Abwaan gabay ka tiriyay tahriibka
Hay'adda xuquuqda aadanaha u dooda ee Amnesty International ayaa baahisay tusmo muujineysa qaabka ay dalalka caalamka usoo dhaweeyaan qaxootiga.
Waxaa kaalinta koowaad galay dalalka Shiinaha, Jarmalka iyo UK, halka Ruushkana uu ugu hooseeyo.
Baaritaanka ay hay'adda sameysay ayaa lagu wareystay 27 kun oo qof oo ku kala nool 27 dal, kuwaasoo la waydiiyay in ay ogolyihiin in qaxooti ay ku martigeliyaan dalkooda, magaalada ay ku dhasheen ama guryahooda.
Haddaba Soomaali badan ayaa ka mid ah qaxootiga caalamiga ah ee hareeyay siyaasadaha dalal badan.
Dhalinyarada ayaa u badan dadkaasi dalalka kale qaxootiga ku ah, waxaana badankood ay sheegaan in saboolnimo ka carar ay ku kalifto in ay waddamada qalaad u tahriibaan.
Sadiiq Ismaaciil Hiiliye, waa abwaan da'yar oo ku nool dalka Sacuudi Carabiya, waxaana uu gabayo dhowr ah ka tiriyay tahriibka, asagoo sheegaya in haddii Soomaalidu ay dhulkooda u dadaalaan ay gaarsiin karaan horumar la mid ah Yurub iyo Mareykanka.
Abwaan Hiiliye ayaa Suheyba Maxamed Badqas u warramay.