Gargaar loo waday qaxootiga Rohingya oo la hor istaagay

Dooni gargaar sida
Qoraalka sawirka, Dooni gargaar sida
Published

Booliiska Myanmar ee gobolka Rakhine ayaa rasaas kor u riday si ay u kala cayriyaan dad haysta diinta Buudistaha oo doonayay in ay hor istaagaan Doon gargaar siday.

Doonta ayaa ku sii jeeday wuqooyiga dalkaasi oo ay rabshado ku dhufteen halkaasi oo howlgalo ay militariga sameeyeen uu ku qasbay boqolaal kun oo qof oo ah Muslimiinta Rohingyain in ay qaxaan.

Dibad baxayayaasha ayaa bambaanooyiinka laga sameeyo batroolka ku tuuray Doonida,waxa ayna saraakiisha dalkaasi sheegeen in dad loo xiray arrintan.

Sargaal hadlay ayaa sheegay in dadkani dhigayay isu soo baxa ay u malaynayeen in gargaarka loogu talagalay dadka Rohingya oo kali ah.

Hay'adaha gargaarka ayaa waxa ay sheegeen in dadka Rohingya ee u qaxay Bangladesh iyo kuwa ku haray gobolka Rakhine ay u baahan yihiin gargaar degdeg ah.

Muslimiinta Rohingya ayaa ah dad looga tira badan yahay dalka Myanmar,waxaana dalkaasi u badan dadka Buddhistaha.

Dowlada Myanmar ayaa dadkan u diiday dhalashadii dalkaasi ,waxa ayna aaminsan tahay in ay yihiin dad soo galooti ah oo aan dalkaasi u dhalan.