Tababaraha Wales oo raba in ay taariikh cusub sii sameeyaan

Chris Coleman waxaa dhaawac kaga maqan Gareth Bal oo naadiga Real Madrid u ciyaara
Qoraalka sawirka, Chris Coleman waxaa dhaawac kaga maqan Gareth Bal oo naadiga Real Madrid u ciyaara
Published

Tababaraha xulka Wales, Chris Coleman ayaa doonaya "in jiilkiisa dahabka ah" ay iska iloobaan guulihii ay hore u soo hoyiyeen, marka ay iska hor yimaadaan Jamhuuriyadda Ireland oo ay iskaga hor imaan doonaan Isniinta ciyaar Koobka Adduunka loogu soo baxayo.

Coleman ayaa Wales u horseeday in ay gaarto afar dhammaadkii koobkii Qarammada Qaaradda Yurub ee sannadkii 2016kii 58 sano ka dib.

Haddii ay ciyaarta Isniinta badiyaanna waxay iska xaadirin doonaan Koobka Adduunka oo ay ugu dambaysay sannadkii 1958dii.

"Ma jiraan wax ay ciyaartoydu ka cabsadaan," ayuu yiri Cloleman. " waxay ila tahay labada kooxoodba waxay isku dayi doonaan in ay guulaystaan.

Xulkii badiyaaba ugu yaraan kaalinta labaad ayuu ka gali doonaa horrinta ay ku wada jiraan ee D, haddii ay barbaro galaanna Wales ayaa boos kaas labaad heli doonta, waxayna u badan tahay in ay fursad u hesho hardan kale oo ay ugu soo bixi karto Koobka Adduunka ee Ruushka lagu qabanayo 2018ka.