
Wasiirka ayaa sheegay in dowlada Soomaaliya iyo Kenya ay heshiis ku gaareen in tallaabo ay ka qaadaan al-Shabaab.
Waxaa kale oo uu ka hadlay xaaladda ammaanka ee magaalada Muqdisho oo uu sheegay in ay wax iska beddeleen muddooyinkan u dambeeyay.
Wasiirka oo nagu soo booqday studiyaha BBC ee London ayaa Farxaan Maxamed Jimcaale uga waramay marka hore xaaladda ammaanka Muqdisho.