Taliyihii ku xigeenkii ilaalada madaxtooyada Soomaaliya oo la dilay

Xigashada Sawirka, AFP
Published
Wararka ka imaanaya Muqdisho ayaa sheegaya in taliyihii ku xigeenkii ciidamada koofiya casta ee ilaalada madaxtooyada la dilay.
Askeri ka tirsan ciidamada madaxtooyada Soomaaliya ayaa toogtay taliyaha sida uu BBC-da u sheegay agaasimaha warfaafinta madaxtooyada Shadoor Xaaji.
Illaa iyo hadda ma cadda sababta uu askeriga u dilay Cabdi Cabdulle Qoorgaab, taliyihii ku xigeenkii ilaalada madaxtooyada.
Wararka qaar waxa ay sheegayaan in rasaasta ka dhacday gudaha madaxtooyada uu sidoo kale ku dhaawacmay askari kale.



















