Fekerka ka dambeeya barta Somali Faces
Published
Wixii ka dambeeyay burburkii dowladdii dhexe ee Soomaaliya, Soomaali badan ayaa u kala hayaamay daafaha caalamka, halka da' yar badana ay ku dhasheen dibedda dalka.
Sanadihii dambe waxaa soo baxayay dhalinyaro qurba joog ah oo ku dadaalaya sidii ay u wanaajin lahaayeen aragtida laga qabo dadka Soomaalida ah.
Maxamed Ibraahim Shire, oo ku nool magaalada Leicester ee dalka Britain, waxa uu ka mid yahay asaasayaasha bar internet-ka ah oo lagu magacaabo Somali Faces, taasoo lagu soo bandhigo sheekooyin dhiiragelin leh oo ku saabsan shakhsiyaad Soomaali ah.
Farxaan Maxamed Jimcaale ayuu uga warramay waxa ku kalifay in ay sameeyaan bartan.