Dr Osman Dufle oo abaalmarin la guddoonsiiyay

Published
Dr Cismaan Maxamuud Dufle
Qoraalka sawirka, Dr Cismaan Maxamuud Dufle

Magaalada Palermo ee dalka Talyaaniga waxaa abaalmarinta Akadeemiyada Caalamiga ee Giuseppe Pitre oo qaabilsan cilmiga dhaqanka iyo is-fahamka bulshada, lagu guddoonsiiyay Dr Cisman Maxamuud Dufle oo ka mid ah dhakhaatiirta Soomaaliyeed ee ka shaqeeya Soomaaliya.

Dr Dufle oo ka mid ah dhakhaatiirta aan dalka ka bixin tan iyo burburkii dawladii somalia oo ku dhex shaqeynayay,wuxuu ka mid ahaa dadkii furay kuliyadda caafimaadka jaamacadda Banaadir,oo uu wax ka dhigo.

Abaalmarinta wuxuu uga waramay wariyaha BBC Farxaan Maxamed Jimcaale oo ku wareystay khadka telefoonka Talyaaniga.