Ololaha wacyigalinta Kansarka naasaha oo Muqdisho ka billowday

Qoraalka Codka, Ololaha wacyigalinta Kansarka naasaha oo Muqdisho ka billowday
Published

Koox Dhakhaatiir ah ayaa magaalada Muqdisho ka bilaabay ololaha bisha wacyigalinta cudurka Kansarka ee ku dhaca naasaha, kaas oo loogu talagalay in dumarka looga warramo khataraha cudurkan iyo sida looga hortagi karaba.

Mudada uu socdo ololahan waxaa la tagi doonaa jaamacadaha, isbitaallada iyo xeryaha dadka gudaha ku barakacay.

Waxaa kaloo goobahaas dumarka loogu samayn doonaa baaritaano la xiriira cudurka Kansarka ku dhaca naasaha.

Haddaba Dr Caasha Cumar Kablow oo horkacaysa barnaamijkan ayaa u warrantay weriyaha BBC-da ee Muqdisho Ibrahim Maxamad Aadan oo ka qaybgalay daahfurka ololahan, wuxuna marka hore weydiiyay waxa uu ololahani qabanayo?