Siddee isku aragtaa?

Published

BBCdu waxay wadaa barnaamijyo taxane ah oo ku saabsan haybta qofka yaad u dhalatay maxaad isu aragtaa, xagee asal ka soo jeedaa ma halkii waalidkaa ku dhashay, mase halka aad adigu ku dhalatay ama ku kortay.

Haddaba daartan xarunta u ah BBC ee London waxaa marti noogu ahaa saddex gabdhood oo Soomaali ah, oo ku dhashay ama ku koray Ingiriiska waxna ku bartay.

Wa kala yihiin Farhia Mohamed Diiriye, Sucaad Ahmed Mohamuud iyo Farah Abuukar. Abdiraxamaan Bidhaan ayaa wareystay oo kala sheekeystay mawduuca.