Buug ka hadlayo Soomaalida Mareykanka oo la soo bandhigay

Published

Waxaa dhowaan lagu soo bandhigay dalka Mareykanka, buug uu qoray nin Soomaali ah, kaasoo oo uu cinwaan uga dhigay "Safarkii Mareykanka Sahankii Rajada."

Xamse Warfaa, waa qoraaga buugga, waxaana uu uga hadlay noolashii uu kusoo maray xeryaha qaxootiga ee Kenya, qaabkii uu ku yimid Mareykanka, iyo weliba sida uu heerka uga gaaray shaqadiisa, kaddib markii uu heer ka gaaray waxbarashada Mareykanka.

Xamse ayaa buugga ku qoray afka Ingiriisiga, waxaana la kulmay oo wareystay weriyaha BBC Maxamed Xaaji Xuseen Shiine, ugu horayna waxa uu weydiiyay waxa ku kalifay in uu qoro buuggan.