Maxkamadda Hargeysa oo xukun ku ridday dadka jarayay dhirta
Published
Magaalada Hargeysa, maxkamadda degmada ayaa markii ugu horreysay xukun isugu jira xadhig iyo ganaax ku ridday dad lagu helay inay gooyeen dhir fara badan oo ay ka ganacsanayeen amaba dhuxul ka shidanayeen miyiga koonfurta Hargeysa.
Guddoomiyaha maxkamadda degmada Hargeysa garsoore Cabdirashiid Maxamed Xirsi ayaa faah-faahin ka bixiyay xukunkan iyo sharciga ilaalinta deegaanka ee ay u cuskadeen, wuxuu u warramay weriyaha BBC ee Hargeysa, Axmed Saciid Cige.