Somaliland: ardaydii ugu badnaa oo imtixaan u fariistay
Published
Somaliland, ardadii ugu badnayd oo gaareysa in kabadan 23 kun oo arday ayaa maanta u fariisatay imtixaanka shahaadada fasalka 8-aad ee dugsiyada dhexe iyo fasalka 4-aad ee dugsiyada sare ee sanad-dugsiyeedkan.
Weriyaha BBC ee Hargeysa Axmed Saciid Cige ayaa maanta tegay dugsiyada imtixaanku ka socdaan ee Hargeysa qaarkood oo la hadlay macallimiinta iyo ardadaba, kadibna warbixintan nooga soo diray.