Waxyeelada dabka oo Hargaysa ku soo badanaysa

Published

Xaafadaha magaalada Hargeysa oo sii ballaaranaya maalinba maalinta ka danbeysa ayaa waxaa ku soo batay shilalka dabka.

Waaxda dabdamiska waxay sheegtay in ku dhowaad laba boqol oo dab oo ka holcay Hargeysa ay u gurmadeen oo damiyeen sanadkan 2015 oo keli ah.

Korneyl Axmed Maxamed Xasan (Axmed Sawaaxili) oo ah taliyaha ciidanka waaxda dabdamiska ayaa BBC u sheegay in waxyaabaha sababa dabka ay ka mid yihiin korontada, iyo girgirayaasha cuntada lagu karsado oo dabka lagaga seexdo.

Wuxuu sheegay in dababka u khatarsan ee soo maray inkastoo khasaare nafeed aanay geysan ay ka kaceen laba kaalmaha shidaalka ee waaweyn ah oo ku dhex yaalla xaafadaha Hargeysa.

Taliye Axmed Sawaaxili wuxuu intaa ku daray in ay soo dejinayaan sharci maamnuucaya in xaafadaha dhexdooda laga sameeyo kaalin shidaal.

Warbixin arrintaasi ku saabsan waxaa Hargaysa inooga soo diray weriyaha BBC Axmed Saciid Cige.