Daadad saameeyay deegaanka Bareeda ee Puntland
Published
Waqooyiga bari ee Soomaaliya ayaa waxaa tan iyo todobaadkii hore soo maray cimilo qallafsan oo isugu jirta duufaanno iyo roobab mahiigaan ah oo dabaylo wata.
Waxaa ugu dambaysay duufaantii MEGH oo maalmihii la soo dhaafay ku dhufatay deegaannadaas.
Haddaba khasaaraha duufaantaas waxaan ka waraysannay guddoomiyaha deegaanka Bareeda oo duufaantu ay ku dhufatay Saciid Yusuf Diiriye. Axmed Xaji Xasan u warramay.