Kenya oo joojisay ardeyda cusub ee xadka ka soo gudba
Published
Dowladda Kenya waxa ay go'aansatay in ardeyda cusub ee ka soo gudbaya xudduuda ay lawadaagto Soomaaliya iyo Itoobiya aan loo ogolaan in laga diiwaan geliyo iskuulada gudaha Kenya ku yaalla.
Go'aankan waxa uu saameynayaa ardeyda dhanka Soomaaliya iyo Itoobiya ka imaanayay, gaar ahaan kuwa cusub ee doonaya inay hadda ku biiraan iskuulada.
Ismaaciil Barow oo ah agaasimaha waxbarashada u qaabilsan Mandera ayaa Axmed Xaji arrintaasi uga warramay.